Nadwada ka socota Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar Kaar ayaa gashay Habeenkii Labaad oo xidhiidh ah waxaana caawa si toos ah u bilowday duruustii loogu tala galay Nadwada , waxaana Caawa darsiga ugu horeeyay ee Duruusta Nadwada soo jeediyay Sheekh Cali C/laahi ” Cali Towxiid ” oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Ahmiyadda ay leedahay Luuqadda Carabiga”. ( Daawo Sawiro )
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sheekh Cali Towxiid waxa uu ugu horeyn darsiga si kooban ugu soo badhigay intii uusan mowduuca gudaha u galin faraqa u dhaxeeya Labada Eray ee kala ah “Carab -Cajam” wuxuuna Sheekh Cali xusay in Erayga Carab marka uu micnihiisu tilmaamay hadal Cadaan ama hadal cad hadii si kale loo dhoho , halka Erayga Cajam uu ku shegay in uu ka dhigan yahay hadal aan cadeyn ama fahamkiisu uusan cadeyn.
intaa kadib waxa uu Sheekh Cali Xusay in Diinta waxa ay ku qoran tahay gabi ahaanba ay tahay Rasuulkeena SCW lagu shegay in waxa lagu soo dajiyay uu yahay Quraanka oo ku qoran Luuqad Cad oo aysan ku jirin wax mugdi ah Ilahayna uu meelo badan ugu hadlay Kitaabkiisa Quraanka ah in Quraanka uu Nabiga SCW uu ku soo dajiyay uu yahay luuqada Carabiga oo ah mid ah.
Sheekh Cali Towxiid waxa uu intaad kadib is bar barig ku sameeyay luuqadaha Caalamka ugu caansan , wuxuuna sheegay in luuqadaha lagu sheego in ay yihiin Caalami sida Faransiiska iyo Englishka ay yihiin kuwo ku kooban oo kaliya ilaa 10 kun oo Kalmaadood , wuxuuna Sheekh Cali tilmaamay in Luuqada Caalamka ugu qanisan hada Erayada iyo kalmadaha ay tahay Luuqada Carabiga .
Sheekh Cali waxa uu tilmaamay intaa kadib in dadku ay mudooyinkii dambe iska dhaadhiceen in Luuqada Carabiga ay tahay Luuqad Lagu tuugsado , English-kuna uu yahay luuqad Awood leh oo Caalami ah , iyo Luuqada Talyaaniga oo lagu sheegay ayuu yidhi in ay tahay , wuxuuna tilmamaay in Barashad Luuqada Carabigu ay tahay midda ugu muhiimsan wax la barto marka laga eego xaga Diinta iyo Calimiga kalaba.
Sheekhu waxa uu ku dheeraaday sharxida faraqa u dhaxeeyay isku xidhka kalamada Luuqadaha Caalamka wuxuuna sheegay in Luuqada Carabigu ay waxyaabo badan oo aysan lahayn luuqdaha kale ay kulmisatay kuwaas oo uu ka xusay in ay ka mid tahay koobnaanta kalmaha iyo Balaadhinada micnahooda .
Sheekh Cali waxa uu tilmamay in marka la damco in luuqada Carabiga loo tarjumo luuqadaha kale uu soo baxayo faraq aad u wayn erayada la isku tajumayana ay kala badanayaan micnuhuna uu badalmayo , balse marka luuqadaha Ajinabiga ah la damco in loo tarjumo Luuqadda Carabiga ay gaabanayaan Erayadii la isku tarjumayay sidoo kalena uu micno is keenayo.
intaa kadib waxa uu Sheekh Cali Towxiid sheegay in luuqadaha Caalamka intooada badan ay noqdeen kuwo sii dhamaanaya wuxuuna tusaale u soo qaatay in Dalka Jarmalka dadkii ku noolaaha muddo 100 Sano ah ka hor iyo dadka hadda ku nool aysan waxba iska fahmeyn waayo ayuu yidhi Sheekh Cali waxaa is badalay erayadii iyo qawaacidii ay dadkii hore isticmaali jireen , sidoo kalena ay luuqado badan oo ka ay ku hadlaan Dowlado ka mid ah Dalalka Yurub ay saameeyeen Luuqadaha ay ku hadlaan Jaaliyadaha ama dadyowga dalalkooda .
waxa uu Sheekh Cali tilmaamay in Luuqada Carabiga aysan Saameyn fakhrinimada la soo gudboonaatay Luuqadaha kale ee Caalamka , wuxuuna sababta ku shegay in luuqada carabigu ay tahay luuqad dhowran marka laga fiiriyo xagga Diinta aysanna suura gal ahayn wax laga badalo Diinta gaar ahaan Quraanka Kariimka ah iyo Axaadiista ka sugnaatay Nabigeena suuban SCW.
