Camar Muusaa oo la kulmey xubno ka socda Kenya, Eritrea & Itoobiya.

Published on July 17, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

Camar MuusaaXoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta Camar Muusaa ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya Stephen Kalonzoa Wasiiro Arimaha Dibadeedyadda Itoobiya Seyoum Mesfniyo Eritrea Cali Cusmaan Saalax, waxayna ka wada hadleen sidii loo Taageeri lahaa DKMG ah.

Bayaan ka soo baxay Jaamacadda Carabta Khamiistii Shalay ayaa lagu sheegay in Camar Muusaa uu kulamadaasi ku Muujiyay sida ay lagama maar maan u tahay in la Taageero DKMG ah, wuxuuna ku tilmaamay Xukuumad Sharci ah oo u Baahan in laga taageero Fursadaha Wada hadalka taas oo u sahli karta in ay Gudato Mas’uuliyadeeda.

Bayaanku wuxuu intaa ku daray “Camar Muusaa wuxuu Muujiyay sida ay lagama maar-maan u tahay in la Taageero Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya”.

Dowladaha uu kulanka la qaatay Camar Muusaa ayaa ah kuwo Xiriir la leh Garabyadda isku haya Soomaaliya iyada Xukuumadda itoobiya ay Taageerto Xukuumadda KMG ah halka Dowladda Eritreana ay taageerto Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Asmara.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Shariif & Safiirka Mareykanka ee Kenya oo wada kulmey.
  2. Wafdi UN-ka socda & Cumar C/rashiid oo kulmey
  3. Sh. Shariif & Dhigiisa Suudan oo wada Kulmey
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya
  5. Xubno ka socda Isbahaysiga oo Nairobi gaaray

Readers Comments (5)

  1. Ali yare says:

    WAXAAD ISWAYDIISAAN MAXAA ADUUN WAYNUHU UGA HADLI WAAYEY ARRINTA SOOMAALIDA 16 KII SANO EE HOGAAMIYE KOOXYADU IN HAYSTEEN?

    WAAYO IYAGU MA AHAYN NIMAN DOONAYA IN AY DIINTA ISLAAMKA WAX KU XUKUMAAN, WAAYO WAXAY AHAAYEEN DHUUNI-QAATAYAAL DOONAYO IN AY KELIGOOD NOOLAADAAN, WAAYO WAXAY BAABI’INAYEEN OO KALIYA SHACABKII SOOMAALIYEED.

    MAXAA LOO FADHISAN LA’YAHAY HADDA?

    WAAYO NIMANKAAS YARYAR EE SURWAALADA GAABSADAY AYAA LAGA BAQAYAA IN AY SOO GAADHAAN QAAHIRA, IYAGOO KU SII SOCDA ANDALUS.

    ALLAAHU AKHBAR ILAAHAYOW RUN KA DHIG ADIGAA AWOODEE

  2. axmed says:

    aduun kaa hadli maayee adiga iska hadal maad heshiisaan waa adinka qeybsanaya sidii xoolihii faransiiskee oo magaaladiiba wada aamustay xisbul islaamna waa la,arkay awoodiisa iyo waxa uu yahay ninka kalenma wareejiya eratariya iyo ethopia oo aan heshiina soomaaliya ma heshiinayso meel ku qorta arinkaas

  3. Seyfulal says:

    Waxaan ognahay masar inay tahay bahayarta maraykanka marka laguma in u sidan u hadlo

  4. caliyow says:

    sababta keentay in maantay bulshada caalamku arrinta Somaliya ay maantay ka hadasho ma ahan wax annaga maslaxad noo ah.

    Gumaystayaasha reer yurub iyo kuwa ay gumaystaan ee u cabiidiya shucuubta afrika iyo carabta ayaa u arka in ay soo kacday diintii islaamka iyo dadkeedi oo gumaysi diid ah.

    Shacbiga Somaliyeed ee geesiga ah waxaan leeyahay, u adkaysta dhibka iyo cadaadiska la idinku hayo si aad u ilaalsataan diintiinna, dalkiina iyo dhaqankiina, haddii kale oo aad isdhiibtaan waa la idin adoonsan, nolol, nabad galyo iyo xornimana maalinta aad isdhiibtaan ayaa idinkugu danbaysa, waxaadna geli doonta alle ma qaddaree, xaalad adag oo ah dhibaatooyin isku xig xiga.

    War hoy yaan la isdhiibin, war hoy gobanimo ciyaar laguma helee yaan luqunta hoos loo raaricin. Allow xaqqa nagu sug. AMIIIIIIIIIIN

  5. gvasjjhhotmail.com says:

    camal laawe muuse qazah albaabadda u fur hadii aad wax taraysid ama falastiin wax tara oo ku jirta qalbiga caranta




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Shariif & Safiirka Mareykanka ee Kenya oo wada kulmey.
  2. Wafdi UN-ka socda & Cumar C/rashiid oo kulmey
  3. Sh. Shariif & Dhigiisa Suudan oo wada Kulmey
  4. Sh. Shariif oo la kulmey Jaaliyada Soomaalida Kenya
  5. Xubno ka socda Isbahaysiga oo Nairobi gaaray

Latest Headlines