Ciidamada Gumeysiga Itoobiya ee ku sugan Deegaanka “Kalabeyr” oo Qiyaastii 30 KM dhinaca Waqooyi ka xiga Baladweyne ayaa wada Dhaq-dhaqaaq xoogan iyada oo Ciidamo dheeri ah ay ku soo biireen kuwaas oo ka yimid dhinaca feer-feer ee Dhulka S/galbeed.
Wariyaha Shabakadda Somalimirror ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah ay shalay galinkii danbe soo gaareen halka lagu magacaabo “Ceel-jeele” oo Qiyaastii 15 KM dhinaca Waqooyi ka ah Magaaladda Baladweyne mudo yar ka dibna ay dib ugu laabteen Kalabeyr.
Lama garanayo ujeedka Dhaq-dhaqaaqani ciidan, waxayna ilo xog ogaal ahi sheegayaa in dhanka Xoogaga Xisbul Islaam iyo Al-Shabaabna ay wadaan Dhaq-dhaqaaq xoogan oo ka dhan ah Ciidamada Gumeysiga Itoobiya.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay Itoobiya sheegtay in aysan Galayn soomaaliya inkastoo ay wadanka ka joogaan qeybo ka mid ah Hiiraan, Gedo,Gal-gaduud, iyo Bakool.
Sidoo kale Dhaq-dhaqaaqani ayaa imaanaya xili C/raxmaan Macow gudoomiyaha MMIS ee gobolka hiiraan ee ku biiray DKMG ah uu u soo kicitimay Magaaladda Muqdisho, sidoo kalana Xubno ka mid ah Maamulkiisii ay ku biireen Xisbul islaam qaarna ay isaga Baxeen guud ahaan Arimaha Siyaasadda sida Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka Gobolka Hiiraan.

Related posts:
a/s .ilaaaaaahay hana qabtop gaalada hana kucadaawo gacmahayna .inshaaaaa allaaaaaah waxaan ugu bishaareenayaa gaalada ama saliibiyiinta soo hawesatay dalak ayaga halaag mid kii ugu xumaa ee soo maraa gaalo oo dhan inshaaaaaaa allaaaaaaah.