Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo iskaga Baxay Balan-bal

Published on July 3, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Ciidamadii Gumeysiga Itoobiya ee ku sugnaa Todobaadyaddii la soo dhaafay Magaaladda Balan-bal ee gobolka Gal-gaduud ayaa saaka isaga baxay, waxayna u ruqaansadeen Dhinaca Deegaanka “Laasacaanood” ee Gobolka Wardheere ee Dhulka S/Galbeed.

Lama garanayo Ujeedka Bixitaankooda iyo waliba inay dib ugu soo noqon doonaan Balan-bal iyo in kale.

Intii ay joogeen waxay Kulamo la qaateen Hogaamiyayaasha Maleeshiyadda isku magacowday Ehlu Sunnaha Wal Jameecah oo la sheegay inuu soo dhex galay Khilaaf xagga Qabiilka ah oo Markii hore lagu dhisay.

Sidoo kale ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Somalimirror in ay labadaasi dhinac isku Afgarteen in Xafiisyo looga furo Magaalooyinka Shilaabo iyo Laasacaanood ee dhulka S/galbeed.

Dhan kale waxay Ciidamada Gumeysiga itoobiya Kulamo la qaateen intii ay ku sugnaayeen Balan-bal Odayaasha Deegaanka Qaarkood oo la sheegay inay ku amreen inay la shaqeeyaan Maleeshiyadda Suufiyadda.

Ciidamada Gumeysiga itoobiya ayaa fara galin dhan walb ah ku haysa Soomaaliya tan iyo Bur-burkii Dowladdii dhexe ee uu Madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deg. Balan-balle dib ugu soo noqdey.
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka soo baxay Baardheere & Diinsoor
  4. Qaar ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay Baydhabo
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Degmada Araarso ee Gobolka Dhagaxbuur Xasuuq Shacab ka geystey.

Readers Comments (1)

  1. okash says:

    ILAAAHEY SWT SHARTODA HA INA DHAFIYO -DHAGARTODA IYAGA IYO GALADA KA SI WAWEYNBA WAXAN ILAAAAHEY SWT KA RAJEYNEYNA IN U HOS UGU CESHO IYAGA DHEXDODA AY KA HELAN WIXI AY MUSLIMIINTA LA DAMACSANYIHIN -INSHA ALLAAH HOOG IYO BA’AN LAGA SO WAQSANKARIN O DEG DEG AH AYN U RAJEYNAYA ETOPIYANKA GALADA AH E NAGU SO DULA IYAGA U KUWA HADABA JOGA E GALADA AH IYO KUWA DABADA KA SO WADA ILAAAAAAHOW IGA AQBAL ADONKAGII AYAN AHAYE AMIIIIIIIN WASALALAHU WASALAMA CALA NABIYINA MUXAMED WACALA ALIHI WASAXBIHI WASALAM”




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Deg. Balan-balle dib ugu soo noqdey.
  2. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay qeybo ka mid ah Dhulka S/galbeed
  3. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo ka soo baxay Baardheere & Diinsoor
  4. Qaar ka mid ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo isaga baxay Baydhabo
  5. Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Degmada Araarso ee Gobolka Dhagaxbuur Xasuuq Shacab ka geystey.

Latest Headlines