Sheekh Maxamed Cali Jaamac oo Nadwada Masjidka Al-Hudaa ee Laascaanood ka jeediyay mowduuc uu ciwaankiisu ahaa“faridda Wanaagsa iyo Reebidda Xumaanta , usuusheeda qawaacideeda iyo aadaabteeda”

Published on June 27, 2009 by   ·   7 Comments   ·   print

Nadwada ka socota Masjidka Al-huddaa ee Magaalada Laascaanood ayaa caaawa gashay Habeenkeedii Sadexaad oo xidhiidha ahna habeenkii labaad ee duruus laga jeediyo Nadwada waxaana Caawa Darsiga soo jeediyay Sheekh Maxamed Cali Jaamac oo ka hadlay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa “faridda Wanaagsa iyo Reebidda Xumaanta , usuusheeda qawaacideeda iyo aadaabteeda”. (Daawo Sawirada/ Dhageysi )

Ugu horeyn waxa uu Sheekh Maxamed Cali Jaamac u mahad celiyay inta uusan darisiga bilaabin culimada reer Laascaanood gaar ahaan Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo uu ku tilmamay in uu yahay Aabaha arimaha Dacwada ee Gobolka.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sheekh Maxamed Cali Jaamac waxa uu mowdiiciisa ku bilaabay xoogaa yar oo hor dhac ah oo la xidhiidha Mowcuuda wuxuuna ka xusay in wixii kheyr ah ee uu sheegaa uu Ilaahay uga Mahad celinayo wixii uu gafana ay naftiisa iyo sheydaan ka ahaadeen uuna ka cudur daanayo.

Sheekhu waxa uu sharaxaad guud oo kooban ka bixiyay Mowduuca iyo halka uu diinta Islaamka ugu jiro , waxaanu sheekhu xusay in farida wanaaga iyo reebidda xumaantu ay tahay waxa ay diintu ku dhisan tahay kana mid ah caqiidada uu muslimku aamin san yahay.

Sheekhu waxa uu uu intaas kadib u galay in uu sharaxaad dheer ka bixiyo farida wanaaga iyo reebidda xumaanta wuxuuna sheegay in qofka muslimka ah marka uu qof kale oo muslim ah ku arko xumaan loga baahan yahay inuu la yimaado aadaabta xumaan reebida iyo farida wanaaga si qofka xumaanta ku jira uu u gar waaqsado xumanta uu ku jiro.

Waxa uu sheekhu soo hadal qaaday kuna dheeraaday aadaabta ay leedahay xumaan reebida iyo farida samaanta waxaanu xusay in loo baahan yahay in dadka si wanaagsan oo cilmiyaysan wax loogu sheego hadii xumaan laga reebayo iyo hadii wanaag la farabaya ,wuxuuna sheekhu xusay in qalafsaaantu ay keenayso in qofkii wax loo sheegayay uu ka biya diido wixii loo sheegayay ayna suura gal tahay in wixii la isku sheegayay wax badal ay yimaadaan oo aan lagu tashan

Sheekhu waxa uu intaas kadib ku dheeraaday culimadii salafku waxa ay ka tidhi xumaan reebida iyo samaan farida wuxuuna soo qaaday hadalada qaar ka mid ah culimadii salafka wuxuuna intaas kadib sii sharxay hadaladii Culimada Salafka Ilaahay raxmadiisa ha siiyee.

Sheekhu waxa uu mowduuca intiisa badan ku soo bandhigay Aayad Quraanka Kariimka ah ka mid ah oo ka hadlaya xumaan rebidda iyo wanaag is faridda wuxuuna sharaxaad aad u dheer oo uu wehliyo Tasiir ka biyay Aayaadkaas ka hadlaya.

Sheekhu waxa uu ugu dambeytii uu mowduuca ku soo gaba gabeeyay qodobo ka halaya xumaan reebidda iyo wanaag faridda wuxuuna dadka u sheegay in mar walba loo baahan yahay in la adeegsado aadaabta iyo qawaacida ay leedahay samaan farida iyo xumaan reebidda si aysan u imaan mushkilad aan lagu tashan.

Intaas kadib waxaa kalmad kooban la siiyay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka hadlay Masalo yarad oo salaadii casar ee maanta ka dhalay Masjidka taas oo ahayn in nin ka tirsan Jaamacada masjidka inta uu istaagay uu sheegay in sawirka iyo galabka wax lagu duubayo ay xaraam yihiin diintuna ay xaarameysay.

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu ugu horeyn soo qaaday Axaadiis ka hadlaysa Sariwka iyo qeybihiisa kala duwan wuxuuna xusay in arinta sawirku ay tahay Masalo khilaafi ah culimaduna ay ku kala qeybsantay culimada badankeeduna ay qabto wixii ay baahi keentay ay banaan tahay  sawirkuna uu u kala qeybsamo qeybo kala duwan.

Waxa u shekh C/naasir uu ku dheeraaday sharaxaad uu ka biyay Xasiis ay Caa’isha Alle ha ka raali noqdee ay ka warisay Nabiga SCW xadiiskaasina uu ku saabsanaa Boobale yar oo ay ku ciyaaraysay Nabiguna uu su’aal ka waydiiyay balse uusan ka nahyin wixii ay ku ciyaaraysay.

Sheekhu waxa uu sheegay in waxa la duubayo looga jeedo in dadka la gaadhiiyo si ay uga faa’iisaytan ujeedada laga leyahayna ay tahay in dadka aan masjidka joogin ama dalka aan joogin sidii loo gaadhsiin lahaa.

Intaa kadib waxa ay culimadu ka jawaabeen su’aalo la soo waydiiyay waxaana si gaar ah su’aalaha ugu jawaabayay Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo jeediyay darsigii xalay baxay iyo Dr Axmed Xaaji C/raxmaan.

Ugu dambeyntii waxa ay gudiga qaban qaabadu u mahad celiyeen Walal ku dhaqan Dalka Denmark ee Red Sea  oo ay sheegeen in ay ka qeyb qaateen howlaha Nadwada , waxayna sidoo kale gudigu u mahad celiyeen Shirkada Isgaadhsiinta  Telesom iyo Hantel oo ku deegay Internetka loo isticmaalayo in nadwada lagu tabiyo iyo taleefanada nadwada lagu gadhsiinayo qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Sheekh Maxamed Cali Jaamac oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Sheekh Maxamed Cali Jaamac oo isku diyaarinaya jeedinta Darsiga

Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo wax qoranaya

Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo wax qoranaya

shekh barshiir Axmed Salad- Dr axmed xaaji  - Sheekh C/risaaq Aadan Macalin
shekh barshiir Axmed Salad- Dr axmed xaaji – Sheekh C/risaaq Aadan Macalin
Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka hadlaya arimaha Sawirka

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ka hadlaya arimaha Sawirka

Dr Axmed Xaaji oo ka jawaabaya Su'aalaha Fatawada

Dr Axmed Xaaji oo ka jawaabaya Su'aalaha Fatawada

fadhiga culimada ee caawa
fadhiga culimada ee caawa

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  2. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abu Xassaan) oo Nadwada Masjidka Rowda ka jeediyay Mowduuc uu Ciwaankiisu yahay “ Jaaliyadaha Soomaalida ee Qurbaha dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda”
  3. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  4. Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo Nawada ka socota Masjidka Al-hudaa ee M. Laascaanoo ugu hadlay mowduuc ahaa “Gaalaysinta iyo qawaacida ay u dajiyeen Ahlu Sunuhu”
  5. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Nadwada ka socota Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuca ah “ISlaamiyiinta Soomaaliya maxay Amaan leeyihiin amase Eed”

Readers Comments (7)

  1. QURBAJOOG says:

    ASCWWB ,MARKA WAXAAN MAHAD GAAR AH UJEEDINAYAA WEBKAAN MAAMULKIISA ILAAH HA IDIN BARAKEEYO OO KHEER ALLAH HA IDIN SIIYO,TAN KALE WAXAAN RABAA INAAN HALKAAN RA’YIGEYGA WALAALNIMO KA DHIIBTO ,CULIMADEENA ILAAH HAKA BAQEEN OO DIINTEENA MUNAZALKA AH EE BARKEYSAN IYO SUNNADII RASUULKEENA SCW WAXAY XARIMEYSO IYO XALAALEYSO DADKA SOOMALIYEED SI NADIIF OO ILAAH UU RAALI KA YAHAY HA UGU CADEEYAAN ,WAQTIGA HADA LA JOOGO WAA WAQTI XASAASI AH ,WAA WAQTIGII RUNTA DADKA LOO SHEEGI LAHAA WAAYE ,LAA KHEYRA FII KAHTIIRIN MIN NAJWAAHUM ILAA MAN AMARA BISADAQATIN AW MACRUUFIN ,AW ISLAAXIN BEYNA NAASI ,WAR ISLAAMKA WAA LAGU SOO DUULEY SHEEKO BADAN WAX MA TARTO ,ISKA DAAYA ADUUN JECELKA ,QIYAAMAHA KA BAQA WAA HADII AAD TIHIIN KUWO RUMEEYEY EEBE SWT ,SHIR BADAN WAX MA TARO ,EE DAACAD UGU ADEEGA MUSLIMIINTA WALAALIHIINA AH ASCWWB.

  2. guled cumar ibaraahin says:

    ascwaxaas salamayaa dhamaan mashaaikhdayda qaaliga eexil iska saaray inay uamad braarujiyaan waynkumahad sanyihiin waxaan rabaa inay culumadu dadlkood siilabin labaa oo kusoo nqodaan xalqa dihii cilmiga eemasaajidada galin hore iyo kudanba kabixi jiaray siay dhaxal uagtgaan uamadna cilmi ugu gudbiyaan dawradaka siadan waamuhiin waayo inay culumada wawayn is arkaan lafdeeda ayaa wax wayana waxaan idiin rajaynayaa khayar iyo inuuilahaay acmaasha ianag aqbalo

  3. Maki. says:

    culumo ogaada muxaadaro quruxbadan iyo cumaamad quruxbadan iyo macawis midna kitaabka ale ku hirgalimaayo ee gala jihaada safka hore. waxay keenaysaa horta kitaabka aad akhriyeysaan inaad karun sheegaysaan, waxay keenaysaa kalsooni ragga jihaadka kujira dhexdooda iyo niyadwanaag. waxay keenaysaa kalsooni shacabka muslimka ah iyo in munaafaq iyo gaalo raac meesha kabaxo ee gala jihaadka.

  4. bariir says:

    maansha ALLAAH ilaahoow culumada noo barakee khayrkay umadaan farayaana ILLAAH ajar hakasiiyo, waxaa kaloo mudan in la xuso SOMALIMIRROR.COM IYO HALGAN.NET oo aah uuga qayb qaatay tabinta khraadkaa KOLAY dadkayaga qurbaha jooga waan ku liibaanay

  5. khadar maxamuud says:

    waxaa marka hore mahad iska leh alaah (subxaanahuu watacaala ) marlabaad waxaan u mahadnaqayaa culimadaa somaliyeed ee isu xilqaantay siddi ay wajibka allah saaray ee ah inay umadan diinta gaarsiiyaan ugudanayaan wajibkooda. waxaanan leyahay walaalayaal allah ayaad ka helaysaan abaal marinta ee hawsha dacwada sidaa u siiwada.
    maantana somaliya waxay u baahantay ee ay ku degaysaa waa dacwad sidaa darteed waa in culimada guntiga dhiisha iskaga dhigtaa oo ay umada badbaadisaa .
    alla mahadleh

  6. abuu ayman says:

    dhamaan islaamka waan salaamayaa intaa kadib
    dadka islaamka in ay isfaraan macruufka waa arin fiican
    laakiin qofka isaga waa inuu marka hore naftiisa iska bilaabaa
    miyaysan munkar ahayn in gaalada wadanka kusoo duushay laga aamuso oo meela kale lagu warwareego marka culumadan meesha isugu tagtay iyagu naftooda haka soo bilaabaan
    xittaa sawirada culumada lagu sheegay waxaa kamid ah dad dhihi jiray amisom yaan xabad lagu ridin kuna caanbaxay inay fitna kadhex abuuraan mujaahidiinta iyo shacabkooda
    mideeda kale waxaa kujira dad ingiriiska say ujoogeen intuu jihaadka socday ayaa marka mujaahidiinta guuleesteen boorsooyin fatwooyina xamar lasoo galy iyo shubuhaad iyagoo intuu jihaadka socday aan xoreenta islaamka kaqeeb qaadan
    xittaa waxaa kamida dadka culumada isku sheega dad yiri gaalada intii jihaad lagu jiray maxaa loo gaadi jiray oo sibareera loogu weerari waayay iyo warar badan oo aad loogu niyad jabinayay dhalinta uistaagtay inay islaamka ugargaaraan

  7. alle u baahane says:

    a/c
    waxaan ku talin lahaa in culimada la ixtiraamo waa warathatul ambiyaa waa ehlu xal walcaqdi
    waa hoganka ummad islaamka waa ilaaliyayaasha xaqa, markaa wiilasha yar yar ee hadalkooda kor ugu qaadaya culimada ilaahay ha ka cabsadeen,hana xishooden




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  2. Sheekh Xasan Maxamed Ibraahiim (Abu Xassaan) oo Nadwada Masjidka Rowda ka jeediyay Mowduuc uu Ciwaankiisu yahay “ Jaaliyadaha Soomaalida ee Qurbaha dhibaatooyinka haysta iyo xalkooda”
  3. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  4. Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo Nawada ka socota Masjidka Al-hudaa ee M. Laascaanoo ugu hadlay mowduuc ahaa “Gaalaysinta iyo qawaacida ay u dajiyeen Ahlu Sunuhu”
  5. Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo Nadwada ka socota Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuca ah “ISlaamiyiinta Soomaaliya maxay Amaan leeyihiin amase Eed”

Latest Headlines