Hub & Saanad Cusub oo la siiyay DKMG ah

Published on June 30, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Wargeyska “Al-Sharqa Awsat” ee ka soo baxa Cariga Ingiriiska ayaa sheegay in uu Ogaaday in Shixnad Cusub oo Hub iyo Saanad ah ay Shalay Gaartay DKMG ah ee uu Hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed si looga Taageero Dhinaca Milatariga oo ay uga hortagaan Islaamiyiinta u suxul Duubaya sidii ay u afganbin lahaayeen Xukuumadaasi oo ay xiligani ku hareeraysanyihiin Aqalka Madaxtooyadda ee Villa Soomaaliya.

Ilo Soomaaliyeed ayaa Daboolka ka qaaday in 2 Diyaaradood oo Milatari ay shalay soo caga dhigteen Garoonka Caasimadda Muqdisho kaas oo si deg deg ah looga xiray dhamaan Safaraddii Ganacsiga ee Dibadda ka imaan jiray.

Hubkan Cusub ayaa imaanaya Maalmo ka dib markii uu Maamulka Madaxtooyadda Maraykanka Barack Obama ay Shaaca ka qaadeen in ay siiyeen Xukuumadda KMG ah Hub iyo Saanad Milatari oo gaaraya 40 Tan oo Qiimaheedu gaarayo 10 Milyan oo Doolarka Maraykanka ah.

“Ilo Wareed Soomaali ah ayaa Dhawaan soo gaarsiiyay Al-Sharqa Awsat in ay filayaan in Shixnado Milatari ay uga yimaadaan Dowladaha Carabta iyo Reer-Galbeedka, iyada oo ku tilmaantay in Beesha Caalamku ay Ihtimaam siinayaan in la jabiyo Kooxaha Falagaada ah ee Islaamiyiinta ah” ayaa lagu yiri Wargeyska.

Dhanka kale Midowga Afrika ayaa Sheegay in ay Raadinayaan Qaababka suuro galka ah ee ay ku taageerayaan DKMG ah haddii ay ahaan lahayd Mid Milatari oo noqon karta in la kordhiyo Ciidamada AMISOM ama la isku dayo inay Faragalin toos ah ku sameeyaan Dowladaha Saaxiibadda.

Isku soo duuboo Macadda ilaa iyo hadda Nooca Hubka, Tankiisa iyo Cidda Bixisay intaba, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dhinaca DKMG ah oo ku aadan Hubkaasi.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maraykanka oo Hub & Saanad soo gaarsiiyay DKMG
  2. Faah-faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa Hubka la siiyay DKMG ah
  3. C/waaxid Goon-jeex oo sheegay in la qanciyay oo Wasiir Cusub la siiyay Beeshiisa.
  4. Markab Saanad Milatari u Sida AMISOM oo ku xiran Dekadda Muqdisho
  5. Saraakiil Itoobiyaan ah oo Saanad Hub & Qalab Ciidan ku wareejiyay Xubnaha DKMG ee ku sugan Ceelbrerde.

Readers Comments (7)

  1. Abshir c/samed cafi says:

    Bismilahi wasalatu wasalam cala rasulillahi. Walal fikirkaygu waxan u arka cid walba ha bixise in ay tahay qar iska xornimo Ilahayna waxan ka baryaya in u musliminta uga dhigo qanimo iyo quwo ay helan.

  2. aloore says:

    bismilaah
    alaahu akbar insha alaah dhawaan ayaan qaniimeysan doonnaa dhamaan wax walbo oo ay siiyaan ama isku taagyeeraan cadowga ilaahay nucey rabaan ha u jeenaan ayaga ayaa toodi lacabsaday soonaga gliwaayay marka tan insha alaah waalagu kala bixi doonaa koley dadbadan ayaa ku shakin jiray arinta shariif wato maantay qofka daah kasaaran yahay waa qof aan xaqiiqda in xoog lagu tusiyi mahane aan wax kaleeto arkin ama xaqa aan u jeedin

  3. xanadal says:

    Ninka xamar iska joojin la’ hubka iyo saanadda ka dagaysa oo leh ethiopia iyo kenya ayaan weerar ku ahay oo anigaaba dalabi jihaad ah horkacayaa ha ka fariisto loolanka siyaasadeed iyo midka jihaadka midna wax ugama bilowna waa iska harjad madax dhul la dhac ah. Dadka iyo dalkaba wuu kharribayaaye ha fariisto.

    Hanjabaad , indha caddaa eeday jimcaan ku tukanaynaa addis oo isagaa beledkiisa jimcihii khamri lagu cabbay, cid kastaa booto aan awoodi la socon eedda ee nimanyohow ka fariista umadda.

  4. maria says:

    AMRIIKKKA WAXAAD XASUUSATAAN IN AY HOREY U SIIN JIRTAY,WARLODYADII JOWHARNA UGA DAGI JIRAY IYO DAYNIILE, IYO WELIBA DIYAARADO LACAG AH.

    ALLAH IDANKII WAA QANIIMO,ALLAH HA KU GENBIYO KUFAARTA HUBKOODA KII LAGU LAYN LAHAA HA.

    CADAOW AYAA SOOMALIYA HAREEYEY ALOW KA DHIG SIDII KUWII KA HOREEYBA LOO JABIN JIRAY.

    XALKU WAA JiHAAD.

  5. Miska wadahadalka imow says:

    ASC

    Ninkan Xanadal ku hadlaya afka mareykanka, muxuu jago uga donan waayey wasaarada arimaha dibada mareykan, halkaas ayaa ah mansabkiisa. Marna ma cabsi galin kartiin mujaahidiinta allaah ku kalsoon, kamana baqaan mid qof aan illaahey ka ahayn sidaas ula soco. Bal iimaan ayaa uga saa’ida marka ay gaalada iyo gaalraaca is biirsadaan. Soomalia waa tan aad aragtay dabaabadahii amxaarta AK looga saaray. Caqiidada waaye waxa lagu dagaalamo ee ma aha hub badani. Xanadalow noo caddee inaad ku hadlaysid magaca Zanaawi iyo in aad tahay nin diintiisa iyo wadankiisa u damqanayo. Xasbunaalaah wa nicmal wakiil. WSC

  6. cabdi Caaqil says:

    xandwalow fadhi adaa ku fiicane fadhi indhacade waa ninka hada hubku u dagayo waana laga qaain adna sida muuqata waxaad rabtaa in islaam doonku fariisto islaam diidkuna hubka la dago
    macada waxaad diidantahay iyo waxaad doonayso midna hadalkaaga waxaa ka muuqata inaadan soomaali ahayn maxaa yeelay caasimada soomaaliyeed soomaali oo dhan baa leh hadii khamri lugu cabay soomaali oo dhanbaa looga cabay ayagaana xoraystay adna waxaad tiri magaaladii indhacade adiga xagee kuu magaalaa???

  7. naadiya ismaaciil says:

    asc wrwb walaalayaal ilaahay sidii roon haka dhigo qolo xaqa kutaagan ilaahay ayaa garan laakiin umadan lugaha iyo gacmaha daka jaraya lagaran waa waxay yihiin wabilaahi tawfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maraykanka oo Hub & Saanad soo gaarsiiyay DKMG
  2. Faah-faahin dheeri ah oo ka soo baxaysa Hubka la siiyay DKMG ah
  3. C/waaxid Goon-jeex oo sheegay in la qanciyay oo Wasiir Cusub la siiyay Beeshiisa.
  4. Markab Saanad Milatari u Sida AMISOM oo ku xiran Dekadda Muqdisho
  5. Saraakiil Itoobiyaan ah oo Saanad Hub & Qalab Ciidan ku wareejiyay Xubnaha DKMG ee ku sugan Ceelbrerde.

Latest Headlines