Gabadh Xijaabkeeda Awgiis loogu dilay Jarmalka
By Somalimirror on 4 Jul, 2009 10:12 AM in Main, Wararka, Xadgudubyada
Magaaladda “Dresden” ee Dalka Jarmalka waxaa Shalay ka dhacay Dibad Balaaran oo ay ka soo qeyb galeen Jaaliyadaha Muslimiinta ka dib markii Qof xag jir ah oo reer Jarmal ah uu si bareer ah u dilay Marwo Muslimad ah oo xijaabneyd sidoo kalana uu Dhaawac Halis ah gaarsiiyay Ninkeedii xili ay ku sugnaayeen Barxadda hore ee Mid ka mid ah Maxkamadaha Jarmalka Isbuucii la soo dhaafay.
Jaaliyadda Muslimiinta Jarmalka ayaa Dibad baxyo Carol eh ku hor qabtay Isbitaalka uu ku jiro Dhaawaca Ninkii qabay Marwadda Muslimadda ah ee la dilay taas oo da’deeda lagu sheegay 32 sano jir isla markaana loogu magac daray “Gabadhii u Shahiiday Xijaabka”.
Gabadha ay xag jirayaasha Jarmalku u dileen Xijaabkeeda awgiis ayaa ahayd Uur 3 Bilood ah sida lagu sheegay wargeyska “Bild” ee ka soo baxa Dalka Jarmalka Cadadkiisii Jimcaha.
Markaska Islaamiga ee Jarmalka ku yaala ayaa isna Canbaareeyay Dilka Marwadda Muslimadda ee sida ula kaca ah xijaabkeeda loogu dilay Barxadda Maxkamadda.
Mas’uul u hadlay Wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Waxbarashadda ee Masar ayaa sheegay in Marwadda la dilay la oran jiray “Marwa El-Sherbini” isla markaana ay ahayd Xaaskii Ergayga Masar u jooga Jarmalka “Calawi Cali Cakaaz”
Ninka dilay Marwadda ayaa la sheegayaa in uu asal ahaan ka soo jeedo Dalka Ruushka balse uu haysto Dhalasho Jarmal ah mana jirto illaa iyo hadda wax talaabo ah oo laga qaaday.
Gabdhaha Muslimiinta ah ee ku Dhaqan Dalalka Reer Galbeedka ayaa Tacadiyo kala duwan kala kulma Xag jirayaasha Kirishtaanka iyo Yuhuuda, mana jirto Dowlad Islaam ah oo arintaasi ka diirnaxaysa iyada oo Muslimiintii hore ay dhowri jirtay Sharafka Dadka Muslimiinta ah siiba gabdhaha.
Daabaco
A/s ilaah ha u naxaristo waa shahiidad wax kahadlikaro xitaa malahan waxay kutusaysa dacifnimada dalalka muslimka.
Nafyar | Jul 4, 2009 | Reply
gabdhaha muslimaadka ah sidaa baa loogu ciqaabaa dalalka gaalada
gabdhaha gaaladana waxay kuraaxaystaan iyagoo qaawan dalalka muslimiinta
soomaalaay sow sidaa maaha ?
jannagale | Jul 4, 2009 | Reply
ALLAHA U NAXARIISTU WALAASHAY KAMA XUMIN OO SHAHIIDA LAAKIIN DIIGEDU MACNA LA AAN MA BAXAYO.
WALAALAHA SOOMAALIYEED WAXAAN U SHEEGAA IN AY DAGAALKA GAALADU INUU BILAWDAY KUWA DAGANA AY WADAMADA MUSLIM KA AH KA RAADSADAAN MEEL AY DAGAAN.
maxamed cj | Jul 4, 2009 | Reply
macaadallaah ilaah ha unaxariisto gabadhaas muslimada ah ee gaalo dishay.
gaalada sidaas ayay nala rabaan hadaanan iska qaban gaalada Madoow.
Mujaahidiinta hadaan lamusaanadayn waxaa dhacaysa in gabdhahaynta Muslimaadka ah lakifsado qaarna laga weeciyo xaqqa.
Caloofi | Jul 4, 2009 | Reply
Ilahay ha u naxrista walashay muslimada ahay balse manta daren malihin hadaan nahay kuwa muslimiin ah maxaa yelay waqtigii taabiciyada waxa la qabsaday gabar muslin waxana qabsaday nin gaal ah waxayna ku dhawaqday magaca amirkii markas jogay waxayna tiri {waa muctasimaah} kadibna waxa maqlay ninki amirka aha wuxuna yiri hadii gabdhas ad si dayn wayso waxan kuso diraya cidan ka bilowdo meshad jogto kuna eg meshan jogo galki wuu si dayay gabdhii ayado bad qabto manta waxan ka tagnay jihad markasa mel walbo nalagu duleysa aaaaaaaaaaaah
Luqmaan alxakiim | Jul 4, 2009 | Reply
Inaa Lilaahi wainaa ileyhiraajicuun Allaha u naxariisto walaasheen muslimaha ah
Waxaa lagu dilay waa diinteeda islaamka maanta hadii ay jiri laheyd dowlad rasmi ah oo islaam buuxa ku dhaqanto dhamaana gaalada joogtana waa la ceyrin lahaa dagaal Jihaad ahna waa la iclaamin alahaa lakiin nasiibdaro dowlahada islaamka sheeganayo waad la socotaan waxa hogaaminayo
Alle waxaan ka baryeynaa in uu na siiyo Dowlad islaam ah oo xoog badan jihaadkana nooleyso
RAAXEEYE | Jul 4, 2009 | Reply
Ilaah naxariistiisa jano haka waraabiyo Aaamin! waa gabar aad u nasiib badan oo u shahiiday iyadoo muujineeysa Amarka Allah, tan kale, waxaan jeclahay in aan waqti leeysaga dhumin in lagu dheeraado faalooyin macno daro ah oo la siyaasadeeyey, fadlan haloo duceeyo gabadhaas muslimadda ah, kuwa kale ee qaawanna ilaah hasoo hanuuniyo hana ku daysadaan walaashooda “Marwa El-Sherbini”
SomBoy | Jul 4, 2009 | Reply
inaaa lilaahi wainaa ilahay rajicuun ilahay ha unaxariisto gabadha muslimada ee dhimatay iyo intii islaan ah oo dhintayba amiin
nasteexo | Jul 4, 2009 | Reply
Gabadhaas dilkeeda waxaan hadiyad uga dhigayaa Shariif sheekh Axmed oo dalbayanaya nimanka gabdhaas dilay inay usoo gurmadaan si ay maanta uga difaacaan ragii beri ayaga ka difaaci lahaa Gabdhaha Muslimaadka ah ee ay laynayaan…Waxaanad moodaa inuu Shariif leeyahay kuwaas ( Hadii aad maanta ragaan iga qaban waysaan beri ma dili doontaan gabdhaha walaalohood ah )
ILaahay guusha hasiiyo Mujaahidiinta si ay u difaacaan dhiiga iyo sharafta gabdhaha Muslimaadka ah .
cajiib | Jul 4, 2009 | Reply
asc wr wb ilahay ha unaxaristo, kadib walalayaal hadal waxba mataro iyo waan ka xumahay islamka sida loo ihaaneysanayo waan aragnaa lkn maxaan uqaban karaa qof walba meesha uu islam ka ujoogo ha is fiiriyo qof kastana wax weyn ayuu qaban karaa quusashada waa calaamada gaalada ilaahay lagama quusto walalayaal hubkiina qaata ilaahay dartiina shahaada udalba dhamaanteen aan jihaadno ilahayna quluubteenna iimaan haka buuxiyo waxaan noqonay dad indha kugaraadlayaal ah markey wax arkaan maalmaha hore yara carooda kadibna sidoo dii ka ah bal ilaahay baan idinku dhaarshee fadhiga inoo yaal muxuuyahay nabigeennii meel lagu ceynayo saxaabadii door kooda wey kasoo bexeen in badanna nabiga wey u nusreeyeen nabigana scw wuxuu yiri markey weydiiyeen saxaabada sow walaalahaa ma nihin yaa rasuula llaah maya ayuu kuyiri adinka asxaabteyda ayaad tihiin walaalahey waa kuwa iraaca wadadeyda ayagoon i arag anagana walaaltinimadi sayidul mujaahidiin sidan ayaan ugu abaal gudnay ilaahay inta uusan ciqaabta bananka noogu kenin walalayaal xalku waajihad wadada ilahay lagu jihado shahaadana aan dalabno habeen iyo maalinna gaalada aan kanixino kana careysiino inta ay gacanteenna gaartana aan dilno insha allah si aan raali ahaanshaha alle u helno ilahay shahaado hana wadasiiyo inta mujaahidiinta ah hana sugo insha allah anagana kuwii safkooda istaaga waqtiga dhow allaha naga dhigo insha allah
daljir | Jul 4, 2009 | Reply
Ina lilah wa ina ileyhi rajicun ilahey naxaristi jano ha siyo walasheyn muslimada ah waxana ad ugu faraxsanahay in ay ka mid noqoto dadka u dhintay diinta alle iyo sunadi nebigena maxamed s.c.w
Mahad cabdi cali | Jul 4, 2009 | Reply
jannagale Soomaliyaa Alshabab ba jooga naag dharka iska dhigi karta ma jirtooo
Maxamad Cali | Jul 4, 2009 | Reply
allaha u naxariiszo kan dilayna faraskeedi weeye isna allaah baa ka abaal marin doona cadaabtiisa haddii aynaan ka haajirinna taas iyo kasii xun baa na sugeysa allaha bad baadiyo gab dhaha mus limiinta ah oo xijaabaniyo ubadkoodaba
dooxa | Jul 4, 2009 | Reply
allaha qarribo cadawga allaah meel waba oo ey joogaan allaha u naxariisto walaasheen aamiin ruushkaasina wuxuu gabadha u dilay cadawtooyo uu uqabo walaalaha jejeeniya allaha guuleeyo walaaleheen fii kulli makaan
dooxa | Jul 4, 2009 | Reply
allaha u naxariisto waa ay shahiidday isna allaha cadaabo kaasoo kale mujaahidiinta jajeeniya ayaa dishay kuffaar la dhalatay cadwga allaah allaha jebiyoaamiin
bonn | Jul 4, 2009 | Reply
alaha ha u naxariisto gabadhas la dilay la kiin waxan la yabanahay kuwa somali sheganaya e jihadka ka hadlaya ama ad modiid inay masuul ka yihiin waxa adunka ka dha caya sow ma agid gabadhaasi nay xaas u ahayd masuul sare o reer masar ah o walibadiblomaasi ah o usan ka hadlin madaxdoodi sida daradeed maxa ka khuseya somaliya iyado an ognahay waxa ka jira somaliya
c/naasir | Jul 4, 2009 | Reply
Alaha u naxariisto walaasheen iyada iyo qof kasta oo muslim ah oo loo dhibo ilaahay dartii
axmed yasiin | Jul 4, 2009 | Reply
JANOGALE IYO SAAXIIBDIISA SOMALIMIRROR, WAXAAD SAMEYSAAN GABDHAHA GAALADA AH EE AAD KU ARAGTAAN MEELAHA AAD JOOGTAN DILA SI AAD UGU AARTAAN GABARTAN MUSLIMADA AH EE JARMALKA LAGU DILAY…
SABABTA AAN SIDAAS IDIN LEEYHAY WAXAY TAHAY AQLIGIINA AYAA WUXUU YAHAY INAAD WAX DISHAAN OO AAD BOOBTAAN, AQLI MA LIHIDIIN OO AAD KU FEKERTAAN OOO AAD ARIN WALBO DHIBAATO AH OO IDIN SOO FOODSAARTO AAD UGU SIIBATAAN ADINKOO DAD DILIN AMA AADAN HALIS GALIN NOLOSHA BINIAADAMKA…
WAXA KALIYA OO AAD TAQAANIN WAXAY TAHAY IN AAD AARGOOSATAAN OO WALIBA AD U AARGOSATAAN QOF AANAN WAXBA IDIN GEYSAN (SIDA GABAR GAALO AH INAD DISHAN OO AAN WAXBA IDIN GEYSAN ADINKOO QIIL UGA DHIGAYO GABAR MUSLIMAD AH AYA WADAN GAAL LAGU DILAY)
GABARTA MUSLIMADA AH EE GACANTA KA GARDARAN DISHAY , ILLAAH WAXAN UGA BARYAYAA IN JANADII FARDOWSO KA WARAABIYO…
SALAAM
TOGANE | Jul 4, 2009 | Reply
Inaalilaahi Wa inaa ileeyhi Raajicuun
Allah Yar Xamxaa JANNATUL FIRDOWSA ALLAH KA WARAABIYO AAMII AAMIIN AAMIIN Gaalo ashaan nooma heeysa Ya muslimiin kula dagaala meel walbo ay nagula dagaalan
AbdallaBaay | Jul 4, 2009 | Reply
walaalayaal aad ayaad u mahadsantihiin tankale waaxu idin ka sugaynaa Maxaadaraadkii kasocday Gothenburg khaasatan sh Xasaan Xuseen xadidahullaah fadlan deg deg manoogu soogudbinaysaan Alle ha idinka raaali noqdee
soojawaab:?????????
Cabdinuur | Jul 4, 2009 | Reply
allaah ha u naxariisto . AAMIIN
muslimad | Jul 4, 2009 | Reply
Allaha u naxariisto waana gabadhii ku shahiiday qayb ka mid ah shacaa’irta islaamka waxayna ku tusaysaa sida islaamka loo ihaanaystay iyo sida aysan warba uga hayn marka waxaan ehelkeedii iyo islaamkaba inay ogaadaan inay shahiiday marka gabdhaha islaamka ee ku sugan dhlka gaalada waxaa ugu sugan cibro hana ku adkaysteen diintooda inshaa allaah marbaana islaamku noqon doona sidii uu ahaan jiray ama lagu yaqaanay gaala qurunlayna ha ogaato inaan looga harayn arintaas
Ahmed Orshe | Jul 4, 2009 | Reply
asc
allaahu akbar allaah akbar allaahu akbar
walilaahi alxamdu.
allaha u naxariisto walaasha muslimka ah ee ku shahiiday wadanka jarmalka.
taas oo u shahiiday daraada diinteeda islaamka iyo ilaalinta shariicada iyo xijaabka .
inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun .
ahmed mahamed | Jul 4, 2009 | Reply
ugu horrayntii waxaan u tacsiyaynayaa dhammaatn eheladii aya ka geeriyootay gabadhaas alle dartiis loo dilay ee muslim ka ah waxaana u rajaynayaa khayr alle agtiis
intaa kadib.
waxaan waano guud u soo jeedinayaa dhamaan dadka qurbo joogta ah ee muslim ka ah gaar ahaan gabdhaha soomaaliyeed waxana leeyahay :
1- walaalayaal dhaamtiin iska dulqaata waxaa la idiin gaysanayaa maaha wax cusub waa dagaal waligii u dhaxeeyay gaalada iyo muslim ka
2- waxaana la iidinka baahan yahay inaad iska ga timaadaan wadamada aadka laydiinku dhibo oo ad tagtaan wadama islaamiga ah , haddaad nolol eexaysanaysaana iska sabra oo mar walba dhibka u dulqaata oo culimada marwalba la soo socod siiyay dhibkiina si ay waxa idin la gudboon ee aad awoodaan idiin ku sheegaan
waad mahadsantihiin
ismaaciil | Jul 4, 2009 | Reply
Innaa lillaahi wa innaa illaahi raajicuun, alle haunaxariisto gabada walaashena muslimada ah waxaana alle ugabaryayaa janada inuu kawaraabiyo, midekale galka xarbiaaran ay kujahaadan gaakaas oo kujanaalaan. Ay l, eee yaa naftii hure ah oo kujanagalayo gaalkaas.???!
Abdiqadar shimbirow | Jul 4, 2009 | Reply
Ilaah naxariistiisa iyo janoo ha ka waraabiyo.
Togane adigu meel baa ku bugta oo qabiil qurunsaday, weligeedna daawoobi meyso.
Mujaahidiintaa kaa goyn laakiin intaysan kansar kugu noqon oo jirkaaga intiisa kale qurmin oo dilin.
Jiiqeey | Jul 5, 2009 | Reply
a/s/c walaalayaal arintaan waxay ina tuseysaa sida ay naceyb asal ah ugu hayaaan islaamka islaamkuna ma oga waxa gaalo kadamacsantahay waxa kaliya oo lagu aargudankaraa waa kitaabka illaahey oo laqaato iyo sunaha nabiga*nnkh* ILLAAHOW NAGARANSIIH
daaher | Jul 5, 2009 | Reply
inaa linlaahi wa inaa ilayhi raajicuun allaha unaxariisto walaashaymuslimadda ah aad baana ooga xumahay walaashay maanta say udhimatay saas ay tahay maanta aad baan ugu faraxsanahay shaheednemadeeda qof naseeb leh baa shaheedah maanta waxaan se uga tacsiyeynayaa waddamada maanta muslinka sheeganaya maanta booska ay noo taaganyihiin hadii aan muslimiin nahay
aymar | Jul 29, 2009 | Reply
aswr
salaan kadib aniga waamarkiiugu horeysay aan furo hobsedkiina marka aad baan ugu bagay sida wanaagsan uu qoraalada iyo dhacdooyinka uu usooqato waxansejeclaan lahaa gabdhaha musliminta ah oowadada iyo raga musliminta ah oo diinta leh in loo sameeyo qayb intiiguurdoon ah laysugu keni karo oo qaybkamid ah intaa ayaan fikir kayga kusookoobayaa wixiiaanku qaldamay ilaah haiga cafiyo wixiiaan asiibayna ilaah ajar ha iga siiyo asalamu calaykumwaraxmatulaahi wabarakaatuhu
abdiraxmaanaxmed maxamuud | Sep 28, 2009 | Reply
asc wr wb inalilaah wa ina ilehe rajacuun walasheen muslimata ah ee ku giriyoda jarmalka waxaan ilaah uga baryenaa in u ilaah jana fardowsa galiyo midka waa wax lagu daydo ayada ayaba ilaah u gargaray oo jidsax ah ku dhimatay lakiin galada falkaas gesatay ayagane waa wax laga carodo carodo ilaah ha u naxariisto amiin maiin
aisha axmed | Nov 15, 2009 | Reply