Sheekh Axmed Maxamed Sulaymaan oo Nadwadaka socota Masjidka Al-Hudda ee M. Laascaanood caawa ugu hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ku Jees Jeeska Diinta ,Axkaamtiisa iyo waxyaabaha ka dhasha”
By Somalimirror on 2 Jul, 2009 10:23 PM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka
Nadwada ka socota Masjidka Al-Huddaa ee Magaalada Laascaanood ayaa caawa gashay Habeenkii 8-aad oo xidhiidha ah waxaana Caawada Darsiga soo jeediyay Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo ka hadlay Mowduucii Nadwada ugu dambeeyay oo ciwaaankiisu ahaa “ku Jees Jeeska Diinta ,Axkaamtiisa iyo waxyaabaha ka dhasha” (Daawo Sawiradda)
Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan waxa uu ugu horeyn mowduuca u kala qaaday qeybo kala duwan oo ay ugu horeysay sharxida erayga Jees jeeska micnihiisa iyo asalkiisa , waxa ka dhalan kara jees jeeskaas iyo waxbaaha keenay Jees jeeska Diinta , wuxuuna sidoo kale tilmaamay in qeybaha dambe ee Mowduuca uu ugu hadli doono Axkaamada uu yeelanayo qofka diinta ku jees jeesa iyo waxyaabaha ka dhalan kara.
Sheekhu waxa uu ugu horeyn tilmaamay in caydaAlle SW ,Nabiga SCW iyo Diinta ay modooyinkii dambe noqdeen kuwo soo badanayay ayna arintaasi ka dhalaneyso cuqubo ku dhacda dadka falkaas ku kacaya .
Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay sharxida erayga “الإستهزاء” wuxuuna Sheekhu eraygaa ku sheegay micno kala duwan , wuxuuna intaa kadib soo qaatay in eraygaaas uu leeyahay micno kala duwan intooda badana ay isku dhow yihiin.
Sheekhu waxu sharaxaad dheer oo cilmiyaysan ku sameeyay Eraygaas wuxuuna soo qaatay hadaladii ay Culimada salafku ka dhaheen Eraygaas wuxuuna Sheekhu ku xusay in uu ku soo koobayo hadalada Culimada Salafka hadalka Imam Qasaali Alle Raxmadiisa ha siiyee.
Sheekhu waxa uu tilmaamay waxyaabaha keenaya Jees Jeeska Diinta wuxuuna ka tilmaamay in ay ka mid tahay isla waynaanta iyo xaasidnimada labadaasuna ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu waa wayn , wuxuuna sidoo kale tilmaamay in Munaaqafnimadu ay ka mid tahay waxyaabaha keenaya Jees jeeska Diinta, wuxuuna Sheekhu xusay in Carabtii hore aysan aqoon erayga Munaaqaf balse eraygaas uu soo baxay xiligii Islaamka micnahiisuna uu yahay qof uurka ka gaal ah korkana ka Muslim ah, wuxuuna xusay Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan in Jaahilnimadu ay sidoo kale keenayso Jees jeeska Diinta taas oo ka dhalaneysa Cilmi yaraanta .
Sheekhu waxa uu sheegay in aan la socodsiin xukunkii lagu qaadi lahaa dadka Alle SW , Nabiga SCW iyo Diinta caaya aysan waxba ka hir galin wadamada Calaamul Islaami arintaas ay ka gaabiyeen , wuxuuna intaa sii raaciyay in arintaas ay sare u kacday mudooyinkii dambe taas oo ka dhalay gaabiska xaga dacwada iyo baraarujinta.
Sheekhu waxa uu wax ka tilmaamay Ummadihii hore Jees Jeeskii ay ku sameeyeen Ambiyadii loo soo diray wuxuuna wax ka tilmaamay hadaladii ay Umadihii hore ku sameeyeen Nabiyadooda gaar ahaan Nabi Muuse CS iyo Nabi Nuux CS.
Sheekhu waxa uu soo qaatay hadalkadii ay Munaafiqiintu ku durteen “ku xanteen” Nabiga SCW wuxuuna sidoo kale soo qaatay hadalkadii ay Munaafiqiintu ka faafiyeen Saxaabadii Nabiga SCW.
Sheekh Axmed waxa uu sheegay in modooyinkii dambe ay soo bateen in gaaladu ay wax ka sheegaan Nabiga SCW iyo Diintaba ayna arimahaas oo badanayeen mudooyinkiin dambe ilaa ay gaalo badan ku dhiiratay wax ka sheegidda Nabiga SCW iyo Diintiisa , wuxuuna Sheekhu xusay in Gaalka la yidhaahdo Salaam Rushi uu wax badan wax ka sheegay Nabiga SCW iyo Diinta uuna qoraaladiisa qaarkood ku sheegay in Nabiga SCW uu wax u sheegi jiray “u waxyoon jiray ” shaydaan, wuxuuna Sheekh Axmed wax ka tilmaamay Cayda ay mudooyinkii dambe caadeysteed Wadamada Reer Galbeedka kuwaas oo ay ugu horeyso Denmark wax ka sheegida iyo Ceyda Nabiga SCW –na ku sheegtay in ay ka mid tahay Xoriyatul Qowlka
waxa uu Sheekhu xusay waxa uu noqonayo qofka Diinta ku jees jeesa wuxuna xusay in Ilaahay uu Quraankiisa meelo badan ugu hadlay dadka ku jees jeesa isaga , Nabigsiisa iyo Diintiisa , wuxuuna soo qaatay hadalada qaar ka mid ah Culimada saladku wax ay ka dhaheen qofka ku jees jeesa Alle SW , Nabiga SCW iyo Diinta ayna shegeen qofkii xataa si kaftan ah Diinta waxa uga sheega uu gaaloobayo
Sheekhu waxa uu tilmaamay in qofka Nabiga SCW caayaa haduu Towbad keeno towbadiisa la aqbalay lana dilayo , lakin hadii uu Alle SW caayo uuna towbad keeno towbadiisa la aqbalayo anana la dilay wuxuna arintaas u soo qaatay hadaladii ay Culimada Salafku ka dhaheen arintaas.
Waxa uu intaas kadib uu sheegay waxa uu noqonayo qofka caaya Culimada wuxuuna soo qaatay hadal uu arintaas ka yidhi Sheekh Maxamed Al-Qurashi. Wuxuuna sidoo kale soo qaatay hadal uu yidhi Sheekh Abu Daa’uus oo uu ku yidhi waxaa loo baahan yahay in la wayneeyo qofka Muslimimada ku waynaaday, qofka Ahlhu quraanka ah , iyo qofka Ahlu Cilmiga ah .
Sheekhu waxa uu sheegay qeybaha ay u kala baxsan yihin dadka Diinta ku jees jeeska wuxuuna xusay in ay u kala baxaan Gaal cad Gaal dimi” mid ku hoos nool Muslimka” , Gaal Mucaahid ah”gaalada balanka laguna jiro” Munaafaq iyo Muslim .
Waxa uu ugu dambeyntii uu Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan uu Mowduuca ku soo gaba gabayeeya waxyaabaha ka dhalayna qofka diinta ku jees jeesa kuwaas oo uu ka xusay in ay ka mid tahay in ay la soo daristo cuqubo ka dhalata falka uu caadeystay iyo kuwo kale oo isku jira Aduun iyo Aakhiro, .
Sheekhu waxa uu gaba gabadii xusay in mowduuca uu ka hadlay uu yahay mid aad u wayn culimaduna ay si wayn ugu hadashay, wuxuuna ka cudur daatay in uusan mowduuca uga hadlin si faah faahsan waxa uu soo bandhigayna ay yhiin wixii uu fursadda wakhtiga u siiyay , wuxuuna dhinaca kale bidhaamiyay in dadka Diinta caaya ay ugu badan yihiin dadka Mukhaaradaadka isticmala iyo sidoo kale dadka Gawaadhida wada Kirishboy iyo darawalba.
Sidii caadadu ahayd waxaa darsiga kadib la guda galay Su’aalhii Fataawada ahaa ee ay Culimadu Habeen walba ka jawaabi jirtay waxaan Caawa Su’aalaha ka Jawaabay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed , Sheekh Cali Warsame iyo Dr Bashiir Axmed Salaad . waxayna culimadu ka jawaabeen su’aalo kala duwan oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda.
Nadwada ka socota Masjidka Al-hudaa ee Magaalada Laascaanood ayaa ah Nadwadii 3-aad ee lagu qabto Magaalada Laacaanood waxaana caawa baxay darsigii ugu dambeeyay ee Duruuska Nadwada waxaana lagu wadaa in habeen dambe gabi ahaanba Nadwada la soo gaba gabeeyo.

