Sh. Shariif oo Warqad u diray Shirka Wasiiro Arima Dibadeedyadda Carabta.

Published on June 25, 2009 by   ·   2 Comments   ·   print

Sheekh Shariif.Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Camar Muusaa ayaa u soo Bandhigay Kulankii Wasiir Arimo Dibadeedyada Jaamacadda Carabta Warqad uu soo gaarsiiyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed taas oo ay ku qoraayeen Tiro Codsiyo ah si looga hortago Isku dayga lagu afganbinayo DKMG ah.

Mas’uul ka qeyb galay Kulankii Wasiiradda oo ahaa mid Al-Baabadu u xiranyihiin ayaa sheegay in Warqadda uga Timid Sheekh Shariif ay ka koobnayd Tiro Codsiyo ah oo ay ka mid yihiin in laga taageero Siyaasadda, Dhaqaalaha sidoo kalana la Taageero Dadaalka ay Ciidamada AMISOM ugu jiraan sameynta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu codsaday Warqadaasi in Ciidamadda Carabta ay ka qeyb galaan Howsha ay kuwa Midowga Afrika ka wadaan Soomaaliya ee ay kaga Bad-baadinayaan Xukuumadda KMG ah waxa lagu sheegay “Argagixisadda”.

Codsiga ayaa sidoo kale waxa ku jira in la siiyo Ciidamada Amniga DKMG ah Tababar iyo Qalab si loo hanto Sugidda Xaaladda kacsan, sidoo kale DKMG ah ayaa codsatay in laga taageero Dib u dhiska.

DKMG ah ayaa sidoo kale codsatay in la siiyo Lacag si ay u gudato Waajibaadkeeda una Daboosho Baahiyaha Ciidamadeeda.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Madaxweynaha Yemen oo Warqad Hanbalyo ah u diray Sh. Shariif
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.
  4. Baarlamaanka Carabta oo Shir Deg Deg ah ugu Baaqey M. Afrika & Jamacadda Carabta
  5. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.

Readers Comments (2)

  1. Masrux maxamed says:

    A s c haye hadana wa warqad cod ayad ku way warqad miyad ku raadineysa fadlan codsiga wuu ka qaldanyahay maxa yelay carab ayad wax ka codsaney argagixiso ama islamka dhabta ahna wad ladagalamey tuugsiga waa ka qaldanyahay . a s c

  2. Garaad says:

    ma garanayo, waxaan ahayn in aan u bixiyo : IBNU SALOOL KII SOOMAALIDA……….

    waxan filayaa ninka wax ka sheega iyo ninka aflagaadeeyaa midna in aanu ku khaldanayn , waayo isagaa isu geystey wixi lagu yidhaahdoba.

    waxan kula talin lahaa:

    1. inuu ilaah u towbad keeno una soonoqdo. waayo way furan tahay towbaddu weli.
    2. inuu is casilo oo dembiga iyo jariimada uu galay aannu sii istimraarin ( joogteynin) ee halkaa ku soo af jaro…

    ugu dambayn, ilaahay isagaa qaybka oge waxan ka baryayayaa haddii tawbadi u qoran tahay inuu soo hadeeyo… haddii aanu towbad lahayna in uu umadda uga raaxeeyo.
    amin, amin, amin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Madaxweynaha Yemen oo Warqad Hanbalyo ah u diray Sh. Shariif
  2. Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay Doorashada Sh. Shariif
  3. Jamacada Carabta oo soo dhaweysay Imaanshiyaha Sh.Shariif Gudaha Soomaaliya.
  4. Baarlamaanka Carabta oo Shir Deg Deg ah ugu Baaqey M. Afrika & Jamacadda Carabta
  5. Jaamacadda Carabta oo Qabanaysa Shir ku saabsan Somaila & Sacuudiga oo 18 Milyan ugu Deeqay DKMG ah.

Latest Headlines