Waraysi aanu la yeelanay Salaabeen Cali faarax Wakiilka Walaalaha Red Sea ee Soomaaliya

Saleebaan Cali FaaraxShabakada Somalimirror waxa ay idiin soo gudbineysaa Warysi ay la yeelatay Salaabaan Cali Faarax oo ah u qeybsanaha Soomaaliya Walaalaha Kheyka ka shaqeeya ee ku dhaqan Dalka Denmark Ururkoodana lagu magacaabo Red Sea wuxuuna Salebaan warasiga uga hadli doonaa wax qabadka Ururka Red Sea iyo howlaha uu qabto iyo meelaha uu ka howl galo wuxuuna waraysigu u dhacay sidan:-

Somalimirror :- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh.

Saleebaan Cali Daahir :- Wacalaykumu Salaam Waraxmatulaahi Wabarakaatuh.

Somalimirror :- Waxa aad tahay wakiilka Walalaha Red Sea ee Jaaliyada Soomaaliyeed Denmark faah faahin naga sii walaalaha Red Sea iyo wax qabadkooda.

Salebaan Cali Daahir:- Bismilaah Al-xamdulilaah Waslaatu walaamu Calaa Rasuuli Laah Salaawaatu Rabii Wasalaamun Calayhi aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay Somalimirror hadaan kaa siiyo Red Sea iyo wax qabadkeeda faah faahin hadaan kaa siiyo waa Urur Islaami ah oo u istaagay kheyraadka kana jira Wadanka Denmark daafihiisa ama Caasimadiisa iyo magaalooyinka ku xeeran Ururkaas oo waxqabadkiisu yahay gadhisiinta Dacwada iyo qabshada Nadwooyinka xaga Cilmiga iyo hormarinta xaga cilmiga iyo isku xidhka culimada ayay howshoodu tahay waxaana rajeynaynaynaa insha’alaahu in ma aragtay howshaasu ay hormar gaadho oo Walaalhu Insha’allah ay dadaal ay ku bixiyaan juhuudooda ay bixinayaan aad iyo aad ayaa looga mahad celinayaa oo dhamaan goobaha lagu qabtay nadwaadkaas si xoog leh ayaa looga mahad celinayaa in kasta oo uu qodobkaa soo socdo oo aan dib ka faah faahin doono .

Somalimirror :- waxa aad sheegtay in walaalaha Red Sea ay ka qeyb qaataan arimaha Dacwada iyo kheyrka mar jirtaa wax ka baxsan oo ay ka qeyb qaataan oo arimaha Bulshada ah .

Saleebaan Cali Daahir:- way jiraan arimaha Bulshada way ka qeyb qaataan wacyi galinta maanta taagan Ummadda Somaaliyeed heysta ee ah in la saxo fahamka dhalinyarada iyo dad weynaha in faham laga dhex dhaliyo ee howshaa maanta taagan ee waaqica ah in ay ka dhigaan mid ay Ummadu u midaysan tahay .

Somalimirror :- wax nooga tilmaan kaalinta ay walaalaha Red Sea ku leeyihiin Nadwada ka socota Magaalada Laascaanood.

Saleebaan Cali Daahir:- Bismilaah Nadwadan Laascaanood walaaluhu waxa ay ku leeyihiin gacan weyn ayay ku lee yihiin oo ah xagga maalgalinta Nadwada maaligantaas oo ah xaga Transporti-ga Culimada iyo ma aragtay howlaha kale ee Nadwadu ay u baahan tahay intaba walaaluhu iyagaa ka geystay gacan weyn taasna waan ugu mahad celinaynaa dhamaan dadka iyaguna sidal Local-ka ah “Maxaliga ah” uga geystay gacanta ee sharaa’iga ah ee Isgaadhsinta ah sida Telesom iyo Telecom iyo raga kale ee iyaguna kheyka qaba ee aan la kala hadhin juhuudda dibad iyo gudaba .

Somalimirror:- waxaa jiray Nadwooyin lagu qabatay bilihii la soo dhaafay ama bilowgii sanadkan Magaalooyinka burco iyo hargeysa kaalin ma ku lahayd Nadwooyinkaas Red Sea ?

Saleebaan Cali Daahir:- Ilaahay Mahad ha ka gaadho, Ilaahy Subaxaanahu Wa Tacaalaa aanu u mahad celinaynaa awalan taaniyan waxay fureen Baab ay aad iyo aad markii hore dadku culeys ama Al-baab xidhan inuu yahay ay u maleynayeen oo ah in xagga Dacwada guud xagga Nadwaadku ay ma aragtay ay kala go’an tahay iyo isku socodka Culimada intaba marka waxaa weeyaan walaaluhu Hageysa ayay Nadwadii ugu horeysay ayay si caalami ah ayay ugu qabteen taaas oo lagu baraarugay oo la iska dhaadhiciyay amase ay garteen dadku in howshan ay suurta gal tahay , sidaas oo kale Burcana way ku qabteen tii labaad bay ku qabteen January ee Sanadkan sidaa si la eg ayuu iyadana baraarugaa ugu dhacay waana rajeynaynaa inshaa’alaahu in walaalhu ay howshooda ay horay u sii wadaan oo aanay ka caajisin.

Somalimirror :- sida muuqata ama si dadban u muuqataba ma la dhihi karaa Red Sea waxa ay gaar ku tahay Gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya hadaan si kale u dhahno Somaliland mise guud ahaan waxa ay ka wada howl gashaa Soomaaliya oo dhan.

Saleebaan Cali Daahir:- walaalaha hadda bilaabay ee hadda howsha wada waxa weeyaan goboladaas ayay ka soo jeedaan lakin mabda’a ay ka duulayaan waxaa weeyaan tayaynta iyo hormarinta Cilmiga ayay ka duulayaan iyo isku xidhka Culimada marka hore Soomaaliya oo dhan marka horaan leeyahay Somaliland marka xigtana waxaa weeyaan Soomaaliya oo dhan , intaa wixii soo raacana inshaa’alaahu in Calaamul Islaami la isku xidho ayaan jareynaynaa .

Somalimirror:- walaalaha Red Sea ee Dibada ku nool Jaaliyadda ay matalayaan ma noo sheegi kartaa Gobol ahaan.?

Saleebaan Cali Daahir:- Jaaliyadda ay matalyaan gobol ahaan iyo heykalka guud ee ay matalayaan waxaa weyaan Madiqadan Somaliland ayay matalayaan oo hadda howshaas ayay u taagan yihiin, taasu waa xaga matalaada , inshaa’alaahu waxaan rajeynaynaa in kheyrkaas uu camimo Soomaaliya oo dhanna uu gaadho.

Somalimirror: Saleebaan Cal Faarax u qeybsaha arimaha Soomaaliya walaalaha Red Sea waad mahadsan tahay .

Saleebaan Cali Faarax :- adigaa mudan aad iyo aad baan Somalimirror ugu mahad celineynaa Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa kadib waxaan rajeynayaa in howlaheeno ay si fiican inoogu dhamaadaan Wa Salaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wa Barakaatuh.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

Fikrad ka dhiibo