Nadwo cilimiyeedii lixaad ayaa lagu wadaa in caawa ay si toos ah ugu bilaabato masjidka Cumar Bin khataab ee Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Kar karaar , waxaana nadwada duruus kala duwan ka soo jeedin doona Culimo kala duwan kana kala iman doona sida gobolo kala duwan .
ciwaanka Nadwada ayaa ah “Kani waa jidka Alle ee soona ee Raaca ” وأن هذا صرط ربك فتبعوه ” waxaana lagu wadaa in ay Nadwado socoto mudo todobaadka marka lagu daro habeenka furitaanka iyo xidhtaanka.
Culimada Nadwada Duruuska ka soo jeedin doont ayaaa kala ah :-
1- Sheekh C/naasir Xaaji Axamed
2- Sheekh Daahir Aw Cabdi
3- Dr AXmed Xaaji C/raxmaan
4- Sheekh Cali C/laahi “Cali Towxiid”
5- Sheekh Xasan Maxamed Muuse “Xasan Bookh”
6- Sheekh Maxamed Macalin Axmed
darsiga ugu horeeya Nadwada ayaa lagu wadaa in uu soo jeediyo Sheekh Cali Cabdilaahi “Cali Towxiid “oo ka hadli doono Mowduuc ka hadli doona Muhiimada ay leedahay barashada Luuqada Carabiga ,waxaana intaa kadib la ama qaadi doonaan duruusta kala duwan ee Nadwada loogu tala galay.
Nadwadooyinka cayn oo kale ah ee lagu qabto Masjidka Cumar Bin Khataaab ayaa soo socday in mudo ah waxaana nadwooyink intooda badan la qabtaa sanadkiiba mar wakhtigan oo kale , waxaana nadwadan ka horeeyay shan nadwo oo looga hadlay Mowduucyo kala duwan oo muhiim ahaa

Related posts:
as:salaan kadib illaahay ajar haidan kasiiyo mowqicaan magaalada qardhona dacwada halagu badiyo rag khatar ah ayaa daganee manhajka halagaliyo
as