Dagaalo ka dhacay Degmooyinka Kaaraan, Shibis, Beexaani, Boondheere & H/wadaag

Published on July 2, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

Dagaalo aad u xoogan oo ilaa iyo maanta ka soconayay  degmooyinka Kaaraan, Shibis, Beexaani iyo Boondheere ayaa caawa qaboobay kadib markii uu gabalku dumay waxaana ka dhashay khasaarooyin farabadan oo soo gaaray dadka rayinka ah iyo dhinacyada dagaaladu dhex mareen.

 

Xoogagga Alshabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa la xaqiijiyay in ay ku sii siqayaan goobo farabadan oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada DKMG ah waxaana kamid ah goobaha ay la wareegeen Isgoysyada Beexaani, Nasiib-buundo, Mariino iyo goobo kale waxayna sheegteen in ay Kaabiga u saaran yihiin Hotel Global oo ku yaalla Meel Istiraatiiji ah.

 

Dagaalka ayaa la sheegay in ay barbar socotay Madaafiic culus oo lagu garaacayay Degmooyinka Kaaraan, Beexaani iyo Yaaqshiid taas oo dadka rayidka ah ee ku haray goobahaas u gaysatay khasaare gaaraya ilaa 54 dhaawac ah iyo tiro kale oo dhimasho ah waxaana jira Madaafiic laga soo riday Xerayaha Ciidamada AMISOM oo ku dul habsaday Goobo ganacsi oo lagu kaydiyo shidaalka kuwaas oo dab qabsaday.

 

Dagaaladan ayaa waxay u soconayaan si xawli ah waxaana isasoo taraya baaqyada ka soo baxaya Ururada Caalamiga ah iyo dalalka dariska ah kuwaas oo ku baaqaya in sida ugu dhaqsaha badan loo badbaadiyo DKMG ah oo sida muuqata u nuglaatay weerarada Xoogagga ka soo horjeeda.

 

Dhinaca kale iska horimaad soconayay muddo kooban ayaa waxaa uu galabta ka dhacay agagaarka Xaafadda 5-ta Geed ee Degmada Hawlwadaag kaas oo ku bilawday si kadis ah kadib markii ay halkaa ciidamada DKMG ah soo galeen waxaana dagaal kala hortagay Xoogagga Alshabaab iyo Xisbu-Islaam oo ku sugnaa goobahaas waxayan ciidamada Dawladdu dib ugu gurteen Taalada Sayidka iyo Xarunta Madaxtooyada, waxayna iska horimaadyo noocan oo kale ah galabta ka dhaceen qaybo kamid ah degmada Hodan.

 

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Dagaalo Xoogan oo Maanta markale ka dhacay Kaaraan & Shibis
  2. Dagaalo Qaraar oo ka dhacay Kaaraan
  3. Dagaal Galabta ka Dhacay Wardhiigleey & Boondheere
  4. Dagaal Dib uga Bilowday Kaaraan & Shibis.
  5. Dagaalo ka kala Dhacay Hodan, Hawl-wadaad & Yaaqshiid

Readers Comments (6)

  1. somali boy says:

    ilaah ha naga qabto hada meshaas waxaa ku baa ba aya dad inta xabada isku rideysana labo darbi ayaa lagu kala jiraa waxa mesha ku dhamanaaya waa soomaali lakin viva shabaab la aantood somalia kilinka lixaad la aantood gabdhaha somaliyeed ayaa sharaftooda lagu ciyaari lahaa allow dowladaan jahwareersan soo hanuuni

  2. ahmed ibrahim says:

    guul ayaan u rajeynayaa mujaahidiinta all shabab iyo xisbul islam kuwa dowlda sheyganaayo waa mooryaantii yaa laga yeelaa waxas sxb bye

  3. abu dalxa says:

    alle ayaa mahadleh waxaan ilaahey kabaryaya in mujaahidiinta guuleeyo ilaahey idinkii mooryaan waxaa lagu cadaabi gmcaha mujaahidiinta ?? ?????? ??? ???? ????? ???? ?????????? ??????

  4. cabdi says:

    ilaahoo shisheeyiyo gaalo shurufbadnaydbaa noo shiraya ee jabi ilaahoow shayaadiin ibliis sheegadkiisaa noo sharaaya ee jabi
    shirkigiyo cawaantiis xabash sheela wayniyo suufiyaa shiraysee sharkoodiyo dhib koodana shariifbaa kuraacaye ilaahoow shan shadaiyo shakaal aan kabmayniyo shulg dheer kusiituur

  5. mijaahid says:

    waa guulaysan doomnan mujaahidiiinta ilaahay idinkii waxana xaqiiqo ah qolada indhacde uu raaco inay jabeyso

  6. somali says:

    As wr wb Dhammaan walaalaha kusoo qoray fikkirkooda meesha…salaan kadib
    waxaan aad ula yaabanahay In maanta aan mareyno heer aan diinta iska saarno, oo dhiiggeena xalaaleysano, arrinta la yaabka leh waxay tahay, sababta keentay in kaaraan ama qeybaha waqooyi ee xamar oo aan ognahay in somali muslim ah deggentahay uu dagaalku uga socdo,iyadoo kuffaartii ugandeyska iyo burundiga ay xeebaha xamar kula dabaalanayaan gabdhaheenii somaliyeed oo aan cidna weerareyn waxna ka qabaneyn..ma daadinta dhiigga somaliga ayaa janno lagu galaa?
    walaalayaal aakhiradiina hala dhowrto…
    Allena halaga cabsado…koox koox kale u shafaacaqaadi doonta majirtee.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Dagaalo Xoogan oo Maanta markale ka dhacay Kaaraan & Shibis
  2. Dagaalo Qaraar oo ka dhacay Kaaraan
  3. Dagaal Galabta ka Dhacay Wardhiigleey & Boondheere
  4. Dagaal Dib uga Bilowday Kaaraan & Shibis.
  5. Dagaalo ka kala Dhacay Hodan, Hawl-wadaad & Yaaqshiid

Latest Headlines