Golaha Sanate-ka aqalka cad ee looga Arrimiyo Dalka Maraykanka, ayaa cadaadis ku saarayaan Madaxweynaha maamulka cusub ee Maraykanka Barak Obama in aannu ku fududaan inuu faragelin toos ah ku sameeyo Dalka Soomaaliya ama uu ciidamo u diro iyagoo hoosta ka xarriiqay cawaaqibta taasi ka dhalan karto haddii ay dhacdo.
Golaha Senate-ka Maraykanka waxay tusaale u soo qaateen guul-darradii Maraykanka uu kala kulmay Faragelintii uu ku sameeyay SOOMAALIYA sannadkii 1992-dii markaasoo ay Dagaal faraha looga gubtay la galeen Taageerada mid ka mid ah Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaaliya, kaas oo sababay geeriday ilaa 18 askari oo qaarkood lagu jiiday waddooyinka Waawayn ee Magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka uu ka dhawaajiyay in aanay aqbali karin inay Soomaaliya hoy u noqoto koox uu ku tilmaamay inay yihiin Xagjiriin si toos ah xidhiidh ula leh Aragaxisada, sidaas darteedna ay waddo kasta u marayaan sidii ay taasi uga hortagi lahaayeen haddii ay ahaan lahayd taageero siiyaan dawladda federalka iyo inay si toos ah ugu lug yeeshaan duqeyn dhinaca hawada ah oo lagu sameeyo baro ay kooxahaasi ku leeyihiin Soomaaliya.
Talo bixintan ayaa kusoo beegantay waqti uu Maamulka cusub ee Dalka Maraykanku uu fidiyey Dawladda ku Meelgaadhka ah Taakulayn dhinaca Mileteriga ah si ay isaga Caabiso Xoogaga ka horjeeda.

Related posts:
Dabkaan lagu guban dambaskiisa lagama leexdo
KUFAAR WAA MILLA WAAAXID, ALLAH SWC AYAA INOO SHEEGAY,CADAWADOODANA WAX HADA BILOWDAY MAAHAN.
BALSE SOMALIYA ALLAH AYAA U MAQAN ISAGANA WELLI U AH, WALAA KUFAAR MADOW WALAA MID CAD WAX AY QAADI KARAAN MA LAHAN.
Sida dadku wax ugu qaadanayaan taariikhda maxaa innaga inoo diiday inaan taariikhda duruus ka baranno?
Meeshii shalay wax inakaga xumaadeen maxaa maanta ina taagay?
Nabigu SCW wuxuu yiri “LAA YUDLAQUL MU’MINU MIN JUXRIN MARRATEEYN” “qof mu’min ah god qura labo goor lagama qaniino” somaliduna waxay tiraahdaa ” MAR I DAGE ALLAHA DAGO, MAR LABAAD I DAGESE ANAA IS DAGAY” macnaha maahmaaduna waa macnaha xaddiisku xambaarsan yahay, oo ah inuu qofku feejigan yahay, wixii shalay uu ku jabayna uusan soo celcelin ee ka fogaado, gaaladaanina maaha inay waayeen 18 nin oo kale oo ka dhimata ee waxay ka dagaallamayaan waa inaysan guul ka keenin iyo inay dhaqaale badan ku khasireen haddana ay dhaqaale xumo hayso aanna loo baahnayn in lacag la khasiro, laakiin meesha ay is leeyihiin wax baa idinka soo galaya sida ciraaq iyo afghanistan kumannaan ayaa kaga dhinta waana ku sii socdaan.
Innagu se wixii shalay aan eednay oo maxkamaduhu eedeen oo ahaa hanjabaad aan micna xambaarsanayn ayaan maalin la arko dabada haynaa, waddan hebel waa ku duulaynaa iyo waddan hebel, innagoon xitaa xamar ka talin.
Miyaysan runtu ahayn : innaga mooyee dadku wuxuu iska dhawraa khatarta, wixii guul darro horay ay kala kulmeen innaguse ilaa ninka ugu dambeeyaa dhinto waa ku sii soconaynaa guul darrada, dab noocuu ahaadana kulaylkiisu nama diiriyo? ….
Nimaan talin jirini hadduu taliyo, rag aan tagi jirin baa taga, nimaan khibrad lagu xulin ciidankuu hoggaamiyaa waa inuu jab iyo naasabeel ku meeraystaa…..
Nas’alullaaha Assalaamata Wattowfiiq