Sheekh C/risaaq Aadan Macalin oo Nawada ka socota Masjidka Al-hudaa ee M. Laascaanoo ugu hadlay mowduuc ahaa “Gaalaysinta iyo qawaacida ay u dajiyeen Ahlu Sunuhu”

Published on June 26, 2009 by   ·   17 Comments   ·   print

Nawada xalay ka bilaabatay Masjidka Al-Hudda ee Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa caawa  si toos ah loo guda galay durruusteedee waxaana darsiga kooowaad ee nadwada caawa soo jeediyay Sheekh C/risaaq Aadam Macalin oo ka hadlay mowduuc uu ciwaankiisa “gaalasysiinta iyo Qawaacida ay u dajiyeen ahlu sunuhu” , (daawo Sawirada)waaxaanu ugu horeyn uu Sheekhu sharaxaad ka bixiyay Gaalaysinta iyo xiligii ay soo bilaabatay heerarkii ay soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay oo si kooban ah.

Audio clip: Adobe Flash Player (version 9 or above) is required to play this audio clip. Download the latest version here. You also need to have JavaScript enabled in your browser.

Sheekh C/risaaq  waxa uu si guudu bidhaamayay gaalaysiinta iyo halka ay diinta ka joogto wuxuuna tibaaxay in qofka la gaalaysiiyo uu ka dhigan yahay qof diinta laga saaray diintuna ay arintaas ka hadashay laguna cadeeyay Kitaabka  Quraanka ah Nabigana SCW uu Axaadiis badan ku sharxay arintaas.

Sheekhu waxa uu intaas kidb uu galay ka hadlida galaysiinta iyo dadkii ugu horeeyay ee wax gaalaysiiya oo uu ku sheegay  in ay ahayd firqada lunsan ee Khawaarijta ah ayna gaalaysiinta bilaabeen xiligii Saxaabada Alle ha ka raali noqdee ,wuxuuna Sheekhu sheegay in gaalaysiintu ay heerar kala duwan soo martay wixii xiligaa ka dambeeyay.

Sheekh C/risaaq intaa kadib uu u galay ka hadlida manhajka Ahlu sunaha iyo halka ay ka istageen galaysiinta wuxuuna soo qaatay qoraalo iyo kutub ay culimadii salafku arintaas ugu hadleen.

Sheekhu waxa uu sidoo kale uu sheegay in qofka muslimka ah uu yahay qof uu Ilaahay Subxaaanahu wa tacaalaa uu sharfay hadii la gaalaysiinaya ay waxyaabo badan ka dhalaneyso kuwaas oo uu ka xusay in ugu horeyn ay imanayso in qofkaas Diinta Islaamka laga saaro marka labaadkan ay ku xigi karto in la dili xoolihiisa iyo dhiigiisana la baneysto qofkaasina u ka dhigan yahay gaal ay waajib tahay in la dilo, wuxuuna Sheekh ka digay dhibaatada ka dhalan karta gaalaysinta qofka muslimka ah wuxuuna arintaas u soo daliiliyay Aayaad Quraan ah iyo sidoo kale Axaadiis Saxiix ah oo Nabi Muxamad CSW ka sugnaaday.

Sheekh C/risaaq waxa uu intaas kadib uga galay heerka ay hadda taaga tahay gaalaysiintu iyo sida ay sahalka u noqotay wuxuuna Sheekhu nasiib daro uu ku tilmaamay sida ay sahalka ugu noqotay dad muslimiin ah ay ugu sahlanaatay gaalaysiinta dadka kale uu muslim ah.

Sheekhu waxa uu si  faah faahsan ugu hadlay sida ay qacaawida ay Diinta Islaamku u dajiysay gaalaysiinta dadka muslimka ah , wuxuuna tilmaamay in masalada aaladaysiintu ay tahay masalo aad u adag kharateedana leh qofka la gaalaysiinayaana loo baahan yahay in lagu arko shuraadaha qofka la gaalaysiiyo , wuxuuna xusay in Culimadii Salafku ay arintaas ka gaabsatay sidoo kalena la helayo Kutubtii ay ka qoreen iyo Fataawadii ay arintaas ka bixiyeenba.

Sheekhu waxa uu ugu dambeyntii ku soo gaba gabeeyay darsigiisa talooyin iyo qodobo la xidhidha galaaysiinta iyo waxyaabaha ka dhalan karaba wuxuuna ku baaqay in dadka muslimka ah ee gaalaysiinaya dadka kale ee muslimka ah ay ka fiirsadaan ficilka ay sameynayaan Ilaahayna u towbad keenaan .

Darsiga waxaa taciil yar oo la xidhiidha  mowduuca Sheekh C/risaaq Aadam Macalin ka hadlay ku lifaaqay Dr Axmed Xaaji wuxuuna ugu horeny uu Dr-ku  uu sheegay in muduuca caawa uu ka hadlay Sheekh C/risaaq uu yahay mowduuc aad u muhiim ah , wuxuuna Dr Axmed shegay in aysan marna suura gal ahayn in qof muslim ah la iska gaalaysiiyo wuxuuna xusay in mudooyinka dambe ay iska shaac baxday in dadka la gaalaysiiyo.

fadhiga Culimada ee caawa

fadhiga Culimada ee caawa

Sheekh C/risaaq Aadam Macalim oo darsiga sharaxaya

Sheekh C/risaaq Aadam Macalim oo darsiga sharaxaya

Bidix -Dr Bashir Axmed Salaad -Midig- Sheekh Maxamed Cali Jaamac

Bidix -Dr Bashir Axmed Salaad -Midig- Sheekh Maxamed Cali Jaamac

Sheekh C/risaaq Aadam Macalim oo darsiga sharaxaya
Sheekh C/risaaq Aadam Macalim oo darsiga sharaxaya

Bidix- Sheekh Axmed Max'ed Suleymaan - Midig Dr Bashir Axmed Salaad

Sheekh C/risaaq oo ka muqda Projectar lagu xidhay gidaarka dibada ah ee masjidka

Sheekh C/risaaq oo ka muqda Projectar lagu xidhay gidaarka dibada ah ee masjidka

dadka uu masjidka ka buxsamay oo nadwada ka daawanaya Porjectar loogu xidhay gidaarka masjidka

dadka uu masjidka ka buxsamay oo nadwada ka daawanaya Porjectar loogu xidhay gidaarka masjidka

dadka oo Nadwada dhageysanaya
dadka oo Nadwada dhageysanaya
dadka oo dhageysanaya Nadwada

dadka oo dhageysanaya Nadwada



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  2. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  3. Af hayeen u hadlay kooxda Ahlu Suna Waljamaaca oo ka hadlay dagaalkii Dhuusa Mareeb
  4. Aadan Garaase oo sheegtey Ahlu-Sunah kuna wajahan B/weyne
  5. C/Laahi Yuusuf & C/Risaaq Askhir oo ku goodiyay in ay Qabsanayaan Kismaayo

Readers Comments (17)

  1. caadle says:

    nadwooyinka culumada ee aad somalimirror soo gudbineysiin waad kumahadsantihiin balse markahore naftiina kabilaaba,
    waxa jirada qabo ee aad taageereysiin ayey culumadane kahadlayaan in ey wada khaldan hayaan ee kasootoobadkeena taageeradiina khawaarijta

  2. karim says:

    Culimada marka ya xaydka & nifaaska ka hadlayaan ayuunbaa kaliya la dhagaysanyaa???

    Sow maaha culimadani kuwii dhahay dagaalka la wado waa sharci daro maxaa loo dhagaysan laayahay???

    Somali Mirrir ilaahay ka cabsada oo bal noosgeega halka ay nimankaan dagaalka wada ay Somalia u wadaan???

  3. c/llaahi maxamed yare says:

    asc/ walaalayaal waad mahadsantihiin dhalinyarada ka shaqaysa somalimirror mana mudnidin in la idin af lagaadeeyo waxaadna taageertaan waxa wanaagsan walaalayaal iska dulqaata waan kaxumahay ninka iga horeeyay oo caytamaya asna waxaan leeyahay walaale hadaad wax saxayso taas ma ahan nesteexo walaale adi iyo kuwa aad leedahay waa khawaarij ilaah ayaan og kii saxan ee adigu ha is dhahirin ilaahay wuxuu leeyahay naftiina ha dhahirina xitaa haday kula khaldanyihiin afkaaga ilaasho maxaa yeelay hdaadan wanaag ku hadleyn waxaa fiican in aad aamusto dhanka kale culumada waxaan leeyahay ilaahay dambigiina ha dhaafo ee dhexdhexaad ahaada markasto dariiqaas waa kii ahlu-sunna wal-jamaaca raga dagaalamayana ha kala taageerina kii khaldana ceebihiisa ha sheeg-sheegina ee inta meeshiisa ugu tagataan u nasteexeeya waadna mahadsantihiin dhamaantiin

  4. Maskiin Alle says:

    AS.somalimaroor waxay isku dhex wadaan camal fiican iyo mid xun.waxayna u badanyihiin taageeridda dhanka selbiyaadka(xun)arinkooduna waa KHALADHUU CAMALAN SAALIXAN WA AAKHARAN SA.YI.AN.laakiin waa un adduunka iyo xaaladda hadda soomaaliya ka.jirtee aakhiro kheyr iyo dembi dhaafbaan ilaahey uga baryeynaa.tankale ceebtiin maahee waa cadadiin inaad commentiskeyga delete gareysaane ha,usugina

  5. xuseen says:

    To–>Caadle

    Walaalkiis waxaa la yaab ah in mawaadin Soomaaliyeed oo qalinkiisa kuu qaatay kuuguna qoray luqada aduunka ugu fiican ee soomaaliga ah, waxa eey wadaadada Soomaaliyeed ka hadleena sida eey tahay u qoray, xitaa ku siiyey in uu soo daabaco waxa aad ku eedeyneysid,..

    In aad meesha la soo shirtagtid eedeyn waa wax laga xumaado, waxaan ale kaaga baryayaa in uu garaadkaaga & Soomaalinimadaada uu kor u qaado, maadaama aan aaminsanahay in aad tahay ruux u janjeera qeybaha dalka Soomaaliyeed isku haya…

    Haddii aan tusaale ku siiyo, shalay sheekh shariif, Janaqoow, & qeyba badan oo ka mid ah waxaa la dhahayey markey jirtey dowladii C/yuusuf, waxaa tahiin alqaacida, waxaa idinka barbardagaala alqaacida, buuraha toro bora ayaa leydinka hogaamiyaa… ayaguna waxeey dhihi jireen waa wax aan aan jirin waxaad leedahiin…..

    Maanta ayagii ayaa dhahaya, sidaa, walina ma aanan arag muqdhiho oo aan ku noolahay dad ajnabi ah oo ka barbardagaalamaya mucaaradka..

    Marka walaalkiis waxaa tahay mawaadin Soomaaliyeed oo aan tix-galinayo fikaradiisa eey aan kala fikrad qaadano….

    Goboladda eeyb mucaaradka ka taliyaan ruux aano qabiil ama anigaa kaa hub badan ama anigaa aabheey mucaaradka waxka yahay wax looguma qabto…waxaana ka jira nabad buuxda.

    Gunaanadkii..
    ………………………………..
    Hadii aad ku qanacsantahay galeyda uu calanka mareykanka ku Sawiranyahay oo aan maalin dhow ka arkay aljasiira markab muqdisha ku soo xirtay oo laga dajinayo & saanada maletry oo uu ugu deeqay qeyb ka mid ah qoladan dalka isku heysata…Aniga waxaan ku odhan lahaa ka toobad keen….

    Nabad waxaa lagu gaaraa iyadoo dhexdeena ka imaatay,, laakiin hadii aad qeyb ugu yeereyso qawaarji, kuwa saanada malateriga la siiyana oo aanu ognahay cida siineysa eey xaq ku taagan yahiin….waxeey ila tahay waxaad ka mid tahay qeybta soomaaliyeed ee jecel in qaxa, iyo dhibka uu sii socdo, Soomaaliyana la kala googooyo……

    Haddii aad rabtid in aad xaalada Dalka wax ka ogaatid waxaa jira dad aan group raacsaneen laakiin ah dad Soomaalinimadu cilmi maadi ahna ale siiiyey(professor Abdi Samatar) kalana weyn tahay wax walba, kasayana siriqda naloo dhigi rabo oo eey beesha caalamka waxa loogu yeero wadaan….

