Ilaa 6 Ruux ayaa ku Geeriyooday Tiro intaa ka badana wey ku Dhaawacmeen Dagaal laba Beelood oo Walaale ah ku dhexmaray Tuulada Cumar Doon oo hoostagta Magaalada Mustaxiil Gobolka Godey oo dhacda Xadka kala Qeybiya G/Hiiraan & Dhulka Soomaali Galbeed.
Dagaalka ayaa Bilowday Galinkii Dambe ee Shalay isaga oo soo gaaray ilaa Xalay Fiidkii’ waxa uuna Walal ku abuuray Dadka ku dhaqan Degaanada lagu Dagaalamay.
Majirto ilaa iyo hada wax waan waan ah oo laga Dhexwado labada Beelood ee Walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay Degaanka Cumar Doon .
Dagaalada u dhaxeeya Beelaha Wadadaga ee Walaalaha ah ayaa ah kuwa ku soo noqnoqda Soomaaliya marar badan, Diinta Islaamka ee aanu heysanana waxay Xarimeysaa in ay Isdilaan oo ay Dagaalamaan Dadka iyo Beelaha Muslimiinta ah Dhexdooda.

Related posts:
smalimirror waxay tusaale fiican utahay dhexdhexaad nimo iyo dareensiinta dadka soomalida ah inay qabiil ku dagaalan fiido lahayn aakhriyo waa mooyeen. ilaahay kabaqa dadkan xalaashan haya deega walaalahood, rabi kabaqa oo hadaad dhimanhaysaan xaq ku dhina, Jabhadaha kobalkaa kadagaalamayana gaalmeeyo.
somali miror warkiina waa cadeeysateen maanta kuwa isku dilayo koofurta somaliya ee muslinimada sheeganayaa kuma boorineysaan diinta sida manta aad ugu booriseen inaysan diidta muslinka qabir in dad muslim ah isdilaan ayna xaaraantinimeysay sida ku qoran faqrada ugu danbeyso ((( Dagaalada u dhaxeeya Beelaha Wadadaga ee Walaalaha ah ayaa ah kuwa ku soo noqnoqda Soomaaliya marar badan, Diinta Islaamka ee aanu heysanana waxay Xarimeysaa in ay Isdilaan oo ay Dagaalamaan Dadka iyo Beelaha Muslimiinta ah Dhexdooda. )))
http://www.somalimirror.com
sidaas darteed waxaan idiin arkaa mid aan dhexdhexaad ka aheyn arimaha somalida
waadna ku ceebowdeen