Safiirka Ingiriiska Ee Itoobiya oo Maamulka S/land ugu Baaqay inay Doorashadu ku qabsoonto 27-ka Bisha September.

Published on June 26, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Dalka Itoobiya, Norman Link, ayaa Shaaca ka qaaday in horumar laga sameeyay wada hadalo uu labadii cisho ee la soo dhaafay uu la yeeshay Maamulka iyo Xisbiyada Siyaasada oo la xidhiidhay sidii loo hirgelin lahaa in Doorashada Madaxtooyada ee loo Cayima 27-ka Bisha September ay ku qabsoomi lahayd.

Dan-jire Norman Link, wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu Shalay Galab ka dhoofayay Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu dhamaystay booqasho laba maalmood ahayd oo uu ku yimid Somaliland, isagoo la wada kulmay dhinacyada siyaasada iyo xukuumada oo uu soo gaadhsiiyay dhambaal uu ka siday Wasiirka Arrimaha dibada Ingiriiska.

Safiirka Ingiriiska oo ka hadlayay u jeedadii socdaalkiisa, wuxuu yidhi “Waa Booqashadaydii Saddexaad ee aan ku yimaaddo Somaliland,waxaanan joogay muddo 2 Maalmood ah, waxaan la kulmay intii aan joogay Madaxweynaha, Wasiiro iyo Xisbiyada oo aan ka wada hadalnay Qaban-qaabada Doorashada loo cayimay inay Qabsoonto 27 Septemberta foodda innagu soo haysa.kulamadaasi waxay ahaayeen wada hadallo fiican oo aan la yeeshay masuuliyiintaasi wakhti gaar ah, waxaanan rumaysanahay in horumar laga sameeyey iyadoo aan rajaynayo in intaas ka sii badanna maalmaha foodda innagu soo haya la samayn doono. Waxaanna ku kalsoonahay qaabka loo agaasimayo doorashadani inay dhacdo 27 September.”

Danjiruhu wuxuu sheegay in axsaabtu ay ku kala aragti duwanaayeen arrimaha la xidhiidha qaban qaabada doorashada, waxaanu yidhi “Waxaan la kulmay wakiillo ka kala socday saddexda xisbi qaran, waxana jiray kala duwanaansho yar,wuxuu intaas ku daray, waxaa muhiim ah inay la ogaado inaanay habboonayn dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka Somaliland mar afraad, aanayna u fiicnayn sumcadda dalka, iyadoo xisbi kastaa iska fogaynayo, dib u dhac kale oo yimaadda, oo aanu qofna xumaynayn mustaqbalka somaliland, waxaan filayaa inay iminka taas aqbaleen oo ay yeelan doonaan kulamo ay kaga arrinsanayaan inay isu soo dhoweeyaan mowqifyadooda kala duwan.”

Safiirka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay Aragtidiisa ku saabsan in xiligan la Bedelo xubno ka tirsan Komshanka Doorashooyinka ama la wada bedelo, wuxuu tilmaamay in aanu jeclayn inuu u yeedhiyo sida wax u soconayaan, waxaanu yidhi”Ma doonayo inaan mala awaalo, sida wax ugu soconayaan komishanka doorashooyinka somaliland iima taallo inaan u yeedhiyo, arrintaasina waxay u taalla xisbiyada uuna ku jiro komishanku.”.

“Xisbi kastaaba wuxuu aaminsan yahay inaan dib u dhac afraad oo ku yimaadda somaliland aanu u fiicnayn Somaliland Waxaan aaminsanahay in horumar la sameeyey labadii casho ee la soo dhaafay, oo xukuumaddu bixisay saamigii kaga aaddaana kharashka doorashooyinka, iyo hab raaca diiwaangelintii codbixiyayaasha,”ayuu yidhi Danjire Norman Link.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Safiirka Addis-Ababa u fadhiya Dalka Britain oo digniin culus u jeediyey Muwaadiniinta ka jooga Somaliya iyo Maamulka Somaliland.
  2. 5 ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Maamulka S/land oo Qoraal wada jira u gudbiyey Dahir Riyaale.
  3. Maamulka S/land Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Eritrea.
  4. Wakiiladda Deeq-bixiyayaasha oo ganafka ku dhuftay Hindise ay u soo jeediyeen Wasiiro ka socda Maamulka S/land.
  5. Axsaabta Mucaaridka S/land oo si kulul u canbaareeyey Maamulka Riyaale.

Readers Comments (2)

  1. Miska wadahadalka imow says:

    ASC
    Yaa ka taliya “somaliland”? Ma ingriis mise reer soomaliland? WSC

  2. mustafe says:

    salaamu calaykum waxa aan leeyahay ninkaa isku sheegaya in
    uu safiir yahay shicibka somaliland iyaga ayaa aayahooda ka tashanayaa mana aha in la soo faro geliyo waana dal soo maray marxalado badan idanka ilaahay maantana meel wacan baynu marinaynaa sidaa iyo salaamu calaykum




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Safiirka Addis-Ababa u fadhiya Dalka Britain oo digniin culus u jeediyey Muwaadiniinta ka jooga Somaliya iyo Maamulka Somaliland.
  2. 5 ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Maamulka S/land oo Qoraal wada jira u gudbiyey Dahir Riyaale.
  3. Maamulka S/land Oo Jawaab Ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeedhay Eritrea.
  4. Wakiiladda Deeq-bixiyayaasha oo ganafka ku dhuftay Hindise ay u soo jeediyeen Wasiiro ka socda Maamulka S/land.
  5. Axsaabta Mucaaridka S/land oo si kulul u canbaareeyey Maamulka Riyaale.

Latest Headlines