    Waa fikrad mawaadin Soomaaliyeed

    Aloow waxii roon adigaa og eey noo gargaar.

  6. axmed says:

    waxaan qabaa in culimadda la maqlo,waxaana uu sheega kooxaha mayalka adag oo lagu yaqaan falalkani iney ka digtoonadan ayna ka towbad keenan.

    wabilahi towfiiq\\ AXMED WADANI

  7. lascanod says:

    aniga aragtidayda waxay ilatahay in dadka ay walaalyso ama ay kala gayso aaminsanan caqiido ama afkaar taaso oo qofna ka dhigi karta gaal (cadow) qofna walal ama ehel sida daraaded culimada ma waxay nagu qancin karaan dadka somaliya kaso duulay iyo dadka la socda wa ehelkina taas mara kama akhrisan karo kitaabka quraankna nin waliba sidu u fahmo ha ugu dhaqmo allah aya ino kala garsoori dona ayaanta danbe ee dhamaadka aduunka hadalakygu ma ah mid quseya culimada ee wa mid quseeya dadka hadlka culimada sida qaldan ufasiranaya
    nadwada waxan allah haka dhigo mid najaxada oo khayr laga dhaxlo jihaadkana allah hanoo barakeeyo galaad iyo kuwa lasocdana allah ha jabiyo
    dhaqdhaqaq halaganka dhalinayarada ee somaliyana alalh haka dhigo mid rumeeya riyadi somaliya ee ahayd midnimo iyo barwaaqo
    dhalinyarada waxaan alaha uga rajaynaya inay noqdana kuwo toosan oo kashaqeeya danta dalka iyo umuda sida ay yihina ahada waligod

  8. Jiiqeey says:

    War gaalo niman u adeegaya oo musliminta duqeeynaya oo laynaya waa ala dagaalamayaa
    oo dadka waa laga qabanayaa. Yaan la gaaleysiin
    baad ku haysaan intay dadkii dhameeyeen, Baddii
    gateen hadana rabaan in dadka ay fidneeyaan.
    Marka shiikhdu haddii ay u arkeen inay ka
    hadlaan inaan lays gaaleysiin ayadoo jihaad lagu jiro ayaga bay u taal, laakiin saas jihaad
    ku joogsan maayo dadka gaalada soo hogaaminayana waa lala dagaal oo wa la layn.

  9. c/raxmaan goobe says:

    walee waa dhibaato jirta hada ayaa laga hadlayay in qof muslim ah aanan la gaalaysiin caadle na hada ayuu dhahayay yaan la taageerin dadka dadka gaalaysiiya hadana hada ayuu dhahayaa khawaarij war ilaaha ka cabso dadka ha gaalaysiin aayadaha iyo axaadiista qalbigaaga magalayaan miyaa ? erayga gaalaysiinta meel la’aan ma dhaco ama adaa gaal ah ama dadka aad ku tilmaamtay war aakhiradaada unax oo taageeradii yaysan ka badan waana la socdaa waxaas waxa kaa keenaya
    wabilaahi towfiiq

  10. maxamuud cali macallin says:

    caadle
    waxaad u baahan tahay inaad dhegaysato waxay culimado ka hadlayso,ood fahanto,kuna dhaqanto,ha noqon dhidar onkod kiciyey,waad lunsatahay,ilaahay u tawbad keen,mujaahidiinta taageer,ama gaalada ugaandha iyo waxay cago ku wataan labadaas hadba kaad raacdo ayuunbaad macisa noqon

  11. said ali says:

    asc aniga waxaan nahay dad caama ah culumadana wax kama shegeyno lakiin waxaa iga su aal ah nin kii gaal kusaf noqdo iyo nimankii mauslimiinta galada kagadan jiray maxay diinta ka qabtaa?
    KUWII KA HOR IMAADAY OO LADAGAALAMAY GAAL IYO GAAL RAAC MA QAA WAARIJ BAA MAXAAN IN DHAHA ISKU TIRAYNAA
    ANAGANA WAXAAN OG NAHAY MAANTA NIN KII DIINTIISA RUNTA KA SHAAGA WAA ARGAGAXISO WAA AL QAACIDA WALALAYAAL AAN LAAH KA CABSANO OO KALIYA WAA IGA TALO

  12. maryan ali says:

    WAXAAN KALOO LAYAABANAHAY OO AAN IS WEYDIIYAY
    KUWA GAALADA LA SOCDA OO HADANA U YERANAAAYO GAAL OO DHAN DIINTA MAXEY KA QABTAA MASE LAMA SHEEGI KARO OO WAXAA LAGA CABSSNAA REER GALBEED
    MAA ILAAH LAGA CABSADO MAXAA SHAKI NAALOO GALINAA XAQA IYO BAADILKA WAA BA UU MUUQADAA

  13. nabad_doon says:

    salaanta islaam ka kadib(aslama-caleykum-wr.wabarakatu) waa alle mahdii xadii maalin walba arinkaan eey culumada ku cel celiyaan hadane niman yar oo dana qaas leh ineey ku cel celiyaan iygane in eey gaaleysiiyaan dad muslim ah..mida aan la yabay waxay tahay dadkii u horeyay ee dad muslim ah galeysiiya ee dhiigooda baneesto ineey ahyeen (khawarijta) hadaba kuwaan maxey noqonaayaan? allaah un baa og oo ma wanagsana dad muslim ah in waxay aheen lagu sheego lakiin arinka somalia waa arin murugeeysan marka alle ha loo toowbad keeno dhamaanteen…

  14. C/raxmaan Caddow Xasan says:

    A/c
    Walalayaal intaan is naqdin lahayn oo aan isku danbaabi lahayn sow kama fiicna in aan cilmiga sharciga barano oo aan ku dhaqano si aan uga badbaadni fitanta maanta taagan waxyaabaha looga baxo fitnada waxaa ugu muhiimsan cilmiga sharciga
    Tan kale culumada waa warathada anbiyada sida uu sheegay nebiga SCW mar ka waxaa waajib ah in la xushmeeyo xitaa hadii aad fikriyan khilaafsan atahay
    Arrinka ah in aan la gaalaysiin dadka oo aan lagu degdegin waa arrin ku cad nusuuta diinta yaana nlaiska indhotirin
    sidoo kale qofkii gaaal u soo wata umada oo ku laynaya waa waajib in umadda laga qabto marka madaxa kor haloo qaado oo yaanan hal il ama hal dheg la furan

    A/C

  15. somali sharaf leh says:

    important
    asc. ninkii taageersan kooxda shariifku hogaamiyo, amaba u arka in somali ay nabad iyo sharaf u keenayaan ha eego sawirka( masawir/ suurah/pictures) laga soo qaaday shariif iyo miles sanawi uu maalintii jicaha ahayd ku kulmaya addis(http://www.somalimirror.com/2009/06/27/shariif-xasan-meles-zanawi-oo-kulmay/#more-20910). runtii sida shariifku ugu fooraro oo isu dullaynaayo marka uu meles saalaamaayo waa wax laga yaqyasado, magicii iyo sharaftii aan lahayna meel uga dhacaya, waana wax ku dhaca qofkii dadnimadiisa ka taga ee isku daya in uu dad kale noqdo

  16. Mala awaal says:

    Walalow mala awalka maficna waayo salan kadib ayu faristay kadibna warqad ayu u dhibaya. Marka aan saas ku leyahay sakin majecli ee been aburka ayan didaya mahadsanid

  17. Shirwac M Jaamac says:

    Salaamu Alaiku, Jazakalahu Kheyran yaa Somalimirror.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Nadwada Masjidka Al-rowda ee M. Boosaaso Caawa uga hadlay Mowduuc uu ciwaaankiisu ahaa “Adaabta Khilaafka iyo Qawaacida loola dhaqmo dadka is Khilaafsan”
  2. Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Nadwada Masjidka Rowda ee M. Boosaaso caawa ka jeediyay Mowduuc uu ciwaankiisu ahaa ” Aragtiyo koob kooban oo ku aadan Xalka Mushkilada Soomaaliya”
  3. Af hayeen u hadlay kooxda Ahlu Suna Waljamaaca oo ka hadlay dagaalkii Dhuusa Mareeb
  4. Aadan Garaase oo sheegtey Ahlu-Sunah kuna wajahan B/weyne
  5. C/Laahi Yuusuf & C/Risaaq Askhir oo ku goodiyay in ay Qabsanayaan Kismaayo

Latest Headlines