
Dagaal muddo kooban socdey ayaa Galabta ka dhacey qeybo ka mid ah Degmooyinka, Hodan, & H/wadaag, ka dib markii Ciidamada DKMG ah weeraro ku soo qaadey dhowr fariisin oo Xoogaga Muqaawamadu ku sugnaayeen gaar ahaan Xaafada Shanta Geed oo ka tirsan Degmada H/wadaag & Isgoyska Tarabuunka oo ka tirsan Degmada Hodan, sida dad goob joogayaal ahi Saxaafada u sheegeen.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashey balse waxaa la sheegayaa inay jiraan Dhowr Qof oo rayid ah dhaawacyo soo gaareen.
Dagaalkan ayaa saameyn ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa suuqa weyn ee Bakaaraha, arintaas oo keentay Dadku gabal dheer inay Suuqa isaga caraabaan.
Waxa uu Dagaalkan daba socdaa Dagaalo Maanta oo dhacey ka soconayay Degmooyinka Kaaraan & Shibis kaas oo geystey khasaare kale duwan oo Naf iyo Maalba, sidoo kalena Ciidamada DKMG ah fariisimo dhowr ah looga soo qabsadey, sida wararka lagu helayo.
Dagaalkan oo la isu adeegsanayay rasaas xoogan oo labada dhinac is weydaarsanayeen oo ay ku jiraan Gantaalada garabka laga rido ayaa Muddo kooban ka dib si iskii ah u istaagey.
Dhanka kale waxaa jirtey Duqeyn xoogan oo ku socotey Degmooyinka Shibis & Kaaraan oo laga ridayay Xarunta Madaxtooyada taas oo la sheegayo inay dhalisay Khasaare Dadka rayidka ah soo gaartey.

Related posts:
MAANA LA II QARSHAA MINDIYO LA IGU QALI DOONO.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga digayaa beenta aan raadka lahaydn ee ay kooxaha is biirsaday ee Jabuuti & Imbigathy ay shacabka ku madalufinayaan. Waxaa rasuulku noo sheegay saddex calaamo oo lagu yaqaan munaafaqa oo kala ah 1) haddii uu warramo been ayuu sheegaa, 2) ciddii aamintana wuu qiyaamaa iyo 3) ballan haddii uu galana wuu jebiyaa.
Waxaan ummadda u sheegayaa in iyada oo muqaawimadu midaysan tahay oo ay ku wacatameen in dagaal jihaad ah dalka looga xoreeyo isbahaysata ku soo duushay ay kooxda Jabuuti jebiyeen ballankii. Sidoo kale madaxdii Isbahaysiga waxaa lagu doortay aaminaad la aaminay markaas ayay shacabkii ay hoggaaminayeen khiyaameen oo ay la soo safteen isbahaysatadii dalka ku soo duushay ee ummadda xasuuqday hanti wixii ay lahaayeenna waxna boobay wixii u qaadmi waayeyna burburiyey. Waxaa hadda soo baxday in mar kasta oo ay hoggamiyeyaashoodu hadlaan ay ummadda u sheegaan been aan raad lahayn.
Waxaan ka soo bilaabayaa in ay ummadda ugu yeedheen nabad ka dib markii ay dagaal oogayaashii ay 17 sano ummadda ku hayeen xasuuq markii ay Alle la kaashadeen ee ay jebiyeenna ay soo bahaysteen kooxdii imbigathy oo iyana geystay dhibaato ma hadho ah, ayay is tuseen in shacabkii uu maanta nabad keliya garan karo, taas oo ah sbabtii dabka loogu shiday oo la doonayey in meesha ay maanta joogto la soo gaadhsiiyo.
Waxaa la og yahay in kooxahaas isa soo bahaystay in kasta oo ay shacabka ugu baaqeen nabadda xeesha ay ka lahaayeen ay muuqatay in ay tahay been aanay waxba ka jirin ee la doonayey in shacabku dhankooda maro. Markii uu marayna waxay u yeedhteen cadawgii soo jireenka ahaa. Marka yaa rumayn kara in ninka maanta u yeedhtay cadawgii uu shalay lahaa aniga ayaa saaray in ay nabadda uu dadka ku beer laxawsaday run ka ahayd. Midda kale waxaa muuqatay in ummadda oo la rogo ay kala fududaatay in uu isagu maskabka beenta ah lumiyo. Wax kasta waan ogolahay iyana waa beenawday oo taas oo ah caadada munaafaqiinta.
Waxaan la yaabay ruux leh iimaan ayaan lee yahay oo sheegaya been cad oo aan raad lahayn. Waxaa jirtay in aan UniTV ka dhegaystay Shariif Sh. Ahmed oo leh wiil yar oo xaafadal Quraan ah ayay mujaahidiintu bireeyeen ka dibna gaadhi ku rideen oo ay gubeen. Warkaasna haba yaraatee wax ka jiraa ma jiraan. Waxaan arkay isaga oo dhaar ku maray in uu daacad u yahay Axdi qarameedkii Imbigathy todobaad ka dibna markii uu Muqdisho yimid dadka u sheegaya in uu Kitaabka wax ku xukumayo. Waxaa kale oo ka mid ah beenta ummadda lagu jiitay shareecaddii ayaanu ansixinnay iyada oo waxa shareecada lagu sheegayo ee la ansixiyey tahay in dawladdu ku dhaqanto Axdi qarameedka dadka oo muslim 100% ahina isku maamulo shareecada ay doonayaan. Waxay sheegeen in ciidamo ajnebi ah dagaalka kula jiraan mujaahidiinta iyaga oo hadalkii af hayeenka Ashubaab si gurracan u sameeyey. Waxaa af hayeenka la weyddiiyey in ay jiraan ciidamo ajnebi ah oo muslimiin ahi iyo in kale isaguna ma odhan way joogaan ee wuxuu macneeyey in ruuxa muslimka ahi uusan ruux muslim ah ka ahayn ajnebi ee ay muslimiintu yihiin walaalo. Waadna og tihiin in kooxdii Cabdullahi Yuusuf ay shacabkii barakacay ku sheegeen Al-Qaaciida, waxaad og tihiin in markii Somaliland Laascaanood ka qabsatay Puntland uu cadde Muuse dhahay argagixiso ka timid Paakistaan ayaa ku jiray ciidamadii Somlaland marka isku eedaynta argagixisadu hadda way macna beeshay, hase yeeshee kuwa dagaalka nagu haya ee sheeganaya beesha caalamka ayaa doonaya marmarsiinyo been ah, kuwanina iyaga ayay u samanayaan marmarsiin yihii beenta ahaa si ummadd iyo diintooda loogu soo duulo.
Dadku iskuma jiro kooxahan isa soo bahaystay qaar waa derejo doon qaarna waa lacag doon xaaraanna dan lagama laha ee hungurigooda ayaa u daloola. Aakhiro iyo aayahooda dambena kama fekerayaan ee waa dad adduunyo.
Kuwa dhaqaale doonka ah waxay wareegayaan bannaadada waxayna magaca ay wataan ku raadinayaan sidii ay lacag ugu samayn lahaayeen ee dan ummadeed uma socdaan Jabuutina uma tegin. IBB wuxuu hadda ka hor la sameeyey xiriir Company maraakiibta sameeya wuxuuna ugu tagey in laga gato maraakiib uu sida oo sheegayo wax looga qabto budhcad badeedda, hase yeeshee wuxuu kula heshiiyey ama doonayaa in uu kula heshiiyo in ay lacag malaayiin ah u saaraan iyagana uu ku siiyo qiimo ka qaalisan suuqa.
Haddana wuxuu la xiriiray Company kale oo maraykan ah oo uu lee yahay budhcad badeedda ayay wax ka qabanayaan oo waxay ka soo shaqeeyeen Ciraaq waxaynuna og nahay in cid kasta oo Ciraaq ka soo shaqaysay ay yihiin kuwii ummaddaas Islaamka ah baday wixii aynu og nahay, sidaas darteed waa kuwo lacag doon ah ee aan doonayn in ay wax qabtaan. Iyagana wuxuu IBBi kula soo heshiiyey in haddii uu dawladda ka dhammeeyo ay siiyaan lacag badan oo malaayiin ah waayo iyaga laftooda ayaa ku cunaya lacag aan la xisaabi karin. Waadna og tihiin in waxa adduunka oo dhammi wax ka qaban kari waayey ay koox ayri wax ka qaban karayn.
Waxaa la yaab leh in inta qayaamo ummadda loo soo maleego si lacag loo cuno in la isaga dhigo in ummadda loo danaynayo oo ay yihiin dad wanaagsan. Waxaa maanta dhegaystay Shariif Xassan oo leh waxaan la galnay heshiis hay’ad caalami ah oo daba gal ku samaysa dhaqaalaha dalka si aan loo xadin. Markaas ayuu dhahay waxay noo daba gelayaan wixii dhaqaale ahaa ee ummadda lagu kaalmeeyey oo ay hadda helin. Haddaba qayaamada ku jirtaa waxa weeye in uu hay’addani tahay mid ganacsato ah oo uu kula heshiiyey haddii aad lacagaha naloo balllanka qaaday noo soo heshaan waxaannu idin siinaynaa 50% taas oo uu isagu yeelanayo ugu yaraan 10%. Sidaas ayuu dadka uga dhaadhicinayaa in uu wax ummadda u dan ah samayanayo. Waayo wuxuu og yahay in aanay ummaddu aqoonin waxa u ah danta waayo xumaantaas oo dhan ayay ku taageerayaan kooxahaas isu bahaystay duminta Qaranimadii Soomaaliya.
Hadda ka hor ayaan miidiyaha soo geliyey in Abdullaahi Yuusuf la beddelayo uuna Hawiye ku farxayo loona keeni doono mid iyaga ka mid ah oo intii Cabdullaahi marsiiyey ummadda dhibaato iyo in ka badan u geysta markaas ayay iyaga oo aan ka fiirsan ku taageeri doonaan dhalashada uu ka dhashay taasina waa damiir xumo waayo Cabdullaahi wuxuu noqonayaa nin wanaagsan ee lagu diidanaa qabiil marba haddii wixii aad isaga ku diideen aad ka yeeshaan Shariif sh. Ahmed.
Waxay Itoobiya ka soo ansaxsatay beesha caalam ku sheegta in ay Soomaaliya u kala jejebiso 5 dawlad goboleed oo uusan midna midka kale dab ka qaadan sidaasna ay meesha uga baxdo Soomaalinimadii. Soomaaliduna waa qabiilka ugu ballaadhan geeska Afrika. Shir uu Maraykanku isugu yeehday wasaaradaha gaashaan dhiggyada adduunka oo ka dhacay Maraykanka 1998 loona bixiyey Emmarald Express 1998 ayaa Itoobiya arrinkaas loogu ansixiyey. Hadda waxaa socota in Nuur Cadde & Amed Cabdisalaan ay wadaan olole ay arrinkaas ku fulinayaan iyaga oo si qayaama ah uga dhaadhicinaya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Hawiye. Waxayna la wareegayaan Hawiyaw idinka ayaan dad ahayn Daarood iyo Isaaq waa kuwaas leh dawladda ee adduunka la haysta xiriirka lana caawiyo caruurtoodu jaamacadaha uga baxaan nabadda haysta idinkana waa taas aad rogmateen marka waxaan u baahan nahay in aynnu yeelanno dawlad Hawiye.
Haddaba Nuur Cadde, Ahmed Cabdisalaan iyo kooxdii kale ee la shaqaynaysay maxay ahaayeen. Ummaddu way siran tahay waxaana sirtaas iyo qiyaamadaas soo maleegay kana shaqeeya waxa isugu yeedhay beesha caalamka ee aan anigu u aqaanno beesha cidhibgoynta caalamiga. Waxaa loo tusay in ay Cabdullaahi Yuusuf iyagu siyaasaddii kaga xoog roonaadeen oo ay dhulka ku jiideen. Hase yeeshee markii uu Gabre ku beer laxawsanayey Hawiye wuxuu lahaa Daarood waxaan ku keenay taangigayaga ee waxaa idinka ballan qaaday in aan dhulka ku jiido markiiba Hawiye way ku farxeen waxayna suuqyada la dhoobteen “”la ogaa xumaanta Daarood Itoobiya iyo Maraykankuba hadda ayay wax nala qabanayaan, Itoobiyana naga saarayaan iyo wax la mid ah””. Walaalayaal idinku Hawiye iyo Daarood haddii aad doonaysaan isu laaya ama isu colaadiya laakiin in maanta ninka Daaroodka ama Hawiyaha ahi uu Itoobiya dhibaatada ay ummadda ku hayso ku farxo waa qaladka aan eednay ee cadawgu noo rogay ee waan arrinkaasi dhammaado si ummaddu u nabadawdo.
Sidaas dartee haddii aad dib u raacdaan taariikhda waxaad ogaanaysiin in Nuur Cadde, Ahmed Cabdisalaan iyo kuwii la shaqaynayeyba lagu gudbayey caqabad ku timid cadaygii ummadda oo 17 sano ka dib heshay nabad iyo kala dambayn ku soo duulay ee isu soo bahaystay xaaladda cakiran ee maanta lagu jirana ka dambeeya.
Waxaan lee yahay Nuur Cadde iyo kooxdiisu waxay ka mid ahaayeen kuwii u shaqaynayey cadawgu in uu ummadda ka gaadho dantii xumayd ee ay ka lahaayeen, waxaanna aad uga xumahay in ay ummaddaas oo wax garad iyo aqoon yahan badan lahayd ay maanta intaas garan weydo ayna raggaas u arkaan halyeyo aniguna aan u arko khaa’inul wadaniin aan Cabdullaahi Yuusuf ka habeen sokayn.
Taasna maraggeeda waan haynnaa in haddii Cabdullaahi Yuusuf ay Itoobiay wax u xasuuqaysay Shariifkana Ugaandho iyo Burundi ayaa wax u xasuuqaya, marka maxay ku kala duwan yihiin.
Waxaan ummadda u sheegayaa in ay gartaan qaladka iyo qiyaamada lagu hayo ay ugu filan tahay in kooxahan is biirsaday ee sheeganaya dawladdu aanay ahayn dawlad ummaddu dhisatay, waxaa soo dhisay kuwii ka dib 17 sano oo cadaab ah markii ummadda Alle siiyey nabadda ku soo duulay ee nabaddii ka burburiyey, iyagii ayaana ictiraafay iyada oo anay ummaddu ictiraafin. Xaggee lagu arkay dawlad aanay ummaddu dhisan ictiraafsanaynna in adduunku ictiraafo, ummaddana loogu soo duulo annaga ayaa ictiraafka siinnay ee idinkuna siiya haddii kale waan idin xasuuqaynnaa, marka ma taas ayaynu ku sheegnaa dawlad Soomaaliyeed iyada oo shacabkii xasuuqii Itoobiya ku haysay oo kale ku haysa.
Waxaa la yaab leh in iyada oo kooxahaasi iclaamiyeen dagaal uu shacabku mar kasta miidiyaha ka sheegaan in mujaahidiintu ay dadkii xasuuqday iyo in ay dawladda ictiraafsan yihiin. Mase og tihiin in kuwa dawlad ka dhiganaya kuwan ay yihiin kuwii raallida ku ahaa duullaankii Itoobiya.
DIGNIIN.
Waxaan ummadda uga digayaa:-
• In ay dhistaan dawlad goboleed leh madaxweyne iyo baarlamaan laakiin way dhisan karaan guddoomiye gobol iyo koox boliis ah iyo maxkamad.
• In ay marna wax ka dhegaysan ruux cid kasta oo uu yahay la soo shaqeeyey Itoobiya iyo xulufadeeda (beesha caalamka).
• In aanay Alle ka hor imaan oo aanay la dagaalamin diinta iyo shareecada Islaamka oo ku dhaqankeedu yahay waajib muqaddas ah.
OMER SULEIMAN ALI
Asalaama calaykum umadda soomaaliyeed salaan kadid hadal iyo waano sir farabadan oo inaga qarsoonayd waxaa inoo bayaaniyay walaalkeen omer ee qoraalkiisa qiimaha badan si fiican u dhuuxa oo fahma koley waad dhimanaysaan ee shareecada islaamka taageera oo ku jihaada jidka allaah
Asc wr wb walaalkey waxa uu u hadlayaa sida qof runta og balse waxaa ka muuqata hadalkiisa mucaarad number one iyo in uu ka waayay dowlada shiikh shariif afgaradka uu rabay beel ahaan iyo shaqsi ahaanba waxxaase ila quman hebel waasaas iyo hebel waa saas in aan iska deyno umadeenana u naxno aana is hortaagin dowlad kaste oo lasoo dhiso hadii kale waxaa imaanaya waxa uu kahadlayay walaalken oo ah in 5land naloo qeybiyo waxaanse dhihi lahaa hadii aad taas ka carareysid ha noqon iitalin meysid kuu talin maayo
Somalaay masuul iyo mudanihii la doortaba hadaad maya tirahdaan.
dalka maamulkiisiyo meheradiisa gaaraka ah ma malaaig socotaa madax looga dhigayaa ?
kuwa iminka shariifka diidaya ma hayaan bedel ka wanaagsan.
Somalidusw ma heli kartaa wax ka duwan xukun doonka ku saleysan, qabiilka iyo diin ku gambadka loo marayo.
ma ka dawoobi karnaa fikirka ah looma dhama?
maxaa diidaya in dowlada hadda jirta lala shaqeyo mudada gaaban ee ay heysato?
mucaaradkuse miyeysan ku kalsooneyn shacabka iyo taageerayaashooda kol hadii marka danbe xaladu noqon doonto musharax kasta iyo one man one vote ?
dhamaan su’aalahaai oo dhan jawaabtooda waxaan u deynayaa- walaal cumar iyo inta la fikirka ah ?
Waxaan ku oran lahaa Omer Suleiman Ali, Nuur Cadde iyo Ahmed C/salam xumo iyo samaan ba waxay lahaayeen tage. Waaqica hadda ina horyaal aan ka hadalo.
Ma dawlada jirta oo aduunku ictiraafsan yahay ayaan ayidna, mise bartii ayaan ka sii miisnaa oo waxaan isla soo taagnaa cabashada shirqool iyo faragelin shisheeye.
Waan kugu raacsanahay shirqool mida kaliya ee looga bixi karaa waa midnimo. Laakiin haddaan mar walba ku dhaganaano wixii shala dhacay run iyo beenba, berrito ayaan seegaynaa.