Qarax ka dhashey Miino ayaa Saaka ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah la gula beegsadey Wadada 21 October, Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa Miino oo haleelay gaari ciidamadu saarnaayeen oo ahaa MarkII ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay hal Askari & Qof Rayid ah, sidoo kale Askari ayuu dhaawac ka soo gaarey.
Qaraxa ka dib waxaa la sheegayaa ciidamadu inay rasaas xoogan dhan walba u fureen taas oo sababtey dhaawaca tiro dad rayid ah oo loola cararey Isbitaalka Madiina.
Baaburkii Qaraxa miino haleelay ee ciidamadu saarnaayeen waxa soo gaarey bur bur xoogan, muddo ka dib ayaana goobtii laga qaadey.
Sidoo kale Ciidamada ayaa ku faafey Xaafadaha ku dhow goobta Weerarka Qarax la gula beegsadey, waxa ayna dadkii rayidka ahaa ee Xaafadaas ku dhaqnaa kula dhaqaaqeen baaraasho & dhibaatooyin kale.
Dhanka kale waxaa jira Qaraxyo ka dhashey Bam-gacmeed & Is-rasaaseyn xigtey oo ka dhacdey Suuq Liiq oo ka tirsan Degmada Dharkeynlay.
Inta la sheegay 5 qof ayaa Qaraxyada iyo Is-rasaaseyntii xigteyba ku dhaawacmey kuwaas oo Isbitaal Madiina la dhigay.
Qaraxyada & Is-rasaaseynta xigtay ayaa saameyn ku yeelatey dhaq-dhaqaaqyadii kale duwanaa ee ka jirey Suuq Liif.

Related posts:
farxadwayn bay aniga ii tahay
hadii halnin lagadhaawaco nimanka
dabadhilifka noqday oo diinta
ilaahay ladagaalamaya xukunkeeda
inshaa laahu wayna jabidoonaan