Wefti ka Socday Deeq bixiyeyaasha Maamulka S/land ka Caawiya Doorashooyinka oo Diiday inay la Kulmaan Rayaale & Komishanka
By Somalimirror on 1 Jul, 2009 8:17 AM in Main, Wararka
Wefti ka socday deeqbixiyeyaasha ka socda Maamulka Somaliland ka caawiya arrimaha doorashooyinka, ayaa shalay gelintkii dambe kulan wadajir ah saddexda xisbi qaran kula yeeshay xarunta midowga Yurub ee magaalada Hargeysa.
Weftigan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guddiga la socodka dimoqraadiyadda Somaliland Richard Hans oo ka soo duulaya xaruntooda Nairobi, ayaa shalay barqadii ka soo degay madaarka magaalada Berbera.
Richard Hans oo in muddo ah hayey xilka xafiiska guddiga la socodka hawlaha geeddi-galka dimqoraadiyadda Somaliland, ayaa waqtigiin waxa uu ka tagayaa hawashi guddigaas, waxaanna la sheegay in ans iyo weftigiisa ujeeddada socdaalkoodu ahayd sidii ay u sii maca-salaameyn lahaayeen xisbiyada qaranka, kadib markii Guddoomiyaha lagu beddelay nin cusub oo Midowga Yurub u soo magacaabay hawlaha la socodka doorashooyinka Somaliland, weftigani ayaa si adag ugu adkeystay in aan deeqbixiyeyaashu soo daynayn dhaqaalaha ay ugu talogaleen inay ku bixiyaan doorashada madaxtooyada oo la filayo inay 27-ka September ee sannadkan ka dhacdo dalka ilaa la dhammeystiro fulinta shuruudihii deeqbixiyeyaashu ku xidheen soo deynta lacagta doorashada.
Qodobadda xisbiyada isku mari la’yihiin ee deeqbixiyeyaashu fulintooda saluuga ka muujiyeen waxa ka mid ah arrinta Komishanka iyo sameynta guddi xeerbeegti madaxbannaan, kuna jiraan khuburo caalami ah oo la socda hawlaha doorashooyinka, kuwaas oo ilaa iminka saddexda xisbi qaran wax heshiis ah ka gaadhin.
Waxayna xisbiyadu weftigan deeqbixiyayaasha uga warrameen qodobadda ka hirgalay iyo kuwa ilaa iminka dhinaca xukuumadda ka fulay heshiiskii xisbiyada iyo xukuumadda lagu dhexdhexaadiyay bilihii aynu soo dhaafnay, waxyaabaha dhinaca xukumadda ka fulay ee ay xisbiyadu u gudbiyeen deeqbixiyayaasha waxa ka mid ahaa sida warku sheegayo xukuumadda oo shubtay xaddigii lacageed ee kaga aadanaa ama ahayd in ay doorashada kaga qaybqaadato oo ah 25%-kiiba lacagta doorashada loogu talagalay. Balse, waxay saddex xisbi qaran ballanqaadeen inay mar dambe isku noqon doonaan oo qodobadda la isku khilaafsan yahay xal laga gaadhi doono.
Weftigan ka socda deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka, ayaa la sheegay in aanay la kulmin Daahir Rayaale Kaahin iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland, isla markaana aanay la kulmi doonin waqtiga dalka ku sugan yihiin oo aan la cayimin.
Warku ma sheegin sababta ay ula kulmi waayeen, Daahir Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka, haseyeeshee sida ilo wareedyada tibaaxeen waxa jira saluug deeqbixiyeyaashu ka tirsanayaa dhincooda.
Daabaco
Ina Riyaale ileyn waxba uma taliyee rag baa ceydha siiya oo wadanka xakuma?!! kuwii lahaa wadankan xoreyneynaa ha ku tusaale qaataan isagoo madaxweyne sheeganaya in lasoo galo wadanka idan la;aan weliba!! oo la dhaho kula kulmi meyno!!! Allow Mujaahidiinta Abuu subeyr hogaamiyo soo nabad gaarsii oo makani Hageysa waayo waxay taasi tusaale cad u tahay in waqooyi galbeed si toosa gaalo gacanta ugu heyso.
BY: Sayid
Sayid | Jul 1, 2009 | Reply
mr sayid hore ayaan nin diin kusoo gabaday aan
meeldadka badankiisu garanayaan kagasoo hadhay
bilowgii qarnigii lasoo dhaafay; iskadhaaf caad
ifadda qarsoon oo aan kula fahmayo, waa waxaan
marnaba dhacaynn meeshii xabbadda aan kaaga cay
riyey inaad markale soomaalinimo iyo islaam iig
usoo qabato(maanaa middiyo markale layqarshaa laygu qalidoono)!!. waddankana raggii lahaa aya
a xukuma.
abdi haybe magan | Jul 2, 2009 | Reply
Somali waa taas bal Sayid wuxuu leeyahay dhagaysta
Abdel33 | Jul 3, 2009 | Reply