Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo nadwada ka socota Masjidka Al-huddaa ee M. Laascaanod cawaa uga hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “isku dheeli tirnaanta iyo dhex dhaxaadnimada Nolosha Muslimka “
By Somalimirror on 1 Jul, 2009 10:52 PM in Kulanka ducaadda, Main, Wararka
Nadwada ka socota Masjidka Al-Huddaa ee Magaalaada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa caawa gashay habeenkii 7-aad oo xidhidh ah waxaana darsiga caawa soo jeediyay Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankisu ahaa “isku dheeli tirnaanta iyo dhex dhaxaadnimada Nolosha Muslimka ” ( Daawo Sawirada/ Dhageysi)
Dr Axmed Xaaji waxa uu ugu horeyn mowduuca si kooban ugu soo bandhigay dhex dhaxaadnimada laga doonayo qofka muslimka ah iyo isku dheeli tirnaanteeda wuxuuna Dr Axmed soo qaatay Aayaad Quraan ah oo ku kala jira Suurado kala duwan oo ka hadlaya dhex dhaxaadnimada qofka muslimka ah , wuxuna tibaaxay in Diintu ay meelo badan ugu hadashay nolosha qofka Muslimka ah.
Dr-ku waxa uu u galay ka hadlida dhex dhexaadnimad iyo dheeli tirnaanta laga doonayo qofka Muslimka ah Nabigana SCW uu Saxaabadiisa u sheegay Xadiis ahaa nin Reer Banii Israa’iil ahaa oo badana is raaciyay cabsi uu ilaahay ka qabo darteed wuxuuan Nabigu SCW uu ku xijayay xadiis kale oo uu ugu hadlayay Naag ku naar gashay Bisad ay ciqaabtay , wuxuuna Dr-ku uu soo qaatay in ninka reer Banii Israa’iil ah uu ku Janada galay cabsi uu ilaahay ka cabsanayay darteed ,Naagtuna ay ku cadaab mudatay ciqaabta ay u geystay Bisada , wuxuuna Dr-ku xusay in loo baahan yahay in la is waydiiyo waxa uu ninkaasi ku janada ugalay iyo waxa ay naagtu ku naar gashay.
Dhex dhaaxdimada waxa ay tilmaamayo ayuu Dr Axmed ka sheegay in Bini Aadamka laga aburay Dhulka Ilaahayna uu ka badalay khalaa’iqda kale asalka Bini aadamkuna uu yahay mid gafa ,balse bini aadamka aan gafin ay yihiin oo kaliya Ambiyada , wuxuuna sheegay in dambaabku uu yahay wax ku xidhan nolosha Bini aadamka , wuxuuna soo qaatay odhaan uu yidhi Ibnu Qayim Al-jowsiyaha oo uu ku yidhi Bini aadamku waa mid gafa taasina waa qeyb ka mid ah noloshiisa .
Dr-ku waxa uu sheegay in Nolosha Aduun iyo midda Aakhiro ay yihiin kuwo isla jaan qaadaya , dadkuna ay u qeybsan yihiin qeyb rabta aduunka oo kaliya iyo qeyb doonaysa aduun iyo aakhiraba Ilaahayna uu Kitaabkiisa Munasalka ah ugu hadlay arintaas Nabigana SCW uu sidoo kale cadeeyay in dadku ay u qeybsan yihiin labadaas qeybdood.
Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxa uu intaas kadib u galay in Nolosha qofka Bini Aadamka ah ay noloshiisa ka mid tahay in uu aduunka ka kasbado wixii uu Ilaahay uga qadatay wuxuuna arintaas u soo qaatay Aayaad Quraan ah iyo Axaadiis Saxiix ah oo Nabiga SCW ka sugnaatay , wuxuuna xusay in diintu aysan diidin in dadku ay is qurxiyaan balse quruxda qaarkeed aysan banaaneyn sida ku cad Kitaabka iyo Sunaha is qurxinta la ogol yahayna ay tahay oo kaliya kan ku xusay Kitaabka iyo Sunaha.
Dr Axmed waxa uu tilmamay in Ilaahay SW dadka uusan dusha ka saarin wax aysan awoodin taasina ay ka mid tahay dhex dhaxaadnimada Diintan, wuxuuna Dr ku intaa sii raaciyay in ay isku dheeli tiran yihiin waxa uu Ilaahay ruqsada u siiyay dadka iyo ruqsada ay dadku haystaan aysan suura gal ahayn lagu xad gudbo.
Dr Axmed waxa uu tilmaaya in waxyaabaha iyo is badala iyo waxyaabaha aan is badalin ay yihiin kuwo isku dheeli tiran wixii xiligii Nabigii SCW xaaraan ahaa ay hadana xaaraan yihiin wixii xiligaa xalaasha ahaana ay yihiin kuwo xalaal ah taasina ay ka mid tahay ayuu yidhi Dr-ku waxa ay diintan gaarka la tahay , sidoo kalena ay isku dheeli tiran tahay xuquuqda fardiga iyo xuquuqda Jamaacada taasina ay keenayso in wax walba ay isku dheeli tiraadaan.
Dr Axmed waxa uu sheegay in ay jiraan labo Iraado(doonis) oo kala ah mid doonista xaga rabitaanka iyo mid xaga Alle ah wax walbana ay ku xidhan yihiin qadarta Alle.
Dr Axmed waxa uu intaa kadib uu tilmaamay in caqiiqdada Ahlu sunna Wal jamaaca ay ka mid tahay in wax aan la wada necbaan aanana la wada jeclaan , wuxuuna Dr Axmed dhinaca kale tilmamaay in kooxaha ahlu bidaca aha ay dadka ay jeclaadaan ay meel sare geeyaan, dadka ay necbaadaana meel xun geeyaan kuna sheega ceebo badan .
Dr Axmed waxa uu ugu dambeyntii uu mowduuca ku soo badhigay qodobo dhow ah oo dhibaato ku keenay dhex dhaxaadnimada xiligii gumeysigii Caalamul Islaami wixii ka dambeeyayna ay soo baxeen Kooxo diidan Jihaadka kuna tilmaamaya in uu yahay mid khaldan wuxuuna Dr Axmed uu sheegay in jihaadka laaftisu ay gasho bidac wuxuuna soo qaatay Abuu Musaa Al ashcari iyo Xudeyfa uuna Abuu Musaa Xudeyfa waydiiyay in hadii nin uu ku dagaalamo seeftiisa uuna ku dhinto isagoo ku dagalamaya ay taasi tahay Jihaad iyo in kale Xudeyfana uu ka diiday Muusaa uuna u sheegay in uusan buuxin qawaacidii laga rabay Jihaadka , wuxuuna Dr Axmed tilamaay in qofka Jihaadaya laga doonayo in uu yahay qof cilmi leh garanayana jihaadkii nabiga SCW uuna ka fogaado wixii khilaafsan Jihaadkii Nabiga SCW .
Sidii caadadu ahay waxaa la galay Su’aalaha Fataawada waxaana caawa su’aalaha ka jawaabay Sheekh Cali Warsame iyo Dr Bashiir Axmed Salaad waxayna culimadu caawa ka jawaabeen su’aalo kala duwan oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda.

