Saxaafadda Yuhuudda ayaa maanta oo talaada ah waxay soo bandhigtay in uu jiro welwel aad u weyn oo soo foodsaaray Madaxda Yuhuudda kaas oo ka dhashay kadib markii sanadishii ugu danbeeyay ay diinta islaamka qaateen boqolaal Yuhuud ah ay qaateen Diinta Islaamka waxayna ilo-wareedyo Yuhuud ahi tibaaxayaan in sanadkiiba ay dad gaaraya boqolaal tagaan Wasaaradda Cadaaladda ayaga oo dalbanaya in ay badalaan diintooda.
Jariidadda Macaariif ee ka soo baxda Dhulka Yuhuuddu Gumaysato ee Falastiin ayaa Mas’uul u waramay wuxuu ku warbixiyay in arrintaas ay soo korortay 5-tii sano ee ugu danbaysay wuxuuna tilmaamay in 2-dii sano ee tagtay ay wasaaradda Cadaaladda Yuhuudda 306 qof dalab diin badalasho ah keensadeen kuwaas oo 249 kamid ah ay dalbanayeen Diinta Islaamka.
Marka la eego warbixintan ay soo daabacday Saxiifadda Macaarif waxay u dhigan tahay in sanadkiiba ay Diinta Islaamka soo gala ilaa 100 Yuhuud ah wuxuuna wargeysku intaas raaciyay in sanadkii 2008 kor uga kacay uuna gaaray 142 qof waxaana intaas sii dheer in intii lagu guda jiray sanadkan 2009 ay dalabaad soo gudubsadeen 32 qof taas oo uu wargeysku ku tilmaamay mid aan laga gam’I Karin.
Mid kamid ah xubnaha Ururka “The family of Israel forever” ayaa wargeyska u sheegay tirade a shaaciyay ay ka duwan tahay dhabta jirta ayna jiraan tiro intaa ka badan oo si hoose u qaata diinta Islaamka.

Related posts:
haday arintas jirto wa wax ilahay lagu mahdiyo waxanan lenahay ilahayow imaan dhab ah sii
Allahu akbar islaamku waa moolka la iskugu imaanaa. walilaahilxamdu
Allahu akbar islaamku waa moolka la iskugu imaanayo insha allah. walilaahilxamdu
waa arrin cajiib ah marna wanaagsan laakiin waxaan cabsi ka qabaa in dadka soo islaamaya ay la yaabi doonaan dadka muslimiinta ah maxaa yeeelay dadka oo aan diintooda ku dhaganayn oo waliba isu arka inay yihiin dad laga sareeyo ama aan tabar lahayn waxaan maqli jiray nicmada markaad ku dhex jirtid ma dareentid laakiin waxaad ogaataa markay kaa maqantahay hadaba su’aashu waxay tahay diin wanaagsan alle waa nasiiyay ee dadkeedii aaway
War waxani waa shirqool ay wataan Yuhuuda oo qolada sirdoonka dadka ku qaldayaan si wax u basaasaan.
Islaamku waa diinta kaliya ee xaqa ah, Ilaahayna dadka mid kale ka aqbali maayo, qofkii diin kale qabsadana adduun iyo aakhiro midna khayr ka heli maayo; sidaa darteed Ilaahay wuxuu ku hanuuniyaa qofkuu doono oo addoomadiisa ka mid ah inuu raaco diinta islaamka.
Ninkii is yiraahda diintaan iyo dadkeeda la dagaalan ama jaajuus meel aanu ka filanayn baa Ilaahay ka asiibayaa, diintiisana uu uga hiilinayaa, sida haddaba la inoo soo sheegay. Bal eega Ilaahay baan idinku dhaarshaye kuwo ka ab ka ab islaam soo ahaana xagga gaalada iyo gaalnimada ayay us ii ordayaan, kuwo ka ab ka ab gaalo ahaana way soo islamyaan. Ilaahow xaqqa nagu sug oo khaatimada noo hagaaji.
