Waxaa Caawa si rasmi ah looo furay Nadwo Cilmiyeedkii lixaad ee Masjidka Cumar Binu Khataab ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar Kaaar oo ah mid sanadkiiba mar lagu qaban jiray Masjidka ,(Daawo Sawirada )waxaana Xaflada Furitaanka Nadwada ka soo qeyb galay Culimaa’udiin kala duwan iyo Xubno ka tirsan maamulka Gobolka .
Ciwaanka Nadwada ee Sanadkan ayaa ah “kani waa jidkayga Toosan ee Raaca –وأن هذا صراطي مستقيا فتبعوه ” waxaana duruus kala duwan ka soo jeedin doona Culimaa’udiin kala duwan
Ugu horey Nadwada waxaa lagu furay Ayaad Quraan ah ooo uu Akhriyay Macalin Maxamed “Xamari “ oo ka mid ah Macalimiinta wax ka dhigtay Mu’assada Daraarul Quraan.
Waxaa ugu horeyn Kalmadda ka siiyay Sheekh C/shakuur Aadan Faarax oo kamid ah Gudiga Qaban qaabada Nadwada wuxuuna ugu horeyn Sheekh C/shakuur sharaxaad ka bixyay xiligii la soo bilaabay Nadwooyinka Masjidka lagu qabto iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen Nadwooyinka wuxuuna xusay in nadwadii ugu horeysay ee Masjidka ay dhacday Sanadkii 2004 wixii xiligaa ka dambeeyayna sanadkiiba mar lagu qabto Masjidka Nadwo cilmiyeed .
Sheekh Cabdi shakuur waxa uu tilmaan ka bixiyay qaar ka mid ah Mowduucyadii looga hadlay Nadwooyinkii hore wuxuuna si gaar ah u dul istaagay Mowducyada kala duwan ee Nadwada Sanadkan looga hadli doono.
Sheekh Cabdi Shakuur waxa uu sheegay in mar xalado kala duwan ay soo mareen nadwooyinkii masjidka lagu soo qabtay ,nadwooyinka lagu qabto masjidka xiliga lagu aadiyana uu yahay mid ku munaasib ah marka laga fiiriyo dhinacyo badan .
Intaa kadib waxaa Kalmada la siiyay Maxamed Aadan oo ka mid ah Odayaashada Dhaqanka ee Gobolka wuxuuna Maxamed Aadan ugu horeyn u mahad celiyay Culimada ka qeyb galaysa Nadwada iyo Gudiga qaban qaabada , wuxuuna dhinaca kale dadka Magaalada ku dhaqan ugu baaqay in ay Nadwada ka faa’iidaystaan ayna fiican tahay intii ay darbiyada fadhin lahaayeen in ay Masjidka soo xaadiraan Kheyrkana ay ka faa’iidaystaan.
Kalmad kale waxaa la siiyay Duqa Magaalada Qardho Cismaan Buux Cali , wuxuuna Cismaan Buux Cali u mahad celiyay Gudiga Qaban qaabada Nadwada , wuxuuna tilmamaay in Culimada ay u istaagaan waxyaabo badan oo uu maamulku ka gaabiyay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wacyi galinta Bulshada iyo kheyr u sheegidoodaba.
Cismaan Buux Cali waxa uu intaa kadib wax ka tilmaamay dhibaatooyinka heysta Bulshada Soomaaliyeed wuxuuna Ilahayna uu uga baryayo in uu ka dul qaado colaadaha iyo abaaraha dabada dheeraaday ee ku habsaday.
Waxa uu intaa kadib Cismaaan Buux Cali uu shegay in dhibaatooyinka Bulshada heysta ay ka mid tahay Mukhaadaraadka qeybihiisa kala duwan , dhibaatadaasina ay bulshada ku keentay caqado badan.
Ugu dambeyntii waxa uu Duqa Magaalada uu tibaaxay in Nadwdu ay furan tahay ka maamul ahaana ay raali ka yihiin Nadawda iyo howlaheedaba.
Intaa kadib waxaa kalmad la siyay Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ku hadlay Magaca Culimada wuxuuna ugu horeyn Sheekh Daahir Aw Cabdi u mahad celiyay Gudiga Qaban qaabada Nadwada , wuxuuna intaa kadib wax ka tilmaamay maraxaladihii loo soo maray cilmiga wuxuuna Sheekh Daahir xusay in Cilmiga loo gali jiray Safar dheere dhib badanna loo mari jiray Barashada Cilmiga loona baahan yahay in laga faa’iiydaysto Cilmigii dhibka adag laga soo maray ayna muhiim tahay in aan la dayacin.
Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu wax ka tilmaayay dhibaatooyinka heysta Ummadda Muslimka ah wuxuuna tilmaamay in dhibaatooyinka ay gaaladu ku hayso dadka Muslimka ah ay soo mareen maraxalado kala duwan , dhibaatooyinkaasina ay kala duwanaayeen mid kastana ay gaaladu ka laheyd u jeedo gaar ah .
Intaa kadib waxa uu Sheekh Daahir Aw Cabdi uu sharaxaad koob kooban ku sameeyay Mowduucyada kala duwan ee looga hadli doono Nadwada inta ay socoto , wuxuuna sharaxaad si kob kooban ugu soo bandhigay waxyaabaha xidhiidhka la leh Mowduucyada Nadwada .
Sheekh Daahir Aw Cabdi waxa uu wax ka tilmaamay dhibaatooyinka heysta Bulshada Soomaaliyeed wuxuuna Dhibaatooyinkaas ka tilmaamay in ay ka mid yihiin Tahriibta , Mukhaadaraadka , Shaneemooyinka , iyo Diishashka Guriyaha ka dhigto, Sheekh Daahir waxa uu sheegay in loo sheegay in Magaalada Boosaaso oo kaliya ay ku yaalaan ilaa 485 goobood oo laga daawado Filimaanta “Shaneemooyin” taasina ay nasiib daro inteeda la eg tahay , wuxuuna sidoo kale wax ka tilmaamay in dhibaato kale ay tahay Tahriibtu ay tahay dhibaato kale oo Bulshada soo food saartay Mudooyinkii dambe ayna tahay ama lagu tilmaamo karo dhibaatooyinka ugu waa weyn ee haysta Bulshada Soomaaliyaa qeybaheeda kala duwan , wuxuuna nasiib daro kale ku tilmaamay in Dhalinyaradii Soomaaliyeed ay naftooda ku biimaynayaan Khatar ay u jeedaan ayna gooshayaan Badda iyo Saxarada si ay uun u tagaan Yurub qaar badana ay dhintaan badda iyo Saxaraha.
Ugu danabeyntii waxa uu gudiga Nadwu u mahad celiyeen Shirkadaha Isgaadhsiinta ee kala ah Telcom , Golis iyo Shirkado kale oo Maxali ah oo ka qeyb qaatay socodsiinta Nadwada iyo howlaheedaba , waxay sidoo kale Gudigu u mahad celiyeen Shabakadaha Somalimirror iyo Halgan oo tabin doona duruuska ka bixi doonta Nadawda

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo ku hadlaya Magaca Culimada

Duqa M.Qardho Cismaan Buux Cali oo hadlaya

Oday Maxamed Aadan oo ka mid ah Odayaasha nadwada Lagu casuumay oo hadlaya

Sheekh C/Shakuur Aadan Faarax oo ka mid ah Gudiga Nadwada oo hadlaya

Sheekh Xasan Bookh

Sheekh Daahir Aw Cabdi

Duqa M. Qardho Cismaan Buux Cali

Xidhiidhiyaha Nadwda Sheekh Max'ed Macalin

Macalin Maxamed oo Akhriynaya Aayaad Quraan ah

fdahiga furitaanka Nadwada

dadka oo nadwda dhageysanaya

dadka oo nadwada dhageysanaya

Boodhka Nadwada

Gudiga Masjidka

Dhismaha Masjidk Cumar Bin Khatab

Related posts:
masha’alaah waa camal khayr ah ilaah culimadeena hanoo xifdiyo alahana ha hanuuniyo dad kale oo aan aniga kamid ahay
Laakin reer puntland yaysan ku saamoobin muxaadarooyinka Tacasubka ah ee uu jeedo Basheer salaad waa wadaad xagjir ah oo shariifka ay isku xulufo yihiin.
kulahaa Jihaad kama jiro somalia , ilaah ka baq ayaan leenahay sh,bashiir salaad cilmigaaga haka been sheegin
masha allaaaaaaaaaah wan ku faraxsanahay waxan ilaah ka baryaya in uusan naga dhigin kuwi ka cajisa cibadadiisa isla markana nagu hanuniyo wadadisa tosan dhamaantayo dadka muslimiinta ah mel kasta o ay jogan ilahey ha u gargaro
ilaahow waxan ku weydisanay taqwo khalis ah iyo nasri hiil aa nooga hilisid cadwogaga iyo cadowgayaga si dhaqso leh amiiiiiiiiiiiiiiiin ya rabul calamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
asalaamuc w w jazaakumulaah culimadii somalia waa guntadeen dacwada inay gutaan qul xaq low kaana mur waxaan ka codsanayaa culimada inay kala cadeeyaan labada kooxood diimeed oo isku haysta magaalada muqtisho tan lunsan iyo tan toosan waayo waan ku dhex wareernay labadana natiijadoodu waa wax dil dil dil dil xasbulalaah wa nicmal wakiil
bismilaah waxaan halkan ka salaamayaa bahda shabakada somalimirror waxaan kaloo salaamayaa culima awdiinka ku hawlan fidinta dacwada waxaan kaloo salaamayaa salaamayaa walaalaha dhaqaalohooda ku bixiyey waxaan leeyahay dhamaantiin alle hadin ka abaal mariyo aduun iyo aakhiroba. waxaan ka codsanayaa culimada meel fiican bay idiin maraysaa e hadaalinina oo halkaa iyo meel ka fiicanba gaadhsiiya allaaa iidiin fudaydinayee anaana waan idin ku sooo biiridoonaa waxaan nahay daalibul cilmi
marka hore waxaana niga ku talin lahaa in dadka la fahansiiyo micnaha [NADWO] IN DADKA LOO FASIRO OO LA FAHANSIIYO MICNAHA SOOMAALI LOOGU FAIRO MICNAHA NADWO WAXAAN FILAYAA IN AAD FASIRI DOONTAAN INSHA ALLAH OK OK OK
asc
walaaalayal waxaa iga talo ah in aan aan culumada la aflagaadayn waxaan halkan ku arkay dad badan oo shakhsi kaligii duraya oo canbaaraynaya waxaan leeyahay walaal culumadu maaha oo kaliya shiikh bashiir iyo inta nadwooyinka ka wada gudaha dalka ee culumadu waa badan tatahay ee haddii sh.bashiir iyo xulufadiisu arrimaha k/somaalia ay yidhaahdeen maaha jihaad , aniga waxay ila tahay in culumahda kale la waydiiyo sida: shariif c/nuur iyo cumar faaruuq oo dalka ka maqan markaa haddii culumadaas ay fakarka sh/bashiir qabaan waxa ila haboon in la qaato oo lagu dhaqmo,
culumadana yaan la caayin ee hala ilaaliyo