Nadwada ka socota Masjidka Al-huddaa ee Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa Caawa gashay Habeenkii 5-aad oo xidhiidh ah waxaana Darsiga Caawa soo jeediyay Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim “Abuu Xassaan” oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “tilmaamo ka mid ah usuusha Dacwada” (Daawo Sawirada )
Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim waxa uu ugu horeyn uu ku sheegay in uu yahay mid muhiim ah kama mid ah waxyaabaha ay diintu ka hadalay wuxuuna ugu horeyn soo qaatay Aayaad Quraan ah iyo Axaadiis arimaha Dacwada ka hadlaya wuxuuna intaa kadib u galay sharxida Aayaadkaas iyo Axaadiista ka hadlaysa arinta dacwada.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sheekhu waxa uu xusay in Dacwadu ay tahay wadadii Ambiyada Culimada iyo dadka Ahlu cilmiga ahina ay tahay mas’uuliyad saaran in ay ka shaqeeyaan arimaha dacwada.
Sheekhu waxa uu soo qaatay qodob ka hadlaya arimaha dacwada wuxuuna ku dheeraaday ka hadlida qodobadaas oo uu u kala qaaday qeybo kala duwan wuxuuna intaas u galay hadaladii iyo wixii ay Culimada salafku ka dhaheen arimaha dacwada wuxuuna bidhaamiyay howlihi dacwada ee ay culimada salafku isku xil saareen.
Sheekhu waxa uu tilmamay in dacwada maanta jira laga soo maray dadaal dheer laguna bixiyay waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in dadlaalkaas laga midha dhaliyo .
Sheekhu waxa ii tilmaamo ka biyay arimaha dacwada sidoo kalena waxa uu tilmaamay in mar walba loo baahan yahay in la isku xilqaamo sidii loo sii amba qaadi lahaa arimaha dacwada.
Sheekhu waxa uu sheegay in looga baahan yahay qofka ka shaqeynaya arimaha dacwada marka hore in uu naftiisa ka bilaabo waxa uu dadka gaadhsiinayaana ay noqdaan kuwo iska ka muuqda dhaqan ahaan iyo dabeecad ahaan, wuxuuna xusay in ay dhibaato imanayo qofka waxa uu dadka gaadhsiinayo hadii aysan ka muuqan ama uusan ku dhaqamayn arintaasina ay caqabad ku keenayso arimaha dacwada.
Sheekhu waxa uu tilmaamo ka bixiyay ajarka uu leeyahay qofka u isataaga arimaha dacwada wuxuuna xusay in mudooyinkii dambe ay soo if baxeen ishaacaad ah in wax laga sheego dadka dacwada ehelka u ah culimada iyo ahlul cilmigan laga sheego waxa aysan sheegin ama wax lagu dar daro wixiii ay shegeen wuxuuna nasiib daro ku tilamaay arimahaas in ay dhibaato ku keenayaan arimaha dacwada wuxuuna uga digay dadka arimahas ka shaqeynaya in ay ka waantoobaan .
Ugu dambeyn waxa uu sheekhu ku soo gaba gabeeyay mowduuca qodobo la xidhiidha arimaha dacwada qeybahooda kala duwan waajibaadka saran qofka daaciga ah waxa laga doonayo iyo waxa laga rabo in uu qabto.
Intaa kadib waxaa caawa la galay sidii caadadu ahayn su’aalaha Fataawada waxaana caawa su’aalaha ka jawaabay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed iyo Dr Bashiir Axmed Salaad , waxayna labada sheikh ka jawaabeen su’aalaad kala duwan oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada dhageysta

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim "Abu Xasaan" oo isku diyaarinaya jeedinta darsiga

fadhiga culimada ee caawa


Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka jawaabaya su'alaha Fataawada

Dr Bashiir Axmed Salaad oo ka jawaabaya su'aalaha Fataawada

Related posts:
Maasha Allaah!
Runtii anigu waan ku farxay Muxaadaradan aad qodobadeedii ugu muhiimsanaa qoraal aad usoo gudbiseen. Illaahay ajar haynikasiiyo.
Anigu waxaan u arkaa muhiim inay tahay: Qoraaladan oo kale.
Mahadsanid.
Y.A. Maxamed
asc/ walaalayaal waad salaamantihiin dhamaan ka qayb gaLayaasha nadwada laascaanood aad ayaan ugu faraxsanahay muuqaalaka culimada oo qaarkood macalimiintaydii yihiin gaar ahaan macalimkayga qaaliga ah sh xasan maxamed ibraahim [abu xassan] xafidahullaah reer laascaano ilaahay ayaa idiin nicmeeyay ee ka faa.iidaysta culimada reer muqdisho ayaa ka faa.iidaysan waayaye oo wax ka barta oo dajiya culimada wixii aan deegaan aheyn waa culimadiinii waa culimadii somaliyeed waxaana u mahad naqayaa shaqaalaha somalimirror oo si wanaagsan noola socodsiiyo barnaamijta nadwada waadna mahadsantihiin
S/C
Maxaad uga hadli waydeen Hadalka uu sheekh Bashiir ku radiyay inayna banaanay Isqarxinta iyo inay dadka hubka ka dhex tuuraya umada aysan diinta waxba ka aqoon? Wararka ma waxaad ka qaadataan inta idin khuseysa? Waar yaan Cadaalada laga tagin, Waar yaan xaqa looga biqin lowmata laaim. Warka Dowlada waxka sheegaya afka ayaad ku balaadhisaan, Kan ALshabaab iyo Xisbul islaam wax ka sheegaayana waad qarisaan. Maad iska cadaysataan inaad afhayeen inaad u tihiin nimankaas mucaaridka ah.
waxaa dadku sheegayaa in dhalinyaradii dacwadu dhegaysan weydey nadwada sidaa daraadeed sawirka sawirka looga daayey jamhuurta fadhida masaajidka .
fadlan soo sawira jamhuurka
s.c waad mahadsantihiin bahda somali mirror soo gudbiinta waxa kharyku ku jiro khasatan mawduucan dacwada oo ah dariiqda nabiga scw iyo saxabadu diinta manta ayanu haysano inagu soo gaadhsiiyeen waxaan kaloo u mahadcelinayaa culimada soomaliyeed ee sida isku duubnida leh maalinba meel ugu qabanay nadwooyinka waxan ka xumahay in wadaadada aad aragtaaan ay aqbalai wayeen dadka muqdisho ku dagaalamaya ee iyagoo wadaada shacabka dhiigoodii xalaashaday ilaah inuu soo hadeeyoo amiin u dhaha qolada reer lascanod ka faa iidaysata waa nimco eebe idinla damcee salamaucalaykum
acww walaalayaal waan salaaman tihiin dhamaan shaqaalaha iyo akhiristayaashaba salaan kadiba culimada ha laga wada faa,iidaysto intooda alle ku xiran oo xalaal miiranka ah intaa kadib waxaan jeclaa in aad soo gudbisaan su,aalihii iyo jawaabihii dhamaan walaahi toowfiiq
war waa joognaa waana raacasanahay culimada alwasadiya ah oo xaqaaan ku raacsanahay nimanka kursiaga isku hayana ilaahay ha soo hanuuniyo waa wada islaam laakiin saaxiibayaal run hadii l rabo waa loo baahnaa in quluwiga la radiyo waa markii ugu horeysey taariikhda aan arko iyadoo sidaa loo radinayo xagjirnimada lagu xeeldhaaraadey ee la barbardhigey diinta xaniifka ah dabeecada maariikhiinta culimada ilaahy khay hasiiyo waxey ka mideysan yahiin si xeel dheer iyagoon cidna uga habdeysan kana baqin inay ku tiiq tiiqsadeen waxii ilaahay barey xaqna ay feedhaha ka dilaaciyeen ilaahy ha u naxariisto shiikh al muxadith , geesi hogaamiye adag oo aan leexleexan marka ay runta timaado shiikh C/qaadir nuur faarax (Jeex)ayaa cadeeyey in aan ladabo socon karin wiilasha jar iska xoorka ah isla markaan aan loo hiilin karin dawlada translationka ah ee mar marna noqota reflectionka xaga shareecada kolka waa loo baahnaa in laga taxadaro oo laga digo quluwiga iyo xagjirnimda dheeraadka , waa loo baahnaaa in lacadeeyo wadada ahlusunnada , waa loo baahnaa in lacadeeyo takfiriga iyo tashadudka , waa loo baahnaa waxaanay ahyd in mar horeba laga calool adeygo oo aan la lexajecleysan waxii sidaa u sifooba waxey ahayd in la is adekeeyo oo loo hiiliyo dacwada khayrka ah ee salifiga ah waxey ahayd in la iska dhigo siyaasada meel oo xukaamta la galiyo inay u hiiliyaan dacwda ayna ka timaado dadka ahlu khayrka ah inay sabab u noqdaan taxkiimu shareeca .waxaam iman lahayd kolkaa midho wacan oo la helo mar horeba khayrkaa soo degi lahaa barwaaqdaa iman lahayd ummadaa dhergi lahayd lama qaxeen lamana baxsadeen ummadan looma kadeen jibada iyo waxyeelada ay u isticmaalaan dadka diinta aan waxba ka aqoon ee cadheysan inay majaraha u qabtaan.(nin cadheysan waxey ila tahay inaan cidina cadaalad ka sugeyn )ugu danbeyn abu xasan iyo shiikh bashiir iyo cali warsameiyo c/naasir iyo intii hadasheyba waa ku mahdsan yihiin waxeyn kawada hadleen wax loo baahnaa . waslam.
A/s, salaan kadib su aasheeyda waxeey ku wajahantahay Dr Shiikh Bashiir Salaad maadaama uu yahay Cudoomiyaha Hay’ada Culumada Musaalaxada.
Sheekh Hay’ada aad madaxda katahay waxaa loo aas aasay Musaalaxo waad isku daydeen in aad dhax-dhaxaadisiin Dowlada & qolada kasoo horjeeda, damcan qolo ayaa diidan in lawadahadlo oo khilaafaka jira lagu dhameeyo wadahal sida ayiyaga laftooda sheegaan oo raba in aay qoraga caaradiisa waxa ku gaaraan, waxaad cadeeyseen Dowlada in aaytahay Dowlad islaami ah. Dantiinana waxeey noosheegeeysaa qoladii kahortimaada Dowlad islaami ah inay yihiin BUGAAD oo uu banaanyahay dhiigooda silooga hortago fitnada eeywadaan. Marka maxaa idin kahortaagan in aad cadeeysiin xaqa iyo diinta Ilaaheey idin baray ??????????
Maxaa waqtigaaga ugu dhumineeysaa muxaadaraad aan waajiba kuugu aheen oo culumada kale kaarideen maadaama iyaga u taaganyihiin habeen iyo maalin ????????????
Sheekh waada aragtaa habeen iyo maalin waxaa daata Niiga umadda muslimka ah ee soomaalida waxadaadinayana waa dad sheeganaya in eey yihiin mujaahidiin, Sheekh ilaaheeygii ku uumaay kabaq oo cadeey xaqa waa maalintii loobaahnaa culumada in aay cadeeyaan xaqa.
maansha alaah ilaahay khayr hasiiyo culimadii nadwada diyaarisay iyagana ilaahay ayaa khayrkeeda siin doona wabilaahi tawfiiq