Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa kala Qeybsaday Labaddii Sarkaal ee ka Socday Dowladda Faransiiska isla markaana u yimid inay Tabobar siiyaan Ciidamada Amaanka DKMG ah.
ilo Xog Ogaal ah oo u waramay Shabakadda Somalimirror ayaa sheegay in Xalay Saq dhexe ay labadda dhinac kala Qeybsadeen labadda Sarkaal ka dib markii la isku qabsaday lana isku mari waayay.
Arinta kala Qeybsiga ayaa la sheegayaa in ay timaaday ka dib markii laga cabsaday inuu Dagaal ka dhex ka Qarxo labadda dhinac.
Dhanka kale Shabakadda Islamtoday.net oo soo xiganaysa Mas’uul ka tirsan Xisbul Islaam ayaa yiri “Shabaabku waxay Qaateen Mas’uulkii Faransiiska ee ugu Darajo sareeyay, midkii kalana waxa haysta Sheekh Xassan Daahir”.
Wakaaladda Wararka ee Faransiiska (AFP) ayaa sheegtay in Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ay u suuro
Gashay inuu la hadlo mid ka mid ah Labadda Sarkaal balse ma jirto ilo kale oo madaxbanaan oo arintaasi Xaqiijisay.
lama sheegi karo illaa iyo hadda Sidda ay Xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ka yeeli doonaan Nolosha Saraakiisha Faransiiska.
Wixii warar ah ee ku soo kordha Dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.

Related posts:
masha allah waa qaniimo waxaa loo kala qeybiyey shabaab(mujaajiriin)xisbul islam (ansaar)
al shabaab magaranayo meesha ay u socdaan hadii ay hayeen xisbul islaam labada nin maxaa keenay inay yiraahdaan nagu soo wareejiya xiligaan oo ay dagaal ku jiraan oo aysan ahayn xaalad is qabqabsi hadii ay ku jireen gacanta xisbul islaam
anigu waxaan arkaa awal ayey culumadii iyo shacabkii ay al shabaab ka soo horjeesteene ,
hadii ay ka soo hor jeestaan xisbul islaam oo dad ugu danbeeyey xagee u socdaan
waxaan leeyahay caqli ma ahan iyo garasho iyo siyaasad midna waxa ay ku socdaan al shabaab, xabad aan xikmad kale lahayn shaqayn mayso ee is daba qabta hadii kale waxaad ku socotaan wado labada dhinac ka xiran
garan mayo wax walba anaga hanalagu wareejiyo
hadii ay aysan tanaasulin xisbul islaam sow xabadi ma dhacdeen ,
gadaal u fakara oo taariikhda galiya waxii la soo maray
waxaan dhihi lahaa in labadaas sargaal ee fairiiska aan la dilin lugulana gorgortamo dowlada fariiska lagana fogaado wax walba oo lugu soo wereeri karo ninmanka haysta sidii lugu sameeyey burcad badeedii hadii taas dhacdo ha loo dheereeyo asc
warkaas SM way ku deg degtay Mujaahidiintu gaallo iskuma dilayaan iyagaaba la dagaalamaya.
2-da gaal hal meel ayay wada joogaan hal xukun ayaana lagu ridayaa
Shabakadda SM waxaan idinku naqaan wanaag ee wararka haka xigana wakaaladaha gaalada sida AFP,AP,UPA iyo kuwa kale
waxan jeclan laha in ey dilaan lakin mayeli karan wayo waxa ey garanayan cawaqib xumada ka iman karta xita somalimirror dhibka waa u sameyndona wabkana ma furnanidono
dawladkusheegu waamagan, magana magan mabixiso gacmo marana marti masooraan…
asc walalayal marka hore waa guul usoo hoyatay mujahidinta marka xiga walalayal kufartan waa jaajusyal wadankena qasaya ilahay kacabsada madaxa halaga gooyo sidaan ugu raxeysano qeyladooda, sida muajahidnta taliban ama ciraq, ilahay haidiin gaargaaro mujahadiney, asc wabailahi towfiq,
Assalum Calaykum wr/wb
Waad ku mahadsan tihiin hadaad tihiin bahda
Somalimirror.com sida joogtadaa oo aad iskugu hawsheen inaad arimaha mar kasta taagan & xog sugan u soo gudbisaan akhristayaasha boggiinaan soo booqda halkaa kasii wada dadaalkiina insha Allah ilaahayna ajar & xasanaad ha idiinku badalo shaqada aad islaamka u haysaan.
Shukran
assalaamu calaykum.
Mujaahidiintu wax arxan ah yaaney u gelin, gaalo waxba inagama dhaxeeyaan, saw hawl basaasnimo barid ah kamay wadin dalka, ha ku cibro qaataan jaajuusiinta kale ee dhabarjebinta ummada somaliyeed ku haya.
Inta la gawraco waliba halaga soo duubo film saxaafadana ha la tuso, cadaawada ay inoo hayaan ayaynu tusaynayaa innaguna sidaan uga aarsanayno ciddii inna colaadisee..
Alaahu akbar cadaalada ayaa sidaas ah
Allow na bixi!!!!!!!!
qiyasteyda argagixisada qabsatay nimankaas waa kuwa aan hadaf laheyn maraka wax lola hadlo iyo wax rayi lala yesha uma arko ee bal aan sugno waxa ey sameyan al qacida is al qacida dil ba u yar dil aa u weyn ee frence sey ula dhaqanta an war ka suga …………
waa dhambaal kulaylbadan
waana dhaar mujaahide
udhameeya labada ba baqtigooda
dhoofana kuwa nool ku dhaafsada
Idbaxuuhum Gaalada allaha in kaaree. Waan hubaa kii gala gacanta Al-shabaab wuxuu ku jiraa Gacan aamin ah balse waxaan ka walwalsanahay kay hayaan Xisbigu. Amisom oo baxda ama taangiyo wax aan ahayn yaan lagu badalin
Assalaamu calaykum,
Bismilaah,
Ma laga yaabaa in labadaa gaal dartood ay dad muslim ahi u dhintaan. Labadaa nin oo weliba la sheegay inay dalka ku yimaadeen si khiyaamo ah, iyadoo weliba madax waddankooda ka hadashay ay sheegeen inay sir doon ahaayeen (jaajuusiin.)
Haddaba haddii ay dhacdo inay dad muslimiin ah dhiigoodu ku daato nimankaa dartood iskaba daa inuu u dhinto’e ma la dhihi karaa doqonnimo iyo axmaqnimo ka dambaysa ayaa jirta?
Gaalo oo dhan labadaa nin ayaa ugala qiimo badan waddanka iyo dadkaa soomaaliyeed oo dhan. Bal aan aragno sida ay u maamulaan labada xaafadood oo kala qaatay labada ferenji.
Si kasta oo ay ugu taliyaanba waxa aan anigu wadnaha farta uga hayo ayaa waxay tahay inuu dhiig muslim ahi iyaga dartood ku taato.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Karaama
Waa arin cajiib ah, oo fadeexo ah. Mudo dheer waxaan kor iyo hoos u sheegi jirey ineysan shabaab aheyn dad la heysan karo. Waa leygu dhibsadey heer la ii qaato inaan cadaw ahey. Maantana heerkaan ayey mareysaa. Tolow ma anigaa dadku si aysan wax u arkin oo qaloocan u arka, mise dadka qaarbaa dedaya ceeb weynaatey?
Ka warama hadey shabaab ahaan lahaayeen nimanka heysta maxaabiista, maskaxda masoo geli laheyd in la yiraahdo nagu soo wareejiya?
Koley arinta arin laga yaqsado oo aad u hooseysa ayaan u arkaa marka dhinac kasta laga eego.
allaahu akbar allaahu akbar allaahu akbar
taas horey ayaan usheegay waliba waxaan ku darayaa gaalkii lagu wareejiyay shabaabka qudha ayay ka jareen lknse kii xizbiga asagana wuxuu u badan yahay in la dilay wabilaahi towfiiq
maxaa keenay in cayrin lagu qaybsado oo meel lagu hayn waayo?
Haddiise arintan oo kale in la isku dilo lagu sigtay ka warama kuraas iyo awood qaybsi.
tani waxay muujinaysaa war aan dhawr jeer qoray waxaa asaasi ah in la helo wado silmi ah oo muslimiinta ay talada ku kala wareegi karaan, haddii khilaaf ka dhex dhaco muslimiintana la helo waxa aan xoog ahayn oo khilaafka lagu xalliyo intase kursiga xoog lagu imaanayo, khilaafki dhacana xoog lagu dayayo waa faanoole fari kama qodna.
dimoqoraadiyo la diid lamana hayo qaab kale oo dadka cidday rabaan ku dooran karaan ama ku casili karaan ciddii aan u khalmin ama lug goysa?
marka xisbiga iyo shabaab in khilaafkooda oo marayo halka kan shariif iyo iyaga ka dhexeeya waa muuqataa mar haddii maxabis kala qaybsi ay marayso
ASC
Waxaa caqli xumo weyn ah, in la isku qabsado labo nin oo maxaabiis ah dad doonaya, in ay dawladnimo ku soo dabbaalaan dal 20 sano dawlad la”aani haysatay oo bulshadiisi haadku ku cunayo dunida daafaheeda. Waxaan leeyahay hubka iska dhiga dawladnimo ma hanan kartaane, waayo labadaan nin waxay ubaahan yihiin oo kaliya, in maxkamad islaami ah la saaro oo haddii ay danbi leeyihiin lagu xukumo, haddii kalena la iska daayo, ma wax kaloo intaas dheer ayey arrintu leedahay? mise arrintu waa burcadbadeednimo.
asc
salaan kadib aadbana ugu farxay sida qorshaysan ee loo qabtay labdaa jaajuus ee faransiiska ah waxana leeyahay yana lasii dayn ee hala dilo si ay ugu cibri qaataan kuwa kale ee jooga am asoo socda taasi waa mid hadii ay dhacdo in lasii daayo waa in lagu gorgortamaa oo wax la qaadan karo lagu badashaa marnaba waa in aysan dhicin in lacag lagu badasho sidii burcadii oo waa in aanan loo sawirin mujaahidiinta burcad badeed amam burcad dhuleed si aysan taasi u dhicin waa in laga fogaada in lacag lagu badsaho ee waa in ya noqotaa xaladu mid qadiydaeed ee diimeed
asc
maxamed
doxa
Nimankaan ganaax baa laga qaadayaa waliba aad u badan dilkooduna waxba ma siyaadinayo waayo kun gaal oo iyaga la mid ah ama ka khibrad badan baa franciiska u joogta marka waa in dhaqaale looga xisaabtamaa si dhaqaalahaas isla gaalada loogula diriro.
arinta kala qeybsiga waa iska caadi oo qolo walbe midkeeda ayaa ku filan.
shabaabkana nagu soo wareejiya wax laguma siin ee arinta markii hore afduubka qarash iyo waqti baa uga baxay markii dambena xisbul islaam baa si sahlan u helay sidaas darteed nagu soo wareejiya ma oolin meesha ee noo kala qeybiyaa taalay taasoo xisbul islaam markii damba yeelay kadib wadahadalo waaweyn.
xisbul islaamna shabaabka tol aan ahayn ma leh shababkuna sidoo kale marka in la isku dul qaato waa arin labada masuuliyad ka saaran tahay mida kale gaalada iyo kuwa u dabodhilifka ay ayaa arimahaan oo kale sii buunbuuniya sida kan wadaad yare la baxay.
a.c.w.anigu waxaan ku talin lahaa rayigii cumar bin khadaab r.a.in kurka laga gooyo oo waliba saxaafada la hor keeno si ay uga niyad jabaan gaalo dhan somaalia.ilaahay ha idin waafijiyo khayrka.
la ogaan doonee sida xaal ku danbeyo
waa ilaahay mahaadiis inay been noqoto wararkii
laisladhexmarayey ee ahaa in xisbul islaam iyo
xarakada shabaabul mujaahidiin ayisku layndoonaan arinta labada gaal hasii dayninina oo gawraca oo haraali galina cadawga ilaahay inaad ka caraysiisaan mooye
allaah baa mahad leh inay been noqoto warkii la is ladhexmarayay ee ahaa in shabaabul mujaahidiin iyo xisbul islaam inay arinta labaDA GAAL ISKU LAYDOONAAN GAWRACA ALLAAWEYNE
Waxaan u arkaa arintaan arin khatarteeda leh oo colaadii awalba jirtey iyo fara gelintii shisheeye cirka ku shareereysa.
Arintaan si gaar ah waxey dhibaato iyo foolxumo gooni ah ugu tahay qolada xisbul islaam la yiraahdo.
Somalimirror waxey hadalkeyga kula cararaan tir tirid, sidii in warkeygu isagu wax badalayo. Dadka waayeelkaa in warkoodu ku baraarujiyo dhalin yarada waxaan xisaabta ugu jirin waa waxey waayeel u yihiin.
Xisbul islaam nabarka arintaan ka gaarey kama soo waaqsan doono, wuxuuna uga imaanayaa dhaawacaasi dhowr meelood:
1. Xisbigu wuxuu lugaha la galey arin afduub dad gharbi ah, taasna waxey dakano toos ah ku keeneysaa madaxda iyo dadka ka tirtsan ururkaas.
2. Dakanadaas intey u bareereen oo dusha i riteen ayaa hadana nimankii waxaa ka ritey urur iyaga ka xoog badan sida muuqata. Waxey la mid tahay barnaamijka duur joogta oo haram cadku soo disho ugaarta, dabeedna waraabaha iyo libaaxu ka dhigtaan.
3. Shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan qaybta dhalin yarada aan laheyn garaadka siyaasadeed, ninkii xoog badan ayey taageerayaan, waana loo jeedaa sida loo ihaaneystey xisbul islaam.
Isku soo duuboo arintaani mudaacafaadkeeda iyo waxa ka dhalanaya maahan wax si sahal ay uga badbaadi doonaan xisbul islaam.
anigu waxaan layaabay kuwa ku talinaya ha la dilo nimanka fransiiska in ayan nabad la rabin somalia aakhiradoodana ka samreen!!!! haddii ay doonayeen in la dilona khalaas hada waxaa la wareegay labadii ninba alshabaab. labadii qolo oo waayo asxaab ahaana xilif baa soo kala dhex gashay!!!!bal marka aan aragno sida wax ku dambeeyaan!!!!!!!!!
asc
war somaliyeey bal nimanka eega war nimanka isku dilaya gaalo ama 2 nin oo francec ah afduub kooda isku haysta ma waxeey utalindoonaan wadan ama waxaa laga sugaa wax abdo ah maya majirto nimanka 2 sargaal oo faranji ah ku heshiin waayay in eey dad maamulaan waligoodna sidaas un beey ahaayeen waa moorayaan nin la afduubay beey isku dilayaan mida kale gor gortanka waa maxay ma niman jihaadayaa mise waa niman burcad ah
nimanka jihaadka sheeganayo wax kale ma aha waa moorayaan kursi raadis ah ninkii dagaal kooda ku dhintaa waa ehlu naar ha ogaado waa morayaantii oo ilahay kitaab kiisa ku gabanayo wax jihaad ah oo laga sugayona ma jiro ogaada
soomaliyeey iska eega
Raga ku andacoonaya maxaa lookalaqeeb saday waa juhala marka laga reebo wadaad yare wadaa yare amxaar afsoomali baratay marka islaam hakahadlin waa lagu yaqaana waxaad tahay ilmaha salad ali jeele intaas kadib in kala qeeb sada sharciga ayaa qabo maslaxadana way kujirta is aaminaada ayaa kujirta kalashakigana wuu dhammaan shakiga shaab waxaa kenay horay ayey indhacada ayey ku aamineen xisbul islaa waad ogeedeen meesha uu kudanbeyay iyo dhibka uu ugeestay islaamka marka tan waxay lamid tahay dhagixii qureesh maka uu yiri nabimuxamed s c w uu kuxaliyay go. Halakeeno kadibna dhagixi ayu kuriday sidi ayey kuqanceen waa lamid
To: somalimirror
Marar badan codsiyo iyyo talooyin aan idiin soo jeediney aniga iyo wax garad kale xumaan baad u qaadateen oo waad tir tirteen. taladeenina mid cadawtooyo loola jeedo ayaad ka dhigteen. Runtaan idiin sheegayaa ee hadaan hubo inaad shabaab tihiin talooyin idinkuma khasaariyeen. Laakiin waxaan u heystaa weli ilaa ay iiga cadaato caksigeed inaan tihiin xisbul islaam dadka fikriyan ka ag dhow.
In kastoo labadooda midna aanan waafaqsaneyn hadana labadaas kooxood aad bay u kala duwanyihiin. Waxaase nasiib darro weyn ah, in taageerayaasha xisbul islaam oo ah dhalin yarada da,da yar ee itixaadkii hore iyo qaar odayaashii weligoodba mabda,a dagaal in wax lagu saxo qabey aysan u kala cadeyn waxa ay kala yihiin labada kooxood.
Marka jaah wareerkaas oo kale dhaco, waxaa la gudboon golayaasha somalimirror oo kale ah iney furaan dood si ra,yiga loo bisleeyo.
Wax qarsoon maahan in xisbul islaam arinta labada faransiiskaa ay ka raacdey fadeexad ka weyn tan dawlada ka raacdey. Dakanadiina way qabaan, labadii nina waa lagala wareegey.
Waxaasoo kale ma ahan wax la qariyo oo la duug duugo, ee wixii inta la dabo galo laga soo diyaarin jirey war bixin dhameys tiran, si raga fadeexada siyaasadeed lugaha kula loo kashifo oo leyskaga qabto, dadka daba socdana u ogaadaan iney laf cad toobin ku hayaan.
Ururka shabaab anagu sixitaankooda iyo la xisaabtankooda ma lihin oo waa rag u shaqeeya Usama Bin ladin. Isagaa muxaasabadooda leh, isageyna u maqanyihiin.
labadaas faransiiskaa arintooda waxaa ilaahey ku kashifey dawlada ku meel gaarkaa oo ay cadaatey iney yihiin hilib qurmey oo meel yaala oo iska fogeyn u baahan. Waxaa taas mid ka fool xun kasoo wajahdey xisbul islaam oo cawradiisu banaanka timid.
Waxaa goolka la galbadey oo muujiyey iney laacibka saaxada yihiin wiilasha u shaqeeya Usama Bin Ladin. Nimankaasna ama lacagbaa lagu badalanayaa badan, ama rag muhim ah oo alqacida ka tirsan ayaa lagu badalanyaa.
Indhaha fura oo ka gudba maskaxda xiran oo difaaca uun ku jirta.
Waxaa jirta arin la yiraahdo exposure anxiety oo ah yaadan ceeboobine is giiji, dafir, inaan wax dhicin ka dhig oo shucuubta bidaa,igaa dhaqan u ah. Taas waxaa ka fiican in kaararka banaanka lasoo dhigo si qaladka loo saxo, cadkii qurmey oo tuuris ahna leyskaga tuuro. Hadaadse qarsato wax kasta ogow waxaad qarsato way ku qarsadaan.
ASC WR WB
{{WACTAZIMUU BIXABLILLAAHI JAMIICAN WALAA TAFARAQUU }} .
ogaysiis sharmaarke iyo wadad yare waxan u arkaa jaajuusiin bal eegaa siday hadalka isu daba marinayaan iyo waxay caddaawad abuurayaan war alle ka baqa oo xaqa raaca .
waxana filayaa waa kuwa doonaya inay kala qaybiyaan{{alle kama aqbalee }} nuurka keliya ee aan bidhaansanayno hadaanahay soomaali kaasoo ah halganka ay wadaan wiilasha yaryar ee illaahay khayrka waafajiyey ee ah marka magacooda loo jamciyo sidii uu u dooray khayr badan allaha siiyee c /waaxid khaliif magacaas oo ahaa kay ku midoobayaan ee ah .
{{{{{shabaabul islaam }}}}}}{fii soomaal}}} inta danbe anaa ku daray waana magac aad iyo aad u qiimo gal ah
waxaana illaahay waydiisanayaa wiilashaaas yaryar ee aaanaan wehel kale haysan ilaahay ka sokow caddowgii illaahayna uu isu bahaystay inuu midnimadooda iyo waxa ay higsanayaan noo soo dadajiyo caddowgoodana uu afka ciida u daro kan debeda iyo kan gudahaba {amin amin amin}.
fadlan labadaan nin ha lagu bedesho haddiiba ay jiraan rag islaama oo ku jira gacanta nimanka daba dhilifka ah dowladi meesha majoogtee si aan weliba ugu kala fogayno iyaga iyo reer galbeedka sida iyaguba ay u rabaan inay caddaawad iyo kala qaybsanaan inoo kala dhex dhigaan .
aana ku soo furano walaalaheena ku jira gacanta caddowga.
sii daynta labada gaal waa guul haddii aad labo kaafir oo aan dilkoodu waxba soo kordhinayn madax furashadooduna ihaano nagu tahay inaan gu bedelano walaalaheen hadayba jiraan .
haday bedelashada diidaana waan ku ifinay iyga tooshkii ay nala rabeen iraadadeenuna waa inoo meel iyo waxaan ka yeeli lahay haddii taa la diido { waa bedelashadee }
waana inoo guul kale oo waanku kala fogayney iyagii iyo beeshoodii caalamka .
xataa iyaga dhexdooda ayaan ku kala kaxayn
karnaa arintaan ah { ku bedelashada rageena kaafiriinta faransiis }
walaalayaal mushaawiro sameeya markaad arinta
isku waafaqdaana allena talo saarta hungoobi maysaane .
ALLAAHUMA YAA MUNZILLIL KITAAB WA MUJRIYA
SAXAAB WAHAZIMIL AXZAAB AHZIMHUM WA ANZURNAA
CALEYHIM AMIN YAA RABBI AMIN YAA RABBI AMIN
YAA RABBI
Wadaadyare
Hadalkaagu wuxuu ku kooban yahay gaalada nimanka laga haysto hadaan loo sii dayn xisbul islaam waa u dhamaatay ….isweydii gaalada maxay fever ah u sameeyaan xisbiga oo xisbiga ka lumaya.
arinta nifaaqa ah ee aad sheegtayna Voada ayaa ka soo maqashay nimankaan waa lakala qeybsaday qolo walbena midkeey haysato ayeey go’aan ka gaareysaa .
arinta ninka shabaab lagu wareejiyayna madaxda xisbiga ayaa isku khilaaftay ka dibna waxaa la go’aansaday in walaalahaas la siiyo nin.
meesha dilba ma yaal ee ganaax baa la rabaa si dhaqaale gaalada loogu laayo loo sii helo.
saadaashaada xunna allaah hakugu koobo adiga iyo inta sharwadayaasha ah
WAA SIDUU CADDE SHEEGAY.
ALSHABAB IS DABA QABTA.
WAXAAD MOGDISHO SOO GASHEEN MARKUU XASAN DAHIR AWYS WADDANKA KU SOO NOQDAY; SABABTEEDAYNA LEEDAHAY TAAS.
WALEE HADAADAN XIZBULISLAM IXTIRAAM U HAYNIN INAY MAALMIHIINA KOOBAN YIHIIN.
HAL QAYLA DHAAN OO TOL BEELAYEEY AH AYAA KA XIGATA IN DAGAALKA MID QABIIL ISU BADDALO.
XADGUDUBYADIINA AAN LOO MEEL DAYIN YAREEYA.
RAGGA MA IDINKAA QABSADAY?
MAXAY TAHAY HA NALAGU SOO WAREEJIYO?.
TAN KALOO MEESHA KU JIRTA WAXAY TAHAY, XIZBULISLAM MAR DAMBE U SUUROOBI MAYSO INAY LA SHAQAYEEYAAN DADKA DAWLADDA KU JIRA OO AY HOOS KALA SHAQEEYAAN.
WAX DAMBOO AMINAAYA MA LEH, MAR HADDIIBA SHABAB KU AMAR KU TAGLAYSO XISBIGA.
s/c
Salaan kadib, waa nasiib daro in maanta halkaa arin maraayo oo nimankii iyagu lahaa isku dhinac baan nahay ay laba gaal isku dili gaadheen. Macno badan ma samaynayso in Shabaabku qaataan ama Xisbul islaam qaateen. Waxaan filyaa arinkani inuu noqon mid laga shalaayo. Raga gusha u arkaana waa kuwa aan la socon waagica aduunka. Laba nin oo faranciisk ah hadii aad dishid, gusha aad gaadhay maxay tahay. Dowlada farnasiiska ma iska celinkaraan nimankii Labada Taangi ee AMISON u babac dhigi kari waayay. Waar yaan dadka la lugoon oo aan dalka iyo dadkaba masiibo ka wayn lagu soo salidin. Ninka Caqligisu taagan yahay laba nin oo faransiis ah dilkooda ayaa guul ah walee waa nin riyoonaaya. Xabashidii ayaa 7cisho wadanka oo dhan ku qabsatay oo labasano dagaalkii socday la sheegin xero qudha oo dagaal lagaga kiciyay. Waar dadka yaan been loo sheegin, dhib ka wayna loo soo jiidin.
shabaabka waa daraawiishta casrigan ,
ninka wadaad yare layidhaahdoow wallee fransiiska adigaa ku xiga waana kunaaqaanaa meshaad joogto
1-waxaan kusiinaynaa digninntii
heerka darajada kowaad
kabax waxaad ku jirtid
Asc walal yel ani waxan ka codsaya WALlaha xarakatul shabaab muja hidin in si deg deg ah qudha kaga jaran labada mujrim oo ahallah gacan tinaso giliyey hadii aad siideysa waxad weydon taan tagerada walalaha muslimiint somaliyeed 95% allana waa idin jasi dona asc wabilahi tow fiiq
asc
waa mustaqbal madow,ilaahayow faraj noo fur!
waa wax la filayo inay aakhirka xisbul islaam iyo alshabaab iska hor imanayaan!
hadday maanta midoobi waayeenna goor ay midoobayaan anigu magaranayo!
sh xasan daahirna kama qarsoomi karto khatarta halkaa ku soo jirtaa,saan filayo!
haddaba miyaanay ahayn in xisbul islaam dagaalkan gacmaha kallaabto?
ninka kalena intaan laga qaadin go’aan haka qaateen,shabaab kama maqnaan doonaan aragtidayda?
ilaahow nasamatabixi