Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh ” oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankuus ahaa “is khilaafka iyo raadkiisa xun”

Nadwda ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ayaa gashay caawa habeenkii Lixaad oo xidhiidh ah waxayna Nadwadani tahay tii Lixaad ee Masjidka lagu qabto , waxaana darsiga Caawa soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Bookh” oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” is khilaafka iyo raadkiisa xun”. (Daawo Sawirada)

Sheekh Xasan Maxamed Muuse “ Bookh “ waxa uu ugu horeyn inta uusan galin Mowduuca uu sheegay in ugu horeyn uu Sharax guud ku sameyn doono Ciwaanka uu sito darsiguusu intaa kadiba uu  u gali doono mowduuca  xidhiidha la leh  iyo halka uu ka soo galayo ciwaanka nadwada mowduuciisu  , wuxuuna intaa kadib Sheekh Xasan Maxamed Muuse uu sheegay in mowduuciisu uu inahaa ku soo koobi doono.

Sheekha waxa uu sharax guud uu ku sameeyay Ciwaanka uu wato darsigiisa  wuxuuna xusay in is khilaafka uu yahay kala firkir duwanaanshaha labada qof ayna soo hoos galayaan is khilaafkaasi waxyaabo badan oo muujinaya khilaafka  , wuxuuna intaa kadib Sheekh Xasan Bookh uu soo qaatay Aayaad ka hadlay is khilaafkii umadihii hore iyo wixiii ay ka dhaxleen isk khilaafkoodii iyo waxa ay ka dhaxleenba .

Sheekhu waxa uu sheegay in Khilaafka lagu tilmaami karo in uu ka mid yahay calaamadaha Mushrikiinta  Diintuna ay ka digtay is Khilaafka ayna sidoo kale cadeysay waxa ka dhalanaya is khilaafka iyo natiijada uu leeyahayba , wuxuuna Sheekh Xasan bidhaamiyay in is khilaafku uu lidi ku yahay midnimadii Umadda uuna dhaxalsiinayo in ay Ummaddu kala tagto ayna noqoto mid kala xidh xidhan.

Sheekh Xasan Bookh waxa  uu intaa kadib soo qaatay sharxidaa Aayaad ka hadlaya khilaafka iyo Axaadiis uu Nabigu SCW ugu hadlay khilaafka , wuxuuna Sheekh Xasan xusay in Dadku ay waligood isa soo khilaafi jireen arintaasina ay ka mid tahay sunanta Alle , wuxuuna intaa kadib uu Sheekh Xasan soo qaaday Xadiis Nabiga SCW ka suganaaday oo uu ku sheegay in Ummadan ay u kala qeybsameyso ilaa 73 qeybood kala qeybsankaasina uu ka dhashay is khilaafkooda .

Sheekhu waxa uu sheegay intaa kadib in wixii la isku khilaafo ay waajib tahay in  loola noqdo Diinta , dhinaca kale waxa uu Sheekhu uu tibaaxay in Ummadda is khilaafkeedu uu yahay Musiibo , waxa uu intaa kadib Sheekhu uu xusay in Qofka ama shakhsigu uu ku si foobi karo xaalad xun iyo xaalad wanaagsan oo wada jira  loona baahan yahay in qofka waxa uu ku wanaagsan yahay laga qaato ama looga daydo wixii uu ku xun yahay ama uu ku khaldan yahayna laga tago si aan loogu dhicin xumaanta uu ku sifoobay .

Sheekhu waxa uu intaa kadib uu sheegay in Khilaafka uusan qofna ka bad baadeyn ilaa qof uu Ilaahay ka bad baadiyay mooyee , wuxuuna sidoo kale xusay in mar walba loo baahan yahay in laga fogaado wixii keeni kara is khilaaf iyo kala tag.

Sheekh Xasan waxa uu sheegay in Khilaafku uu u qeybsamo ilaa dhowr qeybood , wuxuuna ka tilmaamay  in uu yahay khilaaf Mofhum ah “ mid fikirka ah “  wuxuuna inta kadib uu si faah faahsan ugu hadlay qeybaha khilaafka iyo waxyaabaha ay ku sifaysan yihiin kuwooda xun iyo kuwooda dhex dhexaadka ah iyo kuwooda la qaadan karo marka laga eego xagga waxa uu xambaarsan yahay ee faa’iido ah.

Sheekhu waxa uu xusay in khilaafka ka dhaxeeya Ahlu Kitaabka “ Yuhuud iyo Nasaaro “ iyo Muslimiinta uu yahay mid ku salaysan xagga diinta Ilaahayna uu arintaas ugu hadlay Kitaabka Quraanka Kariibka ah colaadka ay “Yuhuuda iyo Nasaarada “ ay u hayaan Muslimiinta ay tahay mid ku ah sidii ay iyaga ugu soo biiri lahaayeen khilaafkaasina uu yahay mid waligiiba taagan Ilaa Qiyaamaha .

Waxa  uu inta kadib uu Sheekh Xasan Bookh uu wax ka tilmaamay waxyaabaha keenaya khilaafka kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay ka mid tahay fikirka laga qab si ahaan ama lagu kala fakir duwaanado sheyga waxa ka dhalanaya iyo waxa uu keenayo .

Sheekhu waxa uu ugu dambeyntii mowduuca ku soo gaba gabeeyay talooyin guud oo uu Ummadda u soo jeediyay wuxuuna bidhmaamiyay dadkana ku booriyay in dadku ay ka fiirsadaan dadka ay hadalkooda qaadanayaan hadii uu saxan yahay iyo hadii uu khaldan yahay , wuxuuna intaa kadib carababay Sheekhu dadkana uu ku booriyay in wanaagsan tahay in la iska ilaaliyo wax khilaafka sidoo kalena lag dadaalo sidii diinta loo baran lahaa si wacyi looga qaato  qofku waxa uu aaminayo iyo waxa uusan aaminayn .

Intaa kadib sidii caadadu ahayd su’aalaha Fataawada waxaan Caawa Su’aalaha ka jawaabay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , Sheekh C/Naasir Xaaji Axmed iyo Dr Axmed Xaaji C/raxmaan , waxayna Culimada caawa ka jawaabeen su’aalaad fara badan oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda .

Bidix -Sheekh Xasan Bookh -Midig Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh C/shakuur Aadan Farax

Bidix -Sheekh Xasan Bookh -Midig Xidhiidhiyaha Nadwada Sheekh C/shakuur Aadan Farax

Sheekh Xasan Maxamed Muuse "Bookh' oo Darisga Sharxaya

Sheekh Xasan Maxamed Muuse "Bookh' oo Darisga Sharxaya

Bidix - Dr Axmed Xaaji C/raxmaan -Midig Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Bidix - Dr Axmed Xaaji C/raxmaan -Midig Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawabaaya Su'aalah Fataawada

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawabaaya Su'aalah Fataawada

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka jawaabaya Su'aalaha Fataawada

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka jawaabaya Su'aalaha Fataawada

Dr Axmed Xaaji oo ka Jawaabaya Su'aalaha Fataawada

Dr Axmed Xaaji oo ka Jawaabaya Su'aalaha Fataawada

dadka oo nadwada dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya

dadka oo Nadwada dhageysanaya

dadka oo Nadwada dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. asalaamu calykum waxaan salaamyaa dhamaan culimada kashaqaysa webkan aadiyo aad ayaad umahadsan tahiin markasta oo aad wax wacan soo jee disan ba

    c/rashiid aadan | Dec 13, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo