Golaha Guurtida S/land oo Xukuumadda usoo Jeedisay inay Meelmariso Go’aamada iyo Xukunada ka soo fula Maxkamadaha.

Published on June 29, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

golahaGolaha Guurtida Maamulka S/land oo ku guda jira dooda nabadgelyada iyo horumarinteeda ee ajandaha kalfadhiga 38aaad ayaa fadhigodii shalay dood xasaasiya ka yeeshay xaalada guud ee nabadgelyada dalka, taas oo ay mudanayaashu sababaha amaan darada keena ay gundhig uga dhigeen fulin la’aanta xukumada ka soo baxa golaha Guurtida iyo xukumada ay gaadhaan hay’adaha garsoorka.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo guddoominayey fadhiga shalay oo ay ka muquurteen labadiisa gudoomiye ku xigeen ee kowaad sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure iyo siciid Jaamac Cali oo ah ku xigeenka labaad ee golaha ayaa waxa uu inta badan gudoomiyuhu mudanayaasha ka dhex galayey in dooda nabadgelyada lagu soo qaado arrimaha muranka dhul ee ka dhex aloosan beelaha Somaliland, taas oo ay si dad ban mudanayaasha qaarkood ay u soo jeedinayen  go’aanadii laga soo saaray mandaqada ceelbardaale, fulintooda haseyeeshee guddoomiyaha ayaa mawduucaasi ka hadalkiisa oo jawiga golaha ka dhex abuurayey guux iyo xasaasiyada mararka qaarkood mudanayaasha ku soo celinayey in mawduuca dooda nabadgleyada ay ku eekaadaan.

Mudanayaashii halkaas doodooda ka dhiibtay xaalada guud ee nabadgelyada dalka iyo horumarinteeda ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay   Cabdi salaam Maxamed Siciid oo ku dooday in falalka amaandarada keena ay sabab u yihiin fulin la’aanta go’aanada goluhu ka soo saaro mushkiladaha dhulka “ xoojinta nabadgelyada waxa aasaas u ah in maamulka dawlada la gaadhsiiyo gobolada dalka, waxyaalaha nabadgelyo darada abuurayaana waxa sabab u ah fulin la’aanta go’aanada goluhu kasoo saaro mushkiladaha dhulka iyo xukumada maxkamadaha kasoo baxa een fulin, xukuumada maxkamadaha ka soobaxa”

Md:Caydiid Maxamed Cabdi ayaa isaguna ku dooday in la helo kala xadayn rasmiya lagu sameeyo dhulka beerta ah iyo dhul daaqsimeedka isaga oo intaa ku daray in la sameeyo sharcigii ciidamda amaanku ay iskaga difaaci lahaayeen cida soo weerarta xilliga ay gudanayaan sugida amaanka “ waxaa loo baahan yahay in kala xadayn rasmiya lagu sameeyo dhulka beeralayda ah iyo dhulka daaqsimeedka ah, barigii hore waxa laysku qabsan jiray geela la kala qaado oo fidmadu ka dhici jirtay hadase kuli fidma cinda dhul ayey maraysaa waxaana lagu xalin karaa mushkilada dhulka kala xadayn, waxa magaalada ku soo kordhiyey mushkiladaha ugu dhulka, maalintii shalay xaafada Idaacada 7 qof ayey ku dhawaceen ciidankii amaankuna waxay ku sameeyeen ayey garan waayeen oo talaabo ay qaadaan ayay garan waayeen.

Ta kale ciidamada amaanku markay ku guda jiraan sugida amaanka meelaha ay iska hor imaadyadu ka dhacaan waxa dhacda in ciidanka laftiisa lagu soo weeraro qoryo taas oo ay ciidamaduna ka garan waayeen si ay isku difaacaan oo ay yidhaahdaan amar aanu talaabo kaga qaadno ma haysano, sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa inaynu soo saarno sharci iyo xeer ay ciidamadu naftooda ku difaacaan marka lasoo weeraro, ta kale waxa laynooga baahan yahay in xisbiyada ku tartamaya doorashada aynaan kala raacin oo aynaan xisbi gaara taageerin balse aynu dhexdhexaad u noqono xisbiyada haddii aynu xisbiyada u kala safano wax midaysan oo aynu soo saarnaa jiri maayo”.

Md: Yuusuf Cabdilaahi Cawaale ayaa isaguna ku dooday in waxyaalaha nabadgelyo darada keenay ay sabab u yihiin dhulka laysku haysto loona baahan yahay in xal loo helo isagoo intaa ku daray in xiliga doorashada wacyigelin weyn laga sameeyo xoojinta nabadgelyada dalka iyo guud ahaanba wacyiga shacbi waynaha Somaliland ee doorashooyinka.

Md: Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Shaadh ayaa isaguna ku dooday in golaha Guurtidu wacyigelin balaadhan ka sameeyo gobolada iyo degmooyinka dalka iyo warbaahinta dalkaba isagoo intaa ku daray in garaadka bulshada ee dhinaca nabadgelyada iyo doorashooyinkaba si weyn loo xoojiyo.

Md: Nuur Rayaale Khayre ayaa isaguna ku dooday in waxyaalaha amaanka iyo xasiloonida dalka waxyeelaya si weyn looga gaashaanto xilligan doorashooyinku dalka ku soo fooleeyihiin.

Marka layku soo duubo  doodaha Mudanayaasha ayaa isugu soo biyo shubanayey  in shaqaaqooyinkii ka dhacay gobolada  qaar kood ay gundhig u ahayeen fulin la’aanta go’amada iyo xukunada ay gaadhaan Hay’adaha Garsoorku, waxaana ugu danbaysey Go’aamadii ay Golaha guurtidu ka soo saareen shaqaaqadii Ceel berde oo ay weli laalan yihiin Go’aamadii ka soo baxay, xukuumadana laga sugayo fulinteeda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Geeska Afrika ee HORNWOTCH oo canbaarayn usoo jeedisay Maamulka S/land.
  2. Gudiga Joogtada ee Golaha guurtida S/land oo warbixin laga dhegeystey
  3. Golaha Guurtida S/land oo ka hadlay Doorashada Sh, shariif iyo Waqtiga Komishanku u Cayimay qabsoomida Doorashada Madaxtooyada.
  4. Gudida Golaha Guurtida S/Land oo Go’aamo ka soo Saaray Shaqaaqadii ka Dhacday Ceelbardaale.
  5. Golaha wakiilada M/mulka S/land oo canbaareeyey Go’aankii Q.M,ka soo saartay hoos u dhaca Amaanka S/land.

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Hay’adda Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Geeska Afrika ee HORNWOTCH oo canbaarayn usoo jeedisay Maamulka S/land.
  2. Gudiga Joogtada ee Golaha guurtida S/land oo warbixin laga dhegeystey
  3. Golaha Guurtida S/land oo ka hadlay Doorashada Sh, shariif iyo Waqtiga Komishanku u Cayimay qabsoomida Doorashada Madaxtooyada.
  4. Gudida Golaha Guurtida S/Land oo Go’aamo ka soo Saaray Shaqaaqadii ka Dhacday Ceelbardaale.
  5. Golaha wakiilada M/mulka S/land oo canbaareeyey Go’aankii Q.M,ka soo saartay hoos u dhaca Amaanka S/land.

Latest Headlines