Nadwadii Masjidka Al-Huddaa ee Magaalada Laacaanood oo la soo gaba gabeyay
By Somalimirror on 3 Jul, 2009 11:07 PM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka
Nadwadii ka soctay Masjidka Al-Huddaa ee magaalada Laascaanood ayaa caawa la soo gaba gabeeyay waxaana xaflada gaba gabeynt Nadwada ka soo qeyb galay Culimaa’udiin , Nabadoono iyo Garaado , waxaana ugu horeyn Xaflada lagu furay Aayaad Quraan ah waxaana kadib kalmad la siiyay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka mid ah Culimada Reer Laascaanood.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed uu ugu horeyn u mahad celiyay Culimadii Nadwada Duruuska ka soo jeedisay wuxuuna xusay in Mowduucyo kala duwan ay Culimadu ka hadleen waxa laga doonayaa dadka reer Laascaanood-na ay tahay in ay dabaqaan wixii ay Culimadu u sheegtay , wuxuuna dhinaca kale wax ka tilmaamay dadaalka xaga dacwada ah ee ka jira Gobolka.
Inta kadib waxaa kalmad la siiyay Dr Bashiir Axmed Salaad wuxuuna ugu horey Dr Bashiir u mahad celiyay dadka Reer Laascaanood oo uu ku tilmaamay in ay yihiin dad diin jecel wanaaganaka shaqeeya , wuxuuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan arimaha diinta iyo islaaxa bulshada sidoo kalena ay ka fogaadaan wixii dhibaato u keenaya Diinta , Dalka iyo wada noolaanshahooda guud .
Dr Bashiir waxa uu tilmamay in mar walba bulshada looga baahan yahay in ay Culimada ixtiraamto dadka ahlu cilmiga ahna aysan xumeyn waxna aysan ka sheegin hadii ay arimtaas ka dhowrsadaan ay noqonayaan kuwo jidka alle ku hanuna , wuxuuna Dr Bashiir ugu dambeyntii dadka Reer Lascaanood Ilaahay ugu baryay in uu kheyrka faafajiyo xumaanta iyo dhibkana ka dulqaado .
Inta kadib waxaa kalmad kooban la siiyay gudoomiyaha Jaamacada Nugaal ee Magaalada Laascaanood C/risaaq Lafoole , wuxuuna Gudoomiyhu ugu horeyn uu u mahad celiyay gudiga qaban qabaada Nadwada iyo sidoo kale shirkada Isgaadhsiitna iyo Bahda warbaahinta oo uu ku tilmaamay in ay kheryka Masjidka ka socda gaadhsiiyeen meelo kala duwan oo aduunka ka mid ah .
Waxaa sidoo kale kalmad koban la siiyay qaar ka mid ah Nabadoonada iyo Cuqaashada Gobolka waxayna tixabeen in culimadu aysan magaalada Marti ku ahayn ee dadka deegaanku ay culimada marti uga yihiin cilmiga ay xambaarsan yihiin culimadana ay soo gudbiyeen Diin iyo Cilmi, cilmiga ay soo gubeen ee waajibka ku ahaana ay iska rideen waxa uu waajibka uu ku yahay uu yahay dadka ku dhaqan Laascaanood .
Waxaa iyadan kalmado la kala siiyay Saleebaan cali Daahir oo matalayay walaalaha Red Sea ee ku dhaqan Dalka Denmark oo nadwada ka qeyb qaatay iyo Abwaan Maxamed oo tiriyay tix gabay ah oo uu ku cabiranyo nadwada iyo sidii ay u dhacday , waxyaabihii ay culimadu uga hadashay iyo waxa laga faa’iiday intaba
Sidoo kale kalmad la siiyay Xaaji Cabdi Cali “Baradho “ oo ku hadlayay magaca Jaaliyada Dibada wuxuuna Xaaji Cabdi Barasdho uu xusay in uu sanadkii 1990 uu ka tagay dalka markii uu ka tagay dalka kadib uu ka dagay magaalada New York maalmo kadibka uu uga sii gudbay Dalka Canada wixii intaa kadeeyayna uu ku nolaa magaalooyinka Toronto iyo Ottawa , wuxuuna Xaaji Barasdho aad u amanaay Sheekh Bashiir Shiil oo uu ku timaamay in uu laf dhabar u yahay Dacwada ka jirta Canada , sidoo kalena uu Sheekh Bashiir Shiil u istaagay in uu dadka Dacwada gaadhsiiyo.
Waxaa intaa kadib kalmad la siiyay Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada Nadwada Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan wuxuuna Sheekhu xusay in uu Ilaahay uga mahdinayo qabsoomida ay nadwda u qabsoontay wuxuuna cudur daar ka bixiyay khadadkii xaga Taleefanada ee Gobolada wuxuuna dhinaca mahad celiyay Shirkada Isgaadhisiinta ee kala ah :- Africa Online , Telesom iyo Telcom iyo warbaahina kala duwan wuxuuna si gaar , wuxuuna Sheekh Axmed ugu dambeyntii Ilaahay ka baryay in uu kheyrka waafajiyo dadka ummadda Muslimiinta ahna uu u dambi dhaafo.
Ugu dambeytii waxaa hadalka xidhitaanka Nadwada la siiyay Garaad Jaamac Garaad Islaamciil oo dhawaan lagu caleemo saaray Magaalada wuxuuna Garaadku codsaday in Culimada ay Ilaahay u baryaan in uu ku guuleeyo Xilka loo wakiishay , sidoo kale waxa uu Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil uu sheegay in Culiamda Nadwada ka qeyb qaadanaysa ay ka kala yimaadeen gobolo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah wakhtigooda qaaliga ahna ay u soo hureen in ay dadka Reer Laascaanood kheyrka gaadhisiiyaan baraarujiyaana , wuxuuna sidoo kale Garaad Jaamac dadka ugu baaqay in ay Culimada ixtiraamaan kana dambeeyan cilmigana ay ka qaataan ayna noqdaan Bulsho ku xidhan Culimada.
Nadwada ayaa lagu so gaba gabeyay Duco Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo mid caam ah waxaana dadka u duceeyay Sheekh Cali warsame , ugu horeyn Sheekh Cali Warsame waxa uu u duceeyay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo uu Ilaahay ugu baryay in uu ku guuleeyo xilka loo wakiishay Ilaahayna uu towfiiqda waafajiyo , wuxuuna Garaadka kula dardaarmay in mar walba uu cabsida Ilaahay laasimo wax walbana uu diinta u eego waxa ay qabto, intaa kadib Sheekh Cali Warsame waxa uu si caam ah ugu duceyay Umadda Muslimka ah gaar ahaan tan Soomaaliyeed oo u Ilaahay uga baryay in uu ka dulqaado dhibaatada iyo dagaalada heysta .
Nadwada caawa la soo gaba gabeyay ayaa ah nadwadii labaad ee lagu qabto Magaalada Laascaanood waxayna nadwadani noqoneysaa tii ugu horeysay ee nooceeda ah ee si toos ah “live” loogala socdo aduunka.
Shabakadaha Somalimirror iyo Halgan ayaa ahaa kuwo isku howlay soo tabinta Nadwada si toos ah iyo sidoo kale cod , qoraal iyo sawirba ,waxayna shabkadana sidoo kale ka qeyb qaaten Nadwadii Bishii 4-aad ee sanadkan lagu qabtay Magaalada Boosaaso , Halka ay Hagan ay soo tabisay Nadooyin ka dhacay Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco oo aysan Somalimirror fursad u helin.

xidhiidhiyaha Nadwda Sheekh Maxamuud Xaliika

Sheekh Cali Warsame

Dr Bashiir Axmed Salaad

Sheekh Axmed Max'ed Suleymaan

Bidix- Xaaji Cabdi "Baradho" - Midig Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Bidix -nabadood -Dhex Lafoole - Midig Caawil
Daabaco


maansha allaah mar hadii lataliyihii Sh shariif
oo ahaa sh Bashiir Axmed Salaad
uu wareegayo gobolada bari iyo waqooyi si uu taageero ugu helo dawlada sh shariif sh Axmed
taasuu uu isaga laftiisu uu xubin kayahay
ayaa waxa aykusababtay in uu dawrooyin hanuunin ah uu kuqabto magaalada laascaanood
isaga oo dadka usheegaya in dawladaasi aytahay mida keliya ee sharciga ah dadka kasoo horjeedaana ay yihiin Buqaad jihaad uun iska doonaya laakiin aan garanayn cidii lagu jihaadi lahaa isaga oo sheegay in aan xataa dagaalka Amisson aan wax ajara laghelayn ee uuyahay mid xaqdaro ah sidaana uukadhaadhiciyay dadka reer L/caanood intooda badan walowba aykabiyo diideen dadbadan oo dhalinyaro ah taa soo sababtay in ay intii doodu socotay aydadbadani ugoosteen xagaa IYO muqdisho
weheliye | Jul 4, 2009 | Reply
TO:WEHLIYE
ILAAHI KA CABSO OO CULUMADA KA LEEXO BEENTANA DADKA HA USHEEGIN ,GUDOOMIYIHII CULUMADA SOOMALIYEED AYAAD LEEDAHAY LA TALIYIHII SHARIIF .TAAS WAXAY DALIIL U TAHAY IN AAD CAQLI IYO DIIN TOONA HAYNIN ,DADKA YAYSAN KUGU QOSLIN ,
WAXAAN U FAHMAYNAA IN AAD TAHAY NIN CADOW SOO ADEEGSADAY OO CULUMADII AK BAXSAN LA’DAHAY.
RUN HADAAD SHEEGAYSID KEEN ADILADA AAD KU LEEDAHAY SH BASHIIR LA TILYE SHARIIF
WAXAAD TAHAY WIIL YAR OO LA SOO KHALDAY ,EE MASAAJIDDA AAD INTA AAD ISKA DAYSID CAYDA CULUMADA IYO MARIN HABAABINTA SHACABKA
ILAAHAYOW MA GAARSIIYAY
W/C
DAACAD | Jul 4, 2009 | Reply
asc wr wb. mahad idilkeed waxay u sugnaatay illaahay,nabad iyo naxariis nabi muxamud kur kiisa ha ahaato.
weheliye, sxb waad iska hadashay,shiikh bashiir illahay ha xafido waa nin shiikha soomaali idilkeed iyo muslimkana waa u shiikh shiikhna qabiil malaha iyo ciwaan u gaara waa ninkaas xanbaaray cilmi kii ugu qiimaha badnaa aduun iyuo aakhira, waana nin shiikha oo reer laascaanod ugu tagay in uu gaadhsiiyo wixii uu ku dheeryahay oo diin ah una faa iideeyo inta caamada ah,hadii aad ku dhaliishay muxuu alshabaab u taageeriwaayey, alshabab ha hoos yimaadeen cumilmada soomaaliyeed ee cilmiga leh ee aduunka dacaladiisa diinta ka fidinaya,alshabaab ha u soo noqdeen culimadooda kuwii dugdiga kasaaray ee cilmiga u akhriyey, waxaa muuqata in alshabab mugdigii ku laabatay oo ay sii xuluulanayso jahli ay diinta ka sii galayaan.
weheliye laascaanood aqoon la aan baa kaa haysee waa hooyadii wacdawa islaamigaee soomaaliya waa hooyadii xoriyada soomaaliya waa hooygii gobanimada, waa gobolka kali ah ee markii 1992 kumanaan dhalinyaradii ducaada soomaaliya markii laga soo buriyey muqdisho gobolada ka loo dhan lagu soo dhaweeyey ee lagu nabad galiyey oo illaa iyo hada ay dagan yihiin iyga oo cid walba leh ayna kaga kaaf toomeen goboladii ay ku dhaqnaan jereen mar sxn shiikh bashiir hadii aynu haysan wayno reer laascaanood waa awoodaan in ay haysataan kana faa iidaysaan kana danbeeyaan.
anigana waxaan kugu waa ninayaa in aadan culimada wax ka sheegin akiiyoow
cabdifataax aw | Jul 4, 2009 | Reply
Waano iyo Dardaaran Guud oo ku socda dhammaan dadk Somaliyeed
walaalyaal waxa iga talo iyo dardaarana qodobadan hoos ku xusan :
1- In qof walib u shaqaysto aakhiradiisa iyo maxaad alle la hortagidoontaa is waydiiyo?
2- In culumada loo hogaan samo hadalkoodana la qaato, waayo iyaga ayaa haya dhaxalkii nabiga,
3- In laga dheeraado cayda culimada iyo dacnigooda
4- In aan dadka muslim ka ah loo ilaaliyo dhiigooda iyo maalkooda iyo sharaftooda, nasabkooda , sidii alle u ilaaliyay
5- In laga dheeraado isticmaalka ereyada afka ku fudud, aakhirana miisaan ka culaysiya sida : hebal waa gaal ama murtad , ama munaafaq iwm
6- In aan dadka muslim ka ah lagu gaalaysiin gaf aya galeen waayo bani aadamku waa gafaa waxana u khayr roon kan gafka ka soo laabta
7- In taariikhda islaamka dib loo raaco lana barto diinta
8- In wixii ku soo kordha waaqica la joogo ee diin quseeya culima loola noqdo,
9- In la iska ilaaliyo fatwada aan cilmiga ku dhisnayn ee waqtigan qof kastaaba wuxuu doono ama uu jecel yahay iska odhanayo,
10- in la qaato fatwada culumada markii hore khayrka lagu tuhmayay ee aan leexleexa lagu aqoon
11- in la yaraysto fadhiga goobaha siyaasadda lagaga hadlayo ama lagu falanqeeyo
12- In xuska alle la badiyo si dhibka looga baxo
NB: waxaan raali ka ahay dhamaan wixii fakrad ah ee la xidhiidha taladaydaaas 12 qodob ka kooban
iigu soo dir Email: kaah2006@hotmail.com
mahad sanidin
ismaaciil | Jul 4, 2009 | Reply