Maxamed Xasan Xaad oo ah Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Ahwiye oo Idaacada Shebelle ee Muqdisho u waramayay ayaa baaq ku aadan in Dadka Rayidka ah ee ka qaxey Dagaalada Muqdisho Gacan taageero loo fidiyo.
Xaad waxa uu ugu baaqey Ganacsatada & Cid walba oo wax heli karta, sida Hay’adaha ka shaqeeya Samafalka inay gacan taageero u fidiyaan Dadka Rayidka ah ee ku dacdareysan duleedyada Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale Wareysiga uu Shabelle siiyay ku sheegay inaan qof kasta oo nool Maalin uun uu Aduunka ka tegaayo sidoo kale Xoolaha uu hesyto aanu sidan u heysaneynin sidaa daraadeed looga baahan yahey wixii uu Ilaahey ugu deeqay inuu wax ka bixiyo.
“Dadka Soomaaliyeed ee Islaamka ah waxaan ku boorineynaa cid kasta oo ilaahey wax siiyay inay ka faa’iideysato Dadkaas oo cid nool noolan meyso oo ciddii Maanta wax heystaana siima heysan doonto marka inay u gar-gaaraan oo dhibaatada ka saacidaan hadey tahey Nolasha, hoyga, Jirooyinka, Barkaaca baahsan oo baahida bani-aadamka ku dhacdaa ayna waxba ka dhineyn marka dadkaas Soomaaliyeed ee Muslimka ee Musiibadu ku habsatey ah in loo gar-gaaro ayaan waxaan ku boorineynaa hay’adaha Samafalka iyo dadka ganactsada Soomaaliyeed ee ilaahey wax siiyay gurmad is dabajoog ah oo maalin walba si nolashoodu u jirto oo ay u helaan wax-yaalaha ay u baahan yihiin” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.
Oday Xaad waxa uu tilmamey inay jiraan dhibaatooyin kale duwan dhinac walbana leh oo heysta Dadka Rayidka ah ee u badan Haweenka & Caruurta ee ka cararey Dagaaladii is daba jooga ahaa ee ka dhacey Magaalada Muqdisho.
Qeylo dhaanta ka imaaneysa dhibaatooyinka kale duwan ee heysta Barakacayaasha ayaa maalinba maalinta ka danbeysa isa soo taraya, mana aha markii ugu horeysay oo baaq noocan oo kale ah laga yiraahdo xaalada dadka barakacey.

Related posts:
Ganacsatadu hadday rabaan gacan ba yeysan ka geysab taakulada dadka barakacay, ee ha joojiyeen iibinta hubka lagu xasuuqo shacabka iyo is garab taaga dadka wada xukun marooqsiga.
Maxuu faa’iida leeyahay qursi maalin laguu tuuro, haddii had iyo jeer madfac lagugu soo hagayo?
asc dhamaan qeyr allaha siiyo kuwa umadda u gargaara
okey