Wariye ka tirsan Idaacadda Qur’aanka ee Muqdisho oo geeriyooday

Published on July 4, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

I K QMax’ed Yuusuf Niiniile oo ka tirsanaa Wariyayaasha Idaacadda Qur’aanka Kariimka (I.Q.K) ee Magaaladda Muqdisho iyo 2 qof oo kale ayaa Barqanimaddi maanta ku geeriyooday Rasaas wiifto ah oo kula dhacday Isgoyska 4 jardiino.

 

Wariyaha ayaa la sheegayaa in ku geeriyooday Gudaha Isbitaalka Madiina ka dib markii uu Dhaawac culusi ka soo gaaray Qaarka hore sida uu xaqiijiyay Wariye ka tirsan Idaacadaasi oo lagu magacaabo C/Qaadir Rabaani.

 

Xiliga ay xabadda ku dhacday wariyaha ayaa la sheegayaa in uu ku gudo jiray Howlihiisa Shaqo, waxaana la sheegayaa in uu ifka uga tagay Xaas iyo 3 caruur ah.

 

Max’ed Yuusuf Niiniile ayaa la sheegayaa in uu Idaacadda Qur’aanka Kariimka ka shaqeynayay Mudo ka badan 3 sano.

 

Waa wariyihii ugu horeeya oo Idaacadda Qur’aanka Kariimka ka tirsan oo ku geeriyooda Dagaaladda ka socda Magaaladda Muqdisho waxaana sidan oo kale rasaas wiifta ah ugu geeriyooday Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle oo lagu magacaabi jiray “C/risaaq Gaadaco”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wariye ka tirsan Idaacada Shabeele oo lagu diley Deg. Afgooye.
  2. Wariye Muxiyadiin Xusni oo la xiray
  3. Wariye Nasteex Daahir oo la dilay
  4. Wariye ka tirsan Idaacada Shabelle oo ku dhintey Dagaalka Muqdisho.
  5. Labo Wariye oo Baydhabo lagu Xirey dibna loo sii daayey

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wariye ka tirsan Idaacada Shabeele oo lagu diley Deg. Afgooye.
  2. Wariye Muxiyadiin Xusni oo la xiray
  3. Wariye Nasteex Daahir oo la dilay
  4. Wariye ka tirsan Idaacada Shabelle oo ku dhintey Dagaalka Muqdisho.
  5. Labo Wariye oo Baydhabo lagu Xirey dibna loo sii daayey

Latest Headlines