Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Waraysi aanu la yeelanay Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan oo ah Gudoomiyaha Gudiga Qaban Qaabada Nadwada ka bilaabatay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Somalimirror:- Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuh
Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan : Wacalaykumu Salaam Waramatulaahi Warabakaatuh
Somalimirror:- Shekh Axmed ku soo dhawoow Somalimirror
Sheekh Axmed :- waan ku dhawahay Baarakalaalhu Fiikum.
Somalimirror:- waxaad tahay Gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Nadwada lagu qaban doono Magaalada Laascaanood ee qorshaheedu yahay in uu caawa bilowdo faah faahin guud naga sii nadwada iyo qaban qaabada aad u gasheen?
Shekh Axmed: Bismilaahi Raxmaan Raxiim Nadwada waa Nadwo soo socotay ilaa mudo laba sano gudahood tii sadexaad weeye ee goboladan lagu qabto waqooyiga Hargeysa ayay ka soo bilaabatay Burco , Laascaanood baa hadda fursad u heshay ilaahay mahadiis qaban qaabadeeduna meel fiican ayay maraysaa wax alaala wixii loo baahnaana waa noo diyaar waxaan jecelahay taariikhdii loogu tala galay iyo qaabkii loogu tala galay in Ilaahay idankiis ay ku bilaabato.
Somalimirror:– Culimada Nadwada ka qeyb galaysa xageebay ka kala iman doonaan?
Sheekh Axmed :- Culimadu waxa ay ka imanayaan dhaman gobolada dalka ayay ka imaanayaan waana culimadii wadanka ugu caansaneyd uguna aqoonta badneyd waxaan rajeynaynaa in aad looga faa’iidaysan doono.
Somalimirror:–Nadwada Sanadkan maxay ugu duwan tahay maxayse gaar uga tahay kuwii hore hore?
Sheekh Axmed : - hadaan soo koobo waxyaabaha ay ugu duwan tahay waxaa ka mid ah Mowduuca maanta Nadwada tan ciwaankeeda ah oo ah mowduuc wakhtiga kan aad iyo aad loogu baahan yahay baahi wayn loogu qabo oo ku munaasib ah in wakhtigan aad looga hadlo waxaa kaloo Nadwada tani ay ku sifaysan tahay qaban qaabadeedu waa mid ka sareysa nadwooyinkii horay uga dhici jiray gobolkan ama magaaladan is badalka xaga Tiknoolajigana aad ugu faa’iidaysatay iyadoo sidaad og tihiin laga tabin doono Masaajidka Hudaa nadwada toos looga taban doono Nadwada gude iyo dibadba waa is badal weyn oo ay uga duwan tahay waxyaabihii hore.
Somalimirror :- Ciwaanka Nadwada isna bal sharax inaga sii ?
Sheekh Axmed :- saad ogtihiin ciwaanku “الوسطية و التوازن سمة هذه الأمة” dhex dhexaaadnimada iyo isku dheeli tirnaanta ay Diinta Islaamku caanka ku tahay macanaha waxaa weeye dariiqa saxda ah in dadka loo ifiyo ee musataqiimka ah siduu Ilaahay yidhi “وكذلك جعلناكم أمتاً وسطاً” yacni in umada tan ay noqoto mid xaga siduu ahaa ugu taasan “بين الإفراط والتفيض” aanan xaqii ka xad gubin oo aan ka dheereyn kana gaabin oo aan noqon dad ku xad gudba ama ka gaabiya waajibaadkii si sax ah caqiido ahaan iyo akhlaaq ahaan iyo dhan walba dadka Muslimiinta ah looga dhaadhiciyo wadada toosan ee Quluwiga iyo xad gudubka ku jirin isla markaa gaabinta iyo xuma sameyntu ayna ku jirin in dadka loo iftiimiyo ayay tahay ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ciwaankana laga dhadhansan karo.
Somalmirror:- qorshahiina ma ku jirtaa inaad Nadwada gaadhsiisaan Deegaano ka baxsan Gobolka Sool?
Sheekh Axmed:- haduu Ilaahay idmo Nadwada waxaa lagu tabin doonaa qalabkan casriga ah ee Internetka ,Paltalk-ga dibada gudahana sidoo kale waa laga xidhiidhinayaa gobolada meesha ay ka suura galayso gude iyo dibadba in lagala socon doono ayaan rajeynayaa intii Live ama toos ula socon weydana waa loo duubaya oo si dhakhso ah ayay u gaadhi doontaa Insha’allahu Tacaalaa.
Somalmirror:- hadii aad tihiin gudiga qaban qaabada Nadwada sida muuqata ama si dadbanba u muuqata sida muuqataba waxaa baxaya kharashaad loogu tala galay Nadwada inta ay socoto kharashaadkaas yaa idinka gacan siiyay?
Sheekh Axmed :- Soomaalidu isku tashi ayay maalmaha kan ku jirtay oo hormar ay gaadhay weeye markaa sama falayaasha Soomaalida ah dibad iyo gudaba ayaa wax isku daray tabarucaadkoodii oo jeebkooda ka bixiyay baa nadwada tan qaban qaabiyay aad baan ugu mahad celineynaa kheyr Alle ha siiyo, sidoo kale waxaa qeyb ka qaadanaya Shirkadaha Isgaadhsiinta oo iyaguna ku deeqay Internet-ka iyo Taleefanada iyo Isgaadhsiinta iyagana aad ayaan ugu mahad celineynaa koleyba waa isku tashi soomaalida dhex deedu ay isku tashatay oo ay iyagu iska aruuriyeen .
Somalimirror :- waxa Hey’adda ah oo Nadwada ka qeyb qaadatay ma jirtaa ?
Sheekh Axmed :- maya ma jirto wax Hey’ad ah oo ka qeyb qaadatay Soomaalidu in dhaweydba wax Hey’ad ah kuma xidhneyn isku tashi dhexdooda ah ayaa howlahan lagu waday in dhaweydba.
Somalimirror :- Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan Jasaaka laahu Kheyran.
Shekh Axmed : wa iyaaka.

Related posts:
asalaamuc w w waxaan codsanaynaa in naloo soo sheego meelaha paltoga lagala socon doono nadwada laascaanood