Xasan Maxamad Ibraahim
Sidii ay dooddii dhismaha qubuurtu u dhex martay sheikh muriiddi iyo sheikh nuur mowlaca sheikh muriiddi iyo xaafadihii uu ku yaallayba waxaa aad la isula dhex marayay hadalladii labada sheikh, waxaana dadka ma hadho ku noqotay dhiirranaanta sheekh nuur iyo sida uu sheekhii muriiddi ahaa ugu jilib dhigay, waxaa kale oo dadka ka soo hadhi wayday dabacsanaanta ( tawaaduca) sheekh muriiddi iyo sida uu uga garaabay cilmigii uu soo bandhigay sheekh nuur.
Sidoo kale waxaa dadkii u soo baxday qiimaha ay leedahay doodda cilmiga ku dhisan, haddii la ilaaliyo edabta doodda, hadafkuna yahay in xaqa la gaadho, yaan lagaa adkaan iyo taada meel marina meel la iska dhigo.
Sheekh nuur laftiisa oo markii hore si uga yara shakisanaa sheekh muriiddi iyo xertiisa oo is lahaa armay qoladani waxba kaa qaadan waydaa ama lafahaaga wax kuu yeelaan, waxaa u caddaatay in cuqdaddii uu qabay ay ahayd mid aan cilmi ku dhisnayn ee ay ahayd is moodsiis, wuxuuna aad ugu sii qancay in dadka khayr ka buuxo, khayrkana la jecelyahay, jahliga dadka hayana laga daaweyn karo, haddii la wanaajiyo tabaha la adeegsanayo.
Sheekh muriiddi oo aan isaguna horay ula kulmin sheekh nuur oo kale madmadow badanna kaga jiray qolyaha salafiyada ah oo is lahaa nimanka cilmi yari baa dilaysa, wuxuu arkay inayna nimanku gudcur gudeynine ay xujooyin haystaan, mad-habka shaaficiyadana ayna diidanayn, aqoon dheerna u leeyihiin kutubta shaaficiyada, waswaaskiina wuu ka yaraaday haddaanu kaba wada bixin.
Si xiiso leh ayaa loo sugayay habeenkii arbacada ahaa ee madasha laga dhigay si loo sii wado dooddii qeybeheedii kale, waxaana dadku maanka ku sii hayeen in laga hadli doono waxa ay shareecadu ka qabto qubuuraha masaajidda ku dhexyaalla, waxaana la is lahaa tolow maxay ku dhammaan doontaa. Sheekh nuurse muxuu soo bandhigi doonaa, qubuurta masaajidda laga dhexdhisay ma diidi doonaa mise wuu ogolaan doonaa? Sheekh muriidise sidee yeeli doonaa? Yaa doodda ku guuleysan doona? Su’aalahaas iyo kuwo kaleba dadku way iskula showrayeen, wakhtiga la qabtayna way dherarsanyeen.
Ballantu sidii ay ahayd waxaa la gaadhay habeenimadii arbacada haddii salaaddii makhrib la tukaydayna mowlaca cidi ma kicin, intii wardiga la akhrisanayna nin walba hareerihiisa iyo horayba indhaha ayuu u taagayay isaga oo is leh yaan waxba ku dhaafin bal caawa.
Sheekh nuur oo inta badan ku tukada safka hore dhinaca midig ee imaamka ayaa markii uu wardigii dhammaystay sheekh muriidina ducadiisii dhammaystay, xagga mixraabka u soo dhaqaaqay wuxuuna gacan qaaday sheekh muriiddi, sheekh muriiddina wuxuu u gacan galiyay codbaahiyihii si jamaacada oo dhami u maqasho waxa uu sheekh nuur sheegayo.
Sheekh nuur haddii uu akhriyay ducadii furfurashada wuxuu billaabay inuu salaamo jamaacada una mahad celiyo sheekh muriiddi iyo xertiisa isaga oo aad ugu ammaanay inay yihiin dad cibaadada ku dadaala, xaq doonna ah, isga oo hadalkiisii sii watana wuxuu yidhi Sheekh nuur: intaas ka dib sheekh muriiddi dooddeennii habeenkii dhoweyd waa taan isla meel dhignay inay xaaraan tahay in qubuuraha la dhiso, la nuuradeeyo ama wax lagu dul qoro, gabagabdeediina waa tii aynu ku ballanay inaan doodda xigta ku soo qaadno waxa ay shareecadu ka qabto qubuuraha masaajidda ku dhex yaalla.
Marka adiga ayaa hadalka inoo daadihin doona ee waxaa iga su’aal ah wax daliil ah ma loo hayaa qubuurahan ka buuxa masaajidda Marka mase la is weydiiyay inay bannaantahay iyo in kale?
Sheekh muriiddi: horta wax walba dood lama galiyo, murankuna ma fiicna, arrintan daliilkeeduna wuu iska cadyahay, waxaana xujo u haysannaa marka 1aad nabi muxamad صلى الله عليه وسلم iyo abuu bakar iyo cumarba waxay ku aasanyihiin masjidka rasuulka صلى الله عليه وسلم cid dood ka keentayna ma jirto, asaxaabadii oo nool ayaana halka ay maanta ku jiraan lagu aasay, muslimiintii ka danbeysay oo dhanna masjidka way ku tukan jireen wax ha laga bixiyo yidhina lama arag.
Midda 2aad culimadii aan soo gaadhnay masaajidda qubuuraha leh ee aad sheegeyso way ku tukan jireen, wax dhib ahna mayna ka sheegin, iyagaana kaa cilmi badnaa, annaguna iyaga ayaan raaceynaa.
Midda 3aad in dadka saalixiinta ah iyo awliyada la karaameeyo oo la sharfo, masaajiddana lagu aaso; si dadku ugu duceeyaan, faataxadana ugu maraan yaa diiday ama diidi kara?.
Aw cabdi: maashaa allaah!, afkaaga caano lagu qabay sheekh muriidiyoow, bal sheekhu cilmiga uu sheegay day, cajab! ilaahayoow nin aan wax ogeyn ha cadaabin, war salliga ku dhufta رب صل على الحبيب محمد وعلى الآل من هم الكرماء .
Mowlicii waxaa is qabsaday sawaxankii jiibinta salliga, dadka indhodhohoodana waxaa aad uga muuqday farxad iyo qiiro diineed. Markii cabbaar la hooriyayna sheekh muriiddi ayaa hakiyay oo gacanta ku tilmaamay in la joojiyo qaadista salliga si fursad loo siiyo sheekh nuur.
Sheekh nuur: sheekhu aad buu u mahadsanyahay, dhammaanteenna xaqdoon baan nahay, ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu xaqa ina tuso, inoona sahlo raacistiisa, nabiguna markuu salaadda habeenkii tukanayo wuxuuu ilaahay ka baryi jiray:
اللهم رب جبريل و ميكائيل فاطر السموات والأرض أنت تحكم بين عبادك فيما كانو فيه يختلفون اهدني لما اختلف فيه من الحق بإذنك إنك تهدي من تشاء إلى صراط مستقيم
waana muhiim inuu qofku mar walba ilaahay ka baryo inuu xaqa raaciyo, oo ku sugo, arrintaasina waa macnaha
( اهدنا الصراط المستقيم)
ee aan mar walba salaadda ku akhrino. Intaas ka dib adillada sheekhu sheegay mid mid baan u soo qaadeynaa, waana isla wada eegeynaa inay daliil la cuskado u noqon karto in qubuuraha masaajidda lag dhex dhiso, aniga oo aad u qaddarinaya hadalka sheekha.
Midda 1aad sheekhu wuxuu sheegay in nabigu صلى الله عليه وسلم uu ku dhex aasanyahay masjidka nabawiga ah, abuu bakar iyo cumarna ay ku weheliyaan, sheekhu run buu sheegay oo isku meel bay ku aasanyihiin masjidka dhexdiisana laguma aasin markii ay dhinteen, ee waxaa lagu aasay qolkii caa’isha, masjidkana wuu ka baxsanaa intii ay asaxaabadu noolaayeenna qolku masjidka gaar buu ka ahaa, laba jeer oo masjidka la waasiciyay xilligii cumar iyo cusmaanna xaalku sidiisii buu ahaa, qolka caa’ishana masjidka laguma soo darin, kadib taariikhdu markii ay ahayd 88kii hijrada ayuu waliid ibn cabdil malik amray in masjidka la waasiciyo, xilligaasna waxaa madiina wakiil uga ahaa cumar ibnu cabdil casiis, cumarna markii amarkaasi soo gaadhay reer madiina ayuu shiriyay oo uu la tashaday, waxayna muujiyeen inay ka soo horjeedaan in qolalkii nabiga masjidka lagu daro, dadka aadka u diiday arrinkaasna waxaa ka mid ahaa taabicigii caanka ahaa ee saciid ibul-musayib, cumar talo kale ayuu waliid ku celiyay, wuxuuna u sheegay in reer Madiina arrintaas ka soo istaageen, waliidna go’aankiisii wuu ku adkeystay, waxaana qasab noqotay in amarkiisii la fuliyo, sidaas ayaana qolka Caa’isha masjidka darafkiisa u soo galay.
Nawawi oo kamid ah culimdeena shaaficiyada ee waaweyn wuxuu sharaxa muslim ku sheegay mujalladka 5aad bogga 14aad hadalkan :
( ولما احتاجت الصحابة و التابعون إلى الزيادة في مسجد رسول الله صلى الله عليه وسلم حين كثر المسلمون وامتدت الزيادة إلى أن دخلت بيوت أمهات المؤمنين فيه ، ومنها حجرة عائشة رضي الله عنها مدفن رسول الله صلى الله عليه وسلم وصاحبيه أبي بكر وعمر رضي الله عنهما بنوا على القبر حيطاناً مرتفعة مستديرة حوله لئلا يظهر في المسجد فيصلي إليه العوام ويودي إلى المحذور ثم بنوا جدارين من ركني القبر الشماليين وحرفوهما حتى التقيا حتى لا يتمكن أحد من استقبال القبر ).
Hadalkaas oo marka la soo koobo macnihiisu yahay markii ay saxaabada iyo taabiciintu u baahdeen in masjidka nabiga صلى الله عليه وسلم la kordhiyo, markii ay muslimiintu bateen oo ay kordhintu sii durugtay ilaa guryihii umuhaatul mu’miniin ay soo dhexgaleen, iyada oo uu ka mid yahay qolkii caa’isha ee uu ku aasnaa nabigu صلى الله عليه وسلم iyo labadiisii saaxiib ee Abuubaker iyo Cumar, waxaa qabrigii lagu wareejiyay gidaar dheer; si uusan u soo muuqanin, caamaduna ayna xaggiisa ugu tukanin, halkaasna uusan uga dhicin wixii laga baqanayay, kadibna laba gidaar ayay labada gees ee woqooyi ee qabriga ka soo dhiseen, wayna soo qalloociyeen ilaa ay isu yimaaddeen; si qofna ayna suuragal ugu noqonin inuu qabriga qaabilo ( marka uu tukanayo).
Hadalkaas waxaan uga socdaa inaan sheego inaan la xujeysan Karin qabriga nabiga صلى الله عليه وسلم ayaa masjidkiisa ku dhexyaalla; maxaa yeelay in masjidka lagu aaso ma uusan amrin, saxaabadiisiina kuma ayna dhex aasin masjidka, waagii ugu horreysay ee qabriga darafka masjidka la soo galiyayna waynu ogaannay iyo sida ay taabiciintii xilligaas noolaa isu hortaageen, sidaas darteed falka waliid daliil la xujysto ma noqonayo.
Waxaa intaas sii dheer qabriga nabigu صلى الله عليه وسلم masjidka badhtamihiisa kuma dhexyaallo ee wuxuu ku yaallaa dhinaca bidix ee qiblada dadka ku tukanaya dhismihii hore ee turkidana bidix buu ka xigaa, gidaar baana u dhexeeya, dadka ku tukanayaa dhismaha cusub ee wayn qaarkood oo aan badnayn ayuu dhinaca qiblada ka xigaa iyagana gidaar baa u dhexeeya, maxaa yeelay qabriga afarta dhinacba dhisme ayaa kaga wareegsan.
Intaas oo dhan waxaa laga taxaddarayay waciidka (gooddi) ku soo arooray in qubuuraha nabiyada iyo saalixiinta masaajid laga dhiso, axaadiista arrintaas ku soo aroortayna waxaa ka mid ah:
اللهم لا تجعل قبري وثنا يعبد ، اشتد غضب الله على قوم اتخذوا قبور أنبيائهم مساجد
Xaddiiskuna waa saxiix wuxuu ku suganyahay مشكاة المصايح
Wuxuuna sheegayaa inuu nabigu صلى الله عليه وسلم ku duceystay in aan qabrigiisu noqon sanam la caabudo, wuxuuna sheegay inuu Ilaahay cadho adag u cadhooday dadka qabriyada nabiyadoodii masaajidda ka dhigtay.
Axaadiistaas waxaa kale oo ka mid ah xadiiska caa’isha:
عن عائشة رضي الله عنها قالت:قال رسول الله صلى الله عليه وسلم في مرضه الذي لم يقم منه
لعن الله اليهود والنصارى اتخذوا قبور أنبيائهم مساجد). قالت: فلولا ذك أبرز قبره، غير أنه خشى أن يتخذ مسجدا .
Xaddiisku waa saxiix Bukhaari iyo Muslim baana isku waafaqsan, wuxuuna macnihiisu yahay: Caa’isha waxay tishi: nabigu صلى الله عليه وسلم wuxuu yidhi isaga oo uu hayo xanuunkii uusan ka kicin : Ilaahay yuhuud iyo nasaaro lacnad ha ku rido, qubuurtii nabiyadooda ayay masaajid ka dhigteen. Waxaa kale oo ay tidhi: haddii ayna arrintaasi jiri lahayn qabrigiisa waa la muujin lahaa, laakiin waxaa laga cabsaday in masjid laga dhigto.