Moallim Yaa ku dhahay waa jaajuusiin, oo islaamka la sheegay baa been ah, ma’adaa qullubtooda og. War waa fudaydkiinnii aad arlada ku waasheen, kaasaa gal ah, kaas baa munaaqaf ah, kaas baa basaas ah. Ma waxyibaa kugu soodega. Waxaasi waa hadalkii Khwaarijta, iyo fidnida. Qofkii dhaha waxaan ahay Islaam, annagu saas baan u qaadanaynaa ilaa uu noo caddeeyo inuu gaal yahay, Faxisaabuhu calalaah. Xusuuso Xadiithkii Ninkii mujaahidka haa ee dilay ninkii asshaahay. Haddaad hadda aragtid Yuhuudi ku leh waan soo islamay ma waxaad dhahaysaa waa beentaa?
WAA SAX QOF ISLAAM AH INAAN LA ORAN MATIHID MUSLIM AMA MUNAAFAQ BAAD TAHAY AAN LA ORAN LAAKIIN WADAADKA RIDIYAY MUALLIM OO MAGICIISA SAX KUSHEEGAY WAXAAN UMALAYN INAANU JIDKA FIICAN KUTOOSNAYN
Ninka sax isku tilmaamay warkaaga qeybtiisa hore wuu wanaagsanaa oo ah inaan quluubta bini aadamka la ogaan karin laakiin markaad gashay khawaarij iyo sheeko aan loo baahneyn waxaa lagaa urinaa quraafaadka waayahan lagu shubay daka caamada ah oo ay buun-buuninayaa kuwo diinta ALLAAH aan ka run sheegin iyo kuwa gaalada daba dhilif u ag waana naqaanaa da badan oo ku hadaaqa ereygaas khawaarij iska daa ereyga taariikhdiisee xataa inaysan aqoon macnaha ereyga marka sxb gaabso adiga ayuu deg-deg kugu jiraayee isna caddee.
Allaahu Akbar..bal shariifkana u sheega!!
allah adoomadiisa kalama jecla qofkuu rabana asagaa xaqa tuso marka yaanan diinta dadka laga xigsan qofna wakiil kama ahane mida kale is cadee waa eray badalay qabiilkee tahay oo dadka maalmahaan isku walaashadaan marka meeqa ayuu socondonaa eraygaan qabiilka booskiisa noo galay
haddi ay arrintaasi jirto wa arrin alle lagu mahadnaqo, aay yuhuudu soo galaso diinta islamka, waxanu lenahay illahayo sii iimaan dhab ah
Marka hore islaamka waxaa waajib diiniya ku ah iney soodhaweyaan walaalaha diinta islaamka sogalayo xataa waxaa laga rabaa iney gaalka aan xirada islaamka ku jirin tusaan naxariista iyo nabadgalyada diintena qabto ee ma,ahan in latuso arxan la,aan taana ey sabab unoqoto in ey gaalada ku soo dhiiran soo galitanka diintena macaan runtii mafilayo inow gaalki arko naxariista diintan uu galayo insha,alaah marka walalaha somaliyedna uma muuqdan in dacwadi wajibka ku ahed ey gudanayan maxaa yelay waayahan waxaa sobadanayay waa murtad waa qawarij waa ashahada ladagaal anigu ma,arag ruux somaliya oo yiri waxan ladirirayaa ilaahey ama ashahaadao subxanalaah war ninkad necebtahay hadad tiraa waa ilaah iyo rasuul ladagaal alana aan ka baqno teenane aan aragno intad ujedi lahed tukale bal adiga iska ilaali inad qatar ku dhacdo
Allaa mahad dhamaanteed leh laakiin fadlan waxaan codsanaynaa in loo sheego oo saxaafaddu aad ugu baahiso Kooxda shariifka iyo saaxiibadiis oo hadda god mugdi ah ku sii socda
Allaa mahad dhamaanteed leh, waana soo dhaweyneynaa walaalahana soo muslimay oo xaqa alle fahamsiiyey Quluubtoodana Allaa og,
Qof walba Islaamka waa u furan yahay. We learn from the past. Horayna waa loo arkay Yuhuud inta muslimay, guursaday gabar Falastini ah ilma badan ka dhalay oo ilaa 30 sano qabay. oo Markii dambe ay assignmentigiisii u dhamaatay, furay xaaskiisii kuna noqday magaaladii uu horay uga yimi. Dabagal ay ku sameeyeen Falstintu waxay ku soo ogaadeen inuu intaas oo sano u shaqayn jiray mosatka. Alshabab waxan ku arkay inay qofkii soo Islaamma oo ajnabi ah ay Amir ka dhigaan oo ay ka heebaystaan. Be careful!
