Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo Nadwada ka socota Masjidka Al-hudda ee M. Laascaanood oo caawa ugu hadlay Mowduuc uu ciwaankiiu ahaa “ku xad gudubka Diinta”

Nadwada ka socota Masjidka Al-huddaa ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa gashay Habeenkii 6-aad oo xidhiidh ah waxaana caawa darsiga soo jeediyay Sheekh C/Naasir Xaaji Axmed wuxuuna Sheekhu caawa ka halday Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “Ku xad xad gudubka Diinta”

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu  ugu horeyn Mowduuca u kala qaaday sadex qeybood oo kala ah hordhac la xidhidha Mowduuca , sharxidda Erayga Quluwi  oo macnihiisu yahay xad gudub, iyo waxayaabaha keena xad gudubka.

Sheekh Cabdi naasir waxa uu sheegay in quluwigu uu  mararka qaar galo xaga diinta wuxuna sheegay in arinta la xidhidha xad gudubka xaga diintu uu keeno dhibaato xaga diinta ah , wuxuuna shegay in qeybtaasi lagu tilmaamo quluwi qeyb ah “jus’i” .

Sheekhu waxa uu xusay in Nabiga SCW uu waydiiyay Qaar ka mid ah Saxaabadiisa xadhig ku yaalay guriga Seynab Bintu Jaxsh uuna weydiiyay sababta xadhiga looguna sheegay in ay cuskato Seynab marka ay Salaadda ku dhaasho Nabigana SCW uu martay in la furo xadhiga Saxaabadana uu u sheegay in ay tukadaan inta ay nashadka lee yihiin , arinta xadhiguna ay tahay arin  ka baxsan arimaha Salaada.

Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay ka hadlida qeybo ka mid ah Xad gudubyada xaga Diinta ee ay Shiicadu sameyso wuxuuna ka xusay in ay quluwi ku sameyso xaga Diinta ,ayna waxyaabo badan isku khaldeen taas oo keentay in wax khalad ahaa ay u fahmaan in uu yahay wax saxan, wixii saxnaana ay u qaatan wax khaldan.

Sheekhu waxa uu sheegay in Xad gudubka xagga Diintu uu wax ku keenayo  Al-Walaa wal Baraa ayna tahay in laga fiirsado wuxuuna Sheekhu uu soo qaatay Axaadiis arintaa ka hadlaysa .

Sheekhu waxa uu soo qaatay hadalka nin Masaari ahaa oo uu Magaciisa ku sheegay Mustafa ninkaasina uu sheegay in isaga iyo kooxdiisa ay yihin Muslimiin, taas oo uu Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ku tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah xad gudubka xaga diinta sababtuna waxa ay tahay ayuu yidhi sheekhu ninkaasi waxa uu Islaaamnimadii ku koobay isaga  iyo Saaxiibadii.


Sheekhu waxa uu tilmaamay xag gudubka xaga Diinta ee Kooxda Suufiyada wuxuuna tilmaamay in intii ay is lahaayeen Diinta heysta ay la gashay meel adag oo aanan loo baahneyn keentayna in ay waxbaayo badan oo bidac ah ay ku dhacaan sidoo kalena ay soo kordhiiyaan waxyaabo badan oo aan Diinta Sal  ku lahayn.

Sheekhu waxa  uu intaa kadib u galay sharxida Aayad ku jirta  Towbah  oo ahayd “ إنماالنسيء زيادة في الكفر” taas oo dhex martay labo nin oo ilowsho badnaa midkoodna uu ku yidhi midka kale waxaaan soo helay Aayad  labadeenaba ina galaysiinaya  wuxuuna sheekhu xusay in labadaas nin in ay isgaalaysiiyaan waxa keenay ay tahay fasirka Aayada oo aysan fahamsaneyn.

Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay sharxida ku xad gudubka Diinta wuxuuna ku dhaareeday ka hadlida hadalo dhex maray qaar ka mid ah Saxaabada .

