Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar ayaa gashay Habeenkii Afaradaad oo xidhiidha ah waxaana darsiga Caawa soo jeediyay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “ dhibaatooyinka Mukhaadaraadka”.(Daawo Sawirada)
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxa uu darsiga cawaa uu ugu horeyn si koob koban ugu soo bandhigay Mukharaadaraadka qeybahooda kala duwan iyo sida ay u kala saameyn badan yihiin , wuxuuna Sheekh Maxamed si gaar ah u Tilmaamay Mukhaadaraadka sida gaar ah ay Soomaalidu u isticmaasho kuwaas oo uu ka xusay Xashiishadda , Qaadka , iyo Sigaarka.
Sheekh Maxamed waxa uu intaa kadib u galay sharaxida sidii uu qaadku Soomaaliya ku soo galay iyo sidii uu markaa kadib ugu faafay , wuxuuna xusay in Qaadka markiisa hore uu ka iman jiray Itoobiya markii dambena uu u wareegay Dalalka Kenya iyo Yemen , wuxuuna intaa kadib uu Sheekh Maxamed Macalin tibaaxay in baahitaanka uu sameeyay qaadku kuna sameeyay Bulshada Soomaaliyeed sababtiisu inta badan lahaa Bur burka dalka la soo darsay, ayna sameymeen ayuu yidhi Sheekh Maxamed Macalin in dad iska dhigaya Shirkado ay ku dhiiradaan keenista Qaadka , wuxuuna tilmaamay in Dadka qaadka keenaya ee Shirkadaha iska dhigaya ay saameyn noqdeen wadada uu qaadku ku faafay.
Sheekh Maxamed Macalin waxa uu inta kadib u galay sharxidda qaadka
Iyo waxyeeladiisa wuxuuna Sheekhu tilmaamay in dhibaatooyinka ugu horeeya ee laga dhaxlay Qaadka ay ka mid yihiin in qofka uu jidh ahaan iyo muuqaal ahaaba uu baabo’o sidoo kalena ay la soo gudboonaadaan dhibaatoyina wata xanun iyo maskada qofka uu gaabisa garashada , wuxuuna sidoo kale tilmamay Sheekhu in dhibaatooyinka qaadka laga dhaxlay ay yihiin kuwo aad loola yaabo wuxuuna soo qaatay arin bad u dhacday kana dhacday deegaanada Puntland oo uu nin saaxiibkiisa u shaagay taas oo ahayd in nin darawal ah wada gawaadhida waa way nee ka dhax shaqeysa magaalooyinka kala duwan ee Puntland sidii uu qaad u cunayay uu ugu horeyn shaadhkii uu watay iska bixiyay kadib markii uu kululaaday wax yar ka dibna uu iska bixiyay Funaadiii uu shaadhka ka hoos qabay kadiba uu ugu dambeynki iska furay Macawistii uu watay xoogaa kadibna uu gaadhigii ku leexiyay Tuulo yar si uu uga shah cabo gaadhigiina uu ka soo dagay isagoo qaawan dadkii tuulada oo dhana ay ka sii jeedsadeen cowradiisa uuna dadki waydiiyay wada ay u sii jeedsanayaan kadiba loo sheegay in ay ka sii jeedsanayaan cowradiisa darawalkiina uu garwaaqsaday qaawanaantisa mudo kadib , wuxuuna intaa kadib tilmaamay in dadka qaadka cuna ay yihiin dadka bulshad ugu hooseeya marka laga fiiriyo kartidooda shakhsi ahaaneed iyo tooda shaqo wuxuuna Sheekh tusaale u soo qaatay in shirkadaha dalka ka jira dadka u shaqeeya aan laga helayn qof qaad cuna .
Sheekh Maxamed waxa uu intaa kadib wax ka tilmaamay waxa ay dadka qaadka cunaaye ku sheegaan Dubaabka kaas uu sharaxaad ka bixiyay kuna sheegay in uu yahay dhibaato heysata dadka cuna qaadka kuwas oo marka ay jiifaan moodaya in afka ama ama dhaha ama qeybo kale oo jidhkooda ka mid ah ay ka galayaan Bisado ama Jiirar “ Dooliyo “ wuxuuna xusay Sheekhu in dhibaatadaas ay tahay .
Sheekh Maxamed Macalin Axmed waxa uu inta kadib si faah faahsan ugu hadlay khatarta uu leeyahay Sigaarku wuxuuna bidhaamiyay in dadkii ugu horeeyay ee helay maadada sigaarka laga sameeyo ee loo yaqaano Tubaakada ay ahaayeen dad u dhashay Dalka Spain oo xiligaa safar badmeernimo ah ku mararyay wado ka tirsan xiliga wixii ka dambeeyayna ay si tartiib tartib ay loo si baranayay isticmaalkeeda , wuxuuna intaa kadib sheegay Sheekhu in Yuhuudu ay sheegeen in Tubaakadu ay daawo u tahay cuduro ku dhaca xagga Maskaxda.
Sheekh Maxamed Cumar waxa uu intaa kadib ka hadlay Khamriga iyo dhibaatada ay leedahay wuxuuna sidoo kale sheegay in meelaha ay khamridu Soomaaliya ka soo gashay ay tahay wadamada dariska ah sida Itoobiya iyo Kenya wuxuuna intaa sii raaciyay in dadka khamriga soo galiya Soomaaliya ay ugu horeeyaan Budhacad badeeda iyo sidoo kale dad dano gaar ah leh uu shaqeeya wadamada cadaawadda la wadaaga Soomaaliya .
Sheekh Maxamed waxa uu tilmaantaaa yar ee uu ka bixiyay Khamriga kadib uu xusay in modooyinkii dambe ay bulshada Soomaaliyeed ku dhax faafayeen Mukhaadaraad kala duwan ayna dhaxalsiiyeen dhibaatooyin badan oo saameynta ay reebaan aysan bulshadu ka soo kabsan Karin, wuxuuna Sheekhu Nasiib daro ku tilmaamay in Bulshadiiba aysan wacyi ka heysan dhibaatada uu leeyahay Mukhaadaraadku.
Darsiga uu Sheekh Maxamed Macalin oo jeediyay waxaa Tacliiq yar ku lifaaqay Sheekh Daahir Aw Cabdi oo wax ka sii tilmaamay dhibaatooyinka mukhaadaraadka, wuxuuna Sheekh Daahir Aw Cabdi uu xusay in meelba meesha qaadka looga cunis badan yahay dadka ku nooli ay waalidoodu badan tahay wuxuuna tusaalo u soo qaatay Wadanka Itoobiyada dadka waalan ee ku nool
Sheekh Daahir Aw Cabdi isaga oo wax ka tilmamaya khatarta ay leedahay dhibaatada laga dhaxlo Qaadka waxa uu sheegay in uu Isbitaalka ku booqday in dhaawac ahaa oo rasaas ay qaarka hoose kaga taalay sababta ay rasaastaasi uu ku dhiftay in Australian ah sababtun ay ahayd kadib markuu uu ninka Soomaaliga ah uu ku arkay isaga oo saran geed ku horyaalay gurigisa ninka Soomaaliga ahina uu qaad ka guranayay , dhacdadas kadib uu ninkii Isbitaalka ugu sheegay in dhibaadatada uu qaadka kala kulmay ay keentay in ay ka iman waayaan Kaadida iyo Saxarada laguna duro Irbad si looga soo saaro Kaadida iyo Saxarada , wuxuuna Sheekh Daahir intaa ka dib tilmaamay in dhibaatooyinka laga dhaxlay Qaadka aaan la soo koobi Karin balse dhacdooyinka la yaabka leh ee laga dhaxlay ay yihiin kuwo aad loola yaabo.
Darsiga kadib waxaa sidoo caadada ahayd la galay ka jawaabida Su’aalaha Fataawada oo ay Culilmada soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda waxaana Su’aalaha Caawa si guud uga wada Jawaabay Sheekh Xasan Bookh , Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Daahir Aw Cabdi oo si gaar ah ugu jawaabayay su’aalaha la xidhiidhay darsigii uu xalay jeediyay .

Sheekh Maxamed Macalin Axmed Darsiga sharxaya

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo ka jawaabaya su'aalaha Fataawada

Sheekh Xasan Bookh oo ka jawaabaya Su'aalaha Fatawada

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Tacliiqinaya Darsiga uu jeediyay Sheekh Max'ed Macalin

Sheekh Xasan Bookh

Bidix-Sheekh C/qaadir Nuur Faarax - Midig Sheekh Daahiw Aw Cabdi

xidhiidhiyaha iyo Sheekh Maxamed Macalin

Related posts: