Ciidamada AMISOM oo nin rayid ah ku dilay KM4 Duqayn Khasaare Gaysatayna ka Gaystay Yaaqshiid & Kaaraan
By Somalimirror on 3 Jul, 2009 8:45 PM in Main, Wararka
Ciidamada AMISOM oo fariisinka kuleh Isgoyska Km4 ayaa maanta toogasho ku dilay nin rayid ah oo marayay Isgoyska kadib tacshiirad xoogan oo ay ku fureen gaadiidka dadweynaha ee adeegsada KM4.
Sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen dad goob joog ah ciidamada AMISOM ee saldhigga kuleh Isgoyska KM4 ayaa si bareer ah u rasaaseeyay gaari kamid ah gaadiidka dadweynaha ee isticmaala isgoyska taas oo ay ka dhalatay geerida qofkan rayid ah.
Ciidamada AMISOM ayaa dhawr jeer oo hore si ulakac ah u rasaaseeyay gaadiid ay saarnaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan taas oo ay u xanuun badnayd dhacdo ay ku toogteen 40 ruux oo rayid ah kadib markii qarax lala beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamada DKMG ah uu ka dhacay meel aan sidaa uga fogayn saldhigga ciidamad AMISOM ay ku leeyihiin Guriga Shaqaalaha qaraxaas oo aan u gaysan wax khasaare ah.
Sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa maanta waxay duqayn u gaysteen degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan taas oo sababtay dhimashada 10 qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro intaa ka badan.
Ciidamada AMISOM ayaa Dalka Soomaaliya ku jooga Magaca Nabad ilaalinta taas oo aysan ilaa iyo hadda muuqan tilaabo ku aadan oo ay qaadeen waxayna intii ay joogeen qudha ka jareen dad rayid ah oo aad u farabadan waxayna qayb weyn ka qaateen barakicinta dadka ku tabaalaysan duleedka Muqdisho duqaynta culus oo ay u gaystaan Xaafadaha dadka rayidka ah ku badan yihiin awgeed.
Daabaco


waa yabe miyey durba bilaben waqti yar ka hor aya la lahaa waxa loo fasaxaya in ay shacabka iyo mujahidinta ay wada xasuuqaan”‘hadaba afka galada wa u nabad ilaliyanl aminsontan qurunka ah lakin dhab ahaantii waa xasuqayaal shacabka wada muslimka ah e wadankas ku nool se ku dhicikarta dad 100% wada muslim ah wa la inoo tashaday wana la inaka shaqeysanaya lakiin ilaaah aya noo maqan hadi an dhab u talo sarsano waan huba in aynu ka guleysaneyno iyagana jab iyo hoog ku dhacaayo ilaaaaaaaaaaah idankiis gaalo iyo gaalo kalkaliyaal’ba way ku jabayaan wadamada muslimka ah e ey u diidanyhiin in ay sharciga islamka isku xukumaan shareecada saxiixa ah sida rabi no shegay gaalo ma ogolaneyso dagal ayey ka xigaan ila ay ka awoodiwayan waa taas sharecada dhabta ah lakin mid gaalo hiil iyo hoo la dabatagantahay macqul ma ahan waa been iyo nahabnimo hadi kale wa in ad shaki galisa ayado quran ah waa hadiba aad ledahay waxa dhici kara shareecad ay gaalo hiil iyo ho la dabatagantahay”’wa bilaahi towfiiq
okash | Jul 4, 2009 | Reply
Al Salaamu Calaykum.
Skadib Gaalo madowda GUMAADSOM waaxnu ogayn inaysan wax asxaan ah u joogin wadan kayaga iyo caasimadayada mana ahan wax lala yaabo inay shacab laayaan oo maalin kasta waxa ay ku dhex jiraan ama quutaan waa dhiiga muslimiinta ku dhaqan caasimada, marka waxaan dadka muslimiinta ah leeyahay inay iska sabraan oo ay u dul qaataan imtixaanka Allah ayaa naga gudbin doona gaalana jabin doono inshaa Allah dadka niyadooda ha wanaajistaan oo SHAHAADO ha u niyoodaan hadii ay gaalada ku dilaan madaafiicda ay sidaarxan darada ah dadka ugu asqaynayaan.
Maalin maalmaha ka mid ah waxaa la tagi doonaa Kambala markaas ayay mu’miniinta farxi doonaan
Dhaariq | Jul 4, 2009 | Reply