Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee M. Qardho caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “ waajibnimada isku Xukumidda Kitaabka Alle “

Sheekh C/naasirNadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar kaar ayaa caawa gashay habeenkii Shanaad oo xidhiidh ah waxaana Darsiga caawa soo jeediyay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo soo jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “ waajibnimada isku Xukumidda Kitaabka Alle  (Daawo Sawiradda)

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu ugu horeyn si kooban ugu hadlay ciwaanka Mowduuca wuxuuna si kooban oo cilmiyaysan uu sharaxaad ugu sameeyay ciwaanka Mowduuca ,wuxuuna intaa kadib Sheekh C/naasir u galay sharxida qeybaha uu ka koobnaan dono Mowduuciisa.

Sheekh C/naasir waxa uu intaa kadib sheegay in Shareecada Islaamka ay tahay mid gaar la ah Afar waxyaabood oo kala ah in ay tahay mid saban walba “ Wakhti walba “shaqeynaysa , Shumuuliyad “ Kulmin” , mid baaqi ah ilaa Qiyaamaha inta laa gaadhayo .

Sheekhu waxa uu intaa kadib shaxay Erayga “وجوب التحاكم ” wuxuuna Sheekhu intaa kadib uu ku dheeraaday micnaha Eraygaas wuxuuna daliilo u soo qaatay Aayaad Quraanka Kariimka ka mid ah iyo Axaadiis Nabiga SCW ka Sugnaatay.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu intaa kadib uu u galay ka hadlida waajibnimada isku xakumida Shareecada Islaamka , wuxuuna Sheekhu tibaaxay in Diintu ay tahay mid meel walba soo galaysa loona baahan yahay in la dabaqo Shareecada waxa ay sheegayso .

Waxa uu Sheekh C/Naasir Xaaji Axmed uu sheegay in ay Isku xakumidda Shareecadu ay tahay mid ay waajib ka dhigeen Ilaahay SW iyo Nabigiisa Muxamad ah SCW , wuxuuna Sheekhu xusay in Ilaahay oo loo Xukun tagaaye ay soo hoos galayso Towxiidul Uluuhiya .

Sheekh C/naasir waxa uu sheegay in ay waajib tahay in la isku xukumo ama loo xukantamo Sharaacada Islaamka wuxuuna soo qaatay Sheekhu Ayaad Quraanka Kariimka ah ka mid ah iyo Axaadiis Nabiga SCW ka sugnaatay iyo sidoo kale qaar ka mid ah Hadaladii ay isku xukumada shareecada ka dhaheen Culimadii Salafka .

Sheekh C/Naasir waxa uu sheegay in Shareecada Islaamka ay xaarameysay waxyaabaha dadka noloshooda iyo dhaqankoodaba dhibka ku ah wuxuuna xusay in Wadamo badan oo gaalo ah ay imika ka sheegayaan in Shareecada Islaamku ay tahay mid dhowrtay nolosha Bini Aadamka ah sidoo kalena ugu digtay wax alaala wixii caqabad muuqada iyo mid dadbanba ku ah Noloshiisa .

Sheekhu waxa uu intaas kadib tibaaxay in dadku ama bulshadu ay midoobayso hadii ay shareecada Islaamka isku dhaqaan ayna tahay wadad kaliya ee bulshada isku keeni karaysa hadii ay arintaas ka shaqeeyaan , wuxuuna dhinaca kale tilmamay in sababta loo dalbayo in la isku dhaqo sharaacada Islaamka ay tahay in laa nabad galo cadhada Alle iyo in la helo raali ahaanshihiisa .

Sheekhu waxa uu carabaabay in Duulaanada kala duwan sida kuwa maskaxda , dhaqaalaha , iyo kan Military ee ay Reer Galbeedku ku soo qaadeen Caalamul Islaami “ Dunida Muslimka “ ay carqalad ku keentay ku dhaqankii shareecada Islaamka yio fahamkii dadku ay diinta ka heysteen , wuxuuna Sheekh C/naasir uu dhinaca kale tilmamaay in Reer Galbeedku ay Wadamada Muslimka ah ay u soo direen Dad la dhoho Mustashqiriin dadkaasina ay yihiin kuwa si xeel dheer u barta qeybaha ay ka kooban tahay Diintu sida Quraanka iyo Sunaha sababta ay u baranayaana ay tahay sidii ay tashwiish iyo khaladaal ugu dhex beeri lahaayeen Caqiiqda , wuxuuna Sheekhu xusay in dadkaas ay Reer Galbeeku soo dirsadeen ay ku hungoobeen ay in wax yar xataa ka badalaan Caqiiqada wuxuuna Sheekhu sheegay in Diintu ay tahay mid dhowran Ilaahayna uu Kitaabkiisa Munasalka ah ku sheegay kuna yidhi “ إنا نحن نزلنا الذكر وإنا له لحافون “ .

Sheekhu waxa uu sheegay in sida looga hor tagi karo dharaha ay reer galbeedku wadaan ay tahay in Culuumta Diiinta lagu dhigo Iskuulada , Macaahidda , iyo Jaamacaadka si looga hor tago isku daya ay wadaan Reer Galbeedku.

Sheekhu waxa uu intaa kadib sheegay in maamulada jira looga baahan yahay in ay wacyi fiican ka qaataan Shareecada ama dhinaca kale ay aqabalaan in Culimada ay wax ka barto Diinta ayna iska daayaan isla waynida iyo Madax taaga, wuxuuna Sheekhu nasiib daro ku tilmamay in dad isku sheegaya Qaanuun yaqaan kuna faanaya marka diinta wax laga waydiiyo uu dhoho waxba kama aqaano marka lagu yidhaahdo sharaacada barana ay dhahaan qaanuunka aan aqaano iyo shareecadu isma qaadi karaan .

Sheekh C/Naasir Xaaji Axmed waxa uu soo qaatay Ayaaadka xidhiidha ee ku jira Suuratul Maa’ida ee kala ah “ ومن لم يحكم بما انزل الله فأؤلئك هم الكافرون “– ” ومن لم يحكم بما انزل الله فأؤلئكهم الظالمون “– “ومن لم يحكم بما انزل الله فأؤلئك هم الفاسقون “ wuxuuna Sheekh C/naasir Sharaxaad dheer ku sameeyay Micnaha Aayaadkaas ku jira iyo Micnaha ay xambaarsan yihiin .

Sheekh C/naasir waxa uu intaa kadib uu soo qaatay hadaladii ay Culimada Salafku ka dhaheen Micnaha ay xambaarsan yihiin Ayaadkaas , wuxuuna Sheekhu tibaaxay in loo baahan yahay in dhug loo yeesho waxa ay Aayaadku ka hadlayaan ,sidoo kalena loo baahan yahay in dadku ay mar walba ku dadaalaan arimaha la xidhiidha diiintooda sidoo kalena ay isku taxalujiyaan .

Darsiga uu oo jeediyay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxaa Tacliiq yar oo Mowduuca la xidhiidha ku lifaaqay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo sheegay in Sheekh C/naasir darsiga uu jeediyay uusan ka daba tageyn balse uu dhinac kale wax ka tilmaamayo , wuxuuna Sheekh C/qaadir xusay in maamulada jiraayi ay mar walba ka dhawaajiyaan in ay diyaar u yihiin in shareecada la isku xakumo balse aysan ka dhabeyn karin waayo buu yidhi Sheekh C/qaadir dabaqidad Shareecada iyo maqaasideeda si wanaagsan uma garanayaan , wuxuuna Maamulada ku booriyay in ay lagama maar maan tahay in shareecada la isku xukumo , wuxuuna Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu bidhaamiyay in ay dhibaato tahay intii Shareecada Islaamka laga tago in la dhoho waxaan isku xakumaynaa qawaaniin ay dad sameeyeen lana sheego in xeerka la isku xukamayaayi uusan ka hor imaneyn Shareecada Islaamka .

Sidii caadadu ahayd waxaa inta kadib la galay ka jawaabidda su’aalaha Fataawada ah ee ay Culimada Nadwda ka qeyb galaysa ay soo waydiiyeen Dadka Nadwada la socda waxaana su’aalaha caawa ka jawaabay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , Sheekh Daahir Aw Cabdi iyo Sheekh Maxamed Macalin Axmed.

Sheekh C/naasir

Sheekh C/naasir

Dadka Dhageysanaya Nadwadda

Dadka Dhageysanaya Nadwadda

ka soo qeyb galayaasha Nadwadda

ka soo qeyb galayaasha Nadwadda





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

9 Comment(s)

  1. waxaan mahad u soo jeedinayaa shiikha geesiga ah ee reer sool shiikh c/naasir xaaji amxmed ilaahay ha dhawree,
    waxaana leeyahay shiikhaas halagu daydo , reer sool na waxaan leeyahay war shiikhiina ayaa culumada ugu horreeya hadda uguna geesisan marka xaqa laga hadlayo ee shiikhiina ku adkaada oo ilaashada oo wax ka barta

    ismaaciil | Jul 21, 2009 | Reply

  2. fadlan iyadoo codah noo soo gudbiya

    daauud | Jul 21, 2009 | Reply

  3. Asw.Wabarakatuhu.
    waxaan. salaamayaa,culmada,shacabka somaliyeed
    iyo tifaraha somalimirror waa,sh,A,xasan allaha sub,xaana,allahu watacaallaa dhammaan culumadeena ah ka abbaaliyo dadaalkooda fidita diinteena xanfiikaa.waxaan idinka salaamayaa wadanka Dk.Allaha baa mahad leh waana talo saaraney.

    Cabdullahi ciise Oog. | Jul 21, 2009 | Reply

  4. Salaamu calaykum Waraxmatullahi wabarakaatuhu:

    Allaa mahadleh,intaa kadib waxaan leeyahay Ilaah ummada ha u dhowro Culimadda Waqtigana Ha u siyaadiyo,, Sheekh Abdinasir Xaaji axmed ilaah Cilmiga ha u sii siyaadiyo,Maxaayeelay Malaayiin ruux ayuu waxbaray Diinta Allena Sheegay, Markii dalka iigu danbaysay Waxan ka marsaday Kutub Ladhaho Siyaasatu Sharciya Waa Rammadan tii Ina dhaaftay Haddana Waxan ku noolahay Cariga Malaysia Insha-Allah Hadii waqtigu ii samaxo Marka aan Bachelor degree Sooqaato waan waxkabaranaa Shiikha.
    Abdinasir Sulieman Sancad Kualalumpur Malaysia.

    Walaal Wiilka Sh. amanaya waa mahadasanyahay Wuuna Mutaystay amaanta,, Haddii wax Fiicansheegayna Waa Geesi Ilaahay da’cwadiisa umada Usheegaya.

    Salamu calykum.

    Abdinasir Sulieman Osman | Jul 21, 2009 | Reply

  5. Culimadu waymahadsanyihiin ilaahayna haka abaalmariyo wanaaga ay umadda usheegayaan
    walaakin waxaa muuqata inberyahandanbe uu madmadow sookaladhexgalay Culimada iyo dadbadan oo somaliyeed taasoo loo aanaynayo in ayculimadu aytanaasul kamuujiyeen diinta islaamka iyadoo weliba dadka kabiyo diidsani ee ku eedaynayaan in aybaqeen oo ay isyiraahdeen kolay wadankan waxaa qabsanaysa gaalee yaan laydinlayne wax xuja aha horumarsada wax uun aad kunabad gashaan berito kamaalin oo waamxay dee waanagii lahayn waxa xamarkasocdaa jahaad maahee maxaad nagulaynaysaan

    weheliye | Jul 21, 2009 | Reply

  6. A/S/C
    Walaalayaalm aad baad ugu mahadsan tihiin sida wacan ee aad noogu soo gudbisaan Nadwooyinka Diiniga ah waxaan aad aan ujclaan lahayn inaad aad isku daydan inaad inoo soo gudbisaan muxaadaaad kasta oo ka dhacada gudaha wadanka somalia iyadoo cod ah xaqiiqdii sidaan rajayanayo dhib malaha in la helo walaal waxaana illah aan idinkaga rajenayaa inuu idinka baal marin doono maalinta qiymaha

    Kheyr Doon | Jul 21, 2009 | Reply

  7. asalaamu calaykum wraxma

    salaan adib ilaahbaa mahad leh rassuulkiisii maxamed scw ayaa sharaf leh
    intaas kadib waxaan mahad usoo jeedinayaa culimada islaamka ee ku taagan dariiqii alle iyo rasuulkiisa kana run sheegaya aana ku xadgudbayn oo banaysanayn waxaan alle kitaabkiisa ku banayn meelkastoo ay joogaan ilaahayna waxaan uga baryayaa in ilaahay cimrigooda u barakeeyo camalkoodana alle maqbuul uga dhigo sacyigoodana alle mid midha dhal leh ka dhigo wuuna dareemi karaa ardayda ka aflaxday culimadda ilaa intii soomaaliya burburtay waxaan kusoo khatimayaa culimadda haloo duceeyo oo hala ilaaliyo oo wax hala siiyo ma aha in culimada diinna laga sugo inay faafiyaan waxna aan lagu tarin gaar ahaana raggii ka aflaxay culimadda waxaan leeyahay culimadda hadyado iyo dhaqaale hooseba halagu taakuleeyo
    wabilaahi atowfiiq

    dirir | Nov 22, 2009 | Reply

  8. A/C
    walal yaal waa inasalaamay salaankadib aad ayaad umahadsantihiin warbixintaa maxadarada islamka ah aad nosoogubdisaan markasta walalyaal anigu waxaan jooga ugand city kampala waxaan mahad ucelinayaa culumada somlia iyo dhamaan dadkii ka qeby qaatay iyo radio ah diiniga ee somalimirror iyo shaqaalaha dhamaanka shaqeya walla waxaan inaga codsanaynaa in aad noo soo gubdisaan dhamaan madarada lagu qabto somalia meelkasto ayhay

    my faysal abshir nor dhagaweele | Feb 11, 2010 | Reply

  9. A/S/C
    fiktadayduu waa culumadu maxayka sheegeen kooxa kadagaalama dalka somalia gaar ahaan goofur ? sida alshabaab and xisbulslam and dawlada and ahelosuna kuwa sheegtay ?
    fikir kadib waxaan mahad ucelinayaa culumada somalia dhaman meelkasto ay joogan mahad sanidiiin ?
    waxaan kalo inaka codsanaynaa in aad soo soo gubdisaan maxadarakasto oo ka dhacda dalka somalia kudihiisa thanks alot from kamlapa

    my faysal abshir nor dhagaweele | Feb 11, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo