Meles Zenawi “Nooma Muuqato Baahi ah in Ciidamada Itoobiya Galaan Soomaaliya Haddii aan Khatar la galinin Nabad Sugidayadda”.

Published on June 25, 2009 by   ·   13 Comments   ·   print

Meles Zenawi oo Maalinimaddii Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Addis Ababa Xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamadiisu ay Soomaaliya Dib ugu noqon karaan Marka Khatar la galiyo Amniga Qaranka Itoobiya.

Meles oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri “Haddii Nabad Sugidda Qarankayaga aan u aragno Khatar in la galinayo waanu Faragalinaynaa si aan u Baajino Halista waayo Xaq ayaan u leenahay, hase ahaatee nooma muuqato Baahi ah in Ciidamada Itoobiya Galaan Soomaaliya Haddii aan Khatar la galinin Nabad sugidayadda”.

Meles Zenaawi waa uu sii hadlay oo waxa uu Sheegay in kuwa Weeraradda ku haya DKMG ah Argagixiso ka kala yimid Soomaaliya, Afgaqanistaan, Pakistaan, iyo Yemen, Dowladda Itoobiyana si weyn ayay ula socotaa Xaaladooda.

Zenawi waxa uu sheegay in arimahaasi ay Taleefan kaga wada hadleen Sheekh Shariif Sheekh Axmed 22 Bishan June.

Meles wuxuu intaa Raaciyay “Dadaaladda lagu caawinayo Soomaaliya inay Noqdaan kuwo Caalamku Aqoonsanyahay”.

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Soomaaliya Xoog iyo Sharci daro ku galay Dhowr sano ka hor, waxay ka soo baxeen Bishii January ee Sanadkan oo ay ololo Milatari ku hayeen Xoogaga Islaamiyiinta ee Soomaaliya.

Dhanka kale Dowladda Ra’isul Wasaaraha Kenya Raila Odinga oo shir jaraa’id Todobaadkan Gudihiisa ku qabtay Magaaladda Nairobi ayaa si cad u sheegay in aysan wax Ciidamo ahi u dirayn Soomaaliya, waxayna Hadaladani oo dhan imaanayaan xili ay DKMG ah Af-labadii ugu Qeylo dhaansatay Dowladaha Itoobiya, Kenya, Yemen, iyo Djibouti inay la soo gaaraan Gurmad Ciidan oo Deg Deg ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Meles Zenawi “ Uma Qoolni in aan soo Bandhigo Khasaaraha naga soo Gaaray Soomaaliya”
  2. MMIS oo wax lagu farxo ku tilmaamay Hadalkii Meles Zenawi
  3. Meles Zenawi oo Taageeray Dowlada Sh Shariif
  4. Zenawi “Awood uma lihin in aan waligaano Soomaaliya iska Joogno..”
  5. Meles Zanawi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Yurub oo xaalada Soomaaliya kulan ka yeeshay

Readers Comments (13)

  1. mufakir says:

    Zenawi waxa uu sheegay in arimahaasi ay Taleefan kaga wada hadleen Sheekh Shariif Sheekh Axmed 22 Bishan June.

    zinawi wuxuu sasabayaa sxbkiis shariifka oo dharbaaxo uusan waxba ka qaban karin lagu dhuftay

  2. adoon aale maxamud says:

    aniga waan ka soo horjeedaa in waqtigaan cidamo lakeeno somalia waayo waan ognahay waxay kal hore ka sameeyeen dalka oo dhibaato gaarsiiyeen waana caqli xumo in hada ay dhahaan shariif iyo ragiisa cidamo ayaan rabnaa waanan damiir xumo intaa kadib kuwaan dakan dhameeyaay waa mooryaantii xamar oo cimaamad loo galiyay marka hadii ay diidaan wada hadal waa in la iska difaacaa waayo waxaan dareemaynaa barakac baahsan ee hada ka socda muqdisho waxaa barakacay dad gaaraya markaan soo indha indheeyay 159.000 oo qof marka ninka wali ciil usii qba dalka inuu dagaal ku wado iyo kan raba inuu gaalo keeno waa qaldanyihiin laakiin wxaa siidaran nimnkaan dadka iska laynaayaya ee dadka gaalo ku tilaamaya wlaal arintaas waa mamnuc waana in isku meel looga soo horjeestaa waana airin ilaah xarimay wlaal dinta waxay kaqabtaa dadaka dadka macna darada ku diyaalaya inaysan din wadin ee ay dulmi wadaan waan xaraaam arinkaas waxaan ka codasanaya in arinkaas laga fiirsadso ee aan umada somalia la barakicin oo ilaahlagabaqo

  3. adoon aale maxamud says:

    kaliya waxaad fiirisaan arintii ka dhacaday baladwayne ee ahayd qarixii llala beegsaday dadkii masaakiinta ahaa ee halkaas ku nafwaayaay iyo ku wii kudhaawacamay kuwan hawsha fuliyay kaliya waxay u jeedeen labo qof laakiin wxaa halkaas ku nafwaayay 50 ilaa 100 dhaawac iyo wlaiba ka siibadan marka maxaa lgu tilmaamikaraa arinkaas walaalayaal ilaah baan idinkudhaarsahye ma jihaad baa mise waa fasaad dadka waxaas ka danbeeyana ilaah ha kabaqaan amaanka in lasugo maxuma ee dadka bilaa macno halgu laayo ayaa qalada

  4. maxamed cj says:

    ALLAHU AKBAR.

    MAALIN KASTA WAXAAN MAQLAYNAA XAQII OO SOO CADAADA, MAANTA NINKII LABADA SANO SOOMAALI GUMAADAYAY WAA KAN ASAGA AYAA SHEEGTAY IN UU NINKA SHARIIF LA DHAHO LA SOO XARIIRAY..

    HA KEENO CIIDANKIISA WAA LA ARKI DOONAA.

    W/W

  5. xaqsheeg says:

    ASLC WALLAALAYAA MA MAQLEYSEE YUHUUDIGII WAYNAAINUU SHIRIIFKA WADA SHAQEEN LEEYIHIIN WAA NINKII DADKEENII XASUUQAY IN UU XIDHIIDH SHARIFKA WADA LEEYIHIIN WAXAA UU KALOO SHEEGAY IN NABAD SUGIDIISU INAY WADANKA KU JIRTANA WAA CADEEYEY MAXAA SHARIIFKA LAGU AAMINI KARAA

  6. okash says:

    dad aya hadhow murmaya hada ma idin cadatay in sababta ethopiya ay somaliya u qaseyso ay tahay nabadeda HADABA HALKA WAXA KA CAD IN DOWLADA IYO URURADA SUFIYADU KA MID YIHIN AY WAKIIL KA YIHIN NABADA ETHOPIYA HADI AY MESHA KA BAXAN AYU WAXA U U ARKA QATAR HADI KALENA KUWAS AYA U AH U ADEGAYAL NABADA ETHOPIYA DADKA SE U FAKARAN WA YABE MA QOF AN HADALKA FAHMEYN AYA JIRO -SOMALIYEY WAXA LA YAAB AH NIN WADANKISI IYO DADKISI IYO DIINTISI DAGAL IYO HOOG KU WADA ISLA MARKANA U ADEGAYA WADAN KALE O GAALO AH O CADOWGISA AH WAXA DAHGEYSATEN IN Adan MADOOBE Uu LAHA WADAMADA DARSKA AH QATAR AYEY KU JIRAN BAL MAXA KA GALAY WADAMADA DARISKA AH ISIGI WADANKISI AYA QASAN SOW HALKA KAMA FAHANTAN WAXANU IN AY XABASHI YIHIN AN SOMALI IYO ISLAAMNIMO MIDNA DANENEYNIN ILAAAH AYAAN U TALO SARANAY HA NAGA QABTO KUWAS SI DAG DAG AH AMIIIIIIN YAA RABI

  7. mohamed dk says:

    malaz oo baqay tolooow kooxda shariif yaaa u maciina yaaaaaab galadii baa kacararaysa markaas baay kadaba cararayaaan yaaaaaaaaab yaa alaah yaqaaaaaaaanm

  8. Shiiqa says:

    Waxa luuqadaa inuu u hadlo keeney waa mujaahidiintii gaarssiyey inuu ku jabo Soomaaliya..
    Kuwii u ceyb qariyeyna ee Nuur Cadde, Axmed CabdiSalaan, Shariif iyo CabdiRaxmaan CabdiShakuurna waa qixi doonaan insha Allaah..

  9. oday says:

    asc wrt wbt
    warjiraaba cakaaro ayuu iman, maanta umada soomaaliyeed way u wada muuqataa waxa ka jira dalka soomaaliya , dad ayaa waxay ku doodayaan in soomaaliya dowlad la so doortay ka jirto, xukumada shariif iyo baarlamaankeeduba waa kuwee, maxayse yihiin haddii aad dib u eegto,
    bal isweydiiya yaa soo dhistay dowladan ?
    danta loo soo dhisayna maxay tahay ?
    waa dowladii hore oo madaxa iyo raisul wasaaraha laga soo badalay,baarlamaankuna waa qabqablayaashii dagaalka ( hogaamiye kooxeedyaddii ) uu malis zanawi hubka soo siin jiray si ay ugu gumaadaan shacabka soomaaliyeed,.
    hadaba soomaalidu waxay tidhaahdaa :- waa beryay sacabo laguma qariyo,waxay ahaan lahaydba dowlada shariif wakaas daboolkii waxaa ka qaaday malis zanawi,dalka soomaaliya waxuu ka degi la yahay,nin aan eegaynin masiirka umada oo wadaniyad iyo islaamnimo aan eegaynin ,qabyaaladana u dheertahay.

  10. oday says:

    abasiiniya iyo kenya inay soomaaliya soo galaan maslaxaa ku jirta maxaa yeelay, markii horaba kama madhnan dalka , marka iyaga oo soo gala burbur ayaa iyaga ugu jira soomaalidana dowladnimaa ugu jirta,waxaan leenahay haddii aysan dan ugu jirin inay faraha nagala baxaan caano iyo keeg lagu soo dhaweyn maayee , waxa ka soo horeeyaa soo xabad maar kulul ah weeye.

  11. C/qaadir says:

    keenya way Kabaqday Inay Ciidamo Keento Ayadoo markii Hore Tiri Gacmaha Kalaaban Mayno Waxa Soomaaliya Kasocda Markii Loogu hanjabay Haday Soomaaliya Xadka uga Soo Talwdo In Nairobi Laqabsanayo
    Ithobiyana Waad Maqlaysaan Waryaa Shariifka Umaqan Waaraguu Udhawaaqanayay Labdii Ugu Dhawayd OO Uu Rajaynayay
    waasidii Gaalo Iyo Munaa Fiqiin Lagu Yaqaanay Markii Odagii Quusay Bay Dhaheen Kuuma Hiilin Karo

  12. umu khalid says:

    gaaladaduna ha idin nacdo aqira segna ha idinku rido hal meyshey is dhigtaa lagu gowracaa intaa gaal maciin ka doontit dhulka hakugu jiido damiir xumaa shariifku waliba adiga hadad shariiftowhow waa ku ciil qabaan wayoo tarabunka ka cay jirtay lakin maantey sey rabeyn arintu u Noqtay sey ku galan waa la arki doonaa ey ka daRAN AYEY KULA DHAQMI DONAAN AQIRANA KU SEEGTAY SHARFTIINA ISKA QAADAY RABIGEY KU SIIYAY ADIGOON WAXBA EHEYN DADKA ISLAMKA AH EE XAQA JECEL QALBIGOODA KU DUMAY MESHAN MIYAAD IS DHIGTAY ALLOW HADAD NIMCO NASIISO HANAGA CESHAN DULINA IYO DAR XUMO HANA GALIN WAXAN IS WEYDIYAA NINKAN NIMCADI RABIGII MIYUU KA SHUKRIN UU ISLA QADQADAY MARKAS SAAN LOO BAH DILAY ALLOW NASUG INTAAN KALA KULANO ADUUNA HA NAGU FIDNEYN WABILLAAHI TOWFIIQ

  13. sh.c. says:

    A.S.C.W.R.!
    Alaahu akbar,waxaa maahmaah ahaan loo yiri[a]shaki yaqiin aa ka roon![b]xaqa ma duugmo wuu daahiraa![c]luuqluuq galoow laamiguu yimaadaa!
    marka Ilaahey halaga cabsado waad ujeedaan in ninkaan shariif iyo sheekh aan ahay yiri ama lamagacbaxay in uu ergey amxaro soodirsatay yahay cadeyna waa taa uu ninkii soodirsaday oo soo shakho galiyey kashifay oo yiri kuuma dirsan inaad qayladhaantid kii kaa horeeyay baan ku khasaaray oo kudhawaad 100kun askarteena ey ku baqtiday soomaaliya ee kuuma hayo ciidan kuu dhinta ee aduunka kadoono wax shacabkaaga kula xasuuqa!
    marka walaalayaal waad ujeedaan 4,5 oo Ilaahey latartan eh maa shareeco Islaam udhigmata?mise qalinka lugu ansixiyey oolugu saxiixay ayaa kii zinaawi ah!!!
    talo waa sidan [nin kuu digay kuma dilin]!
    TFG uma joogto somaliya iney shacab difaacdo ooy qaran sameyso balse waxay danaheeda guud yihiin oo hadafkoodu yahay in soomaaliya hal soomaali sax ah kunoolaan inta hartayna labaabi’iyo oo ey mustaqbalka ujirin wax ama qof somaliah ooy somaliya kubeeraan dad laga kala keenay geeska afrka oo loo bixiyo somali cusub!!!
    Ilaahey hanaga wada dhigo dad isku duuban oo ka hortaga masiibada noola soo wado inshaa’alaah!
    wasalaamucaleekum!!!!




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Meles Zenawi “ Uma Qoolni in aan soo Bandhigo Khasaaraha naga soo Gaaray Soomaaliya”
  2. MMIS oo wax lagu farxo ku tilmaamay Hadalkii Meles Zenawi
  3. Meles Zenawi oo Taageeray Dowlada Sh Shariif
  4. Zenawi “Awood uma lihin in aan waligaano Soomaaliya iska Joogno..”
  5. Meles Zanawi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Yurub oo xaalada Soomaaliya kulan ka yeeshay

Latest Headlines