Sheekh Cali Towxiid waxa uu xusay in Luuqadda Carabigu ay tahay luuqad hodan ah waxyaabo badana kala gaar ah luuqadaha kale kuwaas oo ka sheegay , Suugaanta Dhaqanka , iyo Xaggga diinta wixii ka dambeeyay soo bixitaankii Nabi Muxamad SCW .
Sheekh Cali waxa uu Mowduuca ku soo gaba gabeeyay in Luuqada Carabigu ay leedahay hadal macaani iyo Hadal Cadaan taasina ay dhaxalsiisay in ay gaar ka noqoto luuqadaha Kale ee Caalamka sida Englishka iyo Faransiiska, wuxuuna Sheekh Cali Towxiid uu tilmaamay in luuqadaha Calamka ay erayadoodu ay san lahayn meelo kala duwan oo ay ka soo baxaan”Makhaarijul Xuruuf” Luuqadahaas intooda badanna ay ku kooban yihiin erayadoodu cunaha oo kaliya , balse Luuqadda Carabigu ay ledahay meelo kala duwan oo ay ka soo baxaaan Erayadeedu.
Darsiga uu jeediyay Sheekh Cali Towxiid waxaa Tacliiq yar ku lifaaqay Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada Nadwada Duruusta ka jeedin doona , wuxuuna ugu horeyn Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan uu sheegay in Luuqadda Carabiga ay tahay luuqad muhiim ah isla markaana muhiimad gaar ah u leh dadka Muslimka ah muhiimadasina ay tahay in Diintiiba ay ku qoran tahay Luuqadda Carabig dadkana looga baahan yahay in ay ku dadaalaan barashada Luuqada Carabiga , waxa uu intaa kadib uu Dr Axmed Tilmaamay in Luuqadda Carabigu aysan Meel ka lulan ee dadku ay yihiin kuwo meel ka lushada , wuxuuna dadka ugu baaqay in ay ku dadaalan barashada Luuqadda Carabiga iyo sidoo kale Cilmiga Diiniga ah .









Related posts:
waryaa ma xaq ba in reer waqooyi ay diintooda si nabad ahi ku qaataan reer kofurna dagaal iyo gaal;nimo an raad leheen lagu tilmaamo,
allah idiin barakeeyo reer waqooyi balse wax wanaagsan ma ah nin aad adinku nabd ku joogtaan inaguna aynu dagaal ku hooyano
WALAAL DHIBTU INA WADA TAABATAY WAX WANAAGSANA EEYE IN MEELI INOO FAYOW DAHAY.
Asc salaam qiimo badan ka gadaal
walaal cabdi qaadir waxa xun dadka lalama jeclaado miyaadan aaminsanayn xadiiskii rasuulka scw ee ( rumayn maayo qofkiin ilaa u la jeclaado wallaalkiis waxa uu naftiisa la jecelyahay ) xamar iyo muqdishona cidi lama jecla in ay saa ahaato oo somali oo dhani wa ka gubaynaysaa waxa ka socda hase ahaate waa qadar eebbe oo lama celin karo waxaanse illaah uga baryaynaa in ay barwaaqadii iyo baraarihii ku soo noqoto xamar mar dhaw waad mahadsantihiin
wsc wr wbr
asc dhamaan inta maqaalkayga akhrisanaysow
ilaah baa mahad leh ina ka dhigay muslinka oo ina ku manaystay diintiisa sharafta leh ee islaamka allaha nagu anfaci nadwooyinka isdaba jooga ah oo ka dhacaya wadankeena ajar iyo xasanaadna allaaha ka siiyo culimada miisaanka xasanaadkana allaha u galiyo maalinta qiyaamo mida kale walaalahay waxaan leeyahay soomaaliya waa isku mid hadii meel dagaalo hareeyeen imow kuwa aan dagaalku ka jirin ee ha dhihin reer waqooyi inay nabad iskaga jiraan ma xaqbaa reer koonfurna dagaal lkn xigmada ilaah baa og isagaa ka dhigay koonfur saas oo waa la imtixaamayaa p/land isagaa nabad ka dhigay oo waa nooc mina imtixaan walaalahay waxaan ugu naseexaynaya inay qaataan waxa ilaahay faray kana fogaadaan waxa laga reebay amarkana ilaahay u daayaan wsc