Mas’uuliyiin Afqanistaan ah ayaa sheegay in Taliyihii Ciidamada Booliiska Gobolka Qandahaar ee Afqanistaan iyo 8 Saraakiil oo kale ay Xarakadda Daalibaan Dileen Isniintii Shalay ka dib Iska Hor’imaad dhex maray Ciidamadda Booliiska ee uu Tababaray Maraykanka iyo Daalibaan.
Axmed Karazaay oo ah Gudoomiyaha Golaha Gobolka Qandahaar ahna Walaalka Xamiid Karzaay ayaa sheegay in Iska hor’imaadku uu dhacay ka dib markii ay Ciidamadu galeen Xafiis uu ku jiray Qof la soo Dacweeyay ka dibna y xoog ku soo bixiyeen.
Wuxuu intaa ku daray “Dagaalka wuxuu ku Bilowday Booliiska Markii ay ka soo tageen Xafiiska Qofka la soo Dacweeyay”.
“Waa la Dilay Taliyahii Ciidamada Booliiska Qandahaar ahna Madaxa Xafiiska Danbiyadda ee Magaaladda iyo 7 kale oo ka mid ah Booliiska” ayuu u sheegay Axmed Wakaaladda Wararka ee Routers.
Dhanka kale Xamiid Karazaay ayaa ku eedeeyay Ciidamadda Gumeysiga ee NATO in ay ka danbeeyaan Dilka Taliyaha Ciidamadda Booliiska Qandahaar iyo 8 kale oo ka mid ah Booliiska.
Karazaay ayaa ka codsaday Ciidamada Gumeysiga Maraykanka in ay u soo gacan galiyaan 2 ka mid ah Ilaaladda Afqanistaan oo la shaqeeya NATO oo uu ku eedeeyay in ay ku luglahaayeen Dilka Taliyaha.

Related posts:
ilaaheey ha isku kiin salidu .
walee karazaay waa shariifka afqaanistaam
shariifna waa karazaayga soomaaliyeed
nato badalkeedana waxaa jooga aminson cajiib?
muuminiinta meel walba waxeey gargaar ka dalbanaayaan alaah