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo darsiga sharxaya

fadhiga culimada ee caawa

dadka uu masjidka ka buuxsamay oo banaanka fadhiya

- dadka oo fadhiya dibada masjidka Nadwadana kala socda Projactar darbiga loogu qabtay oo uu ka muuqdo Dr Axmed Xaaji

dumarka oo nadwada kala socda qeybta sare ee Masjidka firisanaya shaashad kor loo dhigay

- dadka uu masjidka ka buuxsamay oo nadwada kala socda banaanka Masjidka
Daabaco

asc…wr…wb marka hore waxa mahad iskaleh ilaahay subxaanahu– intaas kadib waxaannu u mahad naqaynaa bahda somali mirror waxaanan leenahay ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiin saaro… waxaan kaloo kula talinaynaa dadka reer laascaanood inay ka faaidaystaaan culimada oo aad moodo in shibhu ijmaac ay ku joogaan magaalada runtiina waa intii ka dhaqaaqaysay culimada soomaaaliyeeed…. iyo waliba dhamaan umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan… waxa xusuusin mudan dad habeen dhawayd soo qoray in culimada taariikhdooda lagu daro muxaadaraaadka marka waxa iga dalaba in bahda somali mirror wixii xagaa ka joogaa in ay si kooban uga soo qoraan culimada taariikhdooda… insha allaah dhawaan ayaan isku dayi doonaa inaan wax ka qorno culimada somali mirrorna waan idinla soo socodsiin doonnaa… insha allah
waxa soo qoray dhalinyarta wax ka barata makka al mukaramma oo kala ah
shucayb maxamuuud makawi (dar al hadith)
abu sufyan al makawi ( dar al hadith)
c.naasir shaakir (qaran express)
jacfar yusuf cabdi(dar al hadith)
reer makka | Jul 1, 2009 | Reply
asc dhamaan golaha , soowmaydaan arkin sida ay u camiran tahay nadwadu nuurka ilaahay waa baxayaa kaalaya hadab afkiina ku bakhtiiya dacwadii aad hor taagneydeen 20 kii sano ee dawlad l,aanta waataa soo noqoteye tawxiidka ha seegina oo iskaga hor baydha dadka diinta hala baro oo haloo tasfiyeeyo caqiida saliimka ah . ilaah idinka qabta dacwada aad ku tumanaysaan idiinkoo is leh ilaah baad wax tareysaan maxad ka yeeli doontaan ilahay hortii ?ka xishooda culimada waxey xambaarsan yihiin diinta xaniifka ah idinkuna tashadudka , iyo takfiirinta ayaad ku xeeldheeraateen soo noqda oo usoo noqda wadada salafka iyo saxabada.
xaaji123 | Jul 1, 2009 | Reply
BISMI LAAH
ASC WRM WBR
WADAADA SOMALIYEED EE AHAAN JIRAY AABAYAASHA SAXWADA SOOMAALIYEED WAXAAD MOODAA IN WAAYADAN AY IN BADAN XAQA DHINAC MARAYAAN OO MAS’ALADII TIMAADABA LABA DHINAC LA KALA NOQDO.
1- DHINAC WADAADA WAAWAYN AH OO MARKASTA KU BINEEYA ARAGTI UU CAQLIGU NAQLIGA KA HOREEYO, IYAGA OO QIIEMEEYA AWOODO SAAIF AH, ILAAWANA AMA ISKA INDHA TIRA WACDIGA IYO WACIIDKA RABAANIGA AH.
TUSAALE:
A- SHIRKII ASMARA: CULIMADU WAY TAAGEEREEN WAANAY KA QAYB QAATEEN, WAXAY KHILAAFEEN QAWAACID BADAN OO SHARCI AH, AAKHIRKIINAA WAXAY OGAADEEN IN AY KHALDANAAYEEN.
B-SHIRKII JABUUTI: CULIMADU WAY TAAGEERTAY SI KA BADAN SIDII AY U TAAGEERTAY SHIRKII ASMARA, AAKHIRKIINAA WAXAY OGAADEEN IN AY KHALDANAAYEEN.
2-QOLYAHA ALSHABAAB AMA SALAFIYAH AL JIHAADIAH: ILAAHAY KHAYR HA SIIYEE RUNTII NAQLIGA AYAA UGA HOREEYA CAQLIGA, WAXAY MAREEN TIJAABOOYIN MARKA ISHA BANII AADAMKA LAGU EEGO AY KU SIINAYSO IN AAD ISDHIIBTO AMA AAD CALMAANIYIIN IYO GAALO LA MIDOWDO SI AAD U BADBAADO, LAAKIIN WACDIGII IYO WACIIDKII ILAAHAY AYAY QAATEEN MARKAASAY BADBAADEEN.
TUSAALE:
A- SHIRKII ASMARA: WAY KASOO HORJEESTEEN XILI UMADA INTEEDA KALE OO DHAMI AY TAAGEERTAY MARKAASAA LA DURAY OO LA YIDHI WAX GAARA AYAY WATAAN, LAAKIIN AAKHIRKII WAA LOO SOO NOQDAY.
B-SHIRKII JABUUTI: WAXAY UGA SOO HORJEESTEEN SI KA ADAG SIDII AY UGA SOO HORJEESTEEN KII ASMARA, MARKAASAA LA DURAY OO CULIMO LOO SAMAYSTAY MEEL KASTA KAGA QAYLIYA LAAKIIN AAKHIRKII WAAD ARAGTAAN IN IYAGA LOOSOO NOQDAY.
DARDAARAN: CULIMOOY AAMINA CILMIGA AAD XAMBAARSANTIHIIN OO WUXUU IDIN AMRAYO KA HOREYSIIYA WAXA AY NAFSADIINA DACIIFKA AHI IDIN TUSINAYSO.
WSC WRM WBR
JugJug | Jul 2, 2009 | Reply
maan shaa allaah ilaahay culimada hanoobarakeeyo ilaahay dartii baan dhamaantood u jeclahay, walaalaha noo soo gudbiyey muxaadaraakana allaah khayr hasiiyo anagana ilaahay hanagu anfaco
cali | Jul 2, 2009 | Reply
to jugjug
WALAAL MARKA AAD ADIGU CULIMADA NAQDINAYSO EE WAXA U MUUQAN WAAYEY CULIMADA AY ADIGA KUU MUUQDAAN ,WAA YAABE ADIGA DARAJADAADU MAXAY TAHAY ?????????????
HILIBKA CULIMADU WUU SUMAYSANYAHAY KII CUNAA WUU KU DHIMAN KII URSADAANA WUU KU XANUUSAN
cali | Jul 2, 2009 | Reply
a/s.Alaah ayaa iskale mahad dhamanted naxarisi korkisa ha ahato rasulkena swc intaa kadib waxaan uga mahad celinayaa bahda somali mirror sida xilkasnimadale e ay ugusoogudbinayaa musulimita somaliye waxyalaha ule faa idada runtii jasaa kumulahu khayr aljasaa fadlan watijabo warqad jab
Maxamed jamac farah | Jul 2, 2009 | Reply
khayr allaah ha siiyo culumada nadwada soo jeedisay ee waqtigooda qaaliga ah siiyey, durustii wadciga maanta taagana ummmada u cadaysay ugana digtay xagjirnimada iyo quluwiga beryahan dambe dhalinyaradii aafeeyey,
waxaan kaloo u mahad celinayaa walalaha somalimiroro sida wanagsan ee ay noogu soo gudbiyeen.
waxaan allaah ka baryayaa in uu innaga dhigo kuwa maqla ee weeleeya iyo in uu nagu sugo xaqa oo aysan dabayshu marba dhinac noo qaadin
wasalama caleykum,
xaqdoon | Jul 3, 2009 | Reply
Maa shaa Allah….
Biyo dahab in lagu qoro ayay Istaahishaa Muxaadaradu. Ka naxoow nafta waa! waa hadaan Rabbi kuu naxariisane.
Qaarbaa leh Culimadu Beri bay khaldantay! Miyaysan ogayn in Fatwada qaarkeed isla badasho meesha ama waqtiga ay ku aadan tahay? oo markaa Cilmi gaab oo dhami moodayo in ay khalad ahayd! ama xattaa haduu caalim khaldamo uu ajar ku helayo, Allow na hanuuni oo nagu aaddi inaan culimada ka danbayno ee aanaan hilibkooda raqin/ruugin.
farax | Jul 4, 2009 | Reply
waa sax inay cilumada somaliya aydadka uqabtaa
nadwooyin sida tanookale kuna baahiyaa dhamaan
dalka somali gaar ahaan meelaha amaankaa sida
puntland iyo somaliland iyo meelaha amaankaa
oo munaasib u ah culimada intaa kadib waxaan
salaan iyo bogaadin udirayaa culimada somaliya
meelkastay joogaan waxaan ka codsanayaa culimada inay dadka baraan salaada iyo ahmiyadeeda sababtoo ah nabigeena salawaatulaahi wasalaamucaleyhi waxuu ku dhisay dowladii islaamka waxay ahayd waa salaada sidookale waxaad kaheleysaa quraanka kariimkaa in rusushii hore in lafarayey salaada iyo ahmiyadeeda hadii aanka waramo abul ambiyaa ibraahin caleyhi salaam waxuu yirih isgaa baryaya rabigiis waxuu yir rabiyow iga dhig midsalaada oogi aniga iyo caruurtayda sidoo kale nabi muuse wa
axme maxamud | Jul 15, 2009 | Reply