C/raxmaan Ibraahim Macow, Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan ee MMIS Garabkii DKMG ah ku biiray ayaa maanta diyaarad ka raacey Garoonka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka, sida Wariyaheena Gobolku ku soo waramayo.
Lama oga halka uu sida rasmiga ah u jiheystay, basle waxaa jira warar sheegaya inuu dhanka Muqdisho u soo kicitimay.
C/raxmaan Macow ayaa la sheegayaa inuu gebi ahaanba Maamulkii & Arimihii Gobolka Hiiraan faraha kala baxey oo isaga tegay.
Dhanka kale wararka Gobolka laga helayo waxa ay sheegayaan in Maamulkii Gobolka Hiiraan uu la wareegay Janan Magaciisa lagu soo gaabiyey Mukhtaar oo xubinna ka mid ahaa Xubno dhawaan Magaalada Baladweyne gaarey oo ka socda DKMG ah kama kicitimay Muqdisho.
Jeneral Mukhtaar ayaa la sheegayaa inuu durba gudaha Magaalada Baladweyne ka bilaabey Olale ciidan, sidoo kalena uu booqasho ku kala bixiyay Xarumaha Ciidan ee Magaalada.
Balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxey Xubnihii ka harey Maamulka MMIS oo ku aadan Socdaalka C/raxmaan Macow Magaalada Baladweyne uga amba baxey, sidoo kale ma jiro hadal ka soo baxey Sarkaalka cusub ee la wareegay Maamulkii Gobolka oo ilaa iyo hadda ayan jirin cid Magacaabistiisa ka hadashey.
Waxa ayna arintan ku soo beegmeysaa xilli uu Saaka shaaciyay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Racfaanka ee maamulkii Gobolka Hiiraan ee MMIS Sh.Max’ed Max’ud Warsame inuu Xilkii uu ka hayay Maamulka iska casiley.

Related posts:
haa waa sax maanta ayuuba C/raxmaan Macow Muqdisho yimid maalmaha soo socda waxaa loo dhiibi rabaa xilka Wasiirka Amnia laakin ma calfa doono insha’alaah.
Ashahaada ladirir kasta tubtii Col Xaashi ayuu mari insha’alaah
war iskaga kala cararaaaay
A/S
WAA AL XAMDU LILAAH HADUU MAANTA GARTAY XAQA WALAALKEEN.
KUWAAN NIN DAMIIRLE KUMA HARIN AYAAN FILAA
ama janan keena ama amaxaaro u yeera xamar ayaantaan xumaan baa ka timaada aadna waa loogu diyaar garoobay loogana feejiganyahay waxa dowlad ku sheegaa waa la iska dhicin ayaga iyo gumaysiga cusub oo gaalada iskaashaday
waa qorshe cusub oo lagu qiyanaayo muslimiinta .
laakiin muslimiinta alaah baa la jira
Marada marhorey kadhacday marinka loomaro mowlase waa furanyahay!!
May may may,ma,ahan howsha gobol kaa igu cuslaatay ee dhaqaajiya idinka!! dhabta waxeytahay: xabashi bey soowadaan maskiinkaan,ne hal erey kamayaqaan oo macaamil-keedaa kucusub!!laakiin dhagartaar aadka uweyn allah mamooga dhulkana asaa iskaleh ama janan ha idiin turjumo xabashi, ama cilad kale kumarmarsiyooda,khaaliqa ayaa kaweyn waxa aad soowadaan.
WAXAAN LA YAABANAHAY KUWA DOONAYA IN MUSLINKU MID NOQDO HADANA U BOGAYA BURBURKA & KALA TAGA MUSLIMIINTA & KALA TAGA MUSLIMIINTA