waxan leehay maansha alaah ilaahay ayaa mahadle ilaahay islaamnimada ha idinku suga oo ha idin fahan siiyo aamiin
waa dhaqan waligiiba soo jiray yuhuudu inay cadaadiyaan cida ka islaamta oo ay ka xumaadaan sidii saxaabigii c/aahi binu salaam ee aan wada garanayno
nimalka yuhuudu waa niman khiyaana badan waxa ay udhan jireen waar islaama maalinta galengeeda hore galinkeeda danbena gaalooba si ay muslimiintu idiin soo raacaan ooy ay diintooda uga noqdaan waa wakhtigii rauulkeenu NNKH madiina u hijrooday ee uu ladaganaa iyaga
waana markii islaamku xooganaa
laakiin maata oo kale iyagaa xoogbadan muslimiintuna dhib kuma hayaan kamana cabsoonayaan markaa cida ka soo islaamta maaha inaan ka shakino waa inaan soo dhawaynaa taasaa inala godboon
as/c
bacda al salaan alxmd llh malyuun marrah ilaah ha barakeeyo haday soo galeen diintaan macaanka badan oo ay dhab katahy walaalen ak soo jeedaan banuu israil oo waa wax lagu tusaalo qaato soo galida diintanada macaanka badan .
waxaa kaloo jirta in walaalaheen china qaarka islamka ah oo hada la dhibaateenaayo waxaana rajenayaa in china badan oo aan heesan diinta islamka ah ay ku tusaala qaadan doonaan walaalaha diinta lagu dhibaateenaayo … oo hada waxa aan isleeyahay walaalaha diinta islamka qaateen waxay arkeen in diintaan aan caadi aheen oo aad u macan badantahay.
FG: walaalayaal waad la socotii in ay soo dhawdahay qiyaamihii oo nin walibo oo diintisa heesto oo lagu dhibaateenaayo.. waane xliga uu nabiga sheegaaye oo ah ninkii diintiisa qabsado waxay ku noqoneesaa diinta nin gacanta ku heesto dhuxul dab ah oo kulul midkii sii daayo waxa uu la mid yahay nin sii daayay diintisa kii ku adkeestaane….. waxaan idin dhihi lahaa walaalayaa in diinta la barto misane si wanaagsan loo qaato.
a.w.w
waan kufaraxsanahay walaalaheen muslimiinta reer binii israa,
waa hadalkii rasuulkeena n.n.k oo noosheegay islaamka inoogaarayo halkeeqorax ksoobaxdo iyo halkee kudhacdo, diinteena islaamka waxee galeedaa gurikasto iyo iridkasto ……. iinshaa allaah
allow gaalada gacmaheena kucadaab hadeena diinta islaamka qaadan ,
kuwa murtadiinta iyo munaafaqiintana hadee toobad keenin intee gacmaha mujaahidiinta gudhicin hatoobat keenaano oo ha kawaantoobaan islaam naceebka f.g:(cafis malahan hadee mar gacan kusoodacaan ayagoo hoosha kuguda jiro )
wabilaahi towfiiq
A. C yuhuda so islamtay waxey kasimayal iyo mitit nimo badnandonan musliminti hore madama ey lasocdan xumanta yahuda wana midas waxa kenay calacalka madax da yuhuda sidas darted waxan qabaa waa faido uso hoyatay musliminta marka kii basasnimo usogalay iyo kikale allah aya garanaya mana isqarinkaro midki xuman wata midakale halaga gabsado wax yalaha qeybka ah oo qulobta kujira qofku camalkisu sidu yahay ayaa lagu xukumikara mathalan hadi u benshego waa benlow . Hadi ugalo lashaqeyo wa galo rac ama munafaq hadi uu dinta kabaxo wa murtad ama layimado wa yabo dinta logabaxo ok hada kuwa dowlada sheganaya oo galada lashaqeynaya maxan dhihikarna ???? Thank you
Waxan u arka dadka yuhuuda ee diinta islamka qaadanaya in ay garteen diinta xaqa ah ilaahayna diinta islamka ha ku sugo