Sheekhu waxa uu sheegay hal dhex maray Ibnu Mascuud iyo rag kale oo ku saabsaneyn Timir taas oo ahayd mid ka soo dhacday geedkii ay ku tiilay waxayna ragii iyo Ibnu Mascuud isku qabteen cida C/laahi Ibnu Mascuud u xalaalaysay Timirta  wuxuuna Ibnu Mascuud raggii u sheegay in Dhiigiisu uu ka xurmo badan yahay xabada Timirta ah.

Sheekhu waxa uu intaa kadib ka hadlay dadka la yidhaahdo Ahlu Ahwaaga wuxuna xusay in ay yihiin dad ka hor mariyay diinta waxa ay hawadoodu jeceshahay oo kaliya ku dhaqaaqaya aana eegay diintu waxa ay ka qabto ficilkada ay sameynayaan ,wuxunan xusay waxyaabaha lagu garto dadka Ahlu Ahwaaga ah  oo uu ka tilmaamay in ay ku dhagaan firkirka dadka ay raacsan yihiin ayna dhahaan hebel hadii diiday ana waan diiday iyagoon u eegayn waxa ay diintu ka qabto fikirka uu qaatay saaxiibkood.

Sidoo kale waxa uu sheekhu ka xusay waxyaabaha keena Xad gudubka xaga Diinta kuwaas oo uu ka tilmaamay deg dega iyo kaadsiinyo la’aanta iyo fududkuba ay yihiin kuwa keena in qofku uu xad gudbo.

Sheekhu waxa uu tilmaamay in Bini aadamka uu leeyahay cadow badan cadowgaasina uu Bini aadamka ku keenayo in ay waxyaabo badan isku khaldaan waxa kaliya oo looga bahaan yahayna ay tahay in ay ku dadaalaan in ay diinta heystaan kana gashaantaan dhibaatooyinka ugu imanaya cadowgooda.

Sheekhu waxa uu intaa kadib uu ka hadlay waxyaabaha uu keenay Quluwigu “xad gudubka” waxaanu sheekhu xusay in xad gudubkaasi uu keenay in la waayo midnimadii Muslimiinta sidoo kalena ay imanayso in dadka Musliminta ah ay cuqdad isku qaadaan ayna suura gal tahay in ay soo kala dhex galaan dhibatooyin badan.

Sheekhu waxa uu soo qaatay hadal uu C/laahi Ibnu Mascuud uu ku sheegay in loo baahan yahay in lagu daydo Saxaabadii Nabiga SCW oo uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo baariyiin ah diintana u qaatay sidii uu Nabigu SCW ugu sheegay ayna tahay in ay lagag daydo dhaqanka ,  Diinta , iyo dhinacyada kale ee noloshaba.

Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay xalka muskhilada ku xad gudubka xaga diinta  wuxuuna sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed uu xusay in cida doonayesa ay ka radin karto Kitaabka arintaa ka hadlaya oo uu Magaciisa “مشكلة الغلو في الجين ” wuxuuna sidoo kale soo bandhigay qodobo ka hadlaya xalka quluwiga xagga Diinta

Mowduuca Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxaa tacliiq yar ku lifaaqay Sheekh Wali Warsame  wuxuuna ugu horeyn sheegay in Sheekh C/naasir uu Mowduuca si wanaagsan uga hadlay waxa uu ku darayana ay tahay wax iska yar , wuxuna xusay in dadka la dhoho marka laga baadhayo Kaneecada waxaa laga helay Labo Plus  ama laba garoojo balse hadii hadii dadka laga baadhi lahaa xaga Quluwiga Diinta laga heli lahaa wax ka badan Labo Plus .

Sidoo caadadu ahayd waxaa darsiga kadib la galay su’aalaha Fataawada ah waxaana caawa ka jawaabayay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim iyo Dr Axmed Xaaji C/raxmaan waxayna culimada ka jawaabeen su’aalaad kala duwan oo ay so waydiiyeen dadka Nadwada la socda waxayna su’aalahaasi ahaayeen kuwo kala duwan.

Bidix -Dr Axmed Xaaji - Dhex - Shekh Axmed Max'ed Suleymaan - Midig - Dr Bashir Axmed Salaad

Bidix -Dr Axmed Xaaji - Dhex - Shekh Axmed Max'ed Suleymaan - Midig - Dr Bashir Axmed Salaad

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo Darsiga Sharxaya

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo Darsiga Sharxaya

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim Abu- Xasaan oo ka jawaabaya Su'aalaha Fataawada

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim Abu- Xasaan oo ka jawaabaya Su'aalaha Fataawada

Sheekh Cali Warsame

Sheekh Cali Warsame

fadhiga Culimada ee Caawa
fadhiga Culimada ee Caawa

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

12 Comment(s)

  1. culimada ha kahadlaan ciidamada aminsoon ee dadka reer muqdisho laayay
    culimada ha ka hadlaan kuwa gaaladii shalay shicibka iska xoreeyeen u yeeranee si tiiyoo kale loogu celiyo
    culimada ha ka hadleen qabiilka lagu kala qeeybinayo umada
    culimada ha ka hadleen in aan gaal la tala saaran karin
    culimada haka hadlaan waxyaabaha diinta looga baxo
    …………….

    culimada reer bunti laan shalay waxeey garab istaageen c/laahi yuusuf sh. bashiirna waxuu fadwooday in lala dagaalo.
    hada sh.bashiir ma yeelaa in c/qaadir cali cumar la marsiiyo wadadii c/laahi yuusuf maadaama uu wasiirka A/G u yahay dowlada shariif yahayna ninka kala jabiyay muqaawamadii
    jawaawdu waa maya ;;;waxaana yahay hishiiska keeyga daa ana kaagaan kuu daynaa
    waxaan leenahay illaah aan idinku dacweeynay hadaadan joojin dagaalka aad ku wadaan mujaahidiinta

    xaamuud | Jul 1, 2009 | Reply

  2. mashaa allah culumada allah ha noo xafido,alle waxaan uga rajeeynaa in camalkooda u qaalis lilaah uga dhigo, anagane aan ka waan toowno wax yaallo badan iyo kooxeysigan faraha badan ee aan sameyn iyo inaan camelkeena wanaajino insha allah.

    nabad_doon | Jul 1, 2009 | Reply

  3. Ma akhriyin mawduuca oo laga yaabaa in aan dusha ka garanayo waxa lagaga hadlay badankooda maadaama oo aan cinwaanka arkay, lakin waxaan fiiriyay sawirada.

    CAJIIB: CULIMADA SAWIRADA KA MUUQDAA WAA KAWAADIRTII GUDIDII MUSAALAXADA, WAXAAN LA YAABAY MA WAXAY XAMAR KASOO QEXEEN MARKII DAWLADA LAGA ADKAADAY OO WAXAABAY AHAYEEN QAYB KA MIDA DAWLADA, MUXUU DOWRKOODU U DHAMAADAY EE AY SAAXADA UGA SOO BEXEEN SIDA AY DAWLADA DOORKEEDII UGA DHAMAADAY MEELIHII AY XUKUMI JIRTAY.

    WAAA YAAAB WALAAAHI, LAAKIIN XADIISKAN AYAA I YAAB TIRAY : ?? ??? ?? ????? ??? ???? ??? ???: ??? ???? ???? ??? ???? ???? ????: « ??????? ????? ????? ??? ???? ???? ?? ?? ??????? ??????? ???? ?????? ???????? ??? ????? ????? ????????? ????????? ».

    ILAAHOOW NA BADBAADI.

    JugJug | Jul 1, 2009 | Reply

  4. TO :XAAMUD
    WALAAL WAXAAD TAHAY NIN DHALINYARO AH OO LA KHLADAY CULUMADDA AFKAADA KA DU ILAHAINA KA BAQ ,CULUMADAN SHALAYNA MA TAAGEERIN C/LAAHI YUUSUF ,MAANTANA QOLE KALE MA TAAGEERIN EE CULUMADU WAA DUCAAD ,XAQA AYAY CADEEYEEN MANA KEENI KARTID MEEL AY CULUMADAAN KU TAAGEEREN C/LAAHI YUSUF MARKA WAXAAN KULA TALINAYAA DHALINTA SOOMALIYEED EE LA KHALDAY ARIMAHAAN:-
    1-IN AAD ILAAHI KA CABSATAAN OO AADAN KU GADSOOMIN ADUUNYADAAN GAABAN.
    2-IN AAD CARABKIINA KA DAYSAAN CULUMADA .
    3-IN AAD KA QAADATAAN CULUMADA OO AAD KA DANBAYSAAN AHLU XALI WALCAQDIGA ,WIXII KALOO KA SOO HARAY WAA FATWO JEEBKA LAGU WATO OO AAN DIIN IYO CAQLI TOONA KU DHISNAYN
    4-IN AAD U LAABATANA IN ADA KU XIRANTAAN MASAAJIDDA BARATAANA DIINTA SAXDA AH.
    5-IN AAD OGAATAAN JIHAAD AAN SAX AHAYN IYO MID AGU JIHAADO DAD MUSLIM AH JIHAAD MAAHA,EE JIHAADKA WAA MIDKAY CULUMADA FATWODO OO AAN SHUBHO KU JIRIN.
    6-WAXAAN U DARDAARMAYAA NAFTAYDA IYO NAFTIINABA CABSIDA ILAAHAY

    W/C

    DAACAD | Jul 1, 2009 | Reply

  5. culumooy aaminaadii aan idiin qabnay waa dhamaatay shiiq qabiil tageero iyo mid xisbi taageero ayaad wada noqoteen
    waxaan culimo u aqoon sanahay kuwii la dagaalay guumeeystaha itoobiya hadana difaacaya umada islaamka ah
    war hadaad tihiin kuwii dhaxlay rasuulka rasuulka waxuu ahaa mid ku jira safka hore adinka xageed ooga jirtaan jihaadka?
    waxaad isugu timaadeen waa dan gaara umadana waa idinka aamin baxday waxaa idin daba kacaa kii qabiil ama xisbi idinku raaco

    hadaad run sheegeeysaan ka hadla inta uu qofka iga horeeyay idin yiri maad ka hadashaan
    waxaana ku darayaa waligiin ma ka hadasheen ilmaha lagu qubayo bada .
    dadka soomaaliyeed ee maalin walba lagu guro bada punti land waa mid aan u muuqan culimadaan
    dhibka ugaandheeska waa mid aan idiin muuqan
    waxaad sharciyeey neeysaan gaalada rabta in eey ku soo duusho wadankeena waxaad tiraahdeen hadii shariif iyo aadan madoobe dowladooda la rido wadanka waxaa ku soo duulaa gaalo…cajiib
    oo hada dagaalka nagu socdo maahan miyaa duulaan?
    doqonta waxeey la diriri la,dahay yaan lagaaga darine
    war ilaah ka baqa ee lacag ha ku qaadanina dacaayada mujaahidiinta iyo dhiiga umada

    fadumo | Jul 1, 2009 | Reply

  6. Culumooooooooooooooooooooooooy

    War Culumooooooooooooooooooooy

    Walaalayaaloooooooooooooooooow

    Waqti Nadwo iyo Muxaadaro waa lasoo dhaafay oo dhiig baa qulqulayeeeeeeeeeeeeeee, war kaalaya Gaalda wax ka dila oo qoryaha qaata.

    Anigu nin cilmi yaqaan maahi..balse Fidrada Ilaahay ayaa ii sheegtay in Ayadoo Gaalo Saliibiyiin ah ay wadan Muslim ah haysato inaan waqti lagu dhumin karin Nadwooyin iyo Qudbado..Sidaana ma aha sidii ay Culumadii waaweyneyd sida IBN TAYMIYAH RL ay sameyn jireen.

    War hooyaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaay
    kaalaya wiilashaan yar yar culumo u noqda oo adinkuna cilmiga bara ayaguna hubka iyo dagaalka ha idan baraan si ay cududa Islaamku dib ugusoo laabto.

    ILAAHOOW MA GAARSIIYAY !!!

    cajiib | Jul 1, 2009 | Reply

  7. Acww.

    Culumadeena Allaha dhowro Allahana noo xifdiyo waa Ragii diinta na soo baray Jazaakumullah kheyr.

    Waxaan culumada ka codsaneynaa in ay noo cadeeyeen qodobadan soo socda.

    Haleyska Ilaaliyo caynta culimada in afka lala galo wixii suaal ah waa in si toos ah loo weydiisto lana ixtiraamo la qadriyo,
    yaana lagu xad gudbin mana ahan malaaig aan gafeyn ee waa bashar gafi
    1- Dowlada shariif gaalo ayey keensatay ,gaalo kalana wey u yeeratay gaalo kistaan ahna wey ka garab dagaalami dowladaas diinta ma ka baxday oo ma ridowday????? mar hadii ay weli ka dhigatay gaalo??? mise culimada shaki ayaa uga jiro in ay dowladu gaalo weli ka dhigatay????

    2- Gaalada dhulkeena joogta iyo kuwa soo socda sow maahan in lagu jihaado sow ma haboona in jihaadkaas dadka lagu baraarujiyo??? mise jihaadba maahan in Ugaandhees iyo burundi iyo Itoobiyaan lala dagaalamo???

    3- Culimada maxaa u diiday in ay nadwooyinka ku dhigaan sidda Kismaayo, Gedo, Baydhabo, marka, baraawe, marka, afgooye, jowhar maxaa diiday in magaalooyinkaas ay islaaminyiintu ay maanta gacanta ku hayso in lagu qabto???

    waa iga daacad weydiinta suaalahan in xaqa ley cadeeyo uun baan rabaa dad badan oo ila mid ah oo xamar jooga ay shakiga uga baxaane

    Hadii suaalahaas si shaafi ah looga jawaabo oo nadwooyinka looga hadlo in wax badan ay cadaan lahaayeen.

    Raaxeeye Mogadisho -Somalia

    RAAXEEYE | Jul 1, 2009 | Reply

  8. Wax kale ma aha ee waa CANJEEL TALAWAA-GII LABAAD.

    Midda kale waxaa ay sheegaan dadka wax qoraa in xilligii uu Soviet-ku awoodda lahaa waddammada reer galbeedku taageeri jireen dacwada si aan shuuciyaddu u soo galin dalalka Islaamka. Waxaan hadda la yaabaa nadwooyinkaan marin habowsan oo aan mawduuciga ahayn laguna mashquulayo dhibaatooyinka kuwooda yar-yar iyada oo ay jiraan kuwo waawayn oo aan la xusayn. Marka su’aasha aan mar walba is waydiiyaa waxa ay tahay toloow ma Obama ayaa ka danbeeya?.

    Bal indhaha aan kala furno

    Maryam | Jul 1, 2009 | Reply

  9. Meeshaan caamo kibirtey oo culimadii ka weynaatey ayaa ka buuxda. Dalkiina sidoo kale caamo AK 47 uu mufti u yahay ayaa culimadii afka qabatey oo tiri ama sida anigu aan wax u rabo una fahamsanahay dadka wax ugu sheeg ama aamus. Waa taas mida culimadii ku qasabtey iney ka hijroodaan meelaha ay qabsadaan kooxaha ku xiran alqacida.

    Kooxaha fikirkaas isagaa taageersan oo meeshaan ka buuxa meel laga fariistana la la,yahay waxaan weydiinayaa ma ka maarantaan culimada diinta, aqoon yahanka iyo indheer garadka bulshada oo waxaa idinku filaadey wiilka qoriga sita?

    Hadaba hadey sidaas tahay maxaad u leedihiin meedey culimadii may hadlaan, soo adinku ma aydnan aamusin?

    wadaad yare | Jul 1, 2009 | Reply

  10. WAXAAN JECLAHAY IN AAD WADA AQRIDAAN culimadu waxay dhaxashaa nabiyadu waxay ka tageen iyagaana diinta masuul ka ah loogana dambeeyaa indho aad u dheer bayna u leeyihiin diinta islaamka laakiin dadkaan tacliqa sameenayaa badan koodu iyagaa ka indha la, diinta ama aan aqoon dheer u lahayn saw culimadii somlaiyed ee ku caan baxay dacwada maaha ta saas loola hadlayo maanta diintu kama maaranto walaalayaal cid hogaamisa wax iskeed isaga taaganna maaha dad baa ina soo gaadhsiiyay innaga oo ka soo ilaalinayay baadilka iyo xadgudubka diinta lagula kaco yaanu u dabagalnaa hadaad culimadii geed dheer ku laasheen yaase u aqoon badan diinta culimada nadwada ka wadda laascaanood iyo wiilashaan yar yar ee ka qayl qaylinaya meesha ee aflagaadada culimada la beeg sanaysa qaar baaba culimadii u dhagay qaab qabiil kuwaasi iyagaa buka qaar baa leh nadwadu munaasab maaha hadda see dad ka loo saxaa hadaa qaar baaba yidhi waddan kay gaalo la rabaan war yaad ka hadlaysaan miyaysaan ahayn dadki diinta xambaarsanaa yaan lagu gafin culimada oo ha la edebsado taasaan inana ku nabad galaynaa diinteenana ku fahmi karnaa waxay marayaan dad badan oo dhalin yarta maanta ah sheekadi sh c/naasir ka sheekeenayay ee ahayd labadii nin ee is gaalaysiiyay ee arkay aayadda ah( ???? ?????? ????? ?? ?????) walaalayaal alle ha looga cabsado culimada yaanan lagu gafin

    xaqdoon | Jul 1, 2009 | Reply

  11. A/CWW
    WAXAAN KA CODSAN LAHAA QOLADDA SOMALI MIRORO IN AY JOOJIYAAN ,MEESHAN WAX LAGU SOO QOROYO EE CULUMADA LAGU CAYNAYO, MIDA KALE CULUMADA WAXAAN KA CODSANLAHAA IN AY XAQA CADEEYAAN ,OO QOLADAN MEESHA KA QEYLINAYSA EE HAWADOODA DIINTA KA DHIGTAY , IN AY DHAHAAN WAAD KHALDAN TIHINE DADKA KA FIISTA,
    WAR CULUMADA DIINTA HALA QAATO ,
    waxaan la yaabaan dadkii dadka dhacayay 18-sano oo maanta diin ka hadlaya, oo cimaamad guduudan diin u haysta , war diinta soo barta , xoolahaad dhacdeena iska celiya , dhiigaad daadiseena ilaahay uga toobad keena

    Xaaji | Jul 1, 2009 | Reply

  12. Asalama Caleykum

    Waxaan aad uga xumahay in ay beryahan dambe ii muuqdaan in ay innaga soo daahireen calaamaadkii lagu yaqaaney marka ummad la rogayo, calaamaadkaas oo ah in culumada afka lagu taago intaa arli la qaso oo fatwadooda iyo xikmadooda la diido. fikirka ah in inanka yar ee 16kii jirka ah oo isu arka in uu masiirkii ummmada isagu gacanta ku hayo cidii talo iyo nasooxo siisana uu aflagado iyo tuhun kala hor imanayo bal dhiigooda banaysanayo billaahi caleykum ayu diin ayyu jihaad haadaa ayyu shahiid hadaa!!!! walaaahi thuma walaahi haddaan culumada loo noqon oo laga towbad keenin dhiiga islaamka ee la banaystay in aan aduun iyo aakhiro laysku cafinayn………..

    culumadu waa tii rususha daxashay
    culumada helibkeedu waa sun, luxuumu culamaai masmuum.
    dacwo iyo diin aan ahlul cilmi walxalli walcaqdi aysan hogaminayn meel gaari mayso, bal aynu eegno inta ay shabaab sii jiraan..

    xaqdoon | Jul 2, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo