4 ka tirsan Ciidamada Mareykanka oo Afqanistan lagu Dilay

Published on July 21, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Ugu yaraan 4 Askari oo Mareykan ah ayaa Shalay lagu Dilay Bariga  Afqanistan, Taas oo Bil Gudeheed tirade Dhimashada soo Gaartay Xulafada uu Mareykanka Hogaamiyo Gaarsiineysa Heerkii ugu Sareeyey tan iyo Bilowga Weerarkii ay Ku qaadeen Dalkan Muslimka ah Sanadii 2001.

 

Maydka Askari Maraykan ah oo la wado

Dhimashada Askartan ayaa timid kadib markii ay ku ay la kacday Miino loogu Aasay Wado ay Marayeen kolanyodooda oo ku taalo Bariga Afganistaan.

Bayaan ka soo baxay Isbaheysiga NATO ayaan lagu Cadeyn Jinsiyada Askarta ladilay, laakin Afhayeen Milatari oo u Hadalay Mareykanka oo lagu Magacaabo  Lieutenant Robert Carr ayaa ku Cadeeyey Xiriiir ay la sameysay Wakaalada Warark AFP in Askarta Dhimatay ee Afarta ah ay yihiin Mareykan.

 

Arintan ayaa ka dhigeysa tirade Askarata Ameerikaanka ah ee lagu Dilay Afqanistaan 116 Askari Tan iyo Bilowgii Sanadkan, iyadoo Tirada Guud ee dhimashada Mareykanka ka soo gaartay Tan iyo Bilowgii Dagaalka ay Gaareyso inta ay Sheegteen 746 Askari.

 

Bishan kaliya ayaa lagu Dilay Afganistan 55 Askari oo ka mid ahaa Kuwii Ajaanibta ahaa ee isku soo Baheystay in ay Meesha ka saaraan Nidaamkii Islaamiga ahaa ee Daalibaanka, waaxaana kamid ah 30 Askari oo Ameerikaan ah iyo 16 Askari oo British ah.

 

Bishan Julay ee Socota ayaa ah Bishii ugu Dhiiga Badneyd ee laga laayey Mareykanka iyo Xulafadiis Askarta ugu Tirada badneyd, Taas oo keentay in  wadamada Qaar sida Engiriiska ay ku Calaacalaan Maheystaan Ciidamadeenu Qalab iyo Gaadiid ku filan.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Tirada Dhimasho ee Ciidamada Gumeysiga Mareykanka ee Dalalka Afganistan & Ciraq
  2. 8 Askarta Ingiriiska ah oo Afgaanistaan lagu Dilay.
  3. 7 Ciidanka Mareykanka ah oo lagu Dilay Afganistan.
  4. 3 Askari oo Mareykan ah oo lagu Dilay Ciraaq.
  5. Askar ka tirsan Maamulka SH.Hoose oo Caawa lagu dilay Ceelasha Biayaha

Readers Comments (6)

  1. ibraw says:

    Gaalow iyo gaalaraacyow maad dadka dhulkiisa udaysaan Allaah ha idiin siyaadiyo bakhtiga

  2. iimam cali says:

    gaalada in la gumaadaa waaa gar bakhtigoda hawgala baxaaan muslimiinta dhulkooda

  3. Geedi says:

    ALLAAHU AKBAR WALILLAAHIL XAMDU.

  4. Wiil somaali says:

    Allahu Akbar Walillahil xamdu waa asbuucii guul darada gaalada & nasrigii Mujaahidiinta ilaahow u siyaadi jabka iyo halaaga wey is kibriyeene, islaamkana Quwee quluubtoodana isku soo dun innaka calaa kulli shey’in qadiir.

  5. culimada ha loodaayo fatwada jihaadka. says:

    a/c.
    Walaalayaal jihaad badhax la’waa kaas lagu laynaayo gaalada isuso bahaysatay dhulka islaamka iyo dhiigooda, ugu horeyn gaalow anaku 2 guulood midkood baanu helaynaa (imaa shahaada wa ima nasri) ee gaal;ow adinku aduun iyo aakhiroba waad hoogaysaan inshaa alaa,walaalaha muslimiinta ah ee isku laynaaya muqdisho iyo somaliya walaalayaal ilaahay ka baqa jihaad halkaas u doonta somaliya waxa ka socvda waa fidno sida culimadu sheegtay yaan culimada la garab marin,yaan la halaagsamin aduun iyo aakhiroba.Waxaan idinka codsanayaa aan jamcino culimada muslimiinta ee aduunkoo dhan waydiinana in jihaad ka jiro Somaliya? haday haa dhahaan khalaas waa aan is garab taagnaa mujaahidiinta haday maya dhahaana aan ilaahay ka cabsano oo joojino dagaal.
    a.c

  6. Magac laawe says:

    Dorraad ayey Swedan ku qortay Text-tv iney bisha july ay u aheyd bil madow ciidamada gaalada ku sugan Afgaanistaan. Waxey ogeyn in allaah wax walba ka awood badabn yahay, waxeysan ogeyn iney bishaas bil farxadeed u tahay muslimiinta. Ilaahey ha jebsho intii diinta islaamka iyo muslimiinta dhib ku heysa.

    M/laawe




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Tirada Dhimasho ee Ciidamada Gumeysiga Mareykanka ee Dalalka Afganistan & Ciraq
  2. 8 Askarta Ingiriiska ah oo Afgaanistaan lagu Dilay.
  3. 7 Ciidanka Mareykanka ah oo lagu Dilay Afganistan.
  4. 3 Askari oo Mareykan ah oo lagu Dilay Ciraaq.
  5. Askar ka tirsan Maamulka SH.Hoose oo Caawa lagu dilay Ceelasha Biayaha

Latest Headlines