Dowarada sharciga ah ee xiliga Xagaaga ayaa barqanimadii Maanta ka bilaabatay Masjidka Camaar bin Yaasir ee Magaalada Laascaanood waxaana dowradaas loo qabtay ardayda Dugisiyada sare dhigata sidoo kalena ay wehliyaan Ardayda Machadka Sharciga ah ee Al-furqaan.
Darsiga ugu horeeyay ee dowrada waxaa maanta soo jeediyay Sheekh Axmed C/Samed Cabdulle oo ka hadlay Mowduuc si gaar ah u khuseeyay dhalinyarada kaas oo ahaa “mushkiladaha heysta Dhalinyarada “ wuxuuna ugu horeyn Sheekh Axmed C/samed Cabdulle Mowduuca u kala qaaday qeybo uu si koob kooban uga soo bandhigayay Dhibaatooyinka kala duwan ee haysta Dhalinyarada wuxuuna wax ka bidhaamiyay mushkilada sida gaar ah u heysta dhalinta Soomaaliyeed.
Sheekh Axmed waxa uu soo qaatay in dhibaatada ugu badan ee mudooyinkii dambe dhalinyarada la soo daristay ay ugu weyndeyd dibada ha la ii diro xag waxbarasho ama xag dhoof ,dhalinyaduna ay noqdeen kuwo labadaas wado mara , wuxuuna ka soo reebay in ay jiraan dhalinwax fahamsan waxbarashadooda iyo dalkoodba ku qanacsan kana shaqeysta dalkoda waxna ka barta.
Sidoo kale waxa uu Sheekh Axmed C/Samed soo qaatay in dhibaatooyinka dhalinta haysta ay ka mid tahay baaga muudada , iyo shaqo la’aanta wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in dhalintu ay ku doodaan in dalka aan shaqo laga heleyn wax laga shaqeeyana uusan laheyn wuxuuna Shekh Axmed soo qaatay hadalo kala duwan oo uu ku cadeynayay in dalkeenu uu hodan yahay kheyraadka ku jirana uu dadka ka badan yahay dadkuna aysan waxba ka helayn dibada ay ku sii ordayaan.
Waxaaa darisga Sheekh Axmed C/samed xoogaa taciiqaad ah ku daray Sheekh Xasan Maxamed Ibrahiim “Abuu Xassaan” iyo Sheekh Faaraxa Maxamed Xirsi waxayna labada sheekhiba wax ka tilmaameen mushkiladaha heysta dhalinyarata waxayna wax ka timaameen dhaliyadu sii ay ahayd Nabiga SCW waxay tusaalayaan u so qaateen Saxaabiyo yar yar oo Ummadda Hoggaan u noqday waxayna wax ka tilmaameen tariikho kala duwan oo ay soo mareen Dhalinyaradii Muslimka hoggaanka u qabatay.
Intaa kadib waxaa laguda galay dood ama niqaash Ardayda dhexdeeda ah waxayna Ardaydu soo bandhigayeen mushkilado kala duwan oo gaar ku ah Dhalinyarada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , waxayna dhinaca kale dhalinyaradu ay ka digeen in dhaliyarada wax ku barata Luuuqadda Englisha-ka ay iska ilaaliyaan waxyaabaha diinta ka hor imanaya ee ku jira Maadooyinka Sayniska ah
Dowradan oo ah mid xiliga xagaaga ah loo qabto ardayda dugsiyada sare ee Magaalada Laascaanood waxayna arday Dowrada loo qabtay ay ka kala socdeen Dugsiyo kala duwan iyo sidoo kale Mac’hadka culuumta Sharciga ah ee Al-furqaan.
Dowrada ayaa lagu wadaa in ay socon doont ilaa 4 maalmood ardayda ka qeyb qaadaneysana ay qaadan doonaan duruus kala duwan ayna bar bar socdaan nashaadad kala duwan oo ardayda dhexdeeda ah.

Related posts: