288 Xildhibaan oo ka Cararay Muqdisho.

Published on June 26, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Wargeyska “Tishreen” ee ka soo baxa Dalka Suuriya ayaa sheegay in 288 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka DKMG ah ay ka carareen Magaaladda Muqdisho oo ay Dagaalo xoogani ku dhex-marayaan Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isku dhinac ah iyo DKMG ah.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Qaar ka mid ah Baarlamaanka ay Baxsad ku joogaan Djibouti, Kenya iyo Dowlado ka mid ah Yurub sida: – Sweden, Ingiriiska, Netherland, Norway iyo Maraykanka.

“Kal Fadhi Ma yeelan Baarlamaanka Soomaalida oo ay Tiradda xubnihiisu gaarayaan 550 laga soo bilaabo 25 April ee la soo dhaafay, waxayna u Baahanyihiin si ay kalfadhi u yeeshaan in ay soo xaadiraan 3 meelood labo meel xubnaha Baarlamaanka” ayaa lagu jiri wargeyska “Tishreen”

C/laahi Xaaji Cali oo xubin ka ah Baarlamaanka oo u Baxsaday Kenya Isbuucii la soo dhaafay ayaa u sheegay Routers “Suuro gal iima ah inaan Xubin ka ahaado Xukuumad aan awoodin Sugidda Amaankayga, Soomaaliya qof ku Nabad galaya ma joogo”.

Wargeysa Tishreen ayaa yiri “Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu Baaqey Baarlamaanka inay Dalka dib ugu Soo noqdaan”.

Sidoo kale Wargeyska ayaa lagu xusay “Wasaaradda Maaliyadda waxay Mushaarkii ka goysay 144 xildhibaan oo ku sugan Dalka Dibadiisa”.

“Magaaladda Nairobi waxaa lagu arkayaa Tiro Xildhibaano Soomaali ah oo Shaahaynaya isla markaana ka sheekaysanaya Siyaasadda oo ku sugan Dhowr Hotel iyo Muqaaxiyo ku yaala Magaaladaasi” ayaa lagu yiri Wargeyska “Tishreen”.

Halkan ka Akhriso Warka Wargeyska Tishreen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacey.
  2. Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacey
  3. Xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland & Soomaliland oo Baydhabo isaga cararay.
  4. Maxamed Dheere oo ka Cararay Gurigiisa & Itoobiyaan ku Hareeraysan.
  5. Guryaha 3 xildhibaan oo Magaalada Baydhabo oo la weeraray.

Readers Comments (4)

  1. xuseen iimaan muuse says:

    walaal waxaa layidhi ninkii qayrkii loo xiirayaw sooqoyso adiguna waxaa kaloo layidhi isha weer kalulataa maxay kuu anficiwayday

  2. cabdi fitaax bashiir says:

    walal wan idin salaamaya dhamaan dhalin yarada ka shaqeeysa wabka waad mahad santahiin sida aad dadka somaliyeed oo dhibaateeysan sidaad wax oogu soo dudbineeysaa.
    tankale hadaan ka hadlo fikradeeda dalka soomaliyeed waa lagu soo dulay gaalada oo dhan ayaana kuso dulen waana ku farax sanahay in ee cararan dadka dalkooda gatay waa guul usoo hoyatay dadka soomaaliyeed allaha guuleeyo mujaahidiinta meel kasta oo ay joogaa wad na mahad santihiin asalaamu caleeyku warax matulahi wabarakatu

  3. mustafe says:

    waxa aan aad iyo aad u salaamayaa shabakada somalimirror oo runtii aan anigu is leeyahay waa shabakada koobaad ee somaliya mar labaadka haddii aan ka hadlo fikradayda dadka somaliyeed way wada ogyihiin in gacma shiyeeye aanay marna ka maqnayn laakiin tan ah xildhibaanada ka caray muqdhisho oo wali aad iyo aad u tiro badan waxa uu qof walba oo caqli u saaxiiba fahmayaa dhibta meesha taalaa inta ay leegtahay waana wax laga naxo ee maaha wax lagu farxo wasaalu calykum

  4. Caloofi says:

    weligeena hasoo noqona




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacey.
  2. Xildhibaan Muqdisho lagu dhaawacey
  3. Xubnaha Baarlamaanka ee ka soo jeeda Puntland & Soomaliland oo Baydhabo isaga cararay.
  4. Maxamed Dheere oo ka Cararay Gurigiisa & Itoobiyaan ku Hareeraysan.
  5. Guryaha 3 xildhibaan oo Magaalada Baydhabo oo la weeraray.

Latest Headlines