Ismaaciil Cumar Geele oo Sheegay Soomaaliya in ay khatar ku sugan tahay

Published on June 28, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si weyn u dhaleeceeyey isla markaana ku ee deeyey in doonayaan in ay Dalka Xooga kula Wareegaan Xoogaga Islaamiga ah ee Dagaalka kula jira DKMG ah iyo Ciidamada Shisheeye waxa uuna Sheegay in Dalku Meel Khatar ah Marayo.

 

Ismaaciil Cumar Geele oo Dad isusoo baxay kula hadalyey Magaalada Djabuuti ayaa intaa kudaray in Xoogaga islaamiga ah ay doonayaan Imaarad Islaami ah isla markaana ay Rabaan in ay Dalka Soomaaliya ka dhigaan Meel looga Duulo Caalamka intiiise kale.

 

 

Figrahada ah ku Dagaalamayaan Xoogaga Islaamiga ah ayaa ku Tilmaay Geele in ay yihiin Fikir ajnabi oo u adeegaya Dano Shisheeye, waxa uuna Sheegay in ay kooxahani Rabaan in ay Meesha ka saaraan DKMG ah ee Dalkiisa lagu soo dhisay.

 

Waxa uu intaa ku daray Geele in Xoogagani ay Doonayaan in ay Dalka ka dhigaan sida  Afgaanistaan iyo Pakistan oo kale waxa uuna Sheegay in uu ka baqayo hadii ay Dalka Qabsadaan in  ay Soomaaliya noqoto Meel ay ku soo Duulaan Quwadaha Shisheeye waxa uuna yiri:“Maanta Ragaasi hadey Guuleystaan waxa ay geyn doonaan Wadankaasi Meel aan Dib looga soo Qaban Karin Aduuka oo idilna uu Duulimaad rabo in leyska Qabta weeye, Maanta Pakistan Gobanimadii halis bey ku jirtaa iyadoo Bam Atoomig leh”.

 

Waxa uu Sheegay in ay tahay waxa loo Dagaalamo Siyaasada waxa uuna ku timaamay Xoogaga Islaamiga ah kuwa Dhagar qabayaal ah oo meel ay Dagaan raadinaya waxa uuna  yiri:“Waxa sida loo leeyahay Maahan Islaam iyo waxaa maahan waa siyaasad oo Dad meel ay Tagaan la’ Wadamadoodii laga Ceyriyey kuligood Dhagar Qabayaal ah Meel ay ku dhuuntaan la’ayaa raadsanaya Meel ay Salka Dhigaan oo ay ka Weeraraan Islaamka intiisa kale iyo Dowladaha Afrika Dhamaantood, mana qarsanayaan oo Idaacada waad ka maqashaan”.

 

Waxa uu sidoo kale Sheegay in ladilayo Wasiirada Xidhibaanada Aqoon yahanka iyo Xunaha DKMG, waxa uuna Sheegay in ay Waajib tahay in si Deg Deg ah Soomaaliya wax looga qabto isla markaana aysan sidaan ku fiirsan doonin Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  2. Nicolas Bwakira oo sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid dagan
  3. Ismaciil Cumar Geele oo ku Baaqeyn in la taageero Madaxweynaha Cusub lana dhiso Booliis
  4. Meles Zenawi “Nooma Muuqato Baahi ah in Ciidamada Itoobiya Galaan Soomaaliya Haddii aan Khatar la galinin Nabad Sugidayadda”.
  5. Daahir Geele “waxaan ugu Yeerayaa Walaalaha inay Meel iska fariisane ha nala Fariistaan ha na tijaabiyaan”

Readers Comments (10)

  1. weheliye says:

    waa laga yaabaa in aragtida geelle ay koox gaar ah u hiilinayso, miyaaney run ahayn inay soomaaliya khatar ugu jirto hardanka ajaanibta nooc kasta oo ay yihiin?

  2. Abu sumaya says:

    Geele waxuu ahaa nin oday ah laakiin beryahan danbe godob ayuu kagalay ummada somaliyed 1 diyaaradihii laguduqeyay somaliya jabuuti ayey kasokacayen 2 markii laga cararay somaliya waa ka amusay 3 sharif iyo shirqoolka mareeykan asaga ayaa kadanbeyay in ay mujaahidiinta qori isuqaataan asaga ayaa kashaqeyay dadka noolama sinee geele waa nagabawaray

  3. madan says:

    Ismaciil Cumar Geelle cabsi wayn ayaa wuxuu ka qabaa in Somaliya Imaarad Islaami ah ka dhalato taas ayuuna caddeyey isagoo baqdintiisa sal uga dhigay inay somalia noqondoonto meel adduunku ku soo wada duulo, meeshana laga saaro dowladdii waddankiisa lagu soo bacrimiyey. haddaba imaarad islaami oo shareeco alle dabaqdo muslimiinta sidaas oo kale aaminsan kaashato ilaah kaliyana ku tiirsan miyaa inoo fiican mise caalamka daaquudka ah????

  4. wadaad yare says:

    Madaxweyne ismaaciil waa xakiimka geeska afrika, waana nin u damqanaya dadka soomaaliyeed, naasixna u ah. Laakiin duul la marin habaabiyey oo sheydaan wali ka dhigtey ayaa nasiixada dhibsanaya.

    Kolley meel ilaahey ogyahay unbey xaalada soomaaliya ku socotaa, laakiin waxaan shaki laheyn dadka calankii astaanta jiritaanka qaranka soomaaliyeed gubaya ineysan dalka wanaag u wadin.

    Ilaahey dhalin yarada la qaldey xaqa ha tuso, hoo ha dareensiiyo ineysan dalkooda u dumin awaamirta alqacida iyo eriteria awgeed.

  5. ali says:

    asalaama calaykum ismaciil cumar geele warkii ayaa ka xumaaday war gaalo awalba nama rabin ilaahay baan ku xiranahay kuwa u adeegayana waan la dagaalamynaa hadey is bahaystaana ilaahay baan kaalmo waydiisanaynaa waadigase leh waxay ku duulayaan dunida inteeda kale war midkayagii baa malagu haystaa oo uma madax banaanin inaan wax aan leenahay dhisano oo marba mid ay ay reer galbeedku soo dhoo dhoobeen baa sanka nalaga gelinayaa oo mid africaan ahi dilaal ka yahay mana doonayno dhagar qabayaasha gadanaya dhulkayaga iyo dhiigayaga waana iska xoraynaynaa in sha,allah mujaahidiintuna way sii wodayaan jihaadka ismaciilow adigu kistaadii waad qaadatay awalba dilaal ayaad ahayd ee arimahayaga faraha kala bax hanagu soo hormarin arimaha soomaaliya faraha kala bax howlo badan ayaa kuu yaala ee taada xaliso

  6. m says:

    Waxaa xaqiiqo ah, in Ismaaciil Cumar Geelle dalkiisa la gumeysto oo faransiis iyo amerikaan hadda soo dagey ay haystaan, meeshii la rabana looga duulayo har iyo habeyn, haddii uu xoryahay maxaa suudaan dhawrka jeer looga duqeeyey dalkiisa, miyuusan muslim carabi ah aheyn iyo waliba soomaaliya?
    Tan kale Waa xaqiiqo in madaxweyna Geelle uu la safan yahay qabiil ka mid ah qabiilooyinka soomaaliya oo uusan daacad buuxda ka aheyn arrimaha soomaaliya oo dhan.
    Tan saddexaad. Madaxweyne Geelle wuxuu uruursaday dad badan oo aqoon iyo ganacsatayaal ah oo baasabooro siiyey, si ay jabuuti ugu shaqeeyaan oo dalkoodi hooyo u hilmaamaan, miyeysan dhagar weyn aheyn.
    Dadka aqoonta leh waa ogyihiin waxa jabuuti tahay iyo meesha ay wax u waddo.

  7. xiin faniin says:

    wa adigaa dhahaaya somaliya waxaan uga baqaaa inay noqoto meel loga duulo dunida caalamka.. adigaba wadankaaga waxaa doolaan looga soo qaadaa dadalka islaamka /.. maxaa diidaayo somlaiya duulaan looga qaado dalalka gaalada waxaad tahay nin la gumaysto duqantii la duqaeeyay dalkeena meeshaad madaxda aad ka tahay ayaa lagu soo qaaday why aad u diidaysaa anagana inaan duulaan ugu qaadno dalalka gaalada ah war xishoow nin yahoow

  8. wadani says:

    ismail omar geele sheekadiisu waa mudul gubtey mudul gubtay kama naxo. waa odey yar ee u taliya shan boqol oo kun qof qof oo somali ah oo gaalo intey gumaysatey ciishey maskaxdii ka dhaqdey wuxuu doonana wadanka kasameeya waana daba dhilifyada somalida kan ugu weyn

    ismael dhibka uu ka qaylinayo maahan mid saamayn doona dhulka ay somalidu dagto dhamaantood hadii ay ahaan lahayd jabuuti somalia ogaden nfd ee waa dhib isaga shaqsiyan u taabanaya oo ku soo socda oo al shabaab mujaahidiin somalia waa u somalia ma yaqaanaan nfd ogaden iyo jabuti kursiga intey ka qaadaan ayey gaaladana ka cayrinayaan jabuuti waana taas wuxuu ka qaylinayo wayna imaanaysaa in somalia oo dhan la xoreeyo insha alah

  9. Bulxan_01 says:

    ASC
    Waxaa layidhi hadal nin wax badan yirina muu wada odhan nin wax yar yirina kamuu wda tagin, markaa wxaan leeyahay somaliyee goor maad cadawgaaga iyo sidiiqaaga kala baran.Ma ninka gudilayee ku dabar jaraayaad misna inuu dantaa wado garashadaa kusiisaa.

  10. Axmed Yare says:

    Mr.Geele waa nin waaya arag ah waxna tusaaleeyn kara laakiin yaa ka dhagaysan,ma dad dalkoodii gubay oo dadkoodii qaxiyay ayaa warakaas maqlaaya.
    lakiin waxaan shaki ku jirin in hadii soomaaliya hada sida ay ku socoto ay ku sii socoto in Djabuti aysan sii jiridoonin oo hoobiye ka dhici doono Magaala madaxda jabuuti hada waa in la iska qabtaa wadankaa raabiyada qaba.
    Maalin waa qabiil
    maalin waa diin
    Maalin waa shisheeye
    maalin waa al qaacida
    maalin waa waaa waa ….




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  2. Nicolas Bwakira oo sheegay in xaalada Soomaaliya ay tahay mid dagan
  3. Ismaciil Cumar Geele oo ku Baaqeyn in la taageero Madaxweynaha Cusub lana dhiso Booliis
  4. Meles Zenawi “Nooma Muuqato Baahi ah in Ciidamada Itoobiya Galaan Soomaaliya Haddii aan Khatar la galinin Nabad Sugidayadda”.
  5. Daahir Geele “waxaan ugu Yeerayaa Walaalaha inay Meel iska fariisane ha nala Fariistaan ha na tijaabiyaan”

Latest Headlines