Waxaa isna axaadiistaas ka mid ah xaddiiska Muslim uu ka wariyay Jundub :
عن جندب بن عبد الله البجلي رضي الله عنه قال:سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم قبل أن يموت بخمس وهو يقول:(قد كان لي فيكم إخوة وأصدقاء, وإني أبرأ إلى الله أن يكون لي فيكم خليل, فإن الله قد اتخذني خليلا كما اتخذ إبراهيم خليلا, ولو كنت متخذا من أمتي خليلا لاتخذت من أبي بكر خليلا, ألا وإن من كان قبلكم كانوا يتخذون قبور أنبيائهم وصالحيهم مساجد, ألا فلا تتخذوا القبور مساجد فإني أنهاكم عن ذلك)
ee macnihiisu yahay: waxaan maqlay nabiga صلى الله عليه وسلم oo intii uuna dhimanin shan bari ka hor odhanaya: waxaan idinku dhexlahaa walaalo iyo saaxiibbo, Ilaahay baana bari uga noqonayaa inaan saaxiib gaar ah idinku dhex yeesho; maxaa yeelay Ilaahay baa saaxiib gaar ah iga dhigtay, sida uu nabi Ibraahiimba saaxiib gaar ah uga dhigtay, haddii aan cid saaxiib gaar ah ka dhiganayana waxaan saxiib gaar ah ka dhigan lahaa Abuubakar. Dadkii idinka horreeyay qubuurta nabiyadooda iyo dadkooda saalixiinta ah ayay masaajid ka dhigan jireen, war hooy qubuurta masaajid ha ka dhiganina, anigu arrintaas waan idinka reebayaaye.
Waxay ila tahay saddexdaas xaddiis inagu filan, aad bayna u badantahay axaadiista baabkan ku soo aroortay, sheikh muriidi oo kalena kama qarsoona ee xusuusin bay iga tahay. Jawaabaha haddii aan sii wadi karona sheikha ayaa inoo sheegaya mar haddii wakhtigii ina hayo.
Aw nuux: war sug sug intaan sheekhu hadlin maxay tahay muslin baa wariyay uun baa ku haysaaye ma wax gaalo warisay baa jira?.
Sheikh muriiddi: aw nuux muslim waa ninka iska leh saxiixu muslim oo axaadiista ku taalla ay wada saxiix tahay, wadaadkuna gaal iyo islaam dadka uma kala saareynin ee axaadiista uu soo guuriyay ciddii warisay ayuu inoo sheegay, wuuna ku mahadsanyahay, waxayna ila tahay inaan caawa intaas ku deysanno oo aan habeen kale doodda halkeedii ka sii wadno, waliba waxaan soo jeedinayaa inay habeenka isniinta noqoto.
Sheikh nuur: sheekha waan ku raacsanahay.
Dhamaan: waa inoo sidaas.
aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Related posts:
sheekh nuur
siraajculuma iyo saalix weeyaan
sunaduu iftiinshaa say tahoo idil
soomaalida wanaag buu u wday soo jireenkiiye maantana sifadii lagu yaqiin saafi nimadiisa saxiixaynka noo mari shubhana sayrnay idilkeed qubuuraha inaan baydlasurin saad umaqasheenba salaaduba inaanay ansaxin saar daliilkii suubanuhu inuu diiday saani ucadee bulshaduna saqiir iyo kabii saaxi bay timide salfi inuu asalku yahay saar daliil adag caqiidada inaan saxano iyo sama inoosheeg safkii nabigaraacaa sanxane saad ugara teenba seeg seeg cibaadada nacnaye suubanaha raacnay saxaabadadu xigtay noo tahaye yaan la sara dhaafin wixii ay sameeyeen hadaynaan seegin idilkeed sadkaloon kadoonaa sababten weeyaane salka dhiga sunaha qaata sahaydi weeyaane hadiikale sabool aakhiriyo saalufbaanahaye silicii qiyaamana waa nasugayaaye samaheena eebaa yaqaan saad ugarayteene salawaatulaahi nabigeenuna wuu inoo saxaye saxaabaduna siqiir iyo kabiir xaraf maseerayne saddexdii marqaatigu sugana sohdinmayqarine waxkastoo san way noo sidiqiyeene ninki aan saboolnimo rabin iyo saalufnimo baahda ama aan samaan diidanayn seegid waw ceeb salka dhiga sunada qaata oo bidcada sayra sinjigii iblayskana kahara siikha hadalkiisa saaxiibkeeno waa nabi alee saatan ugu toosa samahan ajiiboo soo dhawee khayrka
Mashaa ALLAAH
sheekha khayr ALLAAH ha siyo dadaal buu wadaa isaga iyo axmed c/samad.
walaal waxaan idin weydiiyey maxaa magac loogu raadsadaa ka hadalka masaakiinta cid u hiilisa aaney jirin , maad ka hadashaan kuwa idin agjooga , mise waxaad tihiin sidii la yiri waqad yaglabu alxayu alfa mayitin . shuksan