Dagaal ka dhacey Duleedka Ceel-baraf ee G/Sh/Dhexe.

Published on June 25, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

Dagaal muddo kooban socdey ayaa Xoogaga Mujaahidiinta Al-shabaab & Ciidamadii Maamulka MMIS ee G/Sh/Dhexe ku dhex marey meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Ceel-baraf ee isla Gobolka.

 

 

Dagaalkan oo ka dhacey deegaanka Calaawi ayaa la sheegayaa inuu yimid ka dib markii xoogaga Al-shabaab oo Saaka Dagaal la’aan kula wareegay Deegaanka Ceel-baraf ay deegaanadaas ku baxeen.

 

Lama sheegin khasaare rasmi ah oo dagaalkan ka dhashey, balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare labada dhinac ah oo dagaalkan ka dhashey.

 

Ma jiro hadal rasmi ah oo labada dhinac ee dagaalku u dhaxeeyay ka soo baxey oo ku aadan faahfaahin dagaalkan.

 

Waxa uuna qeyb ka noqonayaa dagaalo soo noq noqdey oo bilihii ugu danbeeyay Gobolka Shabeelada Dhexe ka dhacayay.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanka Ceel-Baraf G/Sh.Dhexe
  2. Dagaal dib uga bilowdey Duleedka Deg. G/ceel.
  3. Dagaal Beeleed Khasaare Geystey oo ka Dhacey Xuduudka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe
  4. Dagaal ka dhacay Guri-ceel
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Guri-ceel

Readers Comments (5)

  1. caadle says:

    anigaa ceelbaraf wacay, dagaalkune wuxuu kadhacay meel calaag layiraah, waxaa weerar qaaday alshabaab, macalin daahir iyo ragiisune waa ey iskasoo caabiyeen, alshabaabne wuxuu kusoo noqday ceelbaraf,
    taa waxaa lagumacneeyay in macalinku uusan ceelbaraf ugabixin awood yari, balse uu ajiibay codsiga odayaasha deegaanka

  2. shaafto says:

    kolay shababka ayaga meel lagu dula ma ahane wax kalae garan mahayan haye ceel barafna amisom maku sugan mise cadowga ilahay ilaah baa dalacana dona .

  3. dulmi diid says:

    asc dhamaan umadda soomaaliyeed meelkasto ooy joogto waxay ilatahey kuwa u shaqeeya cadowga ee soomaalida ah inaan looga harey meelkaso oo ku dhuuntaan maxaa yeeley waxay meesha u joogaan cadowga gaalada ayageena amarka ka qaataan maalin ka horna shacabka safarka ah ayey halkaas ku dhibaateeyeen marka waa inla sifeeyaa silooga nabadgalo sharkooda oo wada nabad loogumaro

  4. xaamuud says:

    caadle kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    cajiib saas aa loo difaacaa mooryaan jabtay.
    walaal mooryaanka macalin daahir isku magacaabay waxuu helay cashir culus oo ka yabiyay ee aaqiradada yuusan ku seejin, dhalmana iniga qof igama xigto Alla dartiisaana u nacay ee yuusan ku dhigin diin la,aan alaha inoo hanuunsho walaalaheen

  5. Caloofi says:

    waa run in macalin dahir laweeraray laakin maxaa laga faa’iiday meeshaas dad rayid ah ayaa deganaan

    Xarakada Mujaahidiinta Shabab way ku mahadsanyihiin howlaha ay umadda uhayaan laakin waa in ay Maamul Islaami ah udhisaan degmada Ceelbaraf




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanka Ceel-Baraf G/Sh.Dhexe
  2. Dagaal dib uga bilowdey Duleedka Deg. G/ceel.
  3. Dagaal Beeleed Khasaare Geystey oo ka Dhacey Xuduudka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe
  4. Dagaal ka dhacay Guri-ceel
  5. Shil gaari oo ka dhacey Duleedka Deg. Guri-ceel

Latest Headlines