Salaadii Makhrib ee Caawa kadib waxaa Masjidka Al-Huddaa ee Magaalada Laascaanood si toos ah ugu bilaabatay Nadwo Cilmiyeedkii Sadexaad markii si kale loo dhigana noqoneysa tii koowaad ee Masjidka iyo Guud ahaanba Magaalada lagu qabto, waxaana furitaanka Nadwada ee Caawa ka soo qeyb galay Culimaa’udiin ,Cuqaal iyo Xubno ka tirsan Maamulka Somaliland ee ku sugan magaalada. (Daawo Sawirada)
Ugu horeyn waxaa Nadwada lagu furay Aayaad ka mid ah Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah oo uu akhriyay Yaxye Cabdi Saciid isagoo si gaar ah u akhriyay Aayaadka ugu horeeya Suurada Al-Nadji wuxuuna Yaxye si aad ah ugu cod ekaa Qaariga weyn ee Soomaaliyeed Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi.
Inaa kadib waxa uu xidhiidhiyaha Nadwadu kalmad siiyay Gudoomiyaha Gudiga Qaban qaabada Nadwada Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan, wuxuuna ugu horeyn Sheekh Axmed uu si guud u bidhaamiyay Nadwada Sanadkan iyo Mowduuca looga hadlayo oo uu labadaba ku tilmaamay in ay yihiin kuwo muhiimadooda leh , wuxuuna si gaar ah u sii sharxay Ciwanka Nadwada oo ahaa “ Dhex dhexaad nimada iyo isku dheeli tirnaantu waa sumadda Ummadan , wuxuuna Sheekh Axmed uu sharaxaad kooban oo dul mar ah ku sameeyay Mowduucyada Nadwada looga hadli dono.
Sheekh Axmed waxa uu intaas kadib u galay in uu dadka Nadwada dhageysanayay u sharxo qaabka ay Nadwadu u socon doonto iyo sidii ay ugu faa’iidaysan lahaayeen waxaanu xusay in Nadwadan ay ku soo beegantay xili inta badan dadka wax baran jiray ay ka soo firaaqoobeen waxbrashadoodii fursad wanaagsana ay u tahay in ay Nadwada ugu faaiidaystaan wakhtiga firaaqada ah ee ay ku jiraan.
Intaa kadib waxa uu xidhiidhiyuhu kalmadda siyay Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo ku hadlayay Macaga Culimada waxaanu ugu horeyn uu Sheekh C/naasir uu Sharaxaad aad u dheer oo cilmi ku dhisan uu ku sameeyay ciwaanka Nadwada oo u ku sheegay in uu xambaarsan yahay mowcuuc aad u muhiim ah kama mid an waxayaabaha ay Umadda Muslimka ahi ugu soocan tahay Ummadaha kale “Yuhuud iyo Nasaaro” , wuxuuna intaa kadib uu si gooni gooni ah sharaxaad ugu sii sameeyay mowduucyada ay Nadwadu ka hadli doonto culimaduna ay ku lafa guri donaan.
Sheekh Cabdi Naasir intaa kadib waxa uu u jeesaday sharaxaada Su’aal ay dadku is waydiin karaan oo ahay waxa looga dan leeyahay nadwooyinka la qabanayo ee hadba meel lagu qabanayo wuxuuna Sheekhu ugu horey u xusay in Culimadu ay yihiin Dhaxalkii Amiyada waxa ay Amiyada Ilaahay ay ka dhaxleena ay tahay Cilimiga waajib saarana uu yahay in ay Cilmiga gaadhisiiyaan dadka sababta Nadwooyinka loo qabanayo iyo ujeedada laga leeyahayba ay tahay sidiii dadka loo gaadhsiin lahaa Cilmiga loona baraarujin lahaa sidoo kalena sixitaan loogu sameyn lahaa caqiidadooda loogana hor joogsan lahaa wixii khuraafaad iyo shirki ah.
Intaas marka uu Sheekh Cabdi naasir Kalmadiisa marinayo ayaa Xaflada furitaanka ee Nadwada la sii wadi waayay cilad ka timid Dhanka Korontada Masjidka oo kaliya waxayna ciladaasi keentay in gabi ahaanba ay Nadwadu sii socon weydo waxayna Gudiga Nadwadu ku dhawaaqeen in ay Nadwada halkaa caawa ku ekaan doonto ayna isku holayaan sidi ay cilada korontada u xalin lahaayeen.
Cilada Korontada waxa ay keentay in ay socon waydo Nadwadu waxayna sidoo kale Ciladaasi ay Caqab muuqada iyo mid dadbanba ku noqotay hanaankii Nadwada .
Ku dhawaadkii 9:00 fiidnimo ee Caawa ayay Engineero xaga Korontada ah oo ka socday Shirkada Masjidka Korontada siisa waxa ay soo gaadheen Masjidka waxayna isla markiiba baadhitaan ku sameeyeen fiilooyinka Masjidka ee dabka qaada waxayna Cilada ku sheegeen in ay ka dhalatay Dab Xoojiyaha oo awood u yeelan waayay dabka la isticmaalayo awooda uu leeyahay, taasina ay keentay in Dab Xoojiyuhu uu daqiiqadiiba 2 mar ama 3 mar damo Nasiib wanaag ciladii waa la xaliyay waana tan keentay in Somalimirror ay qoraalkan soo daabacdo
Shabakada Somalimirror waxa ay ku rajo wayn tahay hadii Alle Saamaxo in Nadwada ay u tabin doonto si toos ah sidoo kalena ay wehlin doonaan cod, qoraal iyo sawir.

Boodhka Nadwada

Bidix- Dr Axmed X. C/raxmaan -Midig Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo isla hadlaya

Sheekh Axmed Max'ed Suleymaan G-Gudiga qaban qaabada

Xidhiidhiyaha nadwada



mid ka mid ah Cuqaasha Nadwad lagu casumay

Related posts:
khayr allah ha kadhigo
alaaha ha ina hafid somalimiror waxaano ka codsanayanaa inay balan qaadeeda oo fiso
a/s somalimirror waad ku mahadsan tihiin soo gudbinta nadwada laakiin walaalayaal sidii nadwadii bosaso maad dhagaysi noogu soo gudbi waadna mahadsan tahantiin
mahadsanid
somalimirror xagee uu xafiiskiinu ku yaal email la idin kala soo xidhiidhona noo sheega
mahadsanid
aad bay u mahadsantahay shabakada somali miror waa muraayada saxaafada soomaaliyeed maadaama ay soo gudbinayso nadwada dhexdhexaadnimada ee islaamka waxaana arkaa in xarakada ictisaam ay iska deysey manhajkeedii hore ee ku salaysnaa in dagaalka la wado oo la dagaalamo oo ay wax badan fahmeen oo ay ogaadeen in diintu ay nasteexo tahay waana taa ay culimadii ugu waaweneyd ay wadaan muxaadarooyinkaa aadka u fiican gaar ahaan meeshii xarakada ictisaam ay magaceeda kula baxday magaalada laascaanood oo ay ilaaween meeshaas oo dacwada itixaadka fididiisa wax wayn ka qaadatay.
aadbaad u mahadsantahay nadwada oo cajilada soo geliya