Hogaanka sare ee Maamulka Islaamiga ah ee Bay & Bakool oo la badelay.

Published on June 29, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Baydhabo

Kulan Maanta gudaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka  ay ku yeeshee xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Al-shabaab ee Bay iyo Bakool ayaa waxaa uu ahaa mid is badel loogu sameynayay Maamulka. 

Gudoomiyaha Maamulka Al-shabaab ee labadani gobal Sheekh Xasan Maxamed Cali Abuu-eyman waxaa uu goobta uu kulanku ka dhacey ka sheegay in wixii maanta ka danbeeya uusan aheen Gudoomiye. 

Waxaana intii kulankaasi uu socodey Abuu-eyman si dhab ah uga wareejiyey xilkaasi loo magacaabay Sheekh Mahad Cumar C/kariim oo noqonaya Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Bay & Bakool oo hoos taga Dhaq-dhaqaaqa Mujaahidiinta Al-shabaab. 

Hase yeeshee Guddoomiyaha cusub mar uu isna goobta kulanka ka hadley ayaa waxaa uu sheegey in uu ku faraxsanyahay xilka loo magacaabey isagoona balanqaadey in uu is badel uu ku sameyn doono labadani Gobal. 

Qeybaha kale duwan ee Bulshada Bay & Bakool ayaa magacaabista Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Islaamiga ah ee Goboladan soo dhaweeyay, balse Gobolaha Aqoonyahanada ee Goboladan ayaa ku booriyay Maamulka in balaarin Maamulka lagu sameeyo.

Si kastaba ha ahaatee 3 Bilood ka hor ayey aheed markii Abuu-eyman xilka loo dhiibey bacdanaa maanta isna xilkaasi iska wareejey.waxaana sidoo kale uu sheegey in aaney jirin wax dhib ah oo isagu xilka u wareejiyey.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Bay & Bakool oo sheegay Dagaalka inay wadayaan inta Dowlad Islaam ah laga helayo
  2. Maamulka Islaamiga ee Bay & Bakool oo Amaanka Goboladaas Xoojinaya
  3. Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Bay & Bakool oo Culimada ugu baaqey inay Umada Hogaamiyaan.
  4. Maamulka Islaamiga ee Bay & Bakool oo Hey’adaha Samafalka Baaq u diray
  5. Go’aano Maamulka Islaamiga ah ee Baydhabo soo saarey.

Readers Comments (4)

  1. Cajiib says:

    Maasha,Allaah waaye Maamulka Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool.

    Sheekh Xasan Abu Ayman Ilahay haka abaalmariyo adeegyadii wanaagsanaa oo uu usoo qabtay shacabka deegaanadaas ku dhaqan .

    Waaliga Cusub ILaahay hala garab galo howsha adag ee sugaysa….Gaar ahaan Bakool oo ku taala xadka Itoobiya oo dagaalo ka jiraan.

  2. maxamuud cali macallin says:

    s/c
    ugaaskii maxamed xaaji ibraahin cigaal oo aan diinta ku dhaqankeeda aad u jeclahayn waxaa hal hays u ahayd duca qabe xilka qaranku waa meerto.
    waa khayr kol haddii xarakada mujaahidiinta al shabaab oon anigu ku jeclahay wixii ay khayr sameeyaan,kuna necbahay wixii shar sameeyaan ,ay tusaan indhaha dadka in xilka qaranku yahay meerto,oo kolba nin lagu eegayo oo aan islaamku ahayn ,sida kuwa quluubtu madawdahay u fasiraan,ee yidhaahdaan waa diin aan ogolayn is bedel,indhaha gaalada waaweyn iyo kuwa yaryarba wax tusa
    wsc

  3. daacad says:

    asc illaah ha abaal mariyo waanaga ay qebteen maamulkii hore ee bay iyo bakool kuwaanna allaha lagarab galo

  4. Maskiin Alle says:

    AS. dadka halkan faalada ku qarayow waxaad tihiin daacad ilaaheyna khayr haydin siiyo.balse arintu sidaad moodeysaan maahee bal u kaadiya.anigoonse idin dhehaynin kan,kaas koo.iyo keerbaa jira war jiraaba cakaaruu iman.ninkii gabyeyna wuxuu yiri wiiyohow war baan kuu ogahay waaga dabadiise.intaas waxaan idinku darayaa anigu waxaan ahay dadka reer BAY IYO BAKOOL gaar ahaan reer BAKOOL madi hooba saas ete meeli walbadigaa ku jaree kowb sugnoo.dadka bershey way leyiinaa DOOMITEE UNUU LEE DABANO DARUURIYAANEE DOOMIYEE UNUU LEE.
    WABILLAAHI TOWFIIQ




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Maamulka Islaamiga ah ee Bay & Bakool oo sheegay Dagaalka inay wadayaan inta Dowlad Islaam ah laga helayo
  2. Maamulka Islaamiga ee Bay & Bakool oo Amaanka Goboladaas Xoojinaya
  3. Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Bay & Bakool oo Culimada ugu baaqey inay Umada Hogaamiyaan.
  4. Maamulka Islaamiga ee Bay & Bakool oo Hey’adaha Samafalka Baaq u diray
  5. Go’aano Maamulka Islaamiga ah ee Baydhabo soo saarey.

Latest Headlines