Goobihii lagu dagaalamay oo Degan
By Somalimirror on 3 Jul, 2009 8:52 AM in Main, Wararka
Xaaladaha Goobihii Shalay oo dhan Dagaaladda Culusi ka socdeen ayaa saaka degan inkastoo mararka qaar la maqlayo Rasaas goos goos ah oo ay labadda dhinac is-weydaarsanayaan, waxaana dhanka kale la sheegayaa in ay Ciidamadda AMISOM wadaan Dhaq-dhaqaaq ciidan oo aan la sheegi Karin ujeedkiisa xili Midowga afrika laga war dhowrayo inuu fasax u siiyo inay wax weerari Karaan si ay u difaacaan DKMG ah.
Dagaalkii shalay ayaa ka dhacay Kaaraan, Shibis, Beexaani iyo Boondheere waxayna Dad Goob joogayaal ahi u xaqiijiyeen Somalimirror in laga qabsadday Ciidamada DKMG ah Goobo ay ku sugnaayeen oo ku yaala Beexaani iyo Kaaaraan, waxaana uu Dagaalku ku sii siqayaa Hotelka Galobal iyo Xaruntii Gaadiidka Booliska.
Dagaalka waxaa Bar-bar socotay Duqeymo xoogan oo ay la aaminsanyahay in ay ka soo dhacayeen Fariisimaha Ciidamada AMISOM ka joogaan qeybo ka mid ah Magaaladda Muqdisho waxayna sababeen in ay ku geeriyoodaan 20 qof in ka badan 60 kalana ay ku dhaawacanto.
Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbinaynaa Insha Allaah.
Daabaco
Yaadhintay yaanool allaw gaalo naga qabo waa cadawe
Gaado | Jul 3, 2009 | Reply
Alloow naga qabo kuwa raba in wadankaan gaalo u gacan galo, haddane gaalada aan la dagaalameyn ee Soomaalinimada ka soo horjeeda.
Maxamed | Jul 3, 2009 | Reply