Nadwada ka socota Masjidka Al-Huddaa ee Magalada Laascaanood ayaa gashay caawa Habeenkii 4-aad oo xidhiidh ah waxaana darsiga caawa soo jeediyay Sheekh Faysal Cali Faarax oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu yahay “ isku xukumida waxa uusan Alle soo dajin” . (Daawo Sawirada / Dhageysi)
Sheekh Faysal waxa uu ugu horeyn mowduuca u kala qaaday labo qeybood oo kala ahaa qeybta hore oo uu ku sheegay in uu ugu tala galay in uu si guud ugu hadli isku xukumada waxa uusan Alle soo dajin iyo qeybta kale oo ahayd waxa ka dhalan kara hadii aan la isku xukumin diinta uu Alle soo dajiyay.
Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.
Sheekhu waxa uu sharaxaad guud oo cilmiyaysan ku sameeyay Aayaadka xidhiidha ah eek u jira Suurada Maa’ida Ilahayna uu ku cadeeyay waxa ka dhalanaya qofkii wax ku xukumaa wax khilaafsan waxa uu soo dajiyay sifooyin kala duwana uu siiyay dadka isku xukuma waxa khilaafsan Dinta iyo Shareecada Islaamka.
Sheekhu waxa uu intaa kadib u galay Axaadiis uu Nabigu SCW ugu hadlay arinta la xidhidha isku xukumada waxa khilaafsan diinta Alle , wuxuuna intaa kadib soo qaatay hadaladii iyo fataawadii ay Culumada Salafku arintaa ka dhaheen.
Sheekhu waxa uu xusay in qofka khilaafaya isku xukumada diinta Alle uu yahay qof diidan gabi ahaanba Sharaacada kana dhigan qof ku gacan shaydhay sharciga Ilahay wuxuuna dadka isku xakumaya waxa ka baxsan sharaacada Islaamka uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan arintaas Ilaahayna ugu towbad keenaan.
Sheekhu waxa uu tibaaxay in qawaaninta la dajiyay ay yihiin kuwo khilaafan Sharaacada Islaamka wixii sharaacada khilaafsana aysan suura gal ahayn in la isku xakumo wuxuuna nasiib daro ku tilmamay in inta diintii laga tago wax aan jirin la isku xukumo lana dhoho waa sharciga jira ee lagu kala baxayo .
Sheekhu waxa uu xusay in mudooyinkii dambe ay soo if baxayeen hadlo ama shiki la galinayay isku xukumada Shareecada wuxuuna sheegay in gaaladu marna aysan raali ka hayn in dadka muslimka ah ay diinooda ugu dhaqamaan sida ay tahay , wuxuuna arintas ku cadeeyay Aayaad Quraan ah.
Sheekhu waxa uu intaas kadib u galay qodobkii ahaa wax ka dhalan kara hadii aan la isku xakumin diinta ilahay wuxuuna sheegay in dadku ay yihiin kuwo u qeybsan xumaanta iyo samaanta , wuxuuna xusay in qofna uusan khiyaar u lahayn in uu xukunka shareecada uu ugu tagri falo sida uu rabo, wuxuuna sheekhu ka digay waxyaabaha ka dhalan kara Xukumada logu gabanayo shareecada khilaafsana shareecada marka la eego..
Sheekhu waxa uu sheegay in in loo baahan yahay in mar walba laga fogaado wixii shareecada mugdi galin kara sidoo kalena Bulshada looga baahan yahay in ay Culimada ku xidhmaan wixii su’aalo ah oo la xidhiidha xaga xukunka iyo wixii ay diintu ka tidhiba ay culimada ka qaataan waayo ayuu yidhi culimada waxa ay joogaan booskii Ambiyada waana kuwa dhaxlay cilmigii ay Ambiyadu ka tagtay.
Sheekhu wax auu mowduuca ku soo gaba gabeeyay qodobo kooban oo uu ku soo aruuriyay farqiga u dhaxeeya isku xukumada xukunka Ilaahay iyo isku xukumada waxa uusan Alle soo dajin.
Intaas kadib waxa ay Culimadu ka jawaabeen su’aalo kala duwan oo Fataawo ah waxaana si gaar ah su’aalaha ugu jawaabay Dr Bashiir Axmed Salaad iyo Dr Axmed Xaaji waxayna labada Dr-ba ja wabaabeen ilaa dhow iyo labatan su’aalood oo ay soo waydiiyeen dadka Nadwada la socda
Wixii su’aalo ah ku soo hagaaji Ciwanka Masjidka oo ah masjidkahuda@gmail.com

Sheekh Faysal Cali Faarax oo darisiga jeedinaya

Dr Bashiir Axmed Salad oo ka jawabaya Su'alaha Fatawada

fadhiga Culimada ee caawa

No related posts.
No related posts.
allaha ka abaal mariyo sheekha muxaadarada qayimkaa uu soo jeediyay waana mid loo baahnaa xiligan ine ku soo aado mahadsanid
somalilandka english constitutionaka wax ku xukunta dee ha lo sheego. mise wa laxa odhan fulanki ka hadla wa khawarij? cajiib; diin afka laga sheegayo un.
ass/cl
sommalimirror waad ku mahadsantihiin soo gudbinta nadwada>
codsi:
culimadan nadwadu waxay u badan yihiin culimo cusub xoogay taariikhdooda ah inaad noogu dartaan baa fiicnaan lahayd.
waad maahadsantihiin .
wax beena dadka haka dhaadhicinina sida fican dadka u sheega
asc dhamaan,waxaan ahay nin u dhashay gobolka togdheer waxaanaan s/land-nimada ka jeclahay iyadoo kitaabka allah sw la inagu wada xukumo kaasaan ku walaaloobi lahayn dhamaanteen