Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka G/Hiiraan oo Iscasilay.

Published on June 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Gudoomiyihii Maxakamada Racfaanka  Gobolka Hiiraan  ee Hoostagi jirtay MMI ee ku biiray DKMG ah  Sh.max’ed Max’ud Warsame ayaa Saaka Shaaciyey in uu iska Casilay Xilikii Gudoomiye nimo ee uu ka hayey Maxkamadaas.

 

Sh.Max’ed Max’ud oo Saaka Saxaafada Shir Jaraa u Qabtay ayaa Sheegay in uu Xilkaasi iska Casilay Islamarkaan hada wixii ka dambeeya uu Qabsan Doono Howlihiisa Gaarka ah.

 

Waxa uu intaa ku daray in uu Dib ugu noqon Doono  Shaqadiisii hore oo uu ku Shegay in uu ahaa Daaci isla markaana waxa uu intaa ku daray in Shaqada Daacinimadu ka weyntahay Shaqada uu haatan iska Casilay ee ah Gudoomiye nimada.

 

Waxa uu iscasilaadiisa sabab uga dhigay Xiliga lagu jiro oo uu Sheegay in uu yahay mid Xasaasi ah oo aan Munaasib ahayen in lagu Shaqeeyo waxa uuna Sheegay in uu hada wixii ka dambeeyo uu ka madax banaanaan doono Xoogaga Iskuhaya Soomaaliya.

 

Sh.Max’ed oo iscasilaadiisa ka hadalayana waxa uu yiri: “Waxaan rabaa halkaan Maanta in aan ugu soo gudbiyo Shacabka ku nool Gobolka Hiiraan aniga oo ah Sh.Max’ed max’ud Warsame ku Magacawnaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Hiiraan in aan Shaqadii aan ka haayey Maxkamadaas aan iskaga Tagay oo aan Istaqaalo ka dhiibay sababtoo ah Markii aan arkay Aniga oo aan howshaas wadi Karin Waqtiga hada jira iyadoo hada waxdhibaataa  ama sababaa oo igu kalifayna aysan jirin ama Cadaadis ah ama Dhibaataa Laakiin Danheyga Khaaska ah in aan uga tago ayaan Go’aan saday Maadaama aan Markii hore Bulshada aan ugu Shaqeyn jiray Daacinimo hadana waxaan Go’aansaday in aan ku shaqeeyo Daacinimadii aan ku Shaqeynaayey Maadaama aan u arkay Mida hada aan haayaa in ay ka balaaran tahay Daaci Nimada oo ay ka Faa’iido badan tahay”.

 

Maahan Markii ugu Horeysay oo uu iscasilo Mas’uul ka tirsan MMI Gobolka Hiiraan Balse waxa ka horeeyey Mas’uuliyiin kale oo sheegay in ay Xilkoodii iska Casileen. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka G/Sh.Dhexe oo Iscasilay
  2. Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan oo is Casiley.
  3. Gudoomiyihii Baladweyne oo iscasilay
  4. Taliyihii Ciidamada G/Hiiraan oo Iscasilay
  5. Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee G.Bay oo la dilay

Readers Comments (1)

  1. qaybdoon says:

    shaagle laga baqay war ku kala yaaca meesha wiilashii yar yaraa ayaa kulaalayee




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Gudoomiyihii Maxkamada Racfaanka G/Sh.Dhexe oo Iscasilay
  2. Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Hiiraan oo is Casiley.
  3. Gudoomiyihii Baladweyne oo iscasilay
  4. Taliyihii Ciidamada G/Hiiraan oo Iscasilay
  5. Gudoomiyihii Maxkamadda Racfaanka ee G.Bay oo la dilay

Latest Headlines