Fadhiga Culimadda

Midig:- Dr. Axmed X. C/raxmaan iyo Sheekh C/naasir

Midig:- Sheekh Cali Warsame iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo isku Diyaarinaya Jeedinta Muxaadaradda

Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan iyo Xiriiriyaha

Sheekh C/Naasir

Sheekh Bashiir

Daabaco
sheekhu kuwa caya mujaahidiinta inuu kudaray ahayd
cabdi | Jul 3, 2009 | Reply
cabdi shikhu ra,li ahan miyu ugu daraya qof mujahid ah mashaa ikhda ma caayo mujahahidin islamka way u jilicsanyiin gaaladana way ku dadagyin wana balanki allah so diray
Masrux maxamed | Jul 3, 2009 | Reply
Shiikh Axmed Maxamed Suleyman abihii dacwada salifiyada ee gobolka sool oo ilaahay ha xifdiyee dib ugu soo noqdey wakhti dheer kadib koley arag bay ila tahay waxuu ku farxo oo indhihiisa ilmo qoyso mudoo dhowr iyo sodon sandood kadib saxwadii uu ka bilaabey kadib miyaad taariikhdaas haysaan idinku waad iska jibooteene war bal qunyar faraska u wada yuusan waa halkii cigaal shiidaade col inag xoog badan idiinla galene alaahu maa hal balaqtu ?
xaaji123 | Jul 3, 2009 | Reply
maxaa ka wacan midhihii aad beertey oo aad aragto iyadoo la goostey oo lagu intifaacey waxey ila tahay in wali xagaa iyo reserve area aanay si wacan u gaadhin dacwada salifayada ee ay wadaan ragaas insha alaahu saalixinta ah marka rag isku haleynaya gumeystaha itoopia ayaa hortaagan dhalinyaradii halkaa joogtayna waxay iska noqdeen ganacsato oo saxidii dacwada waa feydantahay waxaa lagaadhey xiligii dacwada dib looga afuufi lahaa boodhka qof kasta oo nadwada ka qeyb galey waxaan kula talin lahaa ugu yaraan arbiciinka iyo usuuulu salaasa waa la akhriyi karaaye bal inay sedx ama qof u akhriyaan koley xag jirkii baa meel ka badhaansan doona midhaha halaga jiro maxaa ka xun inaad ka baqdo midhahaad soo saartey inay adigu ku cunaan halkaad adigu ka cuni lahayd ?bal marka ka taxadara kuwaasna wasalaam.
xasan cade | Jul 4, 2009 | Reply