M. Afrika oo Codsaday in la Cunaqabateeyo Eritrea
By Somalimirror on 4 Jul, 2009 8:53 AM in Main, Wararka
Hogaamiyayaasha Midowga Afrika ayaa ka Dalbaday Q.M Jimcihii Shalay in ay Cunaqabatayn ku soo rogaan Dowladda Eritrea, iyaga oo ku dooday in ay Taageerto Xoogaga Islaamiyiinta ee Dagaalka adag kula jira DKMG ah ee Taagta daran iyo Ciidamada AMISOM.
Laakiin Midowga Afrika ma go’aaminin intii ay ku gudo jireen Shirkoodii liibiya Qorshe la soo bandhigay oo ahaa in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho la siiyo Awood ka badan midda Is-difaaca ee ay kaga hortagayaan Xoogaga Islaamiyiinta.
Q.M ayaa horey ugu Eedaysay Dowladda Eritrea in ay Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah ay u dirtay Hub iyo saanad Milatari isla markaana ay Tababaro kala duwan siiso, balse waxaa arintaasi beeniyay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Eritrea.
Midowga Afrika oo ka kooban 53 Dowladood ayaa isku raacay in la Canbaareeyo Weeraradda ay Xoogaga ka soo horjeeda DKMG ah ku hayaan lana taageero Xukuumadda uu Hogaaminayo Sheekh shariif.
“Midowga Afrika waxa uu ugu Baaqayaa Golaha Amaanka ee Q.M in uu Cunaqabateeyo cid walba oo Taageeraysa Xoogaga Hubaysan gaar ahaan Eritrea”. Ayaa lagu yiri Go’aanka Midowga Afrika.
Sidoo kale Midowga Afrika ayaa ka Codsaday Q.M in Go’doomin lagu sameeyo Meelaha uu soo maro Hubka si aysan u soo gaarin Xoogaga Islaamiyiinta ee Dagaalka kula jira DKMG ah iyo AMISOM.
Daabaco
ASC
Kuwii gaaloraaca ahaa way fashilmeen. Waxaan kula talin lahaa inay u soo noqdaan shariif iyo kooxdiisa dhabaha toosan ee Allah. Waxaana kula talin lahaa inay ka haraan Embagati, oo ayan noqon qalab lagu shaqaysto. sharifow Allah talo saaro ee gaalo ka har waad guuleysan.WSC
Miska wadahadalka imow | Jul 4, 2009 | Reply
Siyaasad xumo taas ayaa la yiraahdaa, maxaa 53 dal oo afrikaan ah Eriteria ka faquuqey oon ka aheyn aragti yarada hogaamiyeheeda Aferworqi?
Dad sida ninkaas u aragti gaaban ayaa doonaya iney diin nooga dhigaan ijtihaad xumadooda.
wadaad yare | Jul 4, 2009 | Reply
walahi wa yaab qofkaad aragaba wuxu ku leyahay gaalo raac oo dadka dhan waa gaalo oo shabab kaliya miyaa muslim ah war dadyahow diinta h au malaynina wax fudud ee barasho ayey u baahan tahay marka hore barta kadib ku dhaqmaha waxa nahaysto weligena nahaystay waa jahliga hadana jahiligi waxan lagalnay diinta allow umadana jahliga ka bixi ,,,,
mahadasanidin
hasan | Jul 4, 2009 | Reply
Wassalaamu caleykum.salaan ka dib waxaan u sheegayaa soomaalida inta sharafta leh in aynaan jaro idinks galin Qaddaafi oo Munaafuq ah iyo gaalada madow ee shariifku naf ka doonayo. bal u fiirso lagama hadlin faragalinta qaawan ee ay Xabashidu ku hayso waddankeenna iyo xasuuqii ay geysatay ee waxaa laga hadlayaa (Eretaria). ugu dambeynta waxaan akhriyey kulankii shariifka iyo ninka Ameerikanka ugu wakiilka ahaa ee ka qeybgalay shirka (Sirta) ee Liibiya. kuwaa ku soo qoray websaadyada mid ka mid ah oo leh kulan dhexmaray labada masuul(waa Shariifka iyo ninka Mareykanka ah). waa cajiib haddii nin iyo iyo Addookiisa kulmeen dadka qoraya waxaa kulmay labo mas-uul.
wassalaamu calaa manitabacal huddaa.
Hafoow | Jul 4, 2009 | Reply