Wasiirka isgaarsiinta Dalka Itoobiya Barakaat Simon ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqa Alshabaab ay Saxaafadda ka cadaysteen Dagaal ay ku soo qaadayaan Dalka Itoobiya.
Barakaat Simon ayaa sheegay in Madaxda Alshabaab gaar ahaan maamulka Gobolka Jubada Hoose ay Idaacad ay ku hadasha Afka maamulka u sheegeen inay weerarayaan Itoobiya wuxuuna yiri “ Madaxa Gobolka Kismaayo ayaa u sheegay Idaacad ay maamulaan Alshabaab in ay doonayaan in ay la dagaalamaan Itoobiya taasina waa Dagaal la cadaystay”.
Warkan uu jeediyay Wasiirka ka tirsan Dawladda Itoobiya ayaa u eg mid ifafaale u ah qiilraadis ay ku banaysanayo soo galitaanka dalka soomaaliya inkasta oo uusan si toos ah carrabka ugu dhufan wuxuuna wasiirku horay u sheegay xilli uu ka jawaabayay dalabkii DKMG ah ku codsatay ciidamo degdeg ah in ay Soomaaliya ku galayaan oo qura haddii ay Q.M ogolaansho iyo dhaqaale ku siinayso hawshaas.
Dhinaca kale Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya ayaa waxa maanta ka dhacay kulan degdeg ah oo ay yeesheen Madaxda Urur Goboleedka IGAD kaas oo uu shirgudoominayay Meles Zenawi ayna goobjoog ka ahaayeen Sh.Shariif Sh.Axmed, Madaxweynaha Kenya Kibaki, Madaxweynaha Sudan Cumar Xassan Albashiir, Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Saam Kutessa waxayna si wada jir ah u gorfeeyeen Xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay taageero ula gaari lahaayeen DKMG ah waxayna Q.M ka codsadeen in ay dib ugu ansixiso qaraarkii tirsigiisu ahaa 1725 faqradiisa 4-aad kaas oo golaha amaanku meelmariyay 6-dii bishii December ee 2006 dhigayayna in ciidamada dawladaha Safka hore loo ogolaado galitaanka ciidda Soomaaliya.
Marka la’isku daro hadalka ka soo baxay Wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya Barakaat Semon, Baaqa ka soo baxay Urur goboleedka IGAD oo ay ku baaqeen in dib loo ansixiyo Qaraarkii dalalka dariska ah loogu xalaaleeyay gelitaanka Soomaaliya, qaylo dhaantii dhawaan ka soo baxday DKMG ah ee ay ku dalbanaysay taageero Milatery, iyo go’aamo arrintaas lagu taageerayo oo ka soo baxay Q.M, M.Yurus, A.Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaaliya ayaa u egyihiin hagardaamooyin cusub oo itoobiya loogu banaynayo kusoo laabashada Dalka Soomaaliya.

Related posts:
I will kill by ethiopian one by one inshaa alhu
bal awees aarhus
ilaaheey waxaan kabaryeenee in uu burburiyo isbeheesi kasta oo ka dhan ah jihahda sida uu uburburiyay kii axzaab waan ku niyad san nahay in lafuranayo etopiya iyo kenya sida asxabtu ugu niyad samayeen in ey furandonaan furus iyo rum munaafaqiintuse ma aminsana
ASC
Amxaaro qurunteeyeey ogoow wiilashii meesha kaa cirdeeyey in eey wali joogaan,,,,, xaajiga la dhahay quryar socod ayaad tahay, shariifka ogoow in in kuwa aad isleedhahay waxeey kuu ilaalinayaan kursiga in eey bari dabada kaa laadayaan, oo eeysana wax ka qaadi karin, kuwa qaranka Soomaaliyeed, diinta ale u dagaalamaya…
bahal ceyriin ma dayo -koley galo mamul islam ah o xaq ah ma deynayan wa kuwii werara markasta lakin ani ila ma ficna in la soo degdegsado o marmarsiiyo la sii siiyo arintas waxa horey ugu fududaday indha cade hada waxa modaa wilashan kismanyo in ay degdegayan waxan dhihilaha koley la idin deynmayo e is diyariya xogina iyo cidankina iyo wixi aad awodan diyarsada hadaladinana kontorola o yeysan bananaka idin ka bixin balayona ha u yeranina e meshina ku suga iskana dhiciya idinko ilaah talo saranaayo ilaaahey markasta nasrigiisi ha idin ku ciseeyo amiiiiiiiiin idinka iyo dhamaan mujahidiinta caalamkaba amiiiiiiin yaaaa rabbi
waxaan weydiinayaa ninkii dhawaan ka hadley kismaayo oo yiri itoobiyaan weeraraaya ujeedadiisa maxey tahey? 1:ma cadawga ayuu la shaqeeyaa? 2: mise nin umadaan muslimiinta oo meesha degan buu shaqeynayaa? shariif marku qeyliyey cid ajiibtey ma jirin , laakin hada waa la maqlayaa waa la ajiibayaa adigaan ka shaqeeyey, shaley indha cade ayaa warkan oo kale ku dhawaaqey sidaas ayey cadawgu qiil ka dhigtey ka dibna ragu la shaqeynayey ayuu ku biirey wasiir buu yahey , ninkan waa noocii , dadka islaamiyiinta ah waa lagu dhex jiraa ee ha ogaadaan, dadka islaamiyiinta waa lagu dhex jiraa ee ha ogadaan , dadka islamayiinta waa lagu dhex jiraa ee ha ogadaan , war aan shuurada so marin yaan mediya lo ogalaan in laga sheego kala dambeyn haddi aysan jirin oo aad tihiin saf siman waa lagu bur bura , hadii warkan ninkan ku hadley uu shuurada ka soo baxey , macnaheeda waa caqli ma jiro .allah ha idin ilaaliyo
Laa tatamanuu liqaaìl cadawu, wa id laqaytamuuhaa fasbiruu!! Rasuulka Calayhi salaatu wa salaam ayaa yiri ha jecleysanina inaad la kulantaan cadawga, hadaad la kulantaana suga lugahiina ( yacni ha cararin). inta kale adi dhameyso!!!!
hadalka kasoo yeeray qaa idka kismayo laba ayey midnoqoneysaa sida ii muqata in uu soo da dajiyo weerar xaga cadawga kayimaada iyo in cadawgu ku dhiiran wayo asaga oo og wixii kaqabsaday xaga mujahidinta labada qeer in ay no noqoto ayan rajeynayaa bi idni laah
wixii itobiya ay sameyso alshabab ayaa mas’uul ka ah, ninkii kismayo jogay loo malin dhaweyd lahaa away itobiya ayan werareynaa? ma waxad ka aheyd adunka magacaga garsii mise arrin kale daba adigaa yaqaano jawabta aad bixineyso!!!!!!!!!!!
bismilah wlaalaha wax qoray haman waad salamantihin fkaarkayga gaaban hadan ku daro aniga waxay ila yahay hanjabaad aadan baahi u qabin iyo hadal xanbari kara riyaa iyo is tus tus wakhtigaan uma baahneen maamulka islamigaa ee wuxuu u baahnaa inuu hawshiisana wato afkoodana xirtaan aduunkaan kan ku dilayaa yiraaha wax ma dilin mana dili karo maskiin baan ahay dawladaha dadka sheegta xoga ay hogaamiyaan baan waxba ereyo noocaasa maanta ku dag dagin fudeedku ma fiicna wasaalu calaykum
ASC
Raggan inhizaamiyiinta(isdhiibayaal)maxay yihiin!!!! Sow ma arkaan miyaa gaalada maalin kasto ku haya muqdisho waan soo galeynaa? Sow ma arkaan miyaa in baddaheeni la haysto oo ilaa china looga soo duulay! sow ma arkaan miyaan in amxaar ciidankeedi joogaan! Mise, waxay raggaas aaminsan yihiin keliya marka xamar la qabsado soomalina markaas uun la qabsiya. Xisaabta iyo taxliisha way idinka qaldan tahay. Sow ma aragtaan in mataarka xamar wixii hub iyo sun dad lagu xasuuqo lagu soo daabulo maalin kasto. Sow ma arkaan miyaa dekedda qalab cul culus in lagala soo dago!! Waa yaab oo kuwan afka furayo markii qof muslim ah iska celinayo gaal oo u samaynayo qiil si ay usoo galaan wadanka oo haddaba ay qeyb badan ka haystaan. Amxaar, kenya, iyo kuwa kale waa tan maalin weliba tahdiid bixiyaan iyagoo leh Soomaliyaan ku duulaynaa, waa kuwan afrikada shirka u fadhiya liibiya sidii soomaaliya looga dhigi lahaa maxmiyad africaan ah. Waa kuwan horey noogu iclaamiyay in soomaliya ay ku tagaan jihaad african ah sida uu sheegay gaalka xun ee musafiniga ugaandha. Gaal way tashteen in diin alle wadankan lagu xukumin, laakin tan Illaahey ayaa ka weyn. Gaalraacna ha iska qeelqeeliyo, guusha insha allah mujaahidiinta ayaa iska leh.WSC
sc
salaan kabacdi waad araktaa oo sheegatay inwadanka lagusooduulayo laakiin saaxiibadaa xisbulislaam +shabaab wax xala mahayaan aan xabad ahayn mise waa wanweeyni ilaa lagawraco indhihiisu cirka markaan
